Overpayment Waivers
Codsashada Ka dhaafida Lacag bixinta dheeraadka ah
Caymiska shaqala'aanta ayaa door muhiim ah ka ciyaara caawinta dadka markii ay guryahooda joogaan oo ay bulshooyinka sii xoojiyaan. Si kastaba ha ahaatee, haddii qof uu helo lacag isagoon u qalmin, waxaa laga yaabaa in ay dib u bixiyaan lacagtaas. Dadka intooda badan, helitaanka ogaysiis lacag bixin dheeraad ah waxay ku kordhin kartaa walaac oo adkayn karta nolosha adag oo awal dadka ay kujireen. Haddii aad heshay ogaysiis lacag bixin dheeraad ah, waxaanu kugu dhiirigelinaynaa in aad codsato ka dhaafida lacag bixinta dheeraadka ah haddii dib u bixinta lacagtaas ay kugu keeni karto dhibaato dhaqaale.
Waaxda Shaqada ee Mareykanka ayaa bixisa ikhtiyaar ka dhaafida lacag bixinta dheeraadka ah ee faa'iidooyinka federaalka oo quseeya codsadayaasha u qalma. Waxaad codsan kartaa ka dhaafida lacagta dheeraadka ah haddii la go'aamiyo in aadan qalad ku lahayn lacag bixinta dheeraadka ah iyo dib u bixinta lacagtan ay kugu keeni karto dhibaato dhaqaale. Ka dhaafidan waxay qusaysaa kaliya barnaamijyada soo socda:
Dheeraadka ah ee UI ee federaalka
• Magdhawga Shaqala'aanta Degdega ah ee cudurada Faafa (PEUC)
• Magdhawga Shaqala'aanta cudurada faafa ee heer Federaal (FPUC)
• Caawinta Shaqala'aanta ee cudurada faafa (PUA)
• Kaalmada mushaarka Lumay (LWA)
• Magdhawga Shaqala'aanta Isku-dhafka ah (MEUC)
Sharciga Oregon waxa uu ku siinayaa fursad aad ku codsato ka dhaafid kasta oo aan khiyaano lahayn oo ah lacag bixino dheeraad ah oo caymis shaqo la'aaneed oo joogto ah iyo faa'iidooyinka la dheereeyey haddii la go'aamiyo in dib u bixinta lacagtaas ay kugu keeni karto dhibaato dhaqaale. Ka dhaafidan/cafiskan waxay qusaysaa oo kaliya barnaamijyada soo socda:
• Caymiska Shaqo La'aanta Joogtada ah
• Faa'iidooyinka Dheeraadka ah (EB)
Tilmaamaha Gudbinta Codsiga Ka dhaafida
Soo gudbi overpayment waiver form ee gobolkaaga ama soo gudbi overpayment ee heer federaal adiga oo:
• Iimayl: OED_OVERPAYMENT_UNIT@employ.oregon.gov – Ciwaan: “Waiver Request”
• Fakis: 503-947-1811 – ATTN: BPC Waiver Requests
• Ciwaan: BPC Overpayment Waivers PO BOX 14130 Salem, Oregon 97309-5046
Waxaa kale oo aad ku soo gudbin kartaa dhaafitaanka lacag bixintaada dheeraadka ah ee heer federaalka qaab onleenah(Af-ingiriis Keliya)
Hadii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo go'aan ka gaarista foomka cafiska ee aad isticmaalayso, fadlan naga soo wac 503-947-1995.