Expired Claims and When to File a New Claim
Waan ognahay in deeqaha caymiska shaqo la'aanta ay yihiin kuwa nolosha muhiim u ah -- gaar ahaan xilliyada adag. Waxaa jira macluumaad badan oo cusub oo adag oo had iyo jeer isbeddela, markaa waxaan abuurnay tilmaamo cad oo kooban oo kaa caawinaya INAAD nidaamka ku dhex socoto.
Tilmaamaha hoose waxay sharxayaan marka la xareynayo codsi cusub iyo marka la sii wadayo xareynta codsigaagii horay u jiray.
Codsiyada caymiska shaqo la'aanta ee caadiga ah (Unemployment Insurance, UI) waxay dhacaan kadib 52 toddobaad. Taasi waxay ka dhigan tahay inaadan dalban karin toddobaadyo dheeri ah oo deeqaha ah kadib marka codsigaaga dhammaado xitaa haddii ay koontadaada ku jiraan haraa wanaagsan.
Macluumaadka hoose wuxuu daboolayaa xaalado kala duwan waxaana duruufahaaga gaarka ah laga yaabaa inay ka reeban yihiin hagitaankeena guud. Haddii aad weli su'aalo qabtid, fadlan la soo xiriir foomkeena Nala Soo Xiriir.
Marka la XARAYNAYO CODSI CUSUB:
- Xareey codsi cusub kadib markuu caymiskaaga shaqo la'aanta ee caadiga ah (Caymiska Caadiga ah) waqigisa dhamaado —xitaa haddii ay wax kaaga hareen deeqahaaga PEUC.
- Xareey codsi cusub marka aad hesho ogeysiin dhanka Nidaamka Cosdiga Onlaynka ah.

Haddii aadan xayeynin codsi cusub marka ay dhacaan deeqahaaga, deeqahaaga waa la joojn doonaa. Haddii aad u qalntao codsi cusub, waxaad sii wadi doontaa xarayn si toddobaadle ah ee codsiga cusub. Haddii aadan u qalmin codsi cusub, waxaa lagugu celin doonaa codsigaagii hore oo waxaadna ka heli doontaa deeqaha hoos yimaada PEUC. Haddii aadan shaqeyn sannadka 2020, ku soo gudbi mushaharkaaga sida "eber.”
Haddii aad u qalanto deeqaha codsi cusub, waxaad ku xareyn kartaa adiga oo adeegsanaya Nidaamka Codsiyada Onlaynka ama adigoo wacaya 1-877-345-3484. (U diyaar garow waqtiga sugida dheer.) Ka ogow wax badan oo ku saabsan sida loo xareeyo halkan.
Goorta la SII WADAYO XARAYNTA codsigaagii horay u jiray:
- Sii wad xaraynta codsigaaga horay u jiray haddii codsigaaga wali yahay mid shaqaynaysa, oo macnaheedu yahay codsigaaga MA dhamaanin. Tani waxay run u tahay codsiyada Joogtada ah ee UI, PEUC, iyo PUA -- xitaa haddii aad leedahay haraa ebar ah (deeqo dhamaaday) ee codsigaaga.
- Sii wad xaraynta codsigaaga horay u jiray haddii aad haysato codsiga Caawinta Shaqo La'aanta Xilliga Cudurka Faafa (Pandemic Unemployment Assistance, PUA) oo waqtigiisa dhamaaday. Tani waxay noo oggolaaneysaa inaan si dhaqso ah lacag kuu siino markii aan tilmaam ka helno USDOL. Haddii aan go'aansan karno inaad u qalanto deeqaha barnaamijyada deeqaha cusub ee hadda, uma baahnid inaad sugto goor dambe. Waad iska indhatiri kartaa tilmaamaha si aad u xareysato codsi PUA oo cusub haddii aad warqad otomaatik ah ku hesho boostada oo kuu sheegaysa inaad xarayso codsi cusub oo PUA ah.
Haddii aadan hubin barnaamijka aad u baahan tahay inaad xareyso, sii wad inaad ku xareyso codsigaaga hadda jira oo nagala soo xiriir foomkeena Nala Soo Xiiriir.