Denial of Benefits
Xaaladaha qaar waxay joojin kartaa oo ay diidi kartaa faa’idooyinkaaga. Xaaladahaan waxay u baahantahay Waaxda Shaqada inay baaraan sheegashooyinka, go’aansadaan u qalmida ama go’aamada maamulka ansixiyeen. Waxaa ku jira, laakin kama xadidno:
- Joojinta shaqo
- In lagaa fiijiyo shaqada ama lagaa joojiyo shaqada
- Aanan kuu suurtogelin shaqeynta
- Ka fogaanshaha deegaankaaga joogtada ah
- Ka qeybgaleysid dugsiga ama tababar
- Iskaaga u shaqeysatid
- Cabsi ku jirtid
- Shaqo walboo maqan
- Iska diidida shaqo siin
- Ku guuldareysatay inaad si firfircoon shaqo u raadisid
- Heleysid lacag bixinta howlgabka (marka laga reebo amniga bulshada)
- Ku guuldareysatid ka qeybqaadashada wareysiga Qiimeynta Dib u shaqaaleysiinta iyo U qamlmida
- Iska diidida gudbinta shaqo ee WorkSource Oregon
- Ku guuldareysatid dhameystirka howlaha diiwaangelinta inta lagu jiro xarunta deegaankaaga WorkSource Oregon
- Ahaanshaha shaqo la’aan sida ay sababtay qilaafka shaqada, ama
- Xareynta faa’idooyinka isbuuclaha inta lagu jiro kuleelaha, qaboobaha, ama muddooyinka nasiinyada guga ama u dhaxeeyo muddooyinka markii aad tihid shaqaalaha waxbarashada tacliinta ama aan waxbarashada aheyn
Arimahaan waxay ku sababeysaa joogsi sheegashadaada illaa go’aan aan ku bixino ama aan ku diidno faa’idooyinka la gaaro. Ku sii soco inaad sheegatid faa’idooyinka isbuuclaha inta lagu jiro baaritaanka arin walba ee sheegashadaada. Tani waxay hubisaa inay kuu suurtogaleyso inaad heshid lacag bixinta isbuucyadaas haddii baaritaanka sababo go’aanka lagu bixinayo faa’idooyinka.
Garsoore ayaa dhameystirayo baaritaan. Haddii garsooraha u baahanyahay warbixin dheeraad ah, way kula soo xiriirayaan. Hubi inaad ka jawaabtid codsiyada oo ay la jiraan warbixin dhameystiran. Haddii aad ku guuldareysatid inaad ka jawaabtid waxay sababeysaa in go’aan laga gaaro warbixinta la heli karo oo waxay sababi kartaa diidmada faa’idooyinka. Warbixin ka haynta ama ku wargelinta warbixin been ah ee Waaxda Shaqada waxay leedahay cawaaqiibo xun.