Unemployment Claim Determination
Dib ugu eeg si taxadar ah mushaaradaada iyo saacadahaaga. Haddii warbixin ay qaldantahay, waxaad codsan kartaa dib u go’aaminta sheegashadaada. Waxaan kugu soo direynaa warqada go'aaminta sheegashada shaqo la'aanta boostada. Bayaankaan wuxuu ku tusiinayaa:
- Cadadka faa’idooyinka isbuuclaha iyo faa’idooyinkaaga ugu badan ee la bixin karo – tirooyinkaan waxay mataleysaa inta badan ee laga yaabo inaad ku heshid isbuuc iy9o cadadka guud ee si la filayo looga heli karo sheegashadaada
- Badrooniyada aad u shaqeysid, iyo mushaarada iyo saacadaha ay kuu soo sheegeen sadex bilood walba oo heerka sannadka sheegashadaada
- Taariiqda bilowga iyo dhammaadka sannadka faa’idooyinkaaga – waxaad sheegan kartaa kaliya faa’idooyinka ku jiro sheegashadaan oo isbuucyyo ku dhacayo oo u dhaxeeyo taariiqahaan
- Haddii bayaankaan oo yahay go’aamin hore ama dib u go'aamin
Sheegashada faa’idooyinkaaga shaqo la'aanta Oregon waxaa la heli karaa hal sanno, taas oo 52 isbuuc ka bilow isbuuca aad codsatay. Muddadaan 52-isbuuc waxaa la dhahaa sannadka faa’idadaada. Ma xareyn kartid sheegashada cusub ee Oregon cusub illaa sannadka uu dhammaado.
Go'aaminta Sheegashada Shaqo la'aanta sidoo kale waxay bixin kartaa warbixin kale ee ku saabsan sheegashadaada, sida fariinta ku ogeysiineyso inaadan haysan sheegasho sax ah tan iyo intaad leedahay wax ka yar 500 saacadood ee heerkaaga oo waad u qalmi kartaa sheegashada heer badelka sannadka ama warbixinta ku soo ogeysiineyso inaan ka codsaneyno mushaarada iyo saacadaha badrooniyadaada hore.