Waa maxay 1099-G?

Foomka 1099-G waa foom cashuureed oo aanu u dirno dadka aanu siinay dheefaha caymiska shaqo la'aanta. Waxa ay tahay inaad isticmaasho marka aad buuxinayso cashuurta dakhliga ee federaalka iyo gobolka.

Sideen ku heli karaa foomka 1099-G ee Caymiska Shaqo la'aanta?

Waxaan boostada kuugu soo diri doonaa Foomka 1099-G ee dheefihii sanadkii hore marka lagaaro Janaayo 31.

Ka dib marka foomamka boostada lagu soo diro, waxaad arki kartaa oo ka daabacan kartaa foomka 1099-G gudaha Frances Online. Tani waa habka ugu fudud uguna dhaqsaha badan ee aad ku arkikarto ama ku daabicankarto foomkaaga 1099-G .

Kadib markaad gasho Frances Online:
• Ku dhufo boggaaga hore, dooro “I Want To…”
• Qeybta Warqadaha, dooro “View Letters.”
• Raadi warqada la yiraahdo “1099-G.”

Si macluumaadkaaga aan u ilaalino, iimayl kuma dirno foomamka 1099-G. Waxa lagu soo diraa ciwaanka aanu faylka ku hayno. Waxaad had iyo jeer arki kartaa, soo dejisan kartaa, ama ka daabacan kartaa foomka 1099-G gudaha Frances Online.

Si aad u codsato sixitaan ama dib u daabacida foomka 1099-G:

  • Gal frances.oregon.gov/Claimant (Uma baahnid inaad gasho akoonkaaga)..
  • Raadi "Form 1099 Correction or Reprint."
  • Dooro "Request a Correction to or Reprint of Your Form 1099" oo raac tilmaamaha. Waxaad u baahan doontaa Aqoonsiga Warqadda ee ku yaal foomkaaga 1099-G- iyo Lambarkaaga Aqoonsiga Bulshada (SSN).
  • Waxaad sidoo kale fariin ka diri kartaa Frances Online. Haddii aadan gali karin Frances Online, isticmaal foomka "Nala Soo Xiriir." Door "1099G Questions" ee ku jira liiska Qaybta.
  • Wac Waaxda Diiwaangelinta iyo Dib-u-go'aaminta oo ugu reeb fariin cod ah lambarkan 503-947-1320.

Si aad u codsato foomka 1099-G ee sannadkii 2023 ama ka hor:

  • Codsigaaga fariin ahaan noogu soodir adigoo isticmaalaya Frances Online. Gal Frances Online oo dooro “I Want To...” kadibna “Send a Message”, “Messages” hoosteeda. Soodiritaanka fariin adigoo ku jira gudaha akoonkaaga waxay naga caawin doontaa inaan si degdeg ah kuugu soo jawaabno.
  • Haddii aadan gali karin Frances Online, isticmaal foomka "Nala Soo Xiriir." Door "1099G Questions" su,aalaha kujira Qaybta liiska.
  • Wac Waaxda Diiwaangelinta iyo Dib-u-go'aaminta oo ugu reeb fariin cod ah lambarkan 503-947-1320.

WAA MUHIIM - Markaad codsigaaga samaynayso, fadlan ku dar:

  • Magacaaga oo Buuxa
  • Aqoonsigaaga sheegashada ama afarta lambar ee ugu dambaysa ee lambarkaaga aqoonsiga bulshada
  • Taleefoon lambarkaaga
  • Ciwaankaaga hada

Ka dib markaan helno dhammaan macluumaadka, waxaan foomka 1099-G ku diri doonaa ciwaanka aan ku hayno faylka. Warqadani waxay sidoo kale ku jiri doontaa Frances Online.

Si aad u cusboonaysiiso ciwaankaaga :

Fadlan gal Frances Online si aad u hubiso in ciwaankaagu sax yahay ka hor intaadan codsi noo soo dirin.

  • Haddii aad cusboonaysiiso ciwaankaaga, tani waxay dib u dhigi kartaa dheefahaaga inta aan xaqiijineyno macluumaadkaaga. Si joogta ah u fiiri boostadaada(U.S. Mail) iyo fariimaha kujira Frances Online si aad u ogaato talaabada xigta ee lagaarabo inaad samayso.
  • Hadii aadan gali karin Frances Online oo aad guurtay:
    • Noo soodir fariin adigoo isticmaalaya Foomka nalasoo xiriir
      • Dooro foomka “1099G Questions” ee Qaybta liiska.
      • Ku dar macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan ciwaannadaada farriinta.
      • Waxaan u baahan doonaa inaan xaqiijinno macluumaadkan ka hor inta aanaan dirin foomka 1099-G , taas oo laga yaabo inay waqti dheeraad ah qaadato.
    • Wac 877-345-3484 si aad ula hadasho wakiil. Waxaa laga yaabaa in tirada wicitaanada iyo wakhtiyada sugitaanka ay badantahay, sidaas darteed waxaan kugula talineynaa inaad farriin noo soo dirto adigoo isticmaalaya foomka Nala Soo Xariir.
The Conde B. McCullough Memorial Bridge crosses Coos Bay on U.S. Route 101 near North Bend. The green girders rise above blue water.

Waa maxay sababta aan u helaayo foomka canshuurta 1099-G?

Waa inaad ugu warbixisaa wixii dheefo shaqo la'aan ah oo aad heshay sanadka dhexdiisa Adeegga Dakhliga Gudaha (Internal Revenue Service, IRS) iyo Waaxda Dakhliga ee Oregon. Marka aad codsato dheefaha caymiska shaqo la'aanta, waxaad dooran kartaa in 10% qaddarka dheefaha toddobaadlaha dib loogu hayo cashuurta dakhliga federaalka iyo 6% kalena loo hayo cashuurta dakhliga ee gobolka. Waxa aad ku cusboonaysiin kartaa doorashadaada haynta wakhti kasta gudaha Frances Online.

Maxaan ka yeelaa Foomka 1099-G ee la cusbooneysiiyay?

Haddii aan helno qalad ama aad codsato isbeddel, waxaan kuu soo diri doonaa Foomka 1099-G oo wata macluumaad la saxay. Waxaanu boosta kuugu soo diri doonaa foom la cusbooneysiiyay waxaanad aad ka geli kartaa Frances Online

Frances Online waa habka ugu fudud uguna dhaqsaha badan ee lagu arko ama lagu daabaco Foomkaaga 1099-G. Ka dib marka aad gasho Frances Online:  

  • Boggaaga hore ee internet-ka, dooro “I Want To…”
  • Qaybta xarfaha, dooro “View Letters.”
  • Raadi xarafka loo yaqaan “1099-G.”  

Foomka canshuurta 1099-G ee la cusbooneysiiyay wuxuu yeelan doonaa sanduuq la saxay “corrected”. 

Haddii aadan weli xarayn canshuurahaaga sanadka ee foomku khuseeyo, isticmaal Foomka 1099-G ee ugu cusub marka aad xarayso canshuurahaaga dakhliga ee federaalka iyo gobolka.     

Haddii aad horeba u xaraysay canshuurahaaga sanadkaasi, waxaad u baahan doontaa in aad gudbiso canshuur celin wax laga beddelay.     Waxaad macluumaad ku saabsan gudbinta canshuur celinta wax laga beddelay ee federaalka ka heli kartaa website-ka IRS iyo macluumaad ku saabsan gudbinta canshuur celinta wax laga beddelay ee gobolka ka heli kartaa website-ka Waaxda Dakhliga Oregon.  

Weydii qof khibrad u leh canshuurta wixii tilmaamo dheeraad ah haddii aad hayso su’aalo ku saabsan canshuur celintaada.  Waaxda Dakhliga Oregon waxay haysaa macluumaad ku saabsan halka laga helayo caawimaad lacag la’aan ah oo ku saabsan xaraynta canshuuraha

Ma heli karaa Foomka 1099-G haddii aan dib u bixiyo lacag siyaado ah oo la isa siiyay?

Haddii aad u dib u bixisay lacag siyaado ah oo aad heshay jadwal sanadeed hore, waad codsan kartaa Foomka 1099-G. 

Foomka 1099-G wixii noqon doonaa mid loogu talagalay jadwal sanadeedka aad sameysay dib u bixinta lacagta.    Foomkan wuxuu muujin doonaa inta ay le'eg tahay lacagta aad dib u bixisay waxaanad u isticmaali kartaa marka aad xarayso canshuuraha gobolka iyo federaalka. 

Xaaladan oo kale, si toos ah uma sameyn ‘create’ doono oo boosta kuuguma soo diri doono Foomka 1099-G. 

Tusaale

Aad heshay lacag siyaado ah sanadkii 2023-ka. Aad dib u bixisay lacag siyaado ah oo la isa siiyay sanadkii 2025-ka oo aadan helin faa’iidooyinka shaqo la’aanta oo kale sanadkii 2025-ka.  Si toos ah uma heli doontid Foomka 1099-G oo wata qaddarka dib u bixinta lacagta bisha Janaayo 2026-ka.      Waxaad u baahan doontaa in aad codsato Foomka 1099-G adiga oo adeegsanaya mid ka mid ah hababka soo socda.   

Codso Foomka1099-G ka dib u bixinta lacagta

Waxaad in aan sameyno ‘create’ Foomka 1099-G ku codsan kartaa akoonkaaga Frances Online oo boosta laguugu soo diro adiga oo: 

  • Noogu soo diraya Frances Online farriin la socota codsigaaga.
  • Isticmaalaya foomka Nala soo Xiriir.
  • Wacaya Qaybta Diiwaannada iyo Dib u go’aaminta oo farriin dhanka codka ah ku dhaafaya 503-947-1320.

MUHIIM AH — Marka aad sameyso codsigaaga, fadlan soo raaci: 

  • Magacaaga oo buuxa
  • Aqoonsiga qofka wax sheeganaya ama afarta lambar ee u dambaysa Lambarkaaga Social Security-ga
  • Lambarka telefoonka
  • Cinwaan hadda ah 

Fadlan la hadal qof khibrad u leh canshuurta oo aad leedahay ama Adeega Dakhliga Gudaha si aad u hesho macluumaad ku saabsan sida ay u saameyn karto canshuurahaaga. 

Maxay tahay sababta qaddarka sanduuqa 1 ee foomkayga 1099-G uga duwan yahay caddadka dheefta ee dhabta ah ee aan helay?

Foomka 1099-G waxa uu ka warbixiyaa wadarta xadliga gunada bilaa shaqada ee aad heshey, e ma'aha xadiga rasmiga ah. Marka aad ka jarto cashuurta dakhliga federalka iyo gobolka xadigaaga Foomka 1099-G, waa inay lamid noqotaa waxa aad heshey ee rasmiga ah.

Xaaladaha qaarkood, Foomkaga 1099-G waxaa laga yaabaa inuu qaldanyahay sababtoo ah lacagihii ayaa lagu soo celiyay OED ama sababtoo ah dib-u-bixinta lama codsan ka hor inta aan la bixin foomka 1099-G. Xaaladahaas oo kale, waxaanu kuu soo diri doonaa Foom wax laga bedelay ee 1099-G ka dib markaan dib u eegno lacag bixinta dheeftaada.

Haddii aad u baahan tahay inaad xarayso cashuurtaada ka hor inta aanad helin Foomka 1099-G ee wax laga beddelay, IRS waxay haysaa macluumaad ku saabsan sida loo xareeyo iyada oo aan la heysan Foomka 1099-G ee waxa laga beddelay. Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah, waxaa jira dhowr siyaabood oo aad nagula soo xiriiri karto oo ku yaalaan bogga Ways to Contact Us .

Haddii foomkaaga 1099-G uusan u dhigmin diiwaannadaada oo uu aad uga duwan yahay (tusaale, waxaad heshay $5,000 oo dheefooyin ah, laakiin foomkaaga 1099-G wuxuu leeyahay waxaad heshay $15,000), fadlan nala soo socodsii. Booqo boggayaga Ways to Contact Us si aad u aragto siyaabaha aad u waydiisan karto kooxda kantaroolka lacag-bixinta dheefaha inay dib uga eegaan sheegashadaada khiyaamo ku sameyn suurtagal ah. Fadlan noo soo gudbi wixii any fraud or suspicion of fraud ah isla markaa adigoo adeegsanaya keena ah ID Theft form ama soo wac 1-877-668-3204.

Maxaan u heli waayay Foomka 1099-G?

Waxaa jira laba sababood oo aanad u helin Foomka 1099-G:

  • Waxaan u dirnay Foomkaaga 1099-G ciwaanka aanu kuugu hayno diiwaankaada. Haddii aad guurtay adoon naga cusboonaysiin ciwaankaagii, Foomkaagii 1099-G waxa lagu soo diray ciwaankaagii hore. Haddii aadan ku helin foomkaaga 1099-G boostada, waxaad ka heli kartaa Frances Online.
  • Dhammaan lacag-bixinadii dheefahaada waxa la sameeyay wixii ka dambeeyay Diseembar 31. Haddii ay taasi dhacdo, ma heli doontid Foomka 1099-G sanad cashuureedkaas. Taa baddalkeeda, waxaad heli doontaa Foomka 1099-G sanadka soo socda, kaas oo daboolaya sanadka cashuurta markii aad heshay lacag bixinadaada.

Waan guuray tan iyo markii aan codsaday dheefaha. Sideen ku heli karaa Foomkayga 1099-G?

Waxaan u dirnay Foomkaaga 1099-G cinwaanka aan ku hayno faylka. Haddii aad guurtay laakiin aadan cusboonaysiin macluumaadkaaga xiriirka, waxaad kala soo bixi kartaa Foomka 1099-G gudaha Frances Online. Waxaan sidoo kale kugu dhiirigelinaynaa inaad cusboonaysiiso cinwaankaaga deegaankaaga. Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan beddelitaanada ciwaanka ama soo dejinta foomka, booqo keena ah Ways to Contact Us page si aad u hesho habka ugu wanaagsan ee xubin ka tirsan kooxdayada Kontoroolka Lacag-bixinta Dheefta uu kugu caawin karo ama ay kugu caawin karto.

Waxa aan rabaa in cashuurta laga jaro dheefaheyga shaqo la'aanta. Sideen u sameeyaa sidaas?

Waxa aad dooran kartaa in lagaa reebo 10% xadiga gunadaada todobaadkii cashuurta dakhliga federalka ama 6% in lagaaga reebo cashuurta dakhliga gobolka. Canshuur kasta oo aan dib u qabsano waxaa isla markiiba loo gudbiyaa IRS iyo Waaxda Dakhliga ee Oregon. Beddelida marxaladaada cashuurtu waxay u baahan tahay dhammaystir Authorization of Tax Withholding (1040WH) form.

Haddii aanad si firfircooni ay ku dheehan tahay u dooran in cashuurta lagaa hayo, kama soo qaadan doono lacag bixinada dheefahaada. Haddii aanad heysan cashuur dib lagaaga qabto gunnadaada shaqo la'aanta, waxay keeni kartaa masuuliyad cashuureed.

Maxaan u helay Foomka 1099-G markii aanan codsan ama aanan helin wax dheefaha caymiska shaqo la'aanta ah sanadkaas?

Haddii aad heshay Foomka 1099-G laakiin aadan xareyn dheefaha sanadka uu daboolayo, this could be fraud! Fadlan noogu soo wargeli wixii khiyaano ah ama aad uga shakiso khiyaameeyn ineey tahay isla markaaba keena ah ID Theft form ama soo wax 1-877-668-3204.

ID Theft form