Waa maxay Wadaagga Shaqada (Work Share)?
Barnaamijka Wadaagga Shaqada(Work Share) wuxuu ka caawiyaa ganacsiyada Oregon inay ka fogaadaan shaqo ka joojinta oo ay sii wataan kartida inta lagu jiro hoos u dhaca ku meel gaarka ah ee ganacsiga. Halkii ay shaqaalaha ka saari lahaayeen, loo-shaqeeyayaashu waxay yareeyaan saacadaha shaqaalaha qaarkood ka dibna waxay isticmaalaan faa'iidooyinka caymiska shaqo la'aanta si ay u kabaan qayb ka mid ah mushaharka shaqaalahan ay ku waayaan natiijada saacadaha la jaray. Work Share (Wadaagida Shaqada).
Barnaamijka Work Share wuxuu u oggolaanayaa shaqo-bixiyeyaasha inay:
- Haystaa shaqaalahooda tababaran oona xirfadda leh.
- Ka fogadaan shaqaaleysiinta iyo tababarka shaqaalaha mustaqbalka.
- Ilaaliyaan niyadda shaqaalaha.
Gunnooyinka Work Share waxay ka caawiyaan shaqaalaha:
- Inay xoojistaan sii haysashada shaqada.
- Inay haystaan xirfadooda iyo shahaadooyinkooda.
- Inay sii haystaan gunnooyinka daryeelka caafimaadka iyo hawlgabka.
- Inay si qayb ahaan loogu beddelo dakhliga laga jaray ee ka dhashay saacadaha la dhimay.

Boqolaal loo-shaqeeyayaal ah ayaa isticmaala Work Share Oregon si ay uga fogaadaan shaqo ka joojinta
Ka shaqaale ahaan, ma codsan kartid Work Share. Keliya Loo shaqeeyayaalka ayaa codsan kara inay ka qaybqaataan barnaamijka. Loo Shaqeeyayaalka ayaa lo ogolyahay inay isticmaalaan Work Share haddii ay haystaan saddex shaqaale iyo wixii ka badan, shaqaalahaasuna waxay xaq u leeyihiin dheefaha caymiska shaqo la' aanta.
Marka laguu ansixiyo isticmaalka Work Share, inta lagu jiro yareynta culeyska shaqada, shaqaalaha kaqeybgalaya waxaa saacadahooda shaqada la yarayn doonaa ugu yaraan 10% laakiin kama badnaan doonto 50%, laakiin waa inay awoodaan oo ay diyaar uyihiin shaqada. Inta lagu guda jiro mudadan, shaqaaluhu waxay mas 'uul ka noqon doonaan dhammaystirka qaan sheegadkooda toddobaadlaha ah. Shaqaalaha lagu kafaalo qaadayo qorshaha Work Share ma noqon karaan shaqaale xilliyeed.
Qorshayaasha Work Share wuxuu baaqi ahaadaa ilaa hal sano. Waaxda Shaqaalaynta ayaa dib u eegi doonta u-qalmitaanka haddii shaqaaluhu aanu diyaar u ahayn inuu u shaqeeyo loo-shaqeeyahaas.
Su'aalo?
Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka Wadaagga Shaqada(Work Share) , wac 503-947-1800 ama booqo Work Share page(Bogga Wadaagga Shaqada) ee Waaxda Shaqada ee Oregon.
Work Share page(Bogga Wadaagga Shaqada)