Skip to main content

Employers

Haddii ganacsigaaga saameysay COVID-19, adiga iyo shaqaalahaaga waad u qalmi kartaan faa’idooyinka shaqo la’aanta. Halkaan waa qaar ka mid ah sheeyada ugu muhiimsan ee la ogaanayo:

Haddii ganacsigaaga dib u furayo, la hubi liiska ee su’aalaha inta badan la is weydiiyo. Hoos waa dhoor qeybood ee warbixinta kugu caawinayo qorsheynta waqtigaan aan la hubin oo adiga iyo shaqaalahaaga.

  • Gacansigaaga wuu u qalmi karaa WorkShare. Barnaamijkaan waa badel ka fariisinta shaqaalahaaga. Waxay kuu ogolaataa inaad haysatid shaqaale xirfadeysan inta lagu jiro waqtiyada tartiibka ah iyada oo la yareynayo saacadaha shaqada. Ogow haddii ganacsigaaga u qalmo barnaamijka Work Share iyo aqri liiska su’aalaha inta badan la is weydiiyo.
  • Haddii badrooniga u suurtogaleynin inay bixiyaan lacag bixinta casnhuurta caymiska shaqo la’aantooda si buuxdo sadexdii bilood ee 2020 (oo dhammaadka waqtiga sharciga oo lacag bixinada waxay aheyd Abriil 30, 2020) sababtoo ah xaqiiqaha la xiriirto COVID-19, Waaxda Shaqada Oregon waxay siinayaan gargaar ganacsi walba oo ay saameysay cudurka safmarka iyo tallaabooyinka yareynayo faafideeda.
  • Haddii aad iskaaga u shaqeysatid, ama aad tihid qandaraasle ama qandaraaslaha madaxabanaan, waad u qalmid kartaa faa’idooyinka inta lagu jiro barnaamijka Caawinta Shaqo la'aanta Cudurka safmarka (PUA).
  • Hubi in shaqaalaha si dhaqsi ah u bilaabeen helitaanka faa’idooyinka shaqo la’aanta adiga oo xaqiijinayo sababta (sababahooda) shaqada oo joojinta ama yareynta saacadaha. Haddii uu qof ka socdo Waaxda Shaqada Oregon kula soo xiriiro adiga, fadlan si degdeg ah u jawaab. Haddii kale tani waxay celin kartaa faa’idooyinka.
  • Waa muhiim inaad si degdeg ah u xareysid wargelinadaada canshuurta joornaatiga sadex biloodlaha ah. Sameynta sidaas, waxaan xaqiijin karnaa daqligaaga shaqaalaha’ oo si dhaqsi ah u siiyaan faa’idooyinka haddii ay u qalmaan.
  • Wixii warbixin dheeraad ah oo sida COVID-19 u sameyn karo dib u furida ganacsigaaga, fiiri hagida ay aasaaseen xafiiska Gofanatooraha.
  • Ka booqo qeybta “Ganacsiga” ee websaydka Waaxda Shaqada Oregon wixii warbixin dheeraad ah.