Skip to main content

Sharciga Qorshaha Samatabixinta Mareykanka ee 2021

Sharciga Qorshaha Samatabixinta Mareykanka (ARP) waa xirmo macaash dawladeed ah oo lagu kordhiyay qaar ka mid ah qodobbada Xeerka Kaalmada Socota laga bilaabo Maarso 14, 2021, illaa Sitembar 4, 2021.

ARP waxay kordhisaa Magdhawga Shaqala'aanta Degdega ah ee Safmareenka (PEUC), Kaalmada Shaqala'aanta ee Safmareenka (PUA), iyo barnaamijyada macaashka ee Magdhowga Shaqala'aanta Safmareenka ee Dawladda (FPUC) ee loogu talagalay dadka qaata macaashyada shaqala'aanta ilaa Sitembar 4, 2021.

Waxaan mudnaanta siineynaa barnaamijyada saameeya dadka ugu badan marka hore, waxaana kula wadaagi doonaa faahfaahinada isla marka ay soo baxaan .

Waxaan sii wadi doonaa inaan bixino dhammaan qaansheegashooyinka PUA iyo PEUC ee aan dhicin ama la dhammeysan. Haddii ay kaaga hareen toddobaadyo qaansheegashadaada PUA ama lacagaha kuugu haray ee qaansheegashada PEUC ee aan dhicin, macaashyadaadu dib uma dhacayaan haddii aad sida kale u-qalanto.

Waxyaabaha soo socdaa waa isxigxiga waxa aan ahmiyadda siino si loo sameeyo isbeddelada barnaamijka. FIIRO GAAR AH: Haddii qaansheegashadaada PEUC ama PUA ay dhacday ama ay dhammaatay, waxaad la kulmi kartaa dib u dhac xagga macaashyada ah.

  1. Ahmiyadeena koowaad waa macaashyada toddobaadlaha ah ee $300 ah ee FPUC. FPUC waxaa la kordhiyay ilaa toddobaadka dhammaanaya Sitembar 4.
  2. Kadib waxaan u wareegi doonaa bixinta PUA-da kla muddo kordhiyay. PUA waxaa la kordhiyay laga bilaabo 50 toddobaad oo macaashyo ah ilaa iyo 79 toddobaad oo macaashyo ah. Haddii qaansheegashadaada PUA ay dhacday (gaartay hal sano) ama ay dhammaatay (haraa eber ah), waxaad la kulmi kartaa dib u dhac ku yimaada macaashyada.
  3. Marka xiga, waxaan u wareegi doonaa bixinta PEUC-ta la muddo kordhiyay. PEUC waxaa la kordhiyay laga bilaabo 24 toddobaad oo macaashyo ah ilaa iyo 53 toddobaad oo macaashyo ah. Haddii qaansheegashadaada PEUC ay dhacday (gaartay hal sano) ama ay dhammaatay (haraa eber ah), waxaad la kulmi kartaa dib u dhac ku yimaada macaashyada.
  4. Kadib markaan bilownay bixinta FPUC, PUA, iyo PEUC, waxaan dib u xoojin doonaa shaqadayada ku darida barnaamij cusub, MEUC, oo loogu talagalay dadka haysta mushaaraadka W2 iyo ugu yaraan $5,000 ka hela iskaa u shaqeysiga labaduba.
  5. Ugu dambeyntii, waxaan hubin doonaa in ku dhowaad 6,000 oo qof oo toddobaadyadooda si qoraal gacan ah loo wareejiyay si looga fogaado in lacag dheeraad ah la siiyo ay heli doonaan ilaa iyo laba toddobaad oo macaashyada FPUC ah ee aan u baahan nahay inaan si qoraal gacan ah uga waxqabanno