Sheegashada Dhacday iyo Dib u Bilaabida sheegashada
Waxaad u baahaneysaa inaad dib u soo bilowdo codsigaaga haddii aadan xareysan codsi toddobaadle ah oo ku saabsan faa’idooyinka aad ku heli lahayd Barnaamijka Caymiska Baagamoondinimada Tani waa arrin caadi ah haddii mar kale lagaa eryo shaqada ka dib markii aad shaqada ku noqotay. Haddii aad horey u soo martay asbuuc sugitaan, uma baahnid inaad mar kale soo marto usbuuc sugitaan marka aad dib u soo bilowdo codsigaaga .
Haddii ay ka soo wareegatay in ka badan hal sano tan iyo markii aad codsatay faa’idooyinka, codsigaaga waxaa laga yaabaa inuu dhacay.
Maxaan ugu baahanahay inaan dib u soo bilaabo codsigayga?
Waxaad u baahaneysaa inaad dib u soo bilowdo codsigaaga haddii:
- Aadan xareynin codsi toddobaadle ah
- Aad joojisay gudbinta codsiyada toddobaadlaha ah sababo la xiriira inaad xanuunsanayd, fasax ku jirtay, mise asbaabo kale.
- Aad ilowday inaad xareyso codsi toddobaadle ah
- Aad si buuxda u shaqaysay asbuuc mise wax ka badan.
- Aad heshey wax ka badan lacagta faa’idooyinkaaga toddobaadlaha ah muddo dhan asbuuc gudihiisa.
Aysan kuu suurto geli doonin inaad xareyso codsiyada toddobaadlaha ah ilaa maa aad dib u soo bilowdo codsigaaga.
Sideen dib ugu soo bilaabaa codsigayga?
Frances Online: Waxaad dib ugu soo bilaabi kartaa codsigaaga xili walba adigoo adeegsanaya Frances Online. U raac hagahaan si tallaabo ka tallaabo ah si aad u heshid caawimaad dheeri ah
Taleefanka: Wac 877-345-3484 si aad caawimaad oga heshid hawlwadeen heegan ku ah UI Center.
Macluumaad noocee ah ayaan u baahanahay?
Aan ku weydiino haddii aad dhawaan shaqaysay mise haddii aad iskaada u shaqaysato.
Haddii aad shaqaynayso, waxaad u baahantahay macluumaad ku sabaabsan dhammaan badrooniyaashaada ugu dambeeyay si aad dib ugu bilowdid codsi. Tan waxaa ka mid ah:
- Taariikha aad soo shaqaysay.
- Magaca, lambarka taleefonka, iyo ciwaanka badroonigaaga.
- Mushaarka iyo lacagaha aad ka qaadanaysay badroonigaas.
- Sababta aan lagu shaqalaysiin mise aadan u shaqaynaynin labada gelin.
Haddii aad u joojisay codsashada cayrta sababo kale waxaa lagaa rabayaa inaad sheegto sababta aad u joojisay codsashada.
Maxaan sameeyaa ka dib markii aan dib u bilaabo codsigayga?
Asbuuc walba, waa inaad dhammaysaa hawlo gaar ah si aad ugu qalanto qaadashada faa’idooyinka:
- Codsadayaasha badankood waa inay raadsadaan shaqo si ay ugu qalmaan faa’idooyinka.
- Waa inaad xaraysataa codsiga toddobaadlaha ah si aad u muujiso inaad u qalanto.
- Wax badan ogow adigoo booqanaya bogga Weekly Claims(Codsiyada Toddobaadlaha ah).
Ka jawaab su’aalaha ku saabsan codsigaaga, soyaaladaada shaqo, mise macluumaadka kale aan u baahanahay si aan u go’aamino haddii aad istaahisho inaad hesho faa’idooyinka. Si joogta ah u eeg Frances Online iyo boostadaada si aad isla markiiba uga soo jawaabtid fariimaha. Wax badan ka akhri bogga Status Messages.
Ka soo qaad codsigayga wuu dhacay maxaan filan karaa?
Codsiyada mara habraaca saxda ah ee lagu dalbanayo faa’idooyinka Barnaamijka Caymiska Baagamoondinimada (Unemployment Insurance Program) waxaa ku jiraan galka muddo hal sano ah ka hor inta aysan muddadooda dhamaanin/dhicin. Haddii codsigaaga uu dhacay waxaad u baahantahay inaad markale soo codsato si aad u aragtid inaad u qalanto faa’idooyinka.
Wax badan ka ogow sida loo codsado faa’idooyinka adigoo booqanaya bogga How Do I File(Sideen u Xareystaa Codsi)?.