Barnaamijyada Safmarka

Safmarka COVID-19 wuxuu ahaa mid ku keena dhibaato dhaqaale oo aan horay loo arag iyo shaqo la'aan dadka Oregon, oo dheefaha caymiska shaqo la'aanta ayaa door muhiim ah ka qaatay siinta xasillooni dadka reer Oregon, ayagoo marka wajahayey hoos u dhacyo kale. Waaxda Shaqaaleyntu waxay hirgelisay dhowr barnaamij oo federaali ah oo cusub oo waxeyna cusbooneysisay shuruudaha gobolka intii lagu jiray safmarka - natiijada tallaabooyinka sharci-dejinta ee federaalka iyo gobolka - waxayna ku maareeysay 600% oo korodh ah lacag-bixinada sheegashooyinka ee la bixiyay iyo 1,400% oo korodh ah dheefo markii lagu jiray 2020, marka la barbar dhigo 2019. Tani waxay la mid noqotay in ka badan 580,000 oo qof oo hela dheefaha iyo ku dhawaad bixinta $7.5 bilyan dheefaha UI-ka ah gudaha hal sano (2020).

Barnaamijyada iyo macluumaadka lagu liis gareeyay boggan hadda ma ahan kuwo sii shaqeeyaan ama ma aqbalaan sheegashooyin cusub, laakiin macluumaadka qaar ayaa laga yaabaa inay faa'iido u yeeshaan dadka ka faa'iidaystay barnaamijyada intii lagu jiray cudurka safmarka ahaa.

A reflection of Broadway Bridge shimmers in the Willamette River as snow lines the banks in Portland.

Qorshaha Samatabbixinta Mareykanka (American Rescue Plan, ARP)

ARP-ga wuxuu ahaa xirmo dheef federaali ah oo sii dheereeyay qaar ka mid ah barnaamijyada dheefaha Xeerka Kaalmada Sii-socota laga bilaabo Maarso 14, 2021, illaa Sebtembar 4, 2021. ARP-gu wuxuu sii dheereeyay Gunnada Shaqo La'aanta Degdegga ah ee Cudurka Safmarka ah, Kaalmada Shaqo La'aanta ee Safmarka, iyo barnaamijyada dheefaha Magdhawga ah ee Shaqo la'aanta Uu Keeno Cudurka Safmarka ah ee Federaalka illaa Sebtember 4, 2021.

Xeerka Kaalmada Sii-socota (Continued Assistance Act, CAA)

CAA wuxuu ahaa xirmo dheefooyin federaal ah oo la ansixiyay Diseembar 2020 taasoo bixisay ilaa 11 toddobaad oo dheeri ah oo kaalmooyinka Caawinta Shaqo-la'aanta Cudurka Safmarka ah, bixiyay ilaa 11 toddobaad oo dheeraad ah oo ah Gunnada Shaqo-la'aanta Cudurka Safmarka ah ee Federaalka, una baahdau isbeddello dheeraad ah oo lagu sameeyo barnaamijyada dheefaha federaalka ee la xiriira COVID. CAA waxa kale oo ay soo bandhigtay barnaamijka dheefaha Gunnada Shaqo La'aanta ee Dakhli-helaha Isku-dhafka ah oo loogu talagalay dakhli-helaha isku-dhafka ah ama dadka helay mushaharada W-2 iyo dakhliga ay ka kasbadeen iskood u shaqeynta labadaba.

Xeerka Gargaarka, Mucaawinada, iyo Amniga Dhaqaale (CARES) ee Korona Fayruska (Coronavirus Aid, Relief, and Economic Security, CARES)

Xeerka CARES wuxuu ahaa xirmo dheef federaal ah oo la saxiixay Maarso 27, 2020. Waxay u ogolaatay dad badan inay helaan dheefaha shaqo la'aanta si ka badan sidii hore, gaar ahaan dadka uu saameeyay COVID-19. Sharcigani waxa uu abuuray Caawinaada Shaqo la'aanta ee Cudurka Safmarka ah , Gunnada Shaqo La'aanta Cudurka Safmarka ah ee Federaalka, iyo Magdhawga Shaqo La'aanta Xaaladda Degdegga ah ee Cudurka Safmarka ah.

Ka-dhaafitaanka Lacag-bixinta Dheeraadka ah ee Barnaamijka Federaalka

Waaxda Shaqada ee Mareykanka ayaa bixisa ikhtiyaar ku aadan ka dhaafidda lacag-bixinta dheeraadka ah ee faa'iidooyinka federaalka ee codsadayaasha u qalma. Waxaad codsan kartaa ka-dhaafitaan haddii saraakiisha ay go'aamiyaan inaadan qalad ku lahayn lacag-bixinta dheeraadka ah iyo in dib u bixinta ay sababi karto dhibaato dhaqaale. Ka dhaafidani waxay khusaysaa Magdhawga Shaqala'aanta Xaaladda Degdegga ah ee Cudurka Safmarka ah, Gunnada Shaqo La'aanta Cudurka Safmarka ah ee Federaalka, Caawinaada Shaqo La'aanta Cudurka Safmarka ah, Kaalmada Mushaharka Lumay, iyo Magdhawga Shaqala'aanta Dakhli-helayaasha Isku-dhafka ah. Waxaad codsan kartaa federal waiver online. Haddii aad u baahan tahay caawimo si aad u dhammaystirto ka-dhaafitaankan, wac 503-947-1995. Waxaad codsan kartaa caawinaadda fasiraada iyo turjumaanida.

Gunnada Shaqo La'aanta Cudurka Safmarka ee Federalka (Federal Pandemic Unemployment Compensation, FPUC)

Qof kasta oo hela nooc kasta oo ka mid ah dheefaha shaqo la'aanta wuxuu helay $600 dheeraad ah todobaadkii laga bilaabo Maarso 29, 2020, illaa Luulyo 25, 2020, sida hoos timaada Xeerka CARES. Xeerka Kaalmada Sii-socota iyo Qorshaha Samatabbixinta Mareykanka ayaa sii wadeen dheefaha FPUC $300 todobaadkii laga bilaabo Diseembar 27, 2020, illaa Sebtember 4, 2021.

Hindise Sharciyeedka Aqalka ee 3389(House Bill 3389)

Markey ahayd Luulyo 27, 2021, Barasaabkii hore Kate Brown ayaa u saxiixday sharci House Bill 3389, kaas oo bixiyay cashuur dhimis ku aadan cashuurta mushaharka caymiska shaqo la'aanta ee loo shaqeeyayaasha uu saameeyay safmarka cudurka COVID-19. Qorshuhu wuxuu u oggolaaday loo-shaqeeyayaasha xaqa u leh inay dib u dhigaan saddex-meelood meel ka mid ah mas'uuliyadda cashuurta caymiska shaqala'aanta ee 2021 ilaa Juun 30, 2022, kana fogaadaan dulsaarka iyo ganaaxyada. Qorshahani wuxuu sidoo kale u fidiyay cafis qaar ka mid ah canshuuraha mushaar bixinta. Intaa waxaa dheer, qiimeynta khibradda canshuurta caymiska shaqo la'aanta ee loo shaqeeyaha ee 2022 illaa 2024 ayaa dib loogu celiyay qiimeynta ka hor cudurka safmarka ahaa. Loo-shaqeeyayaasha u qalmay ayaa si otomaatig ah ayaa loo diiwaan geliyay.

Kaalmada Mushaharka La Lumiyay (Lost Wages Assistance, LWA)

LWA wuxuu ahaa barnaamij xaalad degdeg ah oo ku meel gaar ah oo siinayay $300 dheeraad ah usbuucii dadka shaqada ka maqnaa COVID-19 dartiis oo helayay dheefaha shaqo la'aanta. Dheefaha LWA waxaa la heli karay Luulyo 26, 2020, ilaa Sebtembar 5, 2020.

Gunnada Shaqo La'aanta Dakhi-helaha Isku Dhafka ah (Mixed Earner Unemployment Compensation, MEUC)

MEUC wuxuu ahaa barnaamij uu sameeyay Xeerka Kaalmada Sii-socota. Waxa uuna dhacay Sebtembar 4, 2021. Wuxuu siinayay "shaqaalaha isku-dhafka ah" $100 dheeraad ah oo dheef toddobaadle ah. “Shaqaalaha isku-dhafka ahi” waa qof ka qaata loo shaqeeyaha W-2 oona ka kasbada dakhli iskiis u shaqayskiisa/teeda labadaba.

Gunnada Shaqo La'aanta Xaaladda Degdegga ah ee Cudurka Safmarka (Pandemic Emergency Unemployment Compensation, PEUC)

PEUC waxa uu ahaa barnaamij loogu talagalay u dheeraynta dheefta dadka uu ka dhamaaday caymiskoodii caadiga ahaa ee shaqo la'aanta. Xeerka Gargaarka, Mucaawinada iyo Amniga Dhaqaale ee Korona Fayruska ayaa abuuray barnaamijka. Qorshaha Samatabbixinta Mareykan wuxuu u oggolaaday qofka inuu helo wadar ahaan 53 toddobaad oo dheefaha PEUC ah ama inuu helo dheefaha ilaa usbuuca dhammaanaya Sebtembar 4, 2021.

Barnaamijka Ilaalinta Mushaharka (Paycheck Protection Program, PPP)

PPP wuxuu ahaa amaah federaali ah oo loogu talagalay in lagu dhiirigaliyo ganacsiyada yaryar inay shaqaalahooda ku hayaan liiska mushahar-bixinta. Amaahidayaashu waxay xaq u lahaayeen cafiska deynta PPP.

Kaalmada Shaqo La'aanta Safmarka (Pandemic Unemployment Assistance, PUA)

PUA wuxuu ahaa barnaamij dheef shaqo la'aaneed oo federaal ah oo loo abuuray in looga jawaabo safmarka COVID-19. Waxaa loogu talagalay dadka iskood u shaqeysta, dadka qandaraaslayaasha ahaa, iyo shaqaalayaasha kale ee aan u qalmin manfacyada shaqo la'aanta joogtada ah. Codsadayaashu waxay heli kareen ilaa 79 toddobaad oo PUA ah ilaa Sebtembar 4, 2021. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dheefa barnaamijkan uu bixiyay ayaa kujira PUA Benefits Calculator, PUA Self-Employment/Employment Interactive Tool iyo PUA Backdating Interactive Tool.

Ka reebitaanada in laguu tixgeliyo qof shaqo la'aan ah

Guud ahaan, dadka ayaa loo tixgeliyaa iney yihiin shaqo la'aan haddii ay shaqeeyaan in ka yar 40 saacadood toddobaadkii oo ay helaan wax ka yar qaddarkooda dheefaha toddobaadlaha ah (weekly benefit amount, WBA). Sharciyada ayaa 2020 iyo 2021 si ku meel gaar ah meesha uga saaray shuruuda ah in dadku aysan qaadan karin wax ka badan WBA-da waxayna qeexeeyn in dadka loo arko shaqola'aan usbuuc kasta oo aysan qaban wax adeeg ah ama ay haystaan wax ka yar shaqo waqti-buuxda ah. Ka-reebitaanadani waxa ay jireen laga bilaabo Sebtembar 6, 2020, illaa Jan. 1, 2022.

Ka-dhaafitaanka shaqo la'aanta toddobaadka sugitaanka

Toddobaadka sugitaanka waa toddobaadka ugu horreeya ee uu qofka xareenayo sheegashada toddobaadlaha ah oo uuna buuxinayo dhammaan shuruudaha u-qalmitaanka. Kahor intaanay dadku bilaabin inay helaan dheefaha, sharciga Oregon wuxuu u baahan yahay hal usbuuc oo sugitaan codsi kasta. Gudaha bishii Abriil 2020, Barasaabkii hore Kate Brown waxay ka reebtay shuruudii looga baahnaa shaqaalaha inay u qaataan usbuuca sugitaanka inta lagu jiro xaaladdii degdegga ee COVID-19. Dhammaan shaqaalihii xareystay sheegashadii hore ka dib markii uu barasaabku ku dhawaaqay xaaladda degdegga ah waxay heleen lacag-bixinta toddobaadkii sugitaanka ahaa. Tani kuma darin hal usbuuc oo dheefooyin ah sheegashada, laakiin taa beddelkeeda waxay u ogolaatay shaqaalaha inay helaan gunnadooda dheefta ugu horraysa toddobaad ka hor marka loo eegu markii uu jiray toddobaadka sugitaanka. Qof kasta oo xareeyay sheegasho cusub ilaa sebtembar 4, 2021, ayaa lacagtiisa/teeda la siiyay toddobaadkan ugu horeeya.