Waa Maxay Caymiska Shaqo la'aanta?

Caymiska shaqala'aanta waxa uu lacag siiya dadka shaqadoodii waayay ama saacadahoodii shaqada laga dhimay iyaga oo aan sameyn wax qalad oo iyaga ka yimid. Lacag-bixinta toddobaadlaha ah ee dheefaha caymiska shaqala'aanta waxay taageertaa dadka ayagoo markaa si firfircooni ay ku dheehan tahay u raadsanaya shaqo.

Haddii aad lumisay shaqadaadii ama haddii loo-shaqeeyahaagu uu jaray saacadahaagii, waa inaad dalbataa dheefaha caymiska shaqo la'aanta. Wakiiladayadu ayaa kaa caawin doonaan go'aaminta haddii aad u qalanto lacag-bixinta toddobaadlaha ah.

Benefits Calculator

Si aad u ogaato inta aad xaq u yeelan karto in aad hesho, taas oo ku salaysan waxa aad kasbatay muddo wakhti ah oo loo yaqaan "sanadkaaga aasaasiga ah," booqo keena ah Benefits Calculator.

Benefits Calculator

Yaa u qalma caymiska shaqo la'aanta ee Oregon?

Shantii qof ee ku nool Mareykanka afar ayaa u baahan doona dheefaha shaqo la'aanta mar ka mid ah marxalad socodkooda shaqada. Dadka lumiyay shaqooyin waqtiga-buuxa ah, kuwo niska ah iyo kuwo ku meel gaadh ah ayaa laga yaabaa inay u qalmaan lacagaha dheefaha.

Qof kasta oo loo oggolaaday inuu ka shaqeeyo gudaha Mareykanka wuxuu xaq u yeelan karaa dheefaha shaqola'aanta. Ma aha nooc ka mid ah caawinaada dadweynaha ama kharash dadweyne.

Shaqaalo badan ayaa u qalma caymiska shaqo la'aanta, xitaa haddii loo-shaqeeyahoodu uu u arko inay yihiin shaqaaleyaal ah qandaraaslayaal madax-banaan. Si aad wax badan uga ogaato u-qalmitaanka dheefaha, booqo Do I Qualify?

Washington state rises behind the The Dalles Bridge in the Columbia River Gorge.

Yaa bixiya caymiska shaqo la'aanta?

Caymiska shaqo la'aantu ma'aha caawimo dadweyne ama daryeel ku salaysan baahi. Lacagta dheefahan waxay ka timaadaa loo shaqeeyayaasha Oregon, kuwaas oo ay tahay inay wax ku biiriyaan Maalgelinta Aaminaadda Caymiska Shaqo La'aanta. Lacagtu kama imaato jeegaga mushaharka ee shaqaalaha.

Maalgelinta Aaminaadda Caymiska Shaqo La'aanta ee Oregon ee Khasnadda Maraykanka waxa kaliya oo loo isticmaalaa in lagu bixiyo dheefaha caymiska shaqo la'aanta. Maalgelintu waa mid ka mid ah kuwa ugu fiican qaranka sabab ah nidaamka canshuuraha ee iskiisa isku-dheelitira ee Oregon awgiis.

Maxaan u baahanahay inaan sameeyo?

Si aad u codsatid si aad u aragto in aad u qalanto in aad hesho dheefaha, waa in aad xeraysataa sheegashada hore ee caymiska shaqo la'aanta. Sidoo kale waa inaad xeraysataa sheegasho toddobaadle ah toddobaad kasta - xitaa toddobaadka markaad xareeneyso sheegada hore. Waxaad u baahan doontaa inaad shaqo raadsato, aad awoodid inaad shaqeyso, oo aad diyaar u noqoto shaqada. Caawinta ku aadan shaqo cusub ayaa laga heli karaa iyada oo loo marayo WorkSource Oregon. Waxaad macluumaad dheeraad ah ka heli kartaa How to Apply for Unemployment Insurance Benefits.

Harris Bridge crosses Marys River in Harris, near Philomath.

Waa maxay doorka Waaxda Shaqaalaynta ee ku aadan siinta dheefaha caymiska shaqo la'aanta dadka reer Oregon?

Employment Department wuxuu maamulaa barnaamijka Caymiska Shaqo La'aanta ee Oregon, isagoo raacaya habraacyada ay dejiyeen sharciga federaalka iyo kan gobolka. Waxaanu ururinnaa tabarucaadyada loo shaqeeyayaasha ee maalgeliya barnaamijka, go'aamina cidda xaqa u leh dheefaha, ka hortagnaa oona ogaana khiyaanada, oo waanu siinaa dheefaha shaqaalaha u qalmaan.

Marka lagu daro barnaamijka Caymiska Shaqo La'aanta ee caadiga ah, Waaxda Shaqaalayntu waxay hawlgelisaa dhowr barnaamijyo oo gaar ah oo loogu talagalay shaqaalaha shaqo la'aanta ah, sida Self Employment Assistance program oo loogu talagalay dadka doonaya inay iskood u shaqeystaan iyo Training Unemployment Insurance program oo loogu talagalay shaqaalaha ay shaqo la'aantu ugu dhacday duruufe dhaqaale oo ka dhex jira bulshada oona helaaya xirfado cusub si ay ugu noqdaan shaqada. Si aad wax dheeraad ah u barato, booqo Additional Programs.

Sidee ayuu caymiska shaqo la'aantu u caawiyaa Oregon?

Caymiska shaqo la'aantu wuxuu taageeraa xasiloonida dhaqaale ee dadka reer Oregon iyo bulshooyinkooda. Lacag-bixinta toddobaadlaha ah waxay taageertaa qoysaska iyo shaqaalaha lumiyay shaqadooda.

Lacagtu waxay gacan ka geysataa sii wadista awoodda wax soo iibsiga ee bulshooyinka laga saaray shaqooyinkooda. Tani waxay ka hortagtaa shaqo la'aanta sare ee shaqaalaha bixiya badeecooyinka iyo adeegyada.

Lacag-bixinuhu waxay jilciyaan jahawareerka dhaqaale waxayna caawiyaan in xooga shaqaale ee xirfadda leh lagu sii hayo bulshada dhexdeeda. Barnaamijka Caymiska Shaqo La'aantu waa mid ka mid ah qalabyo badan oo gacan ka geysta sida looga hortago niyad-jabka dhaqaale ee dhameyska tiran/buuxa.