1099G Tax Information
Waa maxay 1099G?
1099G waa foomka cashuurta loo diro dadka helay dheefaha caymiska shaqo la’aanta. Waxaad isticmaashaa marka aad ku soo xaraynayso cashuuradaha dakhliga federaalka iyo gobolka Adeega Dakhliga Gudaha (IRS) iyo Waaxda Dakhliga Oregin.
Sababteen u helayaa foomka cashuurta 1099G?
Magdhowga shaqo la’aanta la helay muddada sanadka waa in looga warbixiyaa Adeega Dakhliga Gudaha (IRS) iyo Waaxda Dakhliga Oregon. Marka aad codsato dheefaha caymiska shaqo la’aanta, waxaad dooran kartaa inaad haysato 10% wadarta dheeftaada todobaadlaha ee loo hakiyo cashuurada dakhliga ee federaalka iyo/ama 6% ee cashuuraha dakhliga gobolka. Waxaad ku cusboonaysiin kartaa doorashadaada hakiska ah wakhti kasta dhexda Nidaamka Sheegashada Onlaynka ah.
Halka aad ka helayso macluumaadkaaga1099G i
Foomkaaga cashuurtaada 1099G waxaa booostada laguugu soo diri doonaa Janaayo 31. Waxaa loo heli doonaa inay arkaan goor hore Febraayo Nidaamka Sheegashada Onlaynka ah ee taabka leh cinwaanka 1099G Tax forms” dhanka hoose ee bogga.
Waan guuray laa markii aan codsanay dheefaha taageerada ah. SIdeen ku helaa 1099G kayga?
1099G kaaga waxaa loo diri doonaa cinwaanka faylka noogu jiro. Haddii aad guurtay laakiin aanad cusboonaysiin macluumaadkaaga xidhiidhka waxaad ka soo dejisan kartaa 1099G Nidaamka Sheegashada Onlaynka ah. Waxaanu sidoo kale kugu dhiirigelinaynaa inaad cusboonaysiiso cinwaankaaga Nidaamks Sheegashada Onlaynka ah.
Maxaan ku qabtaa foomka cashuurta 1099G?
Haddii aad hesho foomka cashuurta 1099G, waa inaad ku soo xaraysaa cashuur celintaada federaalka iyo gobolka. Dheefaha caymiska shaqo la’aanta waxaa looga fekeraa dakhliga la cashuuri karo.
Sababtee ayaan ku helay foomka 1099G marka AANAN codsan ama helin dheefaha caymiska shaqo la’aanta 2020?
Haddii aad heshay foomka cashuurta 1099G laakiin aanan soo xarayn dheefaha 2020, tani waxay noqon kartaa khiyaamo! Fadlan nooga warbixi khiyaamo kasta ama shakiygaga khiyaamada si toos ah addoo isticmaalayAqoonsiga Foomka Tuugada.
FIIRO: Haddii aan cashuurtaada laga hakin magdhowgaaga shaqo la’aanta, waxay keeni kartaa masuuliyada ku saaranta cashuur ahaan.