Tababarka Caymiska Shaqo la'aanta

Barnaamijka Tababarka Caymiska Shaqa la'aanta (Training Unemployment Insurance, TUI) wuxuu caawiyaa shaqaalaha shaqooyinka laga saaray/ceyriyay - dadka noqday shaqo la'aan oo aysan u badnayn inay ku noqdaan goobtoodii shaqo ee hore - wuxuu masruufaa naftooda iyo tan qoysaskoodaba iyagoo markaa helaya xirfado cusub. Markaa kadibna waxay ku soo laaban karaan shaqada oona horumarin karaan xirfadahooda.

Sida ku cad barnaamijka TUI, shaqaalaha shaqooyinkooda laga eryay/tirtiray waxay heli karaan tababar ama waxay aadi karaan dugsiga iyagoo isla mar ahaantaa faa'iidooyinka ka helayaan Barnaamijka Ceymiska Shaqo la'aanta. Barnaamijka TUI ma bixiyo tababbarka ama kharashka tababarka, laakiin waxeey meesha ka saartaa shuruudaha raadinta iyo u diyaar ahaanshaha in uu qofka shaqeeyo si loo helo dheefaha. Habkan, waxaad ku dhigan kartaa dugsiga waqti buuxa.

Wax badan ka baro siminaarkeena todobaadlaha Ah

Ma qabtaa su'aalo ku saabsan shuruudaha iyo codsiga barnaamijka? Waxaad wax badan ka baran kartaa oo aad su'aalo ku weydiin kartaa siminaarkeena toddobaadlaha ah: Hordhaca Barnaamijka Tababarka Caymiska Shaqo la'aanta. Isticmaal kombiyuutarkaaga ama telefoonkaaga si aad noogu soo biirto khadka zoom-ka jimco walbo 11-ka subaxnimo.

Fiiro Gaar Ah: Siminaaraha todobaadlaha ah waa la baajin doonaa maalmaha fasaxa ah.

Siminaaraha wuxuu ku baxayaa luuqada Af-ingiriiska oo kaliya, riix Mau baahantahay caawimaad? Si aad u codsato turjumaan.

Nagu soo biir jimcaha 11-ka subaxnimo.
Three older people wear blue graduation gowns and mortarboards. They are a black woman, a white man with a beard, and a white woman.

Maxay yihiin waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga ogaado ee ku saabsan barnaamijka TUI?

Sannad kasta, barnaamijka TUI wuxuu ka caawiyaa boqolaal shaqaale ah oo shaqadooda laga soo eryay/tirtiray iney bilaaban waxbarasho iyo tababar la ansixiyay si ay ugu soo laabtaan xoogga shaqada. Laakiin barnaamijku waxa uu leeyahay shuruudo gaar ah.

  • Barnaamijka TUI ma bixin karo kharashka waxbarashada ama tababarka, laakiin waxa ay sii dheefo ku jira tababarka.
  • Kaliya dadka shaqada laga saaray/soo eryay ayaa u qalma. Haddii aad codsatid, waxaan ku weydiin doonaa su'aalo si aan u ogaanno haddii aad tahay shaqaale shaqadiisii/deedii laga soo saaray.
  • Dugsiga ama tababarka aad dhigato waa in uu leeyahay shati ama aqoonsi.
  • Dugsiga ama tababarku waa inuu ahaadaa mid wakhti buuxa ah.

Dugsiga ama goobta tababarku waa inay soo buuxiyaan Bogga 3-aad ee codsiga aad noo soo direyso.

Yaa u qalma barnaamijka TUI?

Shaqaalaha shaqadiisa laga soo eryay/saaray waa qof kasta oo ay Waaxda Shaqaaluhu u aqoonsato inaan laga yaabo inay ku noqdaan goobtoodii shaqo ee hore ama shaqadoodii hore. Tan waxaa ka mid ah rugcadaayaasha milatariga.

Waxa laga yaabaa inaad noqoto shaqaale shaqadiisii/deedii laga soo saaray sababtoo ah dhaqaale-xumo ama xidhmashada shirkad . Tusaale ahaan, haddii aad ahaan lahayd shaqaalaha saf ahaanta isku xidhka ugu shaqeeya warshad, taas oo xidhmatay sabab ah horumarka tignoolajiyadeed awgeed, uma badnid inaad ku noqoto shaqadaas.

Dadka shaqo la'aanta ahaa siddeed toddobaad oo isku xigta ayaa sidoo kale laga yaabaa inay xaq u yeeshaan.

Haddii aadan hubin inaad u qalanto, fadlan buuxi codsiga waxaanan kaa caawin doonaa in aad ogaato haddii aad buuxisay shuruudaha.

Waa maxay dheefaha barnaamijka TUI?

Marka lagu jiro barnaamijka TUI, shaqaalaha shaqada laga saaray waxay dhigan karaan dugsiga wakhti buuxa iyagoo markaa dheefaha ka helaya Barnaamijka Caymiska Shaqo la'aanta. Ma jirto wax shuruud ah oo ku aadan in la shaqo la raadsado. Ka qaybgalayaashu waxay heli karaan ilaa 26 toddobaad oo dheefo ah, oo ay weheliso dheereyn kasta oo federaal ama gobol oo markaa la heli karo.

Qaar ka mid ah ka qaybgalayaasha TUI ayaa laga yaabaa inay u qalmaan barnaamijka Kaabista Shaqo la'aanta ee Shaqaalaha La Saaray/Tirtiray (Supplemental Unemployment for Dislocated, SUD), waqti dhereynta kaliya ee loo heli karo barnaamijka TUI.

Tababar noocee ah ayaan heli karaa inta aan ku jiro barnaamijka TUI?

Waxaad tababar waqti buuxa ah ka heli kartaa kulliyad bulsho oo la aqoonsan yahay, jaamacad la aqoosan yahay, ama barnaamij xirfadeed la aqoonsan yahay. Barnaamijku waa inuu noqdaamid uu aqoonsan yahay Waaxda Waxbarashada ee Mareykanka, bixi shati uu aqoonsan yahay Oregon, ama haku aqoonsato Guddiga Maalgelinta Shaqaalaha Gobolka.

Guud ahaan, tababarku waa inuu ahaadaa mid waqti buuxa ah. Macnaha wakhtiga buuxa wuxuu ku xidhan yahay goobta tababarka ama dugsiga. Waxa laga yaabaa in aanu samayno ka reebis haddii fasallada loo baahan yahay aan la heli karin ama aad u baahan tahay kaliya fasallo gaar ah si aad u dhammayso tababarka.

Haddii aadan hubin in barnaamijku buuxinayo shuruudaha, fadlan codso.

Waa maxay dheefaha kale ee aan heli karo inta aan ku jiro barnaamijka TUI?

Ka qaybqaatayaasha TUI ayaa waxaa laga yaabaa inay u qalmaan Kaabista Shaqo la'aanta ee Shaqaalaha La Saaray/Tirtiray. Dheefahas ayaa laga yaabaa in ay noqdaan kuwo la heli doono ilaa 26 toddobaad oo dheeraad ah ama ilaa waqtiga uu dhammaanayo tababarkaaga laguu ansixiyay, midkood kii soo hor maraa.

Sideen uga qayb qaadan karaa barnaamijka TUI?

Ka hor intaadan codsan barnaamijka TUI, waa inaad xareysataa codsiga hore ee dheefaha ka socdaan Barnaamijka Ceymiska Shaqo la'aanta. Intaa ka dib, waxaad u baahan tahay inaad u soo dirtocodsiga barnaamijka TUI Waaxda Shaqada ee Oregon. Dib ayaan u eegi doonaa codsigaga waxaana ku weydiin doonaa su'aalo si aan u ogaano haddii aad tahay shaqaale shaqadiisii/deedii laga soo saaray/tirtiray. Haddii aadan hubin inaad u qalanto, fadlan codso waan ogaan doonaaye.

Haddii aan ansixino codsigaaga, waxaad heli doontaa shahaado si aad uga qayb qaadato barnaamijka TUI.

Waxaad u heli doontaa isla qadarka dheefaha Barnaamijka Caymiska Shaqo la'aanta sida codsadaha caadiga ah. Waxa laga yaabaa inaad u qalanto inaad hesho wakhti dheereyn kasta oo gobol ama federaal ah oo la heli karo, oo ay ku jirto Kaabista Shaqo la'aanta ee Shaqaalaha La Saaray/Tirtiray (Supplemental Unemployment for Dislocated, SUD).

Sideen ugu firfircoonaadaa barnaamijka TUI?

Si aad u sii wadato helitaanka dheefaha intaad ka qaybqaadanayso barnaamijka TUI, waa inaad:

  • Ka qaybgashaa tababbarka la ansixiyay asbuuc kasta.
  • Soo xareysataa sheegashadaada/dalbashadaada toddobaadlaha ah ka dib marka uu usbuuc kasta dhammaado.
  • U keentaa Waaxda Shaqada ee Oregon buundooyinkaaga ama shahaadada dhammaynta ama warbixin kale oo muujineysa ka qaybqaadashada lagu qanco ee tababarka dhamaadka teeram muddeed kasta.

Ka waran shuruudaha shaqo raadinta?

Shuruudaha shaqo raadinta weey sii jirayaan ilaa aad ka helayso ogolaanshaha barnaamijka TUI oo aadna dhiganeyso tababarka wakhti buuxa. Waa inaad awoodaa inaad shaqeyso, diyaar u ahaataa shaqo oo aadna si firfircoon shaqo u raadsato toddobaad kasta oo aad sheegashada soo xareysaneyso ilaa aad ka helayso ogolaanshaha OED ee barnaamijka TUI.

Isla markaad hesho oggolaanshaha oo aadna bilowdo tababarka waqtiga-buuxa ah, lagaagama sii baahna inaad shaqo raadsato. Ka-dhaafitaankani wuu sii soconayaa ilaa inta aad si buuxda ugu diiwaangashan tahay tababarkaaga la ansixiyay oo aadna ku leedahay haraadi dheefahaaga. Mar dambe xaq uma sii lahaan doontid barnaamijka TUI ka dib markaad sheegato/dalbato dhammaan dheefahaaga.

Ka warran kharashka tababarka ama dugsiga?

Adiga ayaa mas'uul ka ah kharashka tababarkaaga ama waxbarashadaada. Barnaamijka TUI ma bixiyo tababbarka ama maalgelinta tababarkaaga. Barnaamijku waxa uu kaliya meesha ka saarayaa baahida loo qabo inaad shaqo raadsato adigoo isla mar ahaantaa dhiganaya dugsiga ama ku jira tababarka.

Muxuu u baahan yahay inuu dugsigu sameeyo?

Wakiil ka socda xarunta tababarka ama dugsiga waa inuu buuxiyaa Bogga 3-aad ee codsigaaga loogu talagalay barnaamijka TUI.

Su'aalaha?

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan maalgelinta ama xullashooyinka tababarka, la xidhiidh bixiyaha tababarka ee degaankaaga ama xarunta WorkSource Oregon ee degaanka. Waxaad ka heli kartaa bixiyaha tababarka ee degaankaaga CareerOneStop ama WorkSource Oregon.

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan barnaamijka TUI, oo ay ku jirto sida loo codsado, ka wac Xarunta Barnaamijyada Gaarka ah 503-947-1800 ama 800-436-6191. Wakiilka TUI ayaa si faahfaahsan kuugu sharxi doona barnaamijka oo ku siin doona codsi haddii aad rabto inaad codsato.

codsi