Qaamuus

AAA

  • Awoodaa inuu shaqeeyo: Maskax ahaan iyo jir ahaanba waad awoodaa inaad shaqeyso.
  • Shaqo u raadsashada si firfircoon leh: Waxaad xidhiidh toos ah la samaysay ugu yaraan laba loo-shaqeeyayaal inta lagu jiray toddobaadka, ama waxaad dhammaystirtay ugu yaraan saddex hawlood oo shaqo raadis ah inta lagu jiray toddobaadka. Tusaalooyinka hawlaha lagu muujinayo inaad shaqo raadineyso waxaa ka mid ah fiirinta ogeysiisyada shaqada, adeegsiga aaladaha shaqo raadinta ee internetka, ka qeybgalka bandhigga xirfadeed, ama qaadashada fasal si aad u horumariso xirfadahaaga wareysiga.
  • Diyaar u ahaanshaha inaad shaqayso: Waxaad awoodaa inaad shaqeyso iyada oo aan lahayn xannibaadyo kaa ilaalinaya inaad aqbasho shaqada (tusaale: ma qabtid arrimo la xidhiidha gaadiid-ku-safarka, jirro, fasax, ama daryeel qoys la'aan ama xannaano carruur oo kaa hor istaagi karta inaad aqbasho shaqada).

Xukumitaanka

Tani waa dib u eegis dheeri ah oo ku saabsan sheegashada caymiska shaqo la'aanta ee loo baahan yahay xaaladaha qaarkood si loo go'aamiyo haddii qof uu u qalmo dheefaha. Waaxda Shaqo la'aanta ee Oregon waxaa sharci ahaan looga baahan yahay inay baarto haddii qof u qalmo in la siiyo dheefaha haddii shaki laga muujiyay u qalmitaankooda. Arrimo badan ayaa lagu xalin karaa su'aalo dabagal oo degdeg ah, laakiin arrimaha kale waxay u baahan yihiin dib-u-eegis qoto dheer oo loo maro nidaamka habeeyaha/garsooraha. Baro wax badan oo ku saabsan Go'aamada Maamulka iyo Garsoorka.

Sanadka Aas Aasiga ah

Sannadkaada aasaasiga ahi waa afarta ugu horreysa ee shanta rubuc taariikh jadwaleed ee ugu dambeeya ee la dhammaystiray ka hor toddobaadka aad u xareeneyso sheegashadaadii hore dheefaha ceymiska shaqo la'aanta.

  • Haddii aad xareyso sheegashadaadii hore Janaayo, Febraayo ama Maarso 2022, sanadkaada aasaasigu waa Oktoobar 1, 2020, illaa Sebtembar 30, 2021.
  • Haddii aad xareyso sheegashadaadii hore Abriil, Maayo ama Juun 2022, sanadkaada aasaasigu waa Janaayo 1, 2021, illaa Diisembar 31, 2021.
  • Haddii aad xarayso sheegashadaadii hore Luulyo, Ogosto ama Sebtembar 2022, sannadkaada aasaasigu waa Abriil 1, 2021, illaa Maarso 31, 2022.
  • Haddii aad xarayso sheegashadaadii hore Oktoobar, Noofembar ama Diisembar 2022, sannadkaada aasaasigu waa Luulyo 1, 2021, illaa Juun 30, 2022.

Sanadka dheefta

Sannadkaada dheeftu waa muddo 52 toddobaad ah oo bilaabmaysa toddobaadka ugu horreeya ee aad xarayso codsigaaga hore ee dheefaha caymiska shaqo la'aanta. Ogsoonow inkasta oo sanadkaada dheeftu uu yahay 52-usbuuc, waxaad heli kartaa oo keliya wadarta dheefaha ilaa 26 jeer lacagtaada dheefaha toddobaadlaha ah, mana buuxin kartid caymiska shaqo la'aanta Oregon ee cusub ilaa dheeftaada soconeysa 52-todobaad ah ee sannadka ay dhammaanayso, xitaa haddii aad heshay dhamaan dheefahaada.

Dheefaha la dheereeyay, dheefaha sida aadka u sare loo dheereeyay

Barnaamijyada dheefaha la dheereeyay (EB, Iyadoo la soo gaabiyay oo Ingiriis ah) iyo dheefaha sida aadka u sare loo dheereeyay (HEB, Iyadoo la soo gaabiyay oo Ingiriis ah)waxay kordhiyaan dheefaha caymiska shaqo la'aanta ee joogtada ah marka gobolku uu ku jiro heerar sare oo shaqo la'aan ah. Celceliska heerka shaqo la'aanta ayaa federaal ahaan dib loo eegaa muddo saddex bilood ah si loo go'aamiyo haddii gobolku uu heli doono dheefaha dheeraadka ah. Marka celceliska heerka shaqo la'aanta uu yahay 8% ama ka badan, Oregon waxay ku jirtaa xilliga HEB, iyo ilaa 20 toddobaad oo dheeraad ah oo dheefo ah ayaa la bixiyaa. Haddii heerku ka hooseeyo 8% balse ka sarreeya 6.5%, markaas Oregon waxa ay ku jirtaa xilliga EB, kaas oo bixiya ilaa 13 toddobaad oo dheefo dheeraad ah.

Sheegashada la isticmaalay

Sheegashadaada caymiska shaqo la'aanta waa la isticmaalay marka hadhaadigaagu gaadho $0 oo ayna wax lacag ah oo dheeraad ah uusan kuu haynin barnaamijkaas dheefta.

Sheegashada dhacday

Caymiska shaqo la'aanta ee joogtada ahi waxa ay dhacayaan 52 usbuuc ka dib. Taas macnaheedu waa inaadan codsan karin toddobaadyo kale oo dheefo ah ka dib markii sheegashadaadu dhacday, xitaa haddii ay ku jirto haraadi togan gudaha akoonkaada. Waxaad u baahan doontaa inaad xarayso sheegashada hire oo cusub. Ka baro wax badan oo ku saabsan sheegashooyinka dhacay iyo goorta ay tahay in la xareysto sheegasho cusub.

Khiyaanada

Khiyaanada caymiska shaqo la'aantu waxay dhacdaa marka qof bixiyo macluumaad khaldan ama uu qarsadi xaqiiqooyinka si ulakac ah uu u helo dheefaha. Haddii aad si ula kac ah u qariso ama u sheegto xog khaldan, taasi waa khiyaamo. Khiyaanadu waa dembi waxayna keeni kartaa ciqaabo ay ku jiraan dacwad ku soo oogis. Ka baro wax badan oo ku saabsan khiyaanada caymiska shaqo la'aanta, iyo sidoo kale xatooyada aqoonsiga ee shaqo la'aanta.

Dakhliga guud

Kuwani waa dakhligaaga ku soo gala ka hor inta aan laga saarin kharashyada, canshuuraha, ama wax ka jaritaano kasta oo kale. Dakhliga guud waa inuu ka sarreeyaa dakhliga saafiga ah.

Xatooyada aqoonsiga

Dadku waxa laga yaabaa inay u xareeyaan sheegashooyin/dalabyo dheefaha shaqo la'aanta iyagoo isticmaalaya magacyo iyo macluumaadka shakhsiyeed oo ay si sharci-darro ah u iibsadeen ama ay ka xadeen ayagoo markaa ku xadgudbaaya xogta onlaynka ah, ama marka aad macluumaadkaaga shakhsiyeed ula wadaagto dadka kale si shil ama ula kac. Marka uu qofku isticmaalo macluumaadka qof kale si uu u xareeyo sheegasho/dalab shaqo la'aan, tani waa nooc ka mid ah xatooyada aqoonsiga. Dadka reer Oregon waxay bartaan wax ku saabsan khiyaanada marka ay ka helaan ogeysiis Waaxda Shaqada ee Oregon ama loo shaqeeyaha oo ku saabsan codsigooda laga soo diray dhinacooda ee ku aadan dheefaha. Haddii ay tani kugu dhacdo, waxay la macno tahay in qof si khaldan u isticmaalayo macluumaadkaaga khaaska ah, oo ay ku jiraan lambarkaaga Soshal Sekuritiga iyo taariikhdaada dhalashada. Sida ugu dhakhsaha badan noogu soo sheeg xatooyada aqoonsiga ee shaqo la'aanta. Ka baro wax badan oo ku saabsan xatooyada aqoonsiga shaqo la'aanta iyo khiyaanada caymiska shaqo la'aanta.

Xaqiijinta aqoonsiga

Si aan dadka uga hortagno ineey sameeyaan xatooyada aqoonsiga shaqo la'aanta, waxaan ka dhignay habkaya amniga iyo xaqiijinta aqoonsiga mid aad u adag. Kahor intaanan wadaagin macluumaadka ku saabsan sheegashadaada/dalabkaada, waxaan u baahanahay inaan hubino inaad tahay adiga, oo aadan ahayn qof adiga iska dhigaya. Wax badan ka baro bogaggeena Xaqiiji Aqoonsigaaga iyo Naftaada Ka ilaali Khiyaanada.

iMatchSkills

Kani waa agabka isbarbardhigga shaqada ee khadka tooska ah ee Waaxda Shaqada ee Oregon. Waxay isticmaashaa xirfadahaaga iyo taariikhdaada shaqo si ay kuugu hesho shaqo suurtagal ah. Hadba sida faahfaahino badan ee aad siiso, ayaa la mid ahaan doonta sida wanaagsan ee iMatchSkills kuu caawin karto. Iskadiiwaangeli imatchskills.org.

Sheegashada/dalabka hore

Si aad u ogaato inaad u qalanto dheefaha shaqo la'aanta, waxaad u baahan tahay inaad buuxiso codsi. Tani waxa loo yaqaan xaraynta sheegashada/dalabka hore. Waxa kaliya oo aad xaraysan kartaa sheegashada/dalabka hore hal mar sannadkii dheef-helitaan.

Dakhliga saafiga ah

Dakhliga saafiga ah waa wadarta dakhligaaga oo laga jaray kharashyada, cashuuraha ama ka jaritaanada kale. Dakhliga saafiga ah waa inuu ka hooseeyaa dakhliga guud.

OED

Waaxda Shaqada ee Oregon (OED, Iyadoo la soo gaabiyay oo Ingiriis ah) waa wakaalad xooga-shaqaalaha ee gobolka. Waxaan kor u qaadeynaa shaqada dadka reer Oregon anagoo horumarinayna shaqaale xirfado kala duwan leh, waxaanan bixinaa taageero inta lagu jiro xilliga shaqo la'aanta. Baro wax badan oo anaga nagu saabsan.

Frances Online

Frances Online waa habka ugu wanaagsan ee aad ku xerayn karto codsigaagii hore ee benefits iyo habka aad u hubin karto in claim aad xaraysay. Nidaamkani waxa kale oo uu kuu ogolaanayaa inaad cusboonaysiiso ciwaankaga deegaanka, iska diiwaangeliso direct deposit, iyo wax badan. Frances Online waxaa lagu heli karaa Isbaanish iyo Ingiriis.

Nidaamka Sheegashada ee Onlaynka ah (OCS, Iyadoo la soo gaabiyay oo Ingiriis ah)

Frances Online waa badalaada Nidaamka Sheegashada Onleen-ka ah.

Lacag-bixinta dheeraad ah

Lacag-bixinta dheeraad ah waxay dhacdaa marka lagu siiyo dheefo aanad xaq u lahayn. Lacagaha dheeraadka ah qaarkood waxay dhacaan marka dadku na siiyaan macluumaad aan sax ahayn ama qayb ah. Lacag-bixinta dheeraadka ah ee kale waxa sababi karaa haddii aanu khalad samayno inta aanu wadnay habeeynta sheegashadaada/dalabkaada, qaar kalena waxa laga yaabaa inay sababto marka go'aanka aanu gaadhnay la bedelo rafcaan-qaadasho ka dib marka aanu helno xog cusub.

Marka ay jiraan lacag-bixino dheeraad ah, waxaa na saaran waajibaad sharci ah inaan isku dayno inaan soo ceshano. Haddii aadan sabab u ahayn lacag-bixinta dheeraadka ah, waxaan sida caadiga ah ka saarnaa deyntaas annagoo markaa ka jareeno qaddarka lacagta lagugu leeyahay dheefooyin kasta oo mustaqbalka ah oo aad xaq u leedahay. Waaxda Shaqada ee Mareykanka ayaa noo ogolaata inaan dhaafno qaar ah lacag-bixinada dheeraadka ah haddii lacag-bixinada dheeraadka ahi aysan khaladkaaga ahayn iyo haddii dib u bixinta ay noqon lahayd dhibaato aan macquul ahayn.

Damaanad-qaadista macquulka ah

Waxaa jira sharciyo gaar ah oo federaal iyo gobol ah oo la xiriira machadyada waxbarashada iyo caymiska shaqo la'aanta. Barayaashu waxay xaq u yeelan karaan inay helaan dheefaha xilliga fasaxa dugsiga, ama nasashada, haddii aan la siin "reasonable assurance (dammaanad-qaadista macquul ah)" inay soo laaban doonaan fasaxa ka dib. Guud ahaan, dammaanad qaadka macquulka ah macneheedu waa haysashada shaqo isku mid ah ama isku eg oo leh mushahar isku mid ah (ama gudaha 90% ee sicirka/heerka). Fursad soo bandhigistu waxay noqon kartaa mid qoraal, hadal ama si maldahan ah. Si kastaba ha ahaatee, waa inaan dib u eegnaa sheegashadaada/dalabkaada si aan go'aan uga gaarno. Wax badan ka akhri caymiska shaqo la'aanta iyo shaqaalaha dugsiga.

Mushaarka gunnada magdhawga ah

Dheefaha lagu leeyahay shaqaalaha ee ka socda sheegasho ay gudbiyeen waqti hore.

Iskii u shaqayste

Haddii aad naftaada u shaqaynayso halkii aad u shaqayn lahayd loo-shaqeeye, waxaad tahay qof iskaa u shaqeysta.

Tababarka Caymiska Shaqo la'aanta (TUI, Iyadoo la soo gaabiyay oo Ingiriis ah)

Barnaamijka Tababarka Caymiska Shaqo la'aanta Tababbarka (Training Unemployment Insurance,TUI) wuxuu u oggolaanayaa shaqaalaha u qalma ee shaqada laga saaray, ama dadka aan laga yaabin inay ku noqdaan meheraddoodii hore, inay tagaan dugsiga oo ay helaan dheefaha caymiska shaqo la'aanta joogtada ah isku mar si ay u sii wadaan daryeelka qoysaskooda oo ay u helaan shaqo . Barnaamijku ma bixiyo kharashka tababarka laftiisa balse taa beddelkeeda waxa uu ka saarayaa shuruudaha shaqo-raadinta ee sheegashadaada toddobaadlaha ah marka aad dhiganayso dugsiga wakhtiga buuxa. Baro wax badan oo ku saabsan Barnaamijka tababarka Caymiska Shaqo la'aanta.

Shaqo la'aan

Guud ahaan, waxaa laguu tixgelinayaa inaad tahay shaqo la'aan toddobaad kasta oo aad shaqeyso wax ka yar 40 saacadood oo aad hesho wax ka yar qaddarka dheefaha toddobaadlaha ah.

Ceymiska Shaqo la'aanta (UI, Iyadoo la soo gaabiyay oo Ingiriis ah)

Dheefaha caymiska shaqo la'aanta (Unemployment insurance, UI) wuxuu bedelayaa qayb ka mid ah dakhliga kaa lumay markaad noqoto shaqo la'aan. Ma aha gargaar dadweyne. Loo-shaqeeyayaashu ayaa maalgeliyaan barnaamijka UI, canshuuraha UI dib loogama sii heysto jeegaga mushaharka shaqaalaha.

ReliaCard-ka Bangiga Mareykanka

Waaxda Shaqada ayaa u bixisa dheefaha si elektaroonik ah mdkood si kaadhka deynta ee Visa ee ReliaCard-ka Bangiga Maraykanka ah ama deebaajiga tooska ah. Haddii aadan codsan deebaaji tooska ah, waxaa lagugu soo diri doonaa ReliaCard-ka.

Todobaadka Sugitaanka Toddobaadka sugitaanku waa toddobaadka ugu horreeya ee aad xerayso sheegashada toddobaadle ah oo aadna buuxiso dhammaan shuruudaha u-qalmitaanka. Sharciga Oregon wuxuu u baahan yahay hal toddobaad oo sugitaan codsi kasta ka hor intaadan bilaabin helitaanka dheefaha. Waa inaad dalbataa toddobaadka si aad ugu hesho si kiridhitka toddobaadka sugitaanka ahaan ah, laakiin ma heli doontid wax lacag ah toddobaadkan.

Qadarka Faa'iidada Toddobaadlaha ah (WBA, Iyadoo la soo gaabiyay oo Ingiriis ah)

Qadarka dheefahaaga ee toddobaadlaha ah (weekly benefit amount, WBA) waa 1.25% wadarta dakhliga guud ee sanadka aasaasiga ah. Sida uu dhigayo sharciga Oregon, kama yaraan doono qaddarka dheefta ee ugu yar ama in ka badan inta ugu badan ee dheefta aad heli karto.

Tusaale ahaan, shaqaale ku shaqeeyay $12.50 saacaddii, shaqeeya 40 saacadood todobaadkii, sannadkii la soo dhaafay wuxuu heysan lahaa dakhli guud oo ah $26,000 sannadka aasaasiga ah wuxuuna ku heli doonaa $325 todobaadkii dheefaha shaqo la'aanta. 

Sheegashada/Dalbashada toddobaadlaha ah

Si aad u hesho dheefaha shaqo la'aanta, waa inaad xeraysataa dalbasho toddobaadle ah. Tani way ka duwan tahay sheegashada/dalabka hore. Sheegashada/Dalabka toddobaadlaha ahi ayaa go'aamisa inta lacag ah ee aan kuu soo dirno toddobaadkii la soo dhaafay. Sheegashooyinka toddobaadlaha ahi waxaa loo xareeyaa toddobaadkii la soo dhaafay waxeeyna bilaabmaan Axadaha waxayna dhammaadaan Sabtiyaha. Waa inaad sugtaa ilaa Axadda si aad u xarayso sheegashadaada toddobaadlaha ah ee toddobaadkii dhamaaday Sabtida.

Work Share

Barnaamijka Work Share (Wadaagga Shaqada) wuxuu siinayaa loo-shaqeeyayaasha beddelka ah inay shaqada ka joojiyaan xoogooda shaqada. Loo-shaqeeyayaashu waxay sii haysan karaan shaqaalaha leh xirfada inta laugu jiro waqtiyada gaabiska ah iyagoo yareynaya saacadaha shaqada. Shaqaalaha xaqa u leh kuwaas oo saacadahooda shaqada la dhimay waxay heli doonaan qayb ka mid ah dheefaha caymiska shaqo la'aanta si ay ugu kabaan mushaharka lumay. Wax badan ka baro oo ku saabsan Wadaagga Shaqada ee Oregon.

WorkSource Oregon

WorkSource Oregon wuxuu ku xidhaa shaqo doonayaasha kumanaan shaqo oo banaan iyo fursado tababar wuxuuna sidoo kale ku xidhaa loo shaqeeyaha musharaxiin aqoon leh. Adeegyadu waa kuwo bilaash ah. WorkSource Oregon waxay bixisaa adeegyadan soo socda:

  • Soo gudbinada shaqooyinka
  • Aqoon-is-weydaarsiyada ka hadlaya maaddooyin ay ka mid yihiin diyaarinta waraysiga, qorista dukumeetiga taariikh nololeedka, iyo aqoonta aasaasiga ah ee kombiyuutarka
  • Qorshaynta xirfadda
  • Fursadaha waxbarashada iyo tababarka ee leh kaalmo deeqeed waxbarasho

Xarunta WorkSource ee Oregon

Xarumaha WorkSource ee Oregon ee ku yaalo gobolka waxeey bixiyaan adeegyada shaqaaleynta ee bilaashka ah iyo ilaha/agabyada tababarka. Hel xaruntaada WorkSource Oregon ee maxalliga ah.

1099G

A 1099G waa foomka canshuurta ee loo diro dadka helay dheefaha caymiska shaqo la'aanta. Waxa aad adeegsadataa marka aad xaraynayso cashuurta federalka iyo gobolka Adeega Dakhliga Gudaha iyo Waaxda Dakhliga ee Oregon. Waxaad kasoo dejisan kartaa midkaaga Frances Online.