Bixinta Ikhtiyaarka Lacag Bixinta

Waaxda Shaqaaleysiintu waxay leedahay dhowr xulashooyin oo lacag-bixineed oo loogu tala galay Caymiska Shaqo La’aanta iyo barnaamijyada Oregon ee fasaxa Mushaharka Leh.

Waxaad isu diiwaan galin kartaa caymiska shaqo la’aanta ama faaiidooyinka fasaxa mushaharka leh ayadoo la adeegsanayo akoon kusoo shubida tooska ah ama kaarka lacag la bixidda ee prepaid Visa®. Waa inaad aqrido ama dhageysato shaacinnada ku saabsan kaarka bangiga ee lacagta lagu sii shubto ka hor inta aan la helin U.S. Bank ReliaCard®. Waa inaad sidaas samayso haddii aad xulato lacagbixinta la adeegsado ReliaCard ama akoon kusoo shubida tooska ah sababtoo ah haddii akoon kusoo shubidaada tooska ah ay guul darreysato waxaa laga yaabaa in lacagbixintaada lagu dallaco ReliaCard.

The Fremont Bridge crosses the Willamette River as old wooden piles stand in the water and a cargo ship docks on the far shore.

Isu diiwaan gali Akoon Kusoo Shubidaada Tooska Ah

Marka la adeegsanayo dhigaalka tooska ah, waxaanu lacagahaaga dheefaha todobaadlaha ah si elegtarooni ah ugu soo wareejinaa koontadaada kaydka ama isticmaalka ee bangiga, urur deymeedkaaga, ama hay’adda dayma iyo kaydka. Waxaad u baahan tahay lambarkaaga cinwaanka u ah baankaaga ee loo yaqaano routing number ama nambarka akoonkaaga si aad u diyaariso akoon kusoo shubidaada tooska ah.

Waxaa jira siyaabo kala duduwan oo loo codsado akoon kusoo shubidaada tooska ah:

  • Labada barnaamijba, waxaad isticmaali kartaa Frances Online si aad u samayso direct deposit.
  • Labada barnaamijba, waxaad daabici kartaa foomka Ogolaanshaha Akoon Kusoo Shubidaada Elegtarooniga ah . Wixii Faaiidooyinka Caymiska Shaqo La’aanta ah, buuxi oo faakis ahaan ugu soo dir lambarka foomka dushiisa ku yaalla ama kusoo dir cinwaanka foomka dushiisa ku yaalla. Wixii faa’iidooyinka fasaxa mushaharka leh ah Ee Oregon, buuxi oo boost kusoo dir cinwaanka foomka dushiisa kuyaala. Xulashadaan waxay daahin doonta helitaanka codsigaaga kusoo shubida tooska ah.

Xasuusnoow inaad si taxaddar leh dib u eegid ugu samayso lambarka akoonkaaga bangiga iyo xogta routing-ka ee cinwaanka baankaaga markaad diyaarinayso akoon kusoo shubidaada tooska ah.

Waxay sidoo kale qaadan kartaa ilaa labo asbuuc in la xaqiijiyo xogta akoonkaaga markii aan helno kadib. Hal mar uun soo gudbi codsigaaga kusoo shubida tooska ah, sababtoo ah soo gudbinta codsi labaad oo loogu tala galay soo shubid toos ah kahor intaan nidaamka xaqiijinta la dhammeystirin waxay dib u bilaabeysaa nidaam xaqiineed cusub. Tani waxay daahin doontaa diyaarinta soo shubidaada tooska ah.

Hel Kaarkaaga Bangiga ee Lacagta Lagu Sii Shubto

Marka kaarka bangiga ee lacagta lagu sii shubto ee Visa, waxaanu lacagtaada ku soo shubnaaReliaCard. Kaarkaan waxaa lagu isticmaali karaa meel kastoo laga isticmaalo kaararka Visa.

Fadlan ka eego kaarka boostada. Wuxuu ku imaan doonaa boshqad meel cad oo daaqad u eg oo laga eegi karo leh. Ha xoorin kaarka, xataa haddii aad hadhoow isu diiwaan galiso soo shubida tooska ah. Haddii soo shubidaada tooska ah ay guul darreysato sababtii ay doontaba ha ku timaadee, waxaanu si ootamaatik ah durba dib ugu baddalaynaa qarashka inaanu kugu siino akoonka ReliaCard. Haddii soo shubidaada tooska ah ay guul darreysato aadna lahayn akoonka ReliaCard, mid ayaa laguu samayn doonaa.

Markii aad hesho kaarkaaga, waad ka shaqeysiin kartaa kaarkaaga adigoo galaaya websaydka kaar haystayaasha ee usbankreliacard.com ama abka taleefanka gacanta ee U.S. Bank ReliaCard Mobile App. Si aad u eegto baaqiga kuugu harsan akoonka ama xogta kale ee akoonka ReliaCard, waxaad ka gali kartaa akoonkaaga onlaynka websaydka kaar haystayasha ReliaCard ama abka taleefanka gacanta.

Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa U.S. Bank haddii kaarkaagii uu kaa lumay ama la xaday ama aad malayneyso in kaarkaagii la xayiray. U.S. Bank waa uu leeyahay tillaabbooyin ammaan oo ku lug lahaan kara xayiridda koontooyinka markii hawl laga shakiyay ay dhacdo ama macaamilo ganacsi oo lagu muransan yahay timaado. Haddii aad rumeysan tahay in kaarkaaga ReliaCard si aan saxnayn loo xayiray, fadlan kala xiriir U.S. Bank lambarka 855-282-6161. Ma jiro wax Waaxda Shaqaaleysiinta ee Oregon ay ka yeeli karto dib uga qaadida xayiraada koontada ReliaCard oo ay ku garab mari karto tillaabooyinka amniga ee U.S. Bank.

Ka Difaac Naftaada Khiyaano

Haddii lagaa dalbado inaad soo dirto lacag ama aad samayso qarash bixin si aad u hesho faaiidooyinkaaga shaqo la’aanta ama faiidooyinka Fasax Mushaharka leh, tani waa khiyaano. Waaxda Shaqaaleysiinta ee Oregon waligeed kaama soo dalbi doonto inaad qarash bixiso si aad u hesho wax faaiidooyin ah oo aad u qalanto inaad hesho.

Sidoo kale anagu ma isticmaalno wax shirkado kale ah oo anaga naga baxsan (waxaan ka ahayn U.S. Bank ReliaCard ama soo shubida tooska ah ayadoo la adeegsanayo akoon aad adigu ogolaatay) si laguugu soo diro faaiidooyinkaaga. Dhammaan xiriirrada ku saabsan faaiidooyinkaaga waxay si toos ah uga imaanayaan Waaxda Shaqaaleysiinta ee Oregon, ee kama imaanayaan shirkad ka baxsan.

Haddii qof kaa dalbo inaad u soo dirto lacag si aad u hesho faaiidooyinkaaga, nagala soo xiriir oregonconsumer.gov ama soo wac 877-877-9392 si aad usoo tebiso khiyaanada.

Haddii aad hesho iimayl ama farriin qoraaleed aad u malayneyso inuu ka yimid qiyaanoole iska dhigaaya Waaxda Shaqaaleysiinta ee Oregon — ama iska dhigaaya sarkaal kale oo dawladeed, sida sharci dejiye — ha gujin linkiyada hana ka jawaabin. Cabasho u dir oregonconsumer.gov ama wac 877-877-9392.

Si aad u xaqiijiso bal in Waaxda Shaqaaleysiinta ee Oregon ay kula soo xiriirtay, fadlan soo wax taleefanka 1-877-345-3484 oo loogu tala galay faiidooyinka Caymiska Shaqo La’aanta ama 1-833-854-0166 oo loogu tala galay faaiidooyinka Fasaxa Mushaharka leh.

Wax badan ka ogoow sida looga difaaco naftaada xatooyada aqoonsiga iyo khiyaanada, iyo waliba sida loo soo tebiyo.

ReliaCard waxaa soo saara Ururka Qaranka ee U.S. Bank sida ku cad sharciga shatiga ee Visa U.S.A. Inc. ©2023 U.S. Bank. FDIC-ga Qofka Xubinta ah.