Naftaada Ka ilaali Khiyaanada
Wax isdaba marintu waa arrin qaran, la dagaalanka wax isdaba marintu waa mid mudnaan u leh Barnaamijka Caymiska Shaqo la'aanta ee Waaxda Shaqada ee Oregon.
Mararka qaarkood dadku ku kaca wax isdaba marintu waxay isticmaalaan macluumaadka shakhsi ahaaneed oo la soo xaday si ay si sharci darro ah ugu galaan akoonka qof oo xadaan faa’iidooyinka. Tani waxaa loo yaqaan afduubka sheegashada ama la wareegida akoonka.
Wax ka ogow sida aan u xaqiijinayo aqoonsigaaga si looga hortaggo wax isdaba marinta oo loo ilaaliyo faa’dooyinkaaga.
Waxaan kugu dhiirigelinaynaa in aad:
- Istimaaasho macmuulaadka hoos ku qoran si aad naftaada uga ilaalo wax isdaba marinta, khiyaamooyinka, iyo dembiga kale.
- U isticmaasho ilaha la bixiyay si aad u soo sheegto wax isdaba marinta ama wax isdaba marinta la tuhunsan yahay.
Soo sheegida Wax isdaba marinta
Fadlan isticmaal foomka hoose haddii:
Qof kale si been ah u isticmaalayo macluumaad si uu helo faa’iidooyin.
Qof kale uu xaday aqoonsigaaga oo ku dalbaday faa’iidooyin.
Aad naga heshay warqad ama email la xiriira sheegashada caymiska shaqo la’aanta laakiin aadan soo gudbisan sheegasho.
Qof kale uu shaqeynayo shaqo waqti buuxa ah iyada oo la qaadanayo gargaarada shaqo la’aanta.
Xubin ka tirsan kooxdayada ayay dhici kartaa in uu kula soo xiriiro. Marka uu badan yahay macluumaadka aad awoodo in aad bixiso marka aad wax soo sheegayso, waxay u badan tahay in ay naga caawiso baaritaanka. Waxaad sidoo kale wici kartaa 503-947-1995 ama 877-668-3204.
Soo sheeg Wax isdaba marinta Caymiska Shaqo La’aantaCalaamadaha Isdaba marinta Aqoonsiga
Inta badan dadka dhibbanayaasha u ah wax isdaba marinta aqoonsigu ma oga in sheegashooyinka loogu talagalay faa’iidooyinka caymis ee shaqo la’aanta la gudbistay iyada oo la adeegsanayo aqoonsiyadooda. Dad badan ayaa kaliya ogaada in wax isdaba marinta aqoonsigu dhacday marka ay wax boostada ku helaan, sida lacag bixin ama foomka canshuurta 1099-G oo gobolku soo saaray oo qalad ah ama muujinaya faa’iidooyinka aysan helin.
Waxaa dhici karta in aad dhibbane u noqoto wax isdaba marinta aqoonsiga caymiska shaqo la’aanta haddii:
- Aad naga heshay warqad ku saabsan sheegashadaada caymiska shaqo la'aanta, laakiin aadan xareynin sheegasho/dalab.
- Aad boostada nooga heshay jeegaga lacagta caymiska shaqo la'aanta oo aan kuu soo dirnay, laakiin aadan xareynin sheegasho dheefeed.
- Cida aad u shaqaysaa ay kuu sheegeen inay heleen wargelino Waaxda Shaqaalaha oo ku saabsan inaad xaraysay dalabka/sheegashada laakiin aanad xaraynin sheegasho/dalab.
- Aad heshay foomka 1099-G, laakiin aadan xareynin sheegasho/dalab ku aadan dheefaha caymiska shaqo la'aanta. Kani waa tusaalaha foomka 1099-G.
Waxa La sameynayo haddii Aad Tahay Qof Dhibbane u ah Isdaba marinta Aqoonsiga
Haddii Aad Tahay Qof Dhibbane u ah Isdaba marinta Aqoonsiga Tallaabooyinkan waxay kaa caawin karaan ilaalinta dhaqaalahaaga waxayna xaddidi karaan dhaqdhaqaaqa wax isdaba marineed ee dheeraadka ah:
Wax nooga sheeg wax isdaba marinta
- Noogu soo sheeg wax isdaba marinta aqoonsiga caymiska shaqo la’aanta sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah adiga oo ku soo sheegaya foomkayaga soo sheegida wax isdaba marinta ee dhanka internet-ka ama naga soo wacaya 503-947-1995 ama 877-668-3204.
- Waxaa laga yaabaa inaad wacitaano ka hesho baare haddii aan u baahanahay macluumaad dheeraad ah. OGSOONOW: Waxa laga yaabaa in aanu kaa soo wacno lambar telefoon oo uu talefankaagu muujinayo mid aan liiska ku jirin ama la xannibay. Aqoonsadahaaga soo wacahu waxaa laga yaabaa inuusan dhihin wicitaanku wuxuu ka socdaa Waaxda Shaqada ee Oregon. Waxaan kuu dhaafi doonaa fariin cod ah oo wadata macluumaad ku saabsan sida aad noola soo xiriiri karto. Haddii aanan ka tagi karin farriin codka, waxaan soo diri doonaa warqad.
- Haddii aad qabto wax walaac ah oo ku saabsan in qofka soo wacay aanu ka iman Waaxda Shaqada ee Oregon, waxaad joojin kartaa wicitaanka oo aad si toos ah noola soo xidhiidhi kartaa adigoo isticmaalaya xullashooyinka ku qoran bogga Ways to Contact Us . Si kastaba ha ahaatee, tani waxay noo keenaysaa dib u dhac ku aadan xagga ka shaqaynta sheegashadaada.
- Waxaa laga yaabaa inaan codsano dukumeenti dheeri ah (sida warbixinta booliiska ama warqad dhaar) si aan u dhamaystirno baaritaanka.
- Haddii aad heshay Foomka 1099-G ee dheefaha aanad helin, fadlan isla markiiba noo soo sheeg. Waxaan soo saari karnaa Foom la saxay ee 1099-G waxaanan ku cusboonaysiin karnaa diiwaanka cashuuraha IRS annagoo adiga ku mataleyno.
- Haddii aad heshay jeeg adigoo aadan xarayn sheegasho, fadlan raac tilmaamaha kor kuxusan si aad u soo celiso. Haddii aad hore u bixisay lacagta ama aad dib u dhigtay soo celinteeda, waxaanu kugu dhiirigelinaynaa inaad nala soo xidhiidho isla markiiba. Haddii kale, adiga ayaa mas'uul ka ah inaad ka warbixiso canshuur celintaada, waxaana laga yaabaa inaad mustaqbalka hesho biil lacag-bixin dheeraad ah oo been abuur ah. ( Lacag-bixinta dheeraad ah waa marka aad hesho dheefo aadan xaq u lahayn inaad hesho.)
U sheeg Mas’uuliyiinta Isdaba marinta Aqoonsiga
- Isdaba marinta Aqoonsiga ku wargeli Guddiga Ganacsiga ee Federaalka oo laga helo at 877-ID-THEFT (877-438-4338) ama booqo identitytheft.gov.
- La xidhiidh waaxda booliiska ee deegaankaaga.
- Ogeysii Xafiiska Kormeeraha Guud, adoo u maraayo oig.ssa.gov/report, Haddii Lambarkaada Soshal Sekuritiga (Social Security Number, SSN) si been abuur ah loo isticmaalay.
- La xidhiidh IRS si aad uga warbixiso xatooyada aqoonsiga iyo in SSN-kaaga loo isticmaalay in lagu xareeyo sheegashada caymiska shaqo la'aan oo been abuur ah. Booqo websaydka IRS si aad u barato sida loo xareeyo cashuurahaaga kadib khiyaanada caymisyada shaqo la'aanta ama xatooyada aqoonsiga.
Ilaasho Akoonadaada
- La shaqee xirfadle canshuureed ama raac tilmaamaha IRS-ka si aad u xareyso canshuurtaada haddii aad heshay 1099-G oo khalad ah sabab khiyaano darteed.
- Ka eeg warbixintaada kiridhitka hawl shaki abuurta ama khadadka kiridhitka ee aan la fasaxin ee furmay.
- Beddel erey-sireedyada akoonada onlaynka oo ka dhig erey-sireedyadaada kuwo adag si kuwa kale aanay si fudud ugu geli karin akoonnadaada.
- La xidhiidh bixiyeyaasha dhaqaalahaaga (bangiyada iyo shirkadaha kaadhadhka kiridhitka ah) si aad ugu warbiso/calaamadiso lacag-bixinada ama lacag-soogalinada aan caadiga ahayn.
Haddii Aad Hesho Dokumentiyada Canshuurta balse Aadan Soo Gudbisan Faa’iidooyin
Haddii aad foomka canshuurta 1099-G ka hesho Waaxda Shaqada ee Oregon oo aadan gudbisan sheegasho ama hesho faa’iidooyin sanadkaasi, si degdeg ah noogula soo xiriir foomka dhanka internet-ka ama adiga oo wacaya 503-947-1995 ama 877-668-3204. Haddii aan xaqiijinno in wax isdaba marinta aqoonsigu ay dhacday, uma baahnid in aad qaddarka lacageed ee ku qoran foomka 1099-G u soo sheegto Adeega Dakhliga Gudaha (IRS). Waxaanu kuu soo diri doonaa foomka canshuurta 1099-G ee wax laga beddelay.
Haddii aad hesho jeegaga faa’iidada ama U.S. Bank ReliaCard®, naga soo wac 877-345-3484 ama isticmaal Foomka Nala soo Xiriir. Jeegaga boosta ugu dir:
Oregon Employment Department
PO Box 14135
Salem, OR 97309
Fadlan ku soo dar sharaxaad kooban oo ku saabsan sababta aad u soo celinayso alaabtan si aan u ogaano talaabada la qaadayo. Marka aan xaqiijino in xatooyo ku aadan aqoonsiga ay dhacday, waxaan kansel gareyn doonaa jeegaga iyo sheegashada caymiska shaqo la'aanta ee been abuurka ah.
Aqoonso oona Iska ilaali Khiyaanada Caymiska Shaqo la'aanta
Ka taxadar weerarrada "phishing", kuwaas oo ah fariimo loogu talagalay in lagu khiyaaneeyo dadka si ay u gujiyaan linki ama u wadaagaan macluumaad. Dadku waxa laga yaabaa inay isku dayaan inay macluumaadkaaga xadaan iyagoo iska dhigaya OED ama hay'adaha kale ee dawladda iyagoo markaa kuu soo dirayaan fariimo qoraal ah, iimaylo, ama hababka kale ee isgaarsiinta. Ha gujin linkiyada ku jiraan fariimaha qoraalka ah.
Isticmaal websaydyadeena iyo kanaalada isgaarsiineed ee la aasaasay:
- Ha aaminin macluumaadka UI ee ka socda shabakadaha aan rasmiga ahayn. Waxaad ka akhrin kartaa macluumaadka ku saabsan oo aadna ka daawan kartaa muuqaalada ku saabsan Barnaamijka Caymiska Shaqala'aanta bartaunemployment.oregon.gov.
- Websaydyada Oregon waxeey ku dhamaadaan “.gov” or “.state.or.us”. Websaydyada ku dhammaada daba-galayaasha kale maaha meel ammaan ah oo la galo lagana eegto dheefahaaga shaqo la'aanta. Ha aaminin macluumaadka caymiska shaqo la'aanta ee ka socda shabakadaha aan rasmiga ahayn.
- Ha isticmaalin websayd la isku khiyaameeyo. Haddii aadan hubin, ka bilaaw barta unemployment.oregon.gov. Waxaad ka heli kartaa lifaaqa tooska ah Frances Online iyo lifaaqa kale ee badqabka halkaas.
- Xaqiiji inaad la falgalayso koontooyinka baraha bulshada ee rasmiga ah ee Waaxda Shaqada ee Oregon. Waxaan si shaqeeneysa akoono ugu leenahay X, Instagram, Facebook, iyo LinkedIn. Waxaa laga yaabaa inaan ku waydiino macluumaadkaaga xiriirka, laakiin marnaba kuma weydiin doonno eray sireed, PIN, ama SSN anagoo adeegsaneyna warbaahinta bulshada.
- Haddii aad wacitaan ka hesho baare, waxaad ka eegi kartaa magaca qofkaas si aad u xaqiijiso haddii uu u shaqeeyo Waaxda Shaqada ee Oregon barta employeesearch.dasapp.oregon.gov. Wac lambarka ku qoran goobta raadinta shaqaalaha.
Ka digtoonow khayaanada. Marna kuma weydiin doonno lacag si beddelkeeda aad u hesho dheefahaaga. Raac talaabooyinkan si aad naftaada uga ilaaliso khiyaanada:
- Qoraal uma dirno dadka soo sameeya sheegashada.
- Waligaa ha siin macluumaadkaaga khaaska ah iimaylka ama fariin qoraaleed aan habooneyn.
- Iska indho tir wax kastoo codsiyo lacageed ah ama kharashyo ah si ay kaaga caawiyaan helitaanka dheefaha caymiska shaqo la'aanta.
- Hubi si aad u xaqiijiso in bixinta lacagahaagu ku yimaadaan waqtigii loogu talagalay. Haddii lacag bixin soo daahdo, Hubi Frances Online iyo macluumaadka lacag bixintaada. Haddii aad aragto isbeddelo aadan sameyn, isla markiiba nala soo nala soo xiriir.
- Ha la wadaagin macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed, PIN-kaaga, ama furahaaga sirta cidna.
- Dib ha u isticmaalin PIN-yada iyo furayaasha sirta ah. Haddii aad leedahay, beddel iyaga.
- Ha isticmaalin PIN-yada ama furayaasha sirta ah ee ay ku jiraan magaca ama taariikhda dhalashada ee saaxiibada iyo xubnaha qoyska.
- Isticmaal PIN-yo iyo furo sireedyo gaar ah oona adag.