Skip to main content

Report ID Theft or UI Fraud

Khiyaanada caymiska shaqa-la'aanta waa ka bixinta warbixin khaldan oo ula kaca ah ama qarinta macluumaadka si loo helo macaashyada. Haddii aad si ula kac ah u qariso ama u soo sheegto macluumaad khaldan, waa khiyaano. QIYAANADU WAA DANBI waxaana ka dhalan karaan ganaaxyo gaarayo ilaa oo ay ku jirto dacwad ciqaabeed.

Tusaalooyinka waxyaabaha qaar ee noqon kara khiyaano:

  • Inaadan sheegin diidmo shaqo ama shaqo aad seegtay markaad macaashyada dalbanayso
  • Bixinta macluumaad been-abuur ah ama qarinta macluumaadka si aad u hesho macaashyada
  • Ka gaabinta inaad soo sheegto dhammaan dakhligaaga markaad xareyneyso macaashyada toddobaadlaha ah
  • Inaadan si sax ah u sheegin sababta ka tagista shaqadaada
  • Xareynta qaansheegasho iyadoo la adeegsanayo aqoonsiga qof kale

Haddii aad hayso macluumaad ku saabsan khiyaano shaqa-la'aan, fadlan buuxi mid ka mid ah foomamkeena hoose ee soo gudbinta khiyaanada.

Soo Sheeg Xatooyada Aqoonsi

Fadlan isticmaal foomka hoose haddii aad u malaynayso inuu aqoonsigaaga qof xaday si aad u hesho macaashka shaqa-la'aanta.

Aqoonsigaaga waa la xadi karaa haddii:

  • Aad annaga naga heshay warqad(waraaqo) ku saabsan qaansheegashadaada shaqa-la'aanta oo aadan gudbinin qaansheegasho.
  • Aad nooga heshay jeeggaga lacagta shaqa-la'aanta boostada oo aadan xareynin qaansheegashada macaashyada.
  • Shaqo-bixiyahaagu ku wargaliyay inay naga heleen ogeysiis ka socda Waaxda Shaqaalaynta oo dhigaya inaad xareysay qaansheegasho.
  • Aad annaga naga heshay foomka 1099G ee sannad cashuureedka 2020 oo aadan xareynin macaashyada caymiska shaqa-la'aanta gudaha sannadka 2020.

Xubin ka tirsan kooxdayada ayaa kula soo xiriiri doonta si aad uga hadashaan sheegashada xatooyada aqoonsigaaga.

FOOMKA SOO SHEEGIDA XATOOYADA AQOONSI

Batrooniyada Soo Sheegaya Khiyaanada

Haddii aad shaqo-bixiye tahay oo aad aaminsan tahay in qof laga yaabo inuu helay macaashyo uusan u-qalmin, fadlan nala soo socodsii adigoo adeegsanayo xiriiriyaha hoose ee soo gudbinta khiyaanada. Inkastoo foomamku ay tilmaamayaan khiyaano la tuhunsan yahay, tani waa habka aad noogu soo sheegi karto xaalad kasta taasoo aad u malaynayso in qof laga yaabo inuu helay macaashyo aysan ahayn inuu helo.

Shaqaaluhu wali way u-qalmi karaan macaashyada shaqa-la'aanta haddii ay u diidaan dalabka shaqo ku habboon sababo la xiriira COVID-19 sida lagu qeexay sharciyadayada kumeelgaarka ah.

Shaqaaluhu wali way u-qalmi karaan macaashyada shaqa-la'aanta hadday:

  • Qabaan COVID-19
  • U badan tahay inay u-baylah noqdeen COVID-19 oo lagu soo rogay muddo karantiil oo waajib ah
  • Joogaan guriga si ay u daryeelaan xubin ka tirsan qoyska, ama qof kale oo ay la nool yihiin ama ay daryeelaan, oo qaba COVID-19 ama lagu soo rogay karantiil waajib ah
  • Aaysan awoodin inay shaqeeyaan maxaa yeelay waa inay guriga joogaan si ay u daryeelaan ilmo sababo la xiriira u xirnaanshaha dugsiyada, xarumaha xanaanada ilmaha, ama xarumaha la midka COVID-19 dartiis
  • Lagu dhaho shaqeeya iyadoo taasi ku qasbayso inay u dhaqmaan si xadgudub ku ah karantiilka waajibka ah ama awaamiirta dawladeed
  • Aysan awoodin inay shaqeeyaan maadaama bixiyaha daryeelka caafimaad kula taliyay ama talobixinta ay soo saareen saraakiisha caafimaadka bulshada inay isku karantilaan sababo la xiriira halista u-baylah noqoshada ama faafitaanka COVID-19

Soo Sheegida Khiyaanada ee Dadweynaha Guud

Haddii aadan aheyn shaqo-bixiye, balse aad hayso macluumaad ku saabsan khiyaanada shaqa-la'aanta, fadlan buuxi foomkayaga gudbinta khiyaanada adoo raacaya xiriiriyaha hoose ee soo gudbinta khiyaanada. Waxaan dib-u-eegnaa dhammaan tallooyinka aan helno, iyadoo aan loo eegin inta macluumaad ee aad bixiso. Si kastaba ha noqotee, faahfaahin dheeraad ah oo aad bixin kartid markaad soo sheegayso khiyaanada shaqa-la'aanta, ayaa si fiican nooga caawin doonta baaritaankayaga.

Marka loo geeyo magaca shaqsiga, iyo wax isdaba marinta uu sameynayo, bixinta faahfaahinada sida cinwaankiisa, da'diisa ama taariikhdiisa dhalasho, iyo/ama lambarkiisa sugnaanta bulshada ayaa naga caawin doona inaan si fiican uga aqoonsano qofka ku jira diiwaannadeena qaansheegashada.

Haddii aad soo sheegayso qof shaqeynaya kaasoo qaadanaya macaashyo, bixinta magaca iyo cinwaanka shaqo-bixiyaha iyo sidoo kale qiyaastii muddada shaqsigu iyagu u shaqeynayay, marka loo geeyo macluumaadka kor ku xusan, ayaa naga caawin doona dib-u-eegista qaansheegashada iyo diiwaannada mushaarka iyo go'aaminta wax isdaba marinta.

Macluumaadka aad na siiso waxaan si qarsoodi ah ayaan u xifdinaa, waxaadna codsan kartaa inaad qarsoonaato markaad soo sheegayso khiyaanada Caymiska Shaqa-la'aanta (UI). Si kastaba ha noqotee, sharciyada qarsoodiga awgood, ma awoodno inaan bixino natiijooyinka baaris kasta iyadoo lagu saleynayo macluumaadka aad bixiso. Waad ku mahadsantahay caawintaada.