Miyaan U Qalmaa Dheefaha Caymiska Shaqala'aanta?

Haddii shaqada lagaa saaray ama loo-shaqeeyahaagu uu dhimay saacadahaaga, waxaad u qalmi kartaa dheefaha caymiska shaqola'aanta.

Qof kasta oo loo oggolaaday inuu ka shaqeeyo gudaha Mareykanka wuxuu xaq u yeelan karaa dheefaha caymiska shaqola'aanta.

Si aad u ogaato haddii aad u qalmi karto, qaado kediska weydiimaha u-qalmitaanka ee hoose. Haddii aadan hubin u-qalmitaankaaga, waa inaad weli sii apply, sababtoo ah kediska weydiimahu waa hage guud oo kaliya, shaqaale kastana xaaladdiisu waa mid gaar ah. Habka ugu dhakhsaha badan waa inaad ka codsato Frances Online.

Kediska Weydiimaha ah ee U-qalmitaanka Caymiska Shaqala'aanta

Kediskan weydiimaha ahi waa hage guud. Xaalad kastaa waa mid gaar ah, khubarada caymiska shaqala'aanta ayaana dib u eegis ku sameeya sheegasho kasta oo nasoo gaarto si loo go'aamiyo u-qalmitaanka.

  1. Miyaad shaqeysay ugu yaraan 500 saacadood ama ma ka heshay ugu yaraan $1,000 loo shaqeeye inta lagu jiro "sanadkaada aasaasiga ah?" Sannadkaada aasaasiga ahi waa afarta ugu horreysa ee shanta rubuc taariikh jadwaleed ee ugu dambeeya ee la dhammaystiray ka hor toddobaadka aad xareeneyso sheegashadaadii hore.
    1. Haddii aad xareyso sheegashadaadii hore Janaayo, Febraayo ama Maarso 2023, sanadkaada aasaasigu waa Oktoobar 1, 2021, illaa Sebtembar 30, 2022.
    2. Haddii aad xareyso sheegashadaadii hore Abriil, Maayo ama Juun 2023, sanadkaada aasaasigu waa Janaayo 1, 2022, illaa Diisembar 31, 2022.
    3. Haddii aad xarayso sheegashadaadii hore Luulyo, Ogosto ama Sebtembar 2023, sannadkaada aasaasigu waa Abriil 1, 2022, illaa Maarso 31, 2023.
    4. Haddii aad xarayso sheegashadaadii hore Oktoobar, Noofembar ama Diisembar 2023, sannadkaada aasaasigu waa Luulyo 1, 2022, illaa Juun 30, 2023.
  2. Miyaad uga shaqeysay gudaha Oregon shirkad qof kale uu leeyahay 18-kii bilood ee la soo dhaafay?
  3. Ma awoodaa inaad shaqeyso? "Awoodaa inaad shaqeeyso" macnaheedu waa inaad maskax ahaan iyo jir ahaanba karti u leedahay inaad shaqeyso.
  4. Diyaar ma u tahay shaqo? "Diyaar u ah shaqo" macneheedu waxa weeye in aad shaqayn karto xannibaad la'aan taas oo kaa hor istaagi karta in aad shaqada aqbasho (tusaale: lagaagama hor istaagayo inaad shaqeeyso sababo la xidhiidhaan ku safar-gaadiid, jirro, fasaxyo, ama la'aanta qof kuu daryeel ilmaha dartood).
  5. Ma shaqada ayaa lagaa saaray, mise saacadahaagii shaqada ayaa la jaray?
  6. Miyaa lagaa soo saaray ciidanka 18-kii bilood ee la soo dhaafay oo midkoodna ma ku noolayd Oregon ama si joogto ah ma uga shaqaynaysay ama shaqo ma uga raadsaneysa gudaha Oregon?
  7. Miyayna bayaanada hoose midna ku khusaynin? (Haddii midna aysan ku khusayn, jawaabtaadu waa "Haa.")
    1. Waa la i ruqseeyay oo qaladkeyga ayuuna ahaa.
    2. Shaqo-joojin ayaan ku jiraa oo ka socota loo-shaqeeyaheyga.
    3. Fasax maqnaansho ayaan uga maqanahay shaqadayda.
    4. Wali waxaan shaqeeyaa wakhti buuxa.

Haddii aad kaga jawaabtay Haa su'aalahan intooda badan, waxay u badan tahay inaad ugu qalanto dheefaha caymiska shaqola'aanta ee Oregon. Learn more about applying for benefits.