Maxaa Dhacayo kadib markii aan Xareeyo?
Codsashada faa’idooyinka Barnaamijka Caymiska Baagamoondinamada oo sidoo kale loo yaqaan gunnada hore ayaa ah tallaabada ugu horaysa ee la qaado isla markaana ugu muhiimsan. Tan kale, waa inaad dhammaysaa hawlo qaar si aad ugu qalanto qaadashada faa’idooyinka.
- Qaar ka mid ah hawlahan waa in lagu dhammayaa mudooyin cayiman.
- Hawlaha qaar sida codsiyada toddobaadlaha ah iyo shaqo raadinta, waa in la sameyaa asbuuc walba haddii aad rabto inaad hesho faa’idooyinka.
Haddii aadan dhammayeynin hawlahan waxaa laga yabaa inaan ku diidno faa’idooyinka aad heli lahayd. Haka dayma la’aanin boostadaada, iimaylkaaga , iyo akoonkaaga Frances Online oo u eeg si joogta ah si aad u hesho macluumaadka aan ku soo dirno.
Maxaa layga doonayaa inaan sameeyo?
Asbuuc walba, waa inaad dhammaysaa hawlo gaar ah si aad ugu qalanto qaadashada faa’idooyinka.
- Badi dadka codsaday cayrta waa inay raadsadaan shaqo si ay u buuxiyaan shuruudaha u qalmida faa’idooyinka.
- Waa inaad xaraysataa codsiga toddobaadlaha ah si aad u muujiso inaad u qalanto.
- Wax badan ogow adigoo booqanaya bogga Weekly Claims.
Waxaa jiro hawlo kale oo ay tahay inaad dhammayso si aad ugu qalanto barnaamijka. Waxaa laga yabaa in lagu waydiyo inaad hawlahan samayso hal mar mise wax ka badan. Haddii loo baahdo waxaan kugu soo wargelinaynaa Frances Online iyo hab warqadeed. Waxaad u baahaneysaa inaad:
- Xaqiijiso aqoonsigaaga/cida tahay. Waxaan illaalinaa macluumaadkaaga iyo faa’idooyinkaaga. Wax badan ogow adigoo booqanaya bogga Verify Your Identity.
- La kulan takhasuuslaha shaqooyinka ee WorkSource Oregon Wax badan ogow adigoo booqanaya bogga Job Seeking iyo WorkSource Oregon.
- Ka soo jawaab codsiyada aan kaga doonayno macluumaad si aan go’aan oga gaarno haddii aad u qalanto faa’idooyinka.
Si joogta ah u eeg Frances Online iyo boostadaada oo isla markiiba ka soo jawaab codiyadeena mise waxa suuraggal inaan ku diidno inaan ku siino faa’idooyinka. Hawlaha waxay leeyihiin muddo cayiman oo lagu soo gudbin karo. Wax badan ka akhri bogga Status Messages.
Wargelinta Faa’idooyinka Suuraggalka ah iyo Mushaarka
Markaad codsatid ka dib waxaan ku soo diraynaa Wargelinta Faa’idooyinka Suuraggalka ah iyo Mushaaarka. Tani waxay ku tusaysaa haddii codsigaagu yahay mid sax ah, iyo inta lacag ah ee aad u qalmi karto inaad hesho iyadoo lagu saleynayo mushaharkaaga sanadkii fiirinaayey u qalmitaankaaga barnaamijka. Si taxaddar leh u eeg mushahrkaaga iyo saacadaha aad shaqaysay ee la soo gudbiyey ee ku jira wargelinta. Haddii macluumaadka uu qaldanyahay, waxaad codsan kartaa inaan markale dib u eegno codsigaaga.
Haddii mushaarka mise saacadaha aad shaqaysay wax lagu daray mise laga saaray. waxaad heleysaa Wargelinta Faa’idada Suuraggalka ah iyo Mushaarka oo cusub. Tani waxaa loo yaqanaa dib-u-go’aamin.
Wargelinta waxay sidoo kale ku tusaysaa:
- Qadarka lacageed ee faa’idadaada toddobaadlaha ah. Tani waa qaddarta lacageed ee aad heli karto toddobaad walba haddii aad buuxiso dhammaan shuruudaha u qalmitaanka.
- Qadarka lacageed ee ugu badan faa’idadaada Tani waa wadarta guud ee cayrta suurtagalka ah ee kuu furan inaad hesho inta lagu jiro codsigaaga 52-usbuuc ah, oo sidoo kale loo yaqaan sannadka faa’idad.
- Taariikhda uu bilaabanayo iyo tan uu dhammaanaayo sannadka faa’idadaada. Waxaad kaliya kasban kartaa faa’idooyinka asbuucyada soo galaaya inta u dhaxeysa taariikhdan. Waxaad markale codsan kartaa faa’idooyinka ka dib taariikhda dhammaanshaha.
- Badrooniyada aad u shaqaysay inta lagu jiray sannadkaaga halbeegga ahaa. Tani waxaa laga yaabaa inay ka mid noqdaan kaliya badrooniyada Oregon. Waxay inagu qaadan kartaa wakhti badan in aan helno macluumaadka ku saabsan shaqadaada heer federaal, mushaharkaaga ciidannimo ama badrooniyada ka baxsan Oregon.
- Mushaharka iyo saacadaha shaqo-bixiyahaaga uu soo gudbiyey inaad shaqaysay saddexdii biloodba ee sannadka la fiirinaayey u qalmitaankaaga ee codsigaaga.
- Haddii bayaankan uu yahay go’aamin hore mise dib-u-go’aamin.
Waraaqdan waxay sidoo kale ku siinaysaa macluumaad kale oo ku saabsan codsigaaga. Waxay ku sheegi haddii:
- Aadan u heysan codsi sax ah ee helista faa’idooyinka. Wax badan ogow adigoo booqanaya bogga Lack of Reported Wages.
- Codsigaaga wuxuu ku salaysan yahay sannad halbeeggeedka caadiga ah mise mid aan caadiga ahayn (macluumaad dheraad ah waxay ku qorontahay qaybta hoose).
Muddo intee le’eg ayey qaadanaysaa in lagu qiimeeyo codsigayga?
Waxay qiyaastii qaadataa saddex asbuuc in lagu qiimeeyo inta badan codsiyada hore, lagu gaaro go’aan u qalmitaanka, laguna soo diro Wargelinta Faa’idada Suuraggalka ah iyo Mushaaarka.
Codsiyada qaar waa kuwo adag waxayn u baahan yihiin wakhti badan si loo qiimeeyo. Wax badan ogow adigoo booqanaya bogga Adjudication(Hannaanka Go’aaminta).
Kuwaan waa qaar ka mid ah sababaha caamka ah ee keenaya wakhti sugitaan oo ka badan saddex usbuuc.
- Waxaad toddobaad mise wax ka badan seegtay muddada xareynta codsigaaga toddobaadlaha ah. Tani waa sababta ugu badan ee dhalisa dib u dhaca ku yimaada helitaanka faa’idooyinka. Waa inaad xareysaa codsi toddobaadle ah asbuuc walba haddii aad rabto inaad sii hesho faa’idooyinka, oo ay ku jirto asbuuca ugu horreeya ee codsigaaga ka dib marka aad gudbiso codsigaaga. Haddii aad seegto asbuuc , waxaad u baahantahay inaad dib u soo bilowdo codsigaaga. Wax badan ka ogow bogga Dib u bilaabida Codsiga.
- Haddii aadan kaga soo warbixinin lacagaha aad heshay codsigaaga toddobaadlaha ah.
- Haddii aad heshay lacago kaga soo dhacday ciidanka, dawladda federaalka, mise shaqo kale ee ka fulisay gobol kale. Waxay nagu qaadanaysaa muddo badan inaan jawaab ka helno habraacyadooda.
- Arintaadu waxay u baahantahay qiimeyn dheeraad ah. Khabiiradeenna go’aaminta waa inay kula hadlaan adiga, shaqo-bixiyahaaga, ama cid kale si ay kagala niqashaan waxyaabaha ku saabsan heeerkaaga shaqo ama dakhli.
Waxaa ka eegi kartaa Frances Online wixii warbixin ah iyo su’aalo ah ee ku aadan codsigaaga.
Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo
-
Waa maxay rubac?
Sanadka waxa uu u qaybsanyahay afar rubuc:
- Rubaca 1-aad (Q1): Janaayo, Febraayo, iyo Maarso
- Rubaca 2-aad (Q2): Abriil, Maajo, iyo Juun
- Rubaca 3-aad (Q3): Luulyo, Agoosto, iyo Sebtembar
- Rubaca 4-aad (Q4): Oktoobar, Nofeembar, iyo Diseembar
-
Waa maxay sannadka halbeegga ah?
Sanadkaaga u qalmida ee caadiga ah waa afar ka mid ah shantii rubuc ee sannadka ee ugu dambeysay ee la dhammeeyey ka hor sannadkaaga faa’idada. Sannadkaaga faa’idada waa muddada 52-toddobaad ah oo bilaabmaysa marka aad gudbiso codsigaaga bilowga ah.
Tusaale ahaan, haddii aad codsatay faa’idooyinka bishii Oktoobar 2025, codsigaaga sannadka eegista u qalmitaanka ee caadiga ah waxay ka koobnaan lahayd rubuca saddexaad ee 2024 ilaa rubuca labaad ee 2025. Sidaas darteed, sannadkan la eegaayo u qalmitaanka wuxuu soconayaa laga bilaabo 1-da Luuliyo 2024 ilaa 30-ka Juun 2025. Sannadka la fiirinaayo u qalmitaankaaga barnaamijka wuu isbeddelaa rubuc walba ee sannadka waxaana lagu go’aamiyaa rubuca aad gudbiso codsigaaga bilowga ah.
-
Waa maxay sannadka aan halbeegga ahayn?
Haddii aadan u qalmin caymiska baagamoondinimada adigoo isticmaalaya sannadka halbeegga ee caadiga ah, waxaan isticmaaleynaa afarta rubac ee sannadka ugu dambeeyey ee la dhammeeyey, taasoo loo yaqaan sannadka aan halbeegga ahayn.