Hannaanka Rafcaanada

Mar kasta oo aanu yarayno ama kaa joojino macaashyadaada, waxaanu kuu soo dirnaa go’aan maamuleed. Haddii aadan oggolayn go’aanka maamuleed, waxaad xaq u leedahay inaad dacwad-dhageysi ka codsato Xafiiska Dacwad-dhageysiyada Maamuleed waxaadna codsan kartaa go’aanka in dib loo eego iyadoo loo marayo hannaanka rafcaanada. Shaqo-bixiyahaagu isna xuquuqdaas oo kale ayuu leeyahay mararka qaarkood.

Muddada dacwad-dhageysigu socdo, xaakimka sharciga maamuleed ee ka socda Xafiiska Dacwad-dhageysiyada Maamuleed ayaa caddaymaha ka dhageysan doona dadka ku lugta leh isla markaana go’aan soo saari doona. Dacwad-dhageysiyada badanaa taleefanka ayaa lagu qabtaa.

Haddii aad rafcaan ka qaadato go’aan maamuleed, sii wad inaad xeraysato helitaanka macaashyada toddobaad kasta. Haddii rafcaanka sida aad rabtay loo go’aamiyo, waxaa lagu siin doonaa lacagta keliya toddobaadyada aad wakhtigeeda ku qaansheegatay.

Xerayso rafcaan wakhtiyeysan

Go’aamada maamuleed waxay noqdaan kamadambeys 20 maalmood kadib markaanu dirno, markaa u xerayso rafcaan si dhakhso ah haddii aad rabto dacwad-dhageysi. Go’aanka maamuleed ee hore dib loo eegi maayo haddii aadan rafcaan u xeraysan si waqtiyeysan.

Codso dacwad-dhageysi

Foomka la socda go’aanka maamuleed ee kiiskaaga laga gaaray waxaa ku jiri doona tilmaamo khuseeya sida aad rafcaan u xeraysan karto.  Sidoo kale waxaad xareysan kartaa rafcaan waxaadna u codsan kartaa dacwad-dhageysi qaababka soo socda:

  • Dir codsiga adigoo u maraya foomka Nala Soo Xiriir​.
  • Codsiga fakis ahaan ugu dir lambarka 503-947-1335.
  • Codsiga u dir Unemployment Insurance – Hearings, 875 Union St NE, Salem, OR 97301.
  • Wac 503-947-3149 oo u dhaaf farriin wadata dhammaan macluumaadka loo baahan yahay.

Waxaad buuxin kartaa Codsiga Dacwad-dhageysiga (Foomka 2602) si aad u hubiso inaad qortay dhammaan macluumaadka daruuriga ah. Ku qor macluumaadka soo socda gudaha codsigaaga:

  • Lambarkaaga Sugnaanta Bulshada (SSN) ama Lambarka Aqoonsiga Macmiilka (CID).
  • Lambarka go’aanka maamuleed. Lambarkani wuxuu ku yaalaa warqadda aanu kuu soo dirnay.
  • Taariikhda la gaaray go’aanka aad rafcaanka ka qaadanayso.
  • Macluumaadka naga caawin doona inaanu fahamno sababta aad u waafaqsanayn go’aanka.
  • Taariikhaha iyo wakhtiyada gaarka ah ee dacwad-dhageysiga aadan kaqaybgeli karin.

Waxaanu kuu diyaarin doonaa caawimaad luuqadeed iyo qaabilaado kale oo bilaa lacag ah.

Waxaad ka heli kartaa mamcluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dacwad-dhageysiyada iyo hannaanka rafcaanada mareegta Xafiiska Dacwad-dhageysiyada Maamuleed.

Cusboonaysii cinwaankaaga

Haddii aad codsatay dacwad-dhageysi una baahan tahay inaad cusboonaysiiso cinwaankaaga, waxaa waajib ah inaad ku wargeliso Xafiiska Dacwad-dhageysiyada Maamuleed oo aad ka wacdo lambarka 503-947-1515 iyo Xarunta Caymiska Shaqo-la’aanta.