Barnaamijka Xeerka Ganacsiga

Barnaamijka federaalka ee Caawinaada Hagaajinta Ganacsiga (Trade Adjustment Assistance, TAA), ee lagu aasaasay sida hoos timaada Xeerka Dib-u-oggolaanshaha Caawinaada Hagaajinta Ganacsiga ee 2015 (Xeerka Ganacsiga), waxa uu siinayaa dheefaha iyo adeegyo shaqaalaha Maraykan ah ee ay shaqadoodu si taban ah u saameeysay ganacsi shisheeye.

boggan:

Muhiim

1-da Luulyo, 2022, Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha waxay joojisay aqbalidda cabashooyinka TAA iyo ka go’aan gaarista codsiyada horaan la soo gudbiyey. Sharciga barnaamijka maamusayey wakhtigiisa wuu dhammaaday. Wax badan ka baro dhammaanshaha barnaamijka adigoo booqanaya Weybsaydka Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha.

Haddii aad hayso su'aalo ama laga yaabo inaad u qalanto gunnooyinka iyo adeegyada, la xiriir Laanta Xeerka Ganacsiga Dhexe(Central Trade Act Unit), oo ah goob ka tirsan WorkSource Oregon, ama goob kasta oo mid ah Xarunta Shaqada ee Maraykanka(American Job Center) .

TAA waxaa loogu talagalay shaqaalaha shaqadooda laga ruqsayey ama saacadahooda shaqo la dhimay, xubin ka ah cabashooyinka sharciyeed. Waad hubin kartaa in haddii shaqo ka ruqsayntada ay ahayd mid ay sharciyeysay U.S. Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha.

Weli waad u qalmi kartaa gunnooyinka iyo adeegyada TAA ee la xiriirta shaqo ka ruqsaynta la ansixiyay ka hor inta aan sharcigu dhicin. Waad u qalmi kartaa haddii la soo gudbiyey ka hor 1-da Luulyo, 2022:

  • Haddii laguu aqoonsaday inaad ahayd shaqaale si xun loola dhaqmay.
  • Shaqadaada aad ku wayday sababo la xiriira ganacsiga dibadda.
  • Saacadahaaga shaqo loo dhimay sababo la xiriirta ganacsiga dibadda.
  • Haddii lagugu hanjabay inaad shaqada ku waydo sababo la xiriira ganacsiga.

La xidhiidh Laanta Xeerka Ganacsiga Dhexe (Central Trade Act Unit), oo qayb ka ah Goobta WorkSource Oregon, ama goob kasta oo ka mid ah Xarunta Shaqada ee Maraykanka haddii aad u malaynayso inaad u qalanto caawimada TAA.

Muuqaalka bixiya dulmarka ku saabsan Xeerka Ganacsiga ayaa lagu heli karaa English, Spanish, Russian, iyo Vietnamese. Ka arag full playlist YouTube ka.

Buug-gacmeedyada Xeerka Ganacsiga ayaa lagu heli kara English, Spanish, Vietnamese iyo Russian.

Su'aalo?

Waxaad kala xidhiidhi kartaa Qaybta Xeerka Ganacsiga ee Dhexe:

Qaybta Xeerka Ganacsiga ee Dhexe

Oregon Employment Department

875 Union St. NE #084

Salem, OR 97311

Telefoonka: 503-947-3096

Lambarka Bilaashka ah: 877-639-7700

Fakiska: 503-947-1676

Lambarka Bilaashka ah ee Fakiska: 855-851-0168

Iimeylka: taacentral@employ.oregon.gov

TTY: 7-1-1