Naftaada Ka ilaali Khiyaanada

Marka shaqaalaha Oregon ay codsadaan dheefaha caymiska shaqo la'aanta, waxaan uga baahanahay inay qaadaan tillaabooyin si ay u xaqiijiyaan aqoonsigooda. Tani waa qayb muhiim ah oo ka mid ah ka hortagga khiyaanada iyo ka caawinta in laiga ilaaliyo shaqaalaha xatooyada ku aadan aqoonsiga. Tusaale ahaan, qof kale ayaa isku dayi kara inuu isticmaalo macluumaadkaaga shakhsiyeed si uu u codsado oo uu ku helo dheefooyinka shaqo la'aanta asagoo adeegsanaya magacaaga. Tan waxaa loo tixgeliyaa xatooyada ku aadan aqoonsiga iyo sidoo kale inay tahay nooc sheegasho oo been abuur ah. Haddii aad mustaqbalka u baahan tahay dheefahaada, xatooyadii hore ee aqoonsiga waxay dib u dhigi kartaa ama haddii kale saameyn kartaa awooddaada inaad dheefo hesho.

Khiyaanada caymiska shaqo la'aantu waa arin qaran, la dagaalanka khiyaanaduna waa mudnaanta wakaalada. Hoos waxaa ku qoran tallaabooyin dheeri ah oo kaa caawinaya inaad naftaada ka ilaaliso khiyaanada, wax isdaba marinada, iyo xatooyada ku aadan aqoonsiga. Waxa kale oo jira agabyo loogu talagalay in lagu soo sheego haddii ay dhacaan.

Aqoonso oona Iska ilaali Khiyaanada Caymiska Shaqo la'aanta

Ka taxadar weerarrada "phishing", kuwaas oo ah fariimo loogu talagalay in lagu khiyaaneeyo dadka si ay u gujiyaan linki ama u wadaagaan macluumaad. Dadku waxa laga yaabaa inay isku dayaan inay macluumaadkaaga xadaan iyagoo iska dhigaya OED ama hay'adaha kale ee dawladda iyagoo markaa kuu soo dirayaan fariimo qoraal ah, iimaylo, ama hababka kale ee isgaarsiinta. Ha gujin linkiyada ku jiraan fariimaha qoraalka ah.

Isticmaal websaydyadeena iyo kanaalada isgaarsiineed ee la aasaasay:

  • Ha aaminin macluumaadka UI ee ka socda shabakadaha aan rasmiga ahayn. Waxaad ka akhrin kartaa macluumaadka ku saabsan oo aadna ka daawan kartaa muuqaalada ku saabsan Barnaamijka Caymiska Shaqala'aanta bartaunemployment.oregon.gov.
  • Websaydyada Oregon waxeey ku dhamaadaan “.gov” or “.state.or.us”. Websaydyada ku dhammaada daba-galayaasha kale maaha meel ammaan ah oo la galo lagana eegto dheefahaaga shaqo la'aanta. Ha aaminin macluumaadka caymiska shaqo la'aanta ee ka socda shabakadaha aan rasmiga ahayn.
  • Ha isticmaalin websayd la isku khiyaameeyo. Haddii aadan hubin, ka bilaaw barta unemployment.oregon.gov. Waxaad ka heli kartaa lifaaqa tooska ah Frances Online iyo lifaaqa kale ee badqabka halkaas.
  • Xaqiiji inaad la falgalayso koontooyinka baraha bulshada ee rasmiga ah ee Waaxda Shaqada ee Oregon. Waxaan si shaqeeneysa akoono ugu leenahay Twitter, Instagram, Facebook, iyo LinkedIn. Waxaa laga yaabaa inaan ku waydiino macluumaadkaaga xiriirka, laakiin marnaba kuma weydiin doonno eray sireed, PIN, ama SSN anagoo adeegsaneyna warbaahinta bulshada.
  • Haddii aad wacitaan ka hesho baare, waxaad ka eegi kartaa magaca qofkaas si aad u xaqiijiso haddii uu u shaqeeyo Waaxda Shaqada ee Oregon barta employeesearch.dasapp.oregon.gov. Wac lambarka ku qoran goobta raadinta shaqaalaha.

Ka digtoonow khayaanada. Marna kuma weydiin doonno lacag si beddelkeeda aad u hesho dheefahaaga. Raac talaabooyinkan si aad naftaada uga ilaaliso khiyaanada:

  • Qoraal uma dirno dadka soo sameeya sheegashada.
  • Waligaa ha siin macluumaadkaaga khaaska ah iimaylka ama fariin qoraaleed aan habooneyn.
  • Iska indho tir wax kastoo codsiyo lacageed ah ama kharashyo ah si ay kaaga caawiyaan helitaanka dheefaha caymiska shaqo la'aanta.
  • Eeg si aad u xaqiijiso in lacag bixintaadu ay ku timaado wakhtigii loogu talagalay. Haddii lacag bixintu ay soo daahdo (oo aysan ahayn fasax dartiis), nala soo xariiri isla markiiba.
  • Ha la wadaagin macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed, PIN-kaaga, ama furahaaga sirta cidna.
  • Dib ha u isticmaalin PIN-yada iyo furayaasha sirta ah. Haddii aad leedahay, beddel iyaga.
  • Ha isticmaalin PIN-yada ama furayaasha sirta ah ee ay ku jiraan magaca ama taariikhda dhalashada ee saaxiibada iyo xubnaha qoyska.
  • Isticmaal PIN-yo iyo furo sireedyo gaar ah oona adag.

Calaamadaha Xatooyada Ku aadan Aqoonsiga

Inta badan dhibbanayaasha xatooyada aqoonsiga ee caymiska shaqo la'aanta ma oga in sheegashooyinka dheefaha caymiska shaqo la'aanta la xareeyay iyo in dheefaha la qaatay iyadoo la adeegsanayo aqoonsiyadooda. Dad badani waxay ogaadaan oo kaliya xatooyada aqoonsiga caymiska shaqo la'aanta iney dhacday kadib markay wax ku helaan boostada, sida lacag-bixin ama foomka canshuurta ee 1099-G ee uu gobolku bixiyay taas oo khalad ah ama ka tarjumaysa dheefo aanay helin.

Waxaa laga yaabaa inaad dhibane u noqotay xatooyada aqoonsiga caymiska shaqala'aanta haddii:

  • Aad naga heshay warqad ku saabsan sheegashadaada caymiska shaqo la'aanta, laakiin aadan xareynin sheegasho/dalab.
  • Aad boostada nooga heshay jeegaga lacagta caymiska shaqo la'aanta oo aan kuu soo dirnay, laakiin aadan xareynin sheegasho dheefeed.
  • Cida aad u shaqaysaa ay kuu sheegeen inay heleen wargelino Waaxda Shaqaalaha oo ku saabsan inaad xaraysay dalabka/sheegashada laakiin aanad xaraynin sheegasho/dalab.
  • Aad heshay foomka 1099-G, laakiin aadan xareynin sheegasho/dalab ku aadan dheefaha caymiska shaqo la'aanta. Kani waa tusaalaha foomka 1099-G.

Waxa ay tahay in La sameeyo haddii aad Dukumentiyo Ka hesho Waaxda Shaqada laakiin Aadan Xareynsan Dheefo

Haddii aad ka hesho foomka canshuurta ee 1099-G Waaxda Shaqada, oo aadan xareysan wax sheegasho ah ama aadan helin dheefaha shaqo la'aanta, isla markiiba nagala soo xidhiidh adoo adeegsanaya foomkeena onlaynka ama adoo soo wacaayo 503-947-1995 ama 1-877-668-3204. Haddii aan xaqiijino in xatooyada aqoonsiga ay dhacday, uma baahnid inaad uga warbixiso Adeegga Dakhliga Gudaha (IRS, Iyadoo la soo gaabiyay oo Ingiriis ah) cadadka 1099-G . Waxaan kuu soo diri doonaa foomka canshuurta ee 1099-G oo wax laga beddelay.

Haddi aad hesho jeegaga manfaca ama Bankiga US Reliacard®, naga soo wac 877-345-3484 ama isticmaal foomka Nala soo Xiriir. Jeegaga u dir Waaxda Shaqada:

Oregon Employment Department

PO Box 14130

Salem, OR 97309

Fadlan ku soo dar sharaxaad kooban oo ku saabsan sababta aad u soo celinayso alaabtan si aan u ogaano talaabada la qaadayo. Marka aan xaqiijino in xatooyo ku aadan aqoonsiga ay dhacday, waxaan kansel gareyn doonaa jeegaga iyo sheegashada caymiska shaqo la'aanta ee been abuurka ah.

Foomka Ka Warbixinta Xatooyada Ku Aadan Aqoonsiga 

Fadlan isticmaal foomka hoose haddii aad u malaynayso in qof xaday aqoonsigaaga si uu u helo dheefaha caymiska shaqo la'aanta. Xubin ka tirsan kooxdayada ayaa kula soo xidhiidhi doona si uu kaala hadlo wax ku saabsan sheegashadaada xatooyada ku aadan aqoonsiga. Waxaad sidoo kale wici kartaa 503-947-1995 ama 1-877-668-3204.

FOOMKA KA WARBIXINTA XATOOYADA KU AADAN AQOONSIGA 

Waxa ay tahay Inaad sameeyso haddii Aad Tahay Dhibane Xatooyo ku aadan Aqoonsiga

Haddii aad tahay dhibane xatooyo aqoonsiyeed, waxaad qaadi kartaa dhowr tallaabo. Tallaabooyinkani waxay kaa caawin karaan ilaalinta dhaqaalahaaga iyo xaddidaanka hawlaha kale ee been abuur ah:

U sheeg Waaxda Shaqada ee Oregon wixii ku saabsan Xatooyada Aqoonsiga

  • Noo soo sheeg xatooyada aqoonsiga ee ku aadan caymiska shaqo la'aanta sida ugu dhaqsaha badan adiga oo uga soo warbixinaayo adoo adeegsanaya foomka Ka Warbixinta Xatooyada Aqoonsiga ee Waaxda Shaqada ama adoo naga soo wacaayo 503-947-1995 ama 1-877-668-3204.
    • Waxaa laga yaabaa inaad wacitaano ka hesho baare haddii aan u baahanahay macluumaad dheeraad ah. OGSOONOW: Waxa laga yaabaa in aanu kaa soo wacno lambar telefoon oo uu talefankaagu muujinayo mid aan liiska ku jirin ama la xannibay. Aqoonsadahaaga soo wacahu waxaa laga yaabaa inuusan dhihin wicitaanku wuxuu ka socdaa Waaxda Shaqada ee Oregon. Waxaan kuu dhaafi doonaa fariin cod ah oo wadata macluumaad ku saabsan sida aad noola soo xiriiri karto. Haddii aanan ka tagi karin farriin codka, waxaan soo diri doonaa warqad.
    • Haddii aad qabto wax walaac ah oo ku saabsan in qofka soo wacay aanu ka iman Waaxda Shaqada ee Oregon, waxaad joojin kartaa wicitaanka oo aad si toos ah noola soo xidhiidhi kartaa adigoo isticmaalaya xullashooyinka ku qoran bogga Ways to Contact Us . Si kastaba ha ahaatee, tani waxay noo keenaysaa dib u dhac ku aadan xagga ka shaqaynta sheegashadaada.
    • Waxaa laga yaabaa inaan codsano dukumeenti dheeri ah (sida warbixinta booliiska ama warqad dhaar) si aan u dhamaystirno baaritaanka.
    • Haddii aad heshay Foomka 1099-G ee dheefaha aanad helin, fadlan isla markiiba noo soo sheeg. Waxaan soo saari karnaa Foom la saxay ee 1099-G waxaanan ku cusboonaysiin karnaa diiwaanka cashuuraha IRS annagoo adiga ku mataleyno.
    • Haddii aad heshay jeeg adigoo aadan xarayn sheegasho, fadlan raac tilmaamaha kor kuxusan si aad u soo celiso. Haddii aad hore u bixisay lacagta ama aad dib u dhigtay soo celinteeda, waxaanu kugu dhiirigelinaynaa inaad nala soo xidhiidho isla markiiba. Haddii kale, adiga ayaa mas'uul ka ah inaad ka warbixiso canshuur celintaada, waxaana laga yaabaa inaad mustaqbalka hesho biil lacag-bixin dheeraad ah oo been abuur ah. ( Lacag-bixinta dheeraad ah waa marka aad hesho dheefo aadan xaq u lahayn inaad hesho.)
  • Ka codso nuqul ka mid ah Warbixinta Mushaharkaaga iyo Dheeftaada Waaxda Shaqada ee Oregon si aad u hubiso inay sax tahay. Waxaad ka codsan kartaa nuqul adoo u maraayo Contact Us page ama adoo soo wacaayo (877) 345-3484.

U sheeg Maamulka Waxyaabaha ku saabsan Xatooyada Aqoonsiga

  • Uga warbixi xatooyada aqoonsiga Guddiga Ganacsiga ee Federaalka adoo isticmaalaya 1-877-ID-THEFT (438-4338) ama booqo identitytheft.gov.
  • La xidhiidh waaxda booliiska ee deegaankaaga.
  • Ogeysii Xafiiska Kormeeraha Guud, adoo u maraayo oig.ssa.gov/report, Haddii Lambarkaada Soshal Sekuritiga (Social Security Number, SSN) si been abuur ah loo isticmaalay.
  • La xidhiidh IRS si aad uga warbixiso xatooyada aqoonsiga iyo in SSN-kaaga loo isticmaalay in lagu xareeyo sheegashada caymiska shaqo la'aan oo been abuur ah. Booqo websaydka IRS si aad u barato sida loo xareeyo cashuurahaaga kadib khiyaanada caymisyada shaqo la'aanta ama xatooyada aqoonsiga.

Ilaasho Akoonadaada

  • La shaqee xirfadle canshuureed ama raac tilmaamaha IRS-ka si aad u xareyso canshuurtaada haddii aad heshay 1099-G oo khalad ah sabab khiyaano darteed.
  • Ka eeg warbixintaada kiridhitka hawl shaki abuurta ama khadadka kiridhitka ee aan la fasaxin ee furmay.
  • Beddel erey-sireedyada akoonada onlaynka oo ka dhig erey-sireedyadaada kuwo adag si kuwa kale aanay si fudud ugu geli karin akoonnadaada.
  • La xidhiidh bixiyeyaasha dhaqaalahaaga (bangiyada iyo shirkadaha kaadhadhka kiridhitka ah) si aad ugu warbiso/calaamadiso lacag-bixinada ama lacag-soogalinada aan caadiga ahayn.

Ka warbixi Khiyaanada Caymiska Shaqo la'aanta

Haddii aad hayso macluumaad ku saabsan khayaanada caymiska shaqo la'aanta, fadlan ka buuxi gudbintayada khiyaanada linkiga hoose ama soo wac 503-947-1995 ama 1-877-668-3204. Waxa aanu dib u eegi doonaa dhamaan tilmaamaha aan helnay, iyadoo aan loo eegin inta uu le'eg yahay macluumaadka aad bixisay. Inta ugu badan ee faahfaahin ee aad bixin karto marka aad ka warbixinayso khiyaanada caymiska shaqo la'aanta, ayaa noqon doonta mid naga sii caawin doonta inaan baarno.

Marka laga soo tago inaad na siiso magaca shakhsiga aad u malaynayso inuu xidhiidh la leeyahay khiyaanada, iyo hawsha been abuurka ah, bixinta faahfaahinada sida ciwaankooda, da'dooda, taariikhda dhalashadooda, ama Lambarkooda Soshal Sekuritiga waxay naga caawinayaan inaan aqoonsano qofka ku jira diiwaanka sheegashadayada/dalabyadeena. .

Haddii aad ka warbixiso in qof uu si buuxda u shaqaynayay isagoo qaadanaya dheefaha, way mid waxtar leh haddii aad bixiso magaca iyo ciwaanka loo shaqeeyaha iyo sidoo kale muddada uu shakhsigu u shaqaynayey, marka lagu daro bixinta macluumaadka ku saabsan shakhsiga. Tani waxay naga caawin doontaa inaan dib u eegno diiwaannada sheegashooyinka iyo mushaharada si aan u go'aamino hawsha khiyaanada ah.

Waxaan ku ilaalinaa macluumaadka aad bixiso si qarsoodi ah, waxaadna codsan kartaa inaad qarsoodi ahaato marka aad ka warbixinayso khiyaanada caymiska shaqo la'aanta. Laakiin, sharciga sirta daryeed, kuuma sheegi karno natiijada wixii baadhitaan ah ee ku salaysan macluumaadka aad nasiisay. Waanu ka mahadcelinaynaa caawimadaada.

FOOMKA GUDBINTA KHIYAANADA