Ma u baahan tahay caawimaad?
Macluumaadkani waa mid aad u muhiim ah. Waaxda Shaqaalaynta ee Oregon (The Oregon Employment Department, OED) waa wakaalad leh fursad loo siman yahay. OED waxay ku siineysaa caawimo bilaash ah si aad u isticmaasho adeegyadeena. Tusaalooyinka qaarkood waa luqadda dhegoolaha iyo tarjumaannada luuqada lagu hadlo, agab ku qoran afaf kale, far waaweyn, maqal iyo qaabab kale. Si aad caawimo u hesho, fadlan ku dhufo unemployment.oregon.gov/so oo guji Nala Soo xiriir ama naga soo wac 877-345-3484. Isticmaalayaasha TTY waca 711.
Far-waawayn, maqal, ama xarfaha la taaban karo (braille)
Waaxda Shaqada ee Oregon ayaa kuu soo diri doonta waraaqo oo xambaarsan macluumaad muhiim ah oo ku saabsan sheegashadaada gunnooyinka. Haddii ay kugu adkaato akhrinta waraaqahayaga, waxaan bixinaa fududeymo macquul ah. Waxaad dooran kartaa inaad waraaqaha ku hesho far-waawayn, maqal, ama xarfaha la taaban karo (braille). Waraaqaha kali waxaa lagu heli karaa Af-Ingiriis iyo Af-Isbaanish
Haddii aad u baahan tahay qaab kale oo macquul ah, waxaad codsan kartaa: