Skip to main content

File A Claim

Ka hor inta aadan codsan: Isu keen dokumintiyadaada iyo warbixinta

Wixii faa’idooyinka caymiska shaqo la’aanta joogtada ah (UI), waxaad u baahaneysaa:

  • Magacaaga, lambarka Amniga Bulshada, taariiqda dhalashada iyo warbixinta xiriirka.
  • Taariiqda shaqadaada dhameystiran oo 18 kii bilood ee la soo dhaafay oo ay ku jiraan:
    • magaca (magacyada) badrooniga
    • ciwaanka (ciwaanada)
    • lambarka(lambarada) taleefonka
    • taariiqaha bilowga iyo dhammaadka ee shaqada badrooni walba
  • Akoonka bangigaaga iyo lambarkaaga aqoonsiga bangiga, haddii aad rabtid inaad iska diiwaangelisid dabaajiga tooska ah.

Wixii barnaamijka Caawinta Shaqo la’aanta Cudurka safrmarka (PUA), waxaad u baahaneysaa kan kore, iyo:

  • Cadeynta daqliyada (kaliya haddii aad rabtid cadadka faa’idada isbuuclaha ee ka sareyso ugu yaraanta $205) sida:
    • Soo noqodka canshuurta ganacsiga 2019 oo muujinayo daqligaaga saafiga ah
    • Rasiidyada lacag bixinta 2019
    • 2019 W-2
  • Taariiqda markii koowaad aad shaqo la’aan noqotay sabab la xiriirto COVID-19
  • Inta aad heshay inta lagu jiro isbuuc walboo la soo dhaafay oo aad u raadineysid faa’idooyin

Talaabada 1: Codso adiga oo buuxinayo sheegashadaada hore

Si loo ogaado haddii aad u qalantid faa’idooyinka shaqo la’aanta, waxaad u baahantahay inaad buuxisid arjiga. Kani waxaa loo yaqaan xareynta sheegashada koowaad. Waxaad soo dirtay kaliya sheegashada koowaad hal jeer.

Waxaa jiro labo qaabood lagu codsado:

Onleenka. Qaabka ugu degdegsan ee loogu codsado dhinaca Nidaamkeena Sheegashada Onleenka​. Wixii faa’idooyinka caymiska shaqo la’aanta joogtada ah (UI), waxaad buuxineysaa foomamka onleenka ah. Wixii PUA, waxaad u baahaneysaa inaad dajisid arjiga PDF ka ah, geli warbixintaada, keydi PDF, oo dib ugu xarey si aad ugu laabatid Nidaamkeena Sheegashada Onleenka.

Qaado Su’aalaha gaaban ee U qalmida marka koowaad si aad u hubisid inaad buuxineysid arjiga saxda ah. Buuxinta arjiga qaladka ah waxay daahineysaa faa’diooyinkaaga dhoor isbuuc.

Ka hor inta aadan bilaabin codsashada onleenka ah, usu keen dokumintiyada loo baahanyahay.

MUHIIM AH: Hubi inaad u gelisid warbixintaada si sax ah arjigaaga. Lacagtaada waxaa la daahinayaa maalmo ama xittaa isbuucyo haddii aad qalad sameysid. Si dheeraad ah uga taxadar Lambarkaaga Amniga Bulshada (SSN) iyo ciwaankaaga.

Taleefon ahaan ah. Waxaad sidoo kale ku codsan kartaa dhinaca taleefonka. Hadeer la joogo dad badan ayaa wacayo, marka waxaa laga yaabaa inay tahay inaad sugtid.

Shaqo la’aanta joogta ah

1-877-File-4-UI (1-877-345-3484)

Caawinta Shaqo la’aanta Cudurka safmarka (iskii u shaqeysta, shaqaalaha qandaraaslaha, qandaraaslaha madaxbanaan qaar)

Taleefon bilaash ah: 1-877-345-3484

Iqtiyaarada caawinta luuqada oo dheeraad ah:

Waaxda Shaqaalaysiinta waxay ku bixisaa turjumaad bilaash ah khadka taleefannadeena. Waxaan sidoo kale bixinnaa xulashooyinka caawimaadda luqadeed ee soo socda:

  1. U soo dir magacaaga, luqadda aad codsatay, iyo lambarka taleefanka OED_LanguageAccess@employ.oregon.gov si dib laguugu soo waco luqadaada.
  2. Ka wac Xarunta Xiriirka Caymiska Shaqo-la’aanta lambarka 1-877-345-3484.

Kadib markii aad xareysid sheegasho

Xaqiijinta arjiga

Waxaad heleysaa i-meel xaqiijin ah markii aad gudbisid arjiga shaqo la'aanta joogtada ah.

Illaali i-meeladaada sidoo kale. Waan ku soo ogeysiineynaa haddii sheegashadaada la ansixiyay ama aanan. Waxaan kuu soo direynaa warqad oo ku soo ogeysiineyso. Tani waxay qaadan kartaa 1 - 3 isbuucyo. Haddii laguu ansixiyo, waan ku ogeysiineynaa inta lacagta ah aad heleysid iyo waxa la sameeyo waqtiga xiggo.

Waxaad ka fiirin kartaa heerka sheegashadaada adiga oo galayo Nidaamkeena Sheegashada Onleenka ah.

Talaabada 2: Xarey sheegashooyinkaaga isbuuclaha

*** MUHIIMADA: si loo helo lacag walba, waa inaad xareysaa sheegashooyinka isbuuclaha. ***

Si loo bilaabo helitaanka faa’idooyinka shaqo la'aanta, waxaad u baahantahay inaad xareysid sheegashada isbuuclaha. Tani way ka duwantahay sheegashada koowaad. Waa inaad xareysaa labadaba si aad lacagtaada u heshid.

Sheegashada isbuuclaha waa sida aan u ogaano inta lacagta ah laguu soo dirayo isbuucaas. Isbuuca waa Axad illaa Sabtida. Ma soo gudbin kartid sheegashada isbuuclaha illaa isbuuca uu dhammaado.

Si aad u joogteysid helitaanka faa’idooyinka, waxaad u baahantahay inaad xareysid sheegashada isbuucle ee isbuuc kasta. Xarey sheegashada isbuuclaha xittaa haddii aad shaqeysay isbuucaas. Waxaad u baahantahay inaad soo wargelisid daqliyadaada oo shaqo walba aad sameysay isbuucaas.

Xarey sheegashooyinkaaga isbuuclaha xittaa haddii aadan garaneyn haddii arjigaaga la ansixiyay weli. Waxay qaadan kartaa ugu yaraanafar isbuuc si aan uga baaran dagno arjigaaga (ama ka dheer sheegashooyinka PUA). Haddii arjigaaga la ansixiyo, waxaan kuu soo direynaa lacagta dhammaan isbuucyada la soo dhaafay ee aad u qalantay, haddiiba aad xareysay sheegashooyinkaaga isbuuclaha.

Miyay faa’idooyinkaaga shaqo la'aanta joogtada ah dhammaatay?

Haddii faa’idooyinkaaga dhammaadaan, sii wad inaad ku xareysid isbuuclaha sida caadiga ah. Markii faa’idooyinkaaga ay yihiin $0, markii aad aado inaad xareysid sheegashada isbuuclaha, waxay kugu jaheyneysaa inaad xareysid faa’idooyinka la kordhiyay. Kuwaan waxaa loo yaqaan Magdhowga Shaqo la’aanta Xaalada degdega Cudurka safmarka (PEUC).

Iyo PEUC, waxaad heli kartaa illaa 13 isbuucyo dheeraad ah oo faa’idooyinka shaqo la’aanta oo isbuucyada u dhaxeeyo Maarso 29, 2020 iyo Diseembar 26, 2020.

Haddii aad joojisid xareynta isbuuclaha oo aad rabtid inaad dib u bilowdid kadib markii faa’idooyinkaaga joogtada ah ay dhammaadaan, waxaad u baahaneysaa inaad buuxisid arjiga koowaad ee PEUC

Su’aalaha inta badan la is weydiiyo ee ku saabsan faa’idooyinka la kordhiyay (PEUC)

Talaabada 3: Shaqo ma raadineysaa (iqtiyaar)

Caadi ahaan, dadka helayo faa’idooyinka shaqo la’aanta waxaa looga baahanyahay inay shaqo raadiyaan oo ay qoraan raadintooda. Sharuudaan hadeer waa iqtiyaar sabab la xiriirto COVID-19. Isbadelka wuxuu bilowday Maarso 8, 2020, iyo way sii soconeysaa illaa ogeysiin dheeraad ah. Aqri sharciyadeena ku meelgaarka ah si aad u baratid wax badan.

Badrooniyo badan weli way kireysanayaan, xittaa hadeer, marka waxaan ku dhiirogelineynaa qof walba oo waayay shaqo inuu sii wado raadinta.

Wax badan ka baro Buug-yaraha Sheegashada Caymiska Shaqo la’aanta.