Sida Loo Isticmaalo Iimayl Sugan

Farriinta daahsoon (sidoo kale loo yaqaan fariimaha aaminka ah) waxay ka hortagtaa qof aan adiga ahayn inuu akhriyo macluumaadka aan kuu soo dirno. Waxaan midaan u isticmaalnaa sirtaada iyo si aan uga hortagno xatooyada aqoonsiga.

Furitaanka fariimaha sugan ee OED

Waaxda Shaqada ee Oregon waxay u isticmaashaa Fariinta Daahsoon ee Xafiiska Microsoft fariimaha aaminka ah ee aan u dirno dadka xareeya faa'iidooyinka caymiska shaqo la'aanta.

Amniga fariimaha aan kuu soo dirno aad ayay muhiim u yihiin. Waxaan aad isugu daynaa inaan ilaalino gaar ahaanshaha xogtaada. Waxaan sidoo kale rabnaa inaan ka hortagno khiyaanada, sida xatooyada aqoonsiga.

Fariinta Daahsoon ee Microsoft Office waxay bixisaa ammaan waana fududahay in la isticmaalo.

  • Haddii aad naga hesho fariin qarsoodi ah, dhagsii xiriirka "Akhri fariinta sugan" ee ku jirta iimaylka. Tani waxay kugu xiri doontaa Xariirka Fariimaha sugan.

Markaa, waxaad:

  • Samayso akoon Microsoft adigoo isticmaaalayo ciwaanka iimsylkayga; ama
  • Kugal nambar sireedka loogu tala galay in hal mar la isticmaalo.

Haddi aad ilowdo nambar sireedka, fur iimaylkaga oo marlabaad dhag sii xiriirka si aad u hesho kood cusub,Koodh kastaa waxaa la isticmaali 15 daqiiqo ka dib marka lasoo diro.

Baro wax badan oo ku saabsan furitaanka fariimaha sugan oo wata sirta fariimaha Microsoft Office.

Galitaanka fariimaha hore

Farriimaha sirta ah ee aanu kuu soo dirnay ka hor inta aanan bilaabin adeegsiga Fariinta Microsoft Office sirta Agoosto 2022 hadda lama heli karo. Haddii aad rabto nuqul ka mid ah go'aanka maamul ee aan kuugu soo dirnay nidaam fariimo ammaan ah oo hore, fadlan nala soo xiriir si aan kuu caawino..