Sharciyada iyo Xeerarka Ceymiska Shaqo La'aanta

boggan:

Taariikh

Sannadkii 1935-kii iyo ka jawaabistii Niyad-jabkii Waynaa (the Great Depression), Koongarasku wuxuu dejiyay barnaamij caymis shaqo la'aan ah oo qayb ka ah Sharciga Soshal Sekuritiga (Social Security Act, SSA). Maanta, barnaamijku waa iskaashi federaal iyo dawlad-goboleed oo ayna kormeerto Waaxda Shaqada ee Mareykanka. Sharciga Soshal Sekuritiga wuxuu siiya deeqo dawlad-goboleedyada leh sharciyada caymiska shaqo la'aanta ee buuxiya shuruudaha federaalka ee ku aadan hab maamulida caymiska shaqo la'aanta iyo kor kala socoshada lacag-bixinada dheefaha. Dawladuhu waxay u isticmaali karaan maalgelintan federaalka kaliya ku maamulida barnaamijyada caymiska shaqo la'aanta.

Gobol kastaa wuxuu leeyahay barnaamij caymis shaqo la'aaneed oo u gaar ah. Xeer-hoosaadka dawlad-goboleedka, oo loogu talagalay in lagu waafajiyo shuruudaha federaalka, ayaa qeexaya dheefaha shaqo la'aanta ee gobolku bixin doono, iyo sidoo kale sida iyo goorta shaqaaluhu u qalmaan. Xeer-hoosaadku wuxuu kaloo dejinayaa wax ku biirinada cashuurta ee loo shaqeeyayaasha gobolka ay ku shubi doonaan sanduuqa aaminaadda ee caymiska shaqo la'aanta ee gobolka.

Waaxda Shaqada ee Oregon waxay maamushaa gobolka Barnaamijka Caymiska Shaqo la'aanta ee Oregon. Sharci-dajiyayaal ku jira Baarlamanka Gobolka Oregon waxay qoraan sharciyada caymiska shaqo la'aanta, kuwaas oo ku jira Xeer-hoosaad 657 ee Oregon Ee Dib loo eegay.

Wakaaladaha gobolka Oregon waxay sidoo kale abuuraan shuruuc maamul oo ka caawiya inay hirgeliyaan oo ayna ka tarjumaan awooddooda sharci ahaaneed. Xeerarka Waaxda Shaqada ee Oregon ayaa ku jiraan Cutubka 471 ee Xeerarka Maamulka Oregon . Kuwan waxaa ka mid ah xeerarka loogu talagalay Barnaamijka Caymiska Shaqo La'aanta. Mararka qaarkood, Waaxda Shaqada ee Oregon waxay sidoo kale curisaa kuwo cusub oo ah xeerar la soo jeediyay ama ku meel gaadh ah.

Intaa waxaa dheer, hindise sharciyeedka Oregon iyo heer federaal ayaa laga yaabaa inay isbedel ku sameeyaan Barnaamijka Caymiska Shaqo La'aanta ee Oregon. Tusaale ahaan, Waaxda Shaqada ee Oregon waxay hirgelisay dhowr barnaamij oo federaal ah iyo shuruudaha gobolka oo la cusboonaysiiyay intii lagu jiray aafadii COVID-19 taas oo ka dhalatay talaabooyin badan oo sharci-dejineed oo federaal iyo heer gobol ah.