Eligibility Quiz
Kadiska U Qalanka
Kadiskani waa tilmaam guud. Xaalad kastaa waa gaar oo waa in aanu qiimayntaa dalabkaaga.
Miyaad u qalantaa gunooyinka bilaa shaqada ee caadiga ah?
Waxa aad gashaa kadiska marka kowaad.
- Miyaad shaqaysay ugu yaraan 500 oo saacadood ama miyaad uqa qaadatay mushahar $1000 cida aad u shaqayso "asalka sanadka?" Asalka sanadka waxaa weeye afarta hore ee shanta sadex bilood ee lasoo dhaafay ee ka horeeyay todobaadka aad sheegashada aad xaraysatay.
- Hadii aad dalabka hore xaraysay Janaayo, Febraayo, ama Maarso 2020, asalka sanadka waxay uu noqonayaa Oktoobar 1, 2018 ilaa Sebtember 30, 2019.
- Hadii aad dalabkaaga xaraysay Abriil, Maajo, ama juun 2020, asalka sanadka waxay noqonayaan Janaayo 1, 2019 ilaa Diseember 31, 2019.
- Hadii aad dalabkaaga xaraysay Julaay, Agoosto, ama Sebteember 2020, asalka sanadka waxay noqonayaan Abriil 1, 2019 ilaa Maarso 31, 2020.
- Hadii aad dalabkaaga xaraysay Oktoobar, Noofember, ama Diseember 2020, asalka sanadka waxay noqonayaan Julaay 1, 2019 ilaa Juun 30, 2020.
- Miyaad awoodaa inaad shaqayso? "Awooda in la shaqeeyo" waxay ka dhigan tahay inaad jidh iyo mashkixiyan shaqyan karto.
- Diyaar ma u tahay shaqo? "Diyaar u ahaanshaha shadada" waxay ka dhigan tahay inaad shaqayn karto bilaa xadidaad kaahor joogsanaysa inaad shaqad aqbasho (tusaale ahaan: Mushkilad gaadiid, xanuun, talaalka, ama bilaa qoyska/daryeelka ilmaha).
- Miyaa wax kamid ah weedhaha hoose (ee shuruucdeena kumeel gaadhka ah) adiga ku khuseeyaan? Xataa hadii uu mid ku khuseeyo, jawaabtaadu waa "Haa."
- Ma shaqayn karo maadaama oo uu igu dhacay xanuunka coronavirus.
- Ma shaqyan karo maadaama oo ay dhici karto inaan qaaday coronavirus oo ay waajib igu tahay inaan guriga joogo.
- Ma shaqayn karo maadaama oo dhakhtarkayga ama saraakiisha caafimaadka shacabku igu amreen inaan joogo guriga si looga hortago khatarta inaan qaado, ama faafiyo, coronavirus.
- Ma shaqayn karo maadaama cida aan u shaqeeyaa shaqada ayay joojisay ama la iga dhimay saacadaha shaqada coronavirus dartiis. Waxaa taas kamid ah xidhitaanka ama dhimista amarka Guriga Ayaan Amaan Leh ee Badhasaabka, ama talo ka timid saraakiisha caafimaadka shacabka.
- Ma shaqayn karo maadaama ay tahay in aan joogo guriga si aan u daryeelo xubin qoyska ah, ama qof kale oo ila degan oo aan daryeelo, oo qaba coronavirus ama loo baahan yahay inuu guriga joogo.
- Ma shaqayn karo maadaama ay tahay in aan guriga u joogo si aan u daryeelo ilmahayga maadaama oo dugsiyada la xidhay, xarumaha daryeelka ilmaha bixiya ama xarumaha lamid ah coronavirus dartiis.
- Waxa la iga dalbaday in aan ku noqdo shaqada iyada oo ku noqoshadaydu ay noqonayso in aan iska dhago mariyo amarka joogitaanka guriga dhakhtarka ama amarka Nolosha Amaanka Guri Jooga Badhasaabka.
- Miyaad ka fadhiisatay ciidanka 18 bilood ee lasoo dhaafay, oo miyaa degan tahay Oregon mise miyaad si joogto ah uga shaqaysaa ama uga doon doonaysaa shaqo Oregon?
- Waxba weedhaha sare adiga kuma khuseeyaan. (Hadii ayna waxba ku khusaynin, jawaabtaadu waa "Haa.")
- Waa la iga eryay oo aniga ayaa khaladka lahaa.
- Waxa aan ku jiraa mudaharaad shaqo joojin oo cida aan u shaqeeyo ah.
- Waxa aan kaga jiraa fasax shaqayda.
- Waxa aan weli shaqeeyaa laba gelinba.
Hadii aad ku jawaabto Haa BADANAA su'aalahan, waxa ay u badan tahay inaad u qalanto gunooyinka caymiska bilaa shaqada ah ee caadiga ah (Unemployment Insurance, UI). Halkan ka xaree dalabka hore/Codso adiga oo buuxinayo sheegashadaada hore.
Hadii aad ku jawaabta Maya BADANAA su'aalahan, waxa dhici karta in aanad u qalmin gunooyinka caadiga ah laakiin aad u qalanka Kaalmada Bilaa Shaqada Safmarka (Pandemic Unemployment Assistance, PUA). Waxa aad gashaa kadiska hoose.
Miyaad Oregon ka shaqaysay adiga oo u shaqaynaya shirkada kale wax kamid ah 18 bilood ee lasoo dhaafay?Miyaa lagaa eryay, ama miyaa lagaa yareeyay saacadihii aad shaqaynaysay?
Miyaan u qalanmaa Kaalmada Bilaa Shaqada Safmarka (Pandemic Unemployment Assistance, PUA)?
Waxa aad gashaa kadiskan hadii aad ku jawaabto Maya BADANAA su'aalaha kadiska gunooyinka bilaa shaqada caadiga ah.
- Miyaad bilaa shaqo noqotay ama miyaa lagaa dhimay wakhtigii aad shaqayn jirtay COVID-19 dartiis?
- Miyaa dhawaan laguu diiday dalabkaaga bilaa shaqada caadiga ah maadaama oo aanad shaqaynin 500 oo saacadood?
- Miyaad shaqaysaa, laakiin miyaad ka shaqaysay wax ka yar 500 saacadood Oregon 18 bilood ee lasoo dhaafay?
- Miyaad lagaa heley COVID-19, xanuun daran oo ma awoodid miyaa inaad shaqayso?
- Miyaad leedahay caalamado COVID-19 ah mise waxa aad sugaysaa natiijada shaybaadhka ama waxaa kuu socota daawayn?
- Miyaad ku jirtaa khatar sare OO daryeelka bixiyahaaga ayaa kugu amray inaad guriga joogto?
- Miyaad haysaa xubin qoys ama cid kugu tiirsan oo qabta COVID-19?
- Miyaad u shaqayn kari wayday maadaama oo ay tahay inaad guriga joogto si aad u daryeesho ilme ama qof kale oo wayn maadaama oo uu xidhan yahay dugsigu, bixiyaha daryeelka ilmaha, ama xarumaha lamid ah COVID-19 dartiis?
- Hadii meesha aad ka shaqayso loo xidhay maadaam oo saraakiishu amartay ama laga heley cid qabta COVID-19,
oo aad ka shaqayn kari wayday gurigaaga?
- Miyaad noqotay bixiyaha kowaad ee taageerada qoyskaaga maadaama oo uu u dhintay madaxa qoysku COVID-19?
- Miyaad iskaa u shaqaysataa?
- Waxba weedhaha sare adiga kuma khuseeyaan. (Hadii ayna waxba ku khusaynin, jawaabtaadu waa "Haa.")
- Waxa aan u joojiyay shaqaydaydii sababo aan la xidhiidhin COVID-19.
- Waxa aan u joojiyay shaqaydaydii si aan u qaato gunooyinka bilaa shaqada.
- Waxa aan wakhtigan ku jiraa fasax, fasax xanuun, ama fasax aan mushahar ku qaato.
- Waxa aan ka shaqayn karaa guriga laakiin anaan doonaynin.
- Waxa aan ahayn shaqalaaha daruuriga ah, aan kuma jiro khatar sare, oo meesha aan ka shaqeeyaa waxa ay buuxisay shuruudaha amaanka, laakiin aniga ayaa aad uga baqanaya inaan shaqeeyo.
Hadii aad ku jawaabto Haa Wax kamid ah su'aalaha 1-11 IYO su'aasha 12, waxa ay u badan tahay inaad u qalanto Kaalmada Bilaa Shaqada Safmarka (Pandemic Unemployment Assistance, PUA) inta lagu jiro safmarka COVID-19. Halkan ka xaree dalabka hore/Codso adiga oo buuxinayo sheegashadaada hore.
Hadii aad Maya ku jawaabto DHAMAAN su'aalaha, waxaa dhici karta in aanad u qalmin.