Contact
Ku hel caawin Soomaali ahaan
Si aad u codsatid wacitaanka dambe oo af Soomaali, fadlan ku soo dir magacaaga, lambarka, iyo luuqada la doorbiday OED_LANGUAGEACCESS@OREGON.GOV. Shaqaalaha wakaalada ayaa dib kuugu soo wacayo af Soomaali oo qaabka codsigaaga lagu helay. Sabab la xiriirto qiyamka macmiilka sareeyo, waxay qaadan kartaa dhoor maalmood in inaga aan kugu soo celino wacitaankaaga. Fadlan noo ogolow waqtiga lagu jawaabayo iyo kaliya ku soo dir hal fariin.
Iska diiwaangeli aqbaaraha i-meelada COVID-19: [sanduuqa halka dadka geliyaan ciwaanka i-meelkooda]
Qaabka ugu wanaagsan lagu hubiyo sheegashadaada waa gelitaanka Nidaamkeena Sheegashada Onleenka/Codso adiga oo buuxinayo sheegashadaada hore.
Waxay qaadaneysaa sida ugu yar afarteena isbuuc ee loogu baarandagayo sheegashooyinka.
Way ka yareyd afar isbuuc tan iyo markii aad codsatay faa’idooyinka shaqo la'aanta adiga oo xareynayo sheegashadaada koowaad, fadlan hanala soo xiriirin weli. Waan ka baaran dageynaa arjigaaga. Nala soo xiriirida afar isbuuc ka hor ee dhaaftay kuguma caawineyso inaad faa’idooyinkaaga si dhaqso ah ku heshid. Waxay dhabtii gaabisaa kartideena looga baaran dago sheegashooyinka qof walba.
Haddii ay aheyd afar isbuuc ama ka badan tan iyo markii aad gudbisay sheegashadaada koowaad oo aadan wax aqbaar ah naga helin, i-meel noogu soo dir adiga oo isticmaalayo foomka hoose. Markii aad soo dirtid i-meel, waxaad heleysaa jawaab otomaatig ah. Oo ku ogeysiiso inaan helnay i-meelkaaga. Ma jiraan wax baahi ah oo markale lagu soo diro i-meelkaaga. Dhab ahaantii, fadlan ha soo dirin i-meelo koobi ah--oo kaliya daahiyo jawaabahaaga.
Haddii aad heshid warqad ama wacitaan inaga naga imaanayo oo dhahayo wax miyaa ka qaldan sheegashadaada, fadlan dib nooga soo wac:
Wixii sheegashooyinka shaqo la’aanta joogtada ah:
1-877-File-4-U (1-877-345-3484)
Wixii barnaamijka Caawinta Shaqo la’aanta Cudurka safmarka (PUA):
Taleefon bilaash ah: 1-877-345-3484
Naga soo raac warbaahinta bulshada oo aqbaaraha iyo warbixinta joogtada ah.