Skip to main content

Frequently Asked Questions

CODSASHADA KA HOR

Miyaan u qalmaa?

  1. Ma u qalmaan faa’idooyinka shaqo la’aanta?

    Waxaa laguu tixgeliyaa shaqo la’aan isbuuc walboo aad shaqeysid wax ka yar 40 saacadood oo aan helo wax ka yar cadadka faa’idada isbuuclahaaga. Cadadka faa’idada isbuuclahaaga waa 1.25% ee aasaaska sannadka* daqliyada guud. Tusaale ahaan, haddii aad ku heshid $20,000 aasaaska sannadkaaga, cadadka faa’idadaada isbuuclaha waxay ahaaneysaa $250. Wixii sheegashooyinka la xareeyay ka hor Juun 28, 2020, lacag bixinta caymiska shaqo la'aanta joogtada ah (UI) waa $151 isbuuciiba iyo tan ugu badan waa $648 isbuuciiba. Wixii sheegashooyinka koowaad ee cusub kadib Juun 28, 2020, ugu badnaan waa $157 iyo ugu badnaan waa $673.

    Haddii aad u qalantid, waa inaad xareysaa sheegashada isbuuc walba oo aad rabtid faa’idooyinka, oo buuxiyaa sharuudaha u qalmida isbuuclaha.

    Wixii faa’idooyinka shaqo la’aanta joogtada ah, waad u qalantaa haddii aad buuxisid sharuudahaan u qalmida isbuuclaha:

    • Waxaa laguu tixgelinayaa shaqo la'aanta inta lagu jiro isbuuca aad u rabtid faa’idooyinka,
    • Waxaa lagu siisay ugu yaraan $1,000 ama shaqeysid ugu yaraan 500 saacadood sannadkii la soo dhaafay,
    • Oo aad heshid ugu yaraan qaar ka mid ah joornaatiyadaada sannadka ee Oregon,
    • Badroonigaaga (badrooniyadaada) bixiyay, ama ah inuu bixiyo, canshuuraha caymiska shaqo la’aanta oo joornaatiyadaada caymiska shaqo la'aanta, iyo
    • Waxaa kuu suurtogaleyso inaad shaqeysid, laguu heli karo shaqo, oo aad si firfricoon u raadineysid shaqo. Ogeysiinta in sharuudaan ay isbadeshay sabab la xiriirto cudurka safmarka COVID-19. Fiiri sharciyadeena ku meelgaarka ah.

    Wixii barnaamijka Caawinta Shaqo la’aanta Cudurka safmarka (PUA), waad u qalmi kartaa haddii aad shaqada uga maqantahay sababaha COVID-19 oo uma qalantid faa’idooyinka shaqo la’aanta joogtada ah. Wax badan ka baro wax ku saabsan PUA halkaan.

    Waxaad qaadan kartaa Su’aalaheena gaaban ee U qalmida ama fiiri liiska saxitaanka u qalmida si ay kaaga caawiso ogaanshaha haddii aad u qalantid. Qaabka kaliya ee lagu ogaado xaqiiqda waa ku codsashada xareynta sheegashada koowaad.

    *Aasaaska sannadkaaga caadi aahan waa afarta ugu horeyso ee shanta ugu dambeyso ee sadexda bilood ee kaleendarka la dhameystiray ka hor isbuuca ee aad xareysay sheegashadaada.

    • Haddii aad xareysid sheegashadaada ee gudaha Maarso 2020, aasaaska sannadkaaga waa Oktoobar 1, 2018 illaa Sebteembar 30, 2019.
    • Haddii aad xareysid sheegashadaada ee Abriil, Maajo ama Juun 2020, aasaaska sannadkaaga waa Janaayo 1, 2019 illaa Diseembar 31, 2019.
    • Haddii aad xareysid sheegashadaada ee gudaha Luuliyo, Agoosto, ama Sebteembar 2020, aasaaska sannadkaaga waa Abriil 1, 2019 illaa Maarso 31, 2020.
  2. Daqligeyga waxaa saameeyay COVID-19. Miyaan heli karaa faa’idooyinka shaqo la'aanta?

    Inta ugu badan. Waaxda Shaqada waxay dajineysaa sharciyada qaar ee ku meelgaarka ah sababtoo ah COVID-19. Sharciyadaan waxay bilowdeen Maarso 8, 2020, markii xaalada degdega gobolka oo dhan lagu dhawaaqay. Sida waafaqsan sharciyada cusub, waad u qalantaa faa’idooyinka shaqo la'aanta haddii aad buuxisid sharuudaha u qalmida isbuuclaha (fiiri Su'aasha 1).

    Sidoo kale, Xeerka CARES wuxuu abuuray barnaamijka Caawinta Shaqo la’aanta Cudurka safmarka (PUA) ee loogu tallogalay dadka shaqada uga maqan sabab la xiriirto COVID-19 oo aan u qalmin faa’idooyinka shaqo la’aanta joogrtada ah. Wax badan ka baro wax ku saabsan PUA halkaan.

  3. Sidee ayaan ku ogaadaa haddii sababteyda COVID-19 oo rabitaanka faa’idooyinka shaqo la'aanta u xisaabisaa sida mid shaqeyneyso? Erayada kale, maxay la micnatahay “xaalada la xiriirto COVID-19”?

    Sharciyada ku meelgaarka Waaxda Shaqo la’aanta , “xaaladaha la xiriiro COVID-19” taasi waxaa laga wadaa weli waad heli kartaa faa’idooyinka--haddiiba aad buuxisid sharuudaha u qalmida isbuuclaha--waa:

    • Ma shaqeyn kartid sababtoo ah waxaad la jirantahay fayraska corona.
    • Ma shaqeyn kartid sababtoo ah waxaa laga yaabaa inay ku gaartay fayraska corona iyo lagaaga baahanyahay inaad guriga joogto oo aad is karantiisho.
    • Ma shaqeyn kartid sababtoo ah dhaqtarkaaga ama saraakiisha caafimaadka bulshada waxay dhaheen waa inaad is karantiishaa si looga hortago halista inay gaaraan, ama faafaan, fayraska corona.
    • Ma shaqeyn kartid sababtoo ah badroonigaaga ayaa joojiyay ama dib u jaray sababtoo ah fayraska corona. Tani waxaa ku jiro joojinta ama dib u jarida sabab la xiriirto amarka Gofanatooraha ee Guriga Joog Badbaadi Nololo oo xadeynayo howlaha faafida fayraska corona, ama tallada saraakiisha caafimaadka bulshada.
    • Ma shaqeyn kartid sababtoo ah waa inaad guriga joogtaa si aad u daryeeshid xubinta qoyska, ama qofka kale oo aad la nooshahay oo daryeel siisid, cida la jiran fayraska corona ama looga baahanyahay is karantiilka.
    • Ma shaqeyn kartid sababtoo ah waa inaad joogtaa guriga si loo daryeelo canuga sabab la xiriirto xiritaanka dugsiyada, bixiyayaasha daryeelka carruurta, ama xarumaha la midka ah sabab la xiriirto fayraska corona.
    • Waxaa dib laguu weydiiyay inaad shaqada dib ugu laabatid markii aad dib ugu laabaneysid waxay u bahaaneysaa inaad ka hor imaatid karantiilka qasabka ah ama amarka Gofonatooraha ee Guriga Joog Badbaadi Nololo oo xadeynayo howlaha lagu xadeynayo faafida fayraska corona.
  4. Badroonigeyga wuxuu jaray saacadaheyga/waxaan ahaa qaate deedqa waqtiga barkiisa. Maxaan sameeyaa si aan u helo faa’idooyinka shaqo la’aanta?

    Haddii saacadahaaga la jaray, waa inaad codsataa caymiska shaqo la'aanta joogtada ah. Qaabka ugu wanaagsan ee loo codsado waa isticmaalida Nidaamka Sheegashada Onleenka/Codso adiga oo buuxinayo sheegashadaada hore. Waxaad sidoo kale u qalmi kartaa Work Share haddii badroonigaaga ka qeybqaato barnaamijkaas. Work Share waa nooc faa’idooyinka shaqo la’aanta oo qeyb ahaan badelo daqligaaga oo saacadaha la jaray. Weydii badroonigaaga haddii ay ka qeybqaadanayaan Work Share, ay u tixgelinayaan inay codsadaan. Badrooniyada wax ayay ka baran karaan Work Share halkaan.

    Wixii Work Share, badroonigaaga wuxuu buuxiyaa inta badan waraaqaha. Waxaa kaliya oo aad u baahaneysaa inaad buuxisid labo-bog oo foomka sheegashada hore. Looma baahno inaad shaqo raadisid ama aad xareysid sheegashooyinka isbuuclaha si aad u heshid faa’idooyinka Work Share. Haddii aad shaqo kale haysatid, waa inaad soo wargelisaa daqli walba ee ka imaanayo badroonigaas.

  5. Waxaan ahaa qaate deeq waqti buuxo. Maxay aheyd inaan sameeyo si aan u helo faa’idooyinka shaqo la’aanta?

    Waa inaad codsataa caymiska shaqo la'aanta joogtada ah. Qaabka ugu wanaagsan ee loo codsado waa isticmaalida Nidaamka Sheegashada Onleenka/Codso adiga oo buuxinayo sheegashadaada hore.

  6. Maxaan sameyn karaa haddii goobteyda shaqo si ku meelgaar ah u xirto sababtoo ah COVID-19?

    Faa’idooyinka shaqo la’aanta waxaa loo heli karaa kuwa ku jiro shaqo ka saarida ku meelgaarka ah. Faa’idooyinkaan waxay dhacaan haddii badroonigaaga joojiyo howlgalka muddo waqti gaaban, sida nadiifinta oo xigtay gaarista fayraska corona, ama sharuuda dowlada. Shaqaalaha way heli karaan faa’idooyinka, oo uma baahno inay ka raadiyaan shaqo badrooniyada kale. Waa inay kuu suurtogashaa inay shaqeeyaan, joogteysaa xiriirka badroonigaaga, oo diyaar u ahow inaad shaqeysid markii dib loogu yeero shaqada.

  7. Ka waran haddii badroonigeyga lacag isiinayo iyaga oo xiray?

    Guud ahaan, uma qalmeysid faa’idooyinka haddii badroonigaaga lacag kuu siinayo inay ka maqnaatid aaga ama sida lacag bixinta heeganka.

  8. Miyaan u qalmi karaa faa’idooyinka shaqo la'aanta haddii aan shaqeyn karo kaliya waqti barkii?

    Haa. Qofka waxaa loo tixgelinayaa “in loo heli karo shaqada” haddii ay caadi ahaan shaqeeyaan wax ka yar waqti buuxo oo kaliya la helayo wax ka yar shaqada waqtiga buuxo.

  9. Miyaan heli karaa faa’idooyinka shaqo la'aanta haddii aan helayo fasaxa lacag la bixiyay ee badrooniga, fasaxa, waqtiga jirada, ama waqtiga fasaxa la bixiyay (PTO)?

    Maya. Shaqaalaha helayo lacagahaas caadi ahaan uma qalmaan faa’idooyinka shaqo la'aanta.

  10. Ka waran haddii aan qaadan karo lacag bixinta fasaxa ama fasax kale iyada oo badroonigeyga uu xiranyahay?

    Haddii aad heleysid lacag bixinta fasaxa ama fasax kale iyada oo badroonigaaga uu xiranyahay, guud ahaan kuuma suurtogaleyso inaad sidoo kale heshid faa’idooyinka caymiska shaqo la'aanta.

  11. Haddii laygu qasbo inaan ku haro gurigeyga, midkood sababtoo ah waan jirannahay ama waxaan ku jiraa karantiil, miyaan u qalmayaa faa’idooyinka shaqo la’aanta?

    Haa; qofka waxaa loo tixgelinayaa “inuu diyaar u yahay shaqo: haddii ay yihiin:

    1. Ay karantiilaan bixiyayaashooda daryeelka caafimaadka, ama tallada ay sameeyeen saraakiisha caafimaadka bulshada si ay usu karantiilaan sabab la xiriirto halista suurtogalka ah ee gaarista, ama faafida, cudurka fayraska corona, laakin aysan jiraneyn;
    2. Jirada guriga sababtoo ah cudurka fayrsaska corona ama xaalada samboorka la midka ah sida aastaamaha oo aysan iska diidin siin shaqo tan iyo intay bilaabeen inay guriga u joogaan sabab la xiriirto jirooyinka; ama
    3. La isbitaal geeyay, ama ku jiro daryeel kaloo xanaano ah, sabab la xiriirto cudurka fayraska corona, laakin wax ka yar bar ka mid ah isbuuca, oo maysan iska diidin bixinta shaqada ee isbuucaas.
  12. Ma inaan raadiyaa shaqo haddii badroonigeyga si ku meelgaar ah u xiro sababtoo ah fayrsaska corona?

    Haddii badroonigeyga filanayo inuu dib u furo mustaqbalka, looma baahno inaad si firfircoon shaqo kale u raadisid si aad faa’idooyin u heshid. Si aad faa’idooyin u heshid, waa:

    • inay kuu suurtogashaa inaad shaqeysid;
    • in aad joogteysaa xiriirka badroonigaaga; iyo
    • inay kuu suurtogashaa inaad shaqeysid markii badroonigaaga dib kuugu yeero shaqada.

    Ogow in markii lagu xareynayo sheegashada onleenka, nidaamyadeena waxay u baahanyihiin inaad gelisid shaqo raadintaada. Waad ka gudbi kartaa midaan inta lagu jiro cudurka safmarkaan adiga oo sameynayo iqtiyaarka ka joojinta ku meelgaarka ah.

  13. Miyaan heli karaa faa’idooyinka shaqo la'aanta haddii aanan raadin karin shaqo sababtoo COVID-19?

    Caadi ahaan waxaa lagaaga baahanyahay inaad shaqo raadisid si markaas aad u heshid faa’idooyinka shaqo la’aanta. Laakin sababtoo ah dad badan ma raadin karaan shaqo sabab la xiriirto COVID-19, waxaan abuurnay qaar ka mid ah sharciyo ku meelgaar ah. Sharciyadaan waxay bilowdeen Maarso 8, 2020. Sharciyada cusub wuxuu dhahayaa in haddii shaqada lagaaga joojiyo sabab la xiriirto COVID-19, waxaad weli heli kartaa faa’idooyinka shaqo la'aanta xittaa haddii aadan raadineyn shaqo. Waxaad u baahantahay inaad ka warheysid badroonigaaga hadeer, oo aad dib ugu laabatid shaqada markii badrooniga shaqada kugu yeero. Waad heli kartaa faa’idooyinka shaqo la'aanta haddii aadan raadineyn shaqo sababtoo ah:

    • Dhaqtar ayaa dhahay waxaad u baahantahay inaad joogtid guriga si aad ugu caawisid ka hortaga faafida fayrsaska corona. Tani waxaa loo yaqaan karantiil.
    • Waxaad joogtaa guriga sida xigta amarka Gofanatooraha ee Guriga Joog Badbaadi Nololo.
    • Aad tahay daryeelaha guriga carruurta sabab la xiriirto xiritaanada dugsiga COVID-19 oo aadan laheyn daryeelka carruurta.

CODSO

  1. Faa’idooyin shaqo la’aan noocee ayaan codsadaa?

    Haddii aad tahay shaqaale--oo tani ay ku jirto qaar ka mid ah qaandaraaslaha madaxabanaan (oo shaqadooda aheyd in lagu bixiyo canshuuraha joornaatiga oo mushaaradooda ah)--codso faa’idooyinka shaqo la’aanta joogtada ah.

    Haddii aad iskaaga u shaqeysatid, qandarasle madaxbanaan, ama shaqaale madaxbanaan oo shaqadiisa aan looga baahneyn inuu bixiyo canshuuraha joornaatiga ee mushaaradaada, codso Caawinta Shaqo la’aanta Cudurka safmarka.

    Qaado Su’aalaheena gaaban ee U qalmida si ay kaaga caawiso inaad ogaatid faa’idooyinkee shaqo la’aanta ee aad codsaneysid.

    Waa muhiim in la codsado barnaamijka saxda ah--haddii kale, faa’idooyinkaaga waa la daahinayaa. Haddii aad codsatid faa’idooyin aadan u qalmin, waan ku soo ogeysiineynaa, oo waxay kaa caawineysaa inaad codsatid barnaamijka saxda ah.

  2. Sidee ayaan u xareeyaa sheegasho?

    Qaabka ugu wanaagsan ee lagu xareeyo waa isticmaalida Nidaamka Sheegashada Onleenka/Codso adiga oo buuxinayo sheegashadaada hore. Ama waxaad soo wici kartaa Xarunta Caymiska Shaqo la'aanta oo ku soo xarey taleefonka. Hubi inaad soo xareysid sheegashadaada sida ugu dhaqsiha badan oo suurtogalka ah kadib markii aad lumisid shaqadaada. Wax badan ka baro xareynta sheegasho.

  3. Warbixintee iyo dokumintiyadee ayaan u baahannahay inaan ku xareeyo sheegasho?

    Wixii faa’idooyinka shaqo la’aanta joogtada ah, waxaad u baahaneysaa:

    • Magacaaga, lambarka Amniga Bulshada, taariiqda dhalashada iyo warbixinta xiriirka.
    • Taariiqda shaqadaada dhameystiran oo 18 kii bilood ee la soo dhaafay oo ay ku jiraan:
      • magaca (magacyada) badrooniga
      • ciwaanka (ciwaanada)
      • lambarka(lambarada) taleefonka
      • taariiqaha bilowga iyo dhammaadka ee shaqada badrooni walba
    • Akoonka bangigaaga iyo lambarkaaga aqoonsiga bangiga, haddii aad rabtid inaad iska diiwaangelisid dabaajiga tooska ah.

    Wixii barnaamijka Caawinta Shaqo la’aanta Cudurka safrmarka (PUA), waxaad u baahaneysaa kan kore, iyo:

    • Cadeynta daqliyada (kaliya haddii aad rabtid cadadka faa’idada isbuuclaha ee ka sareyso ugu yaraanta $205) sida:
      • Soo noqodka canshuurta ganacsiga 2019 oo muujinayo daqligaaga saafiga ah
      • Rasiidyada lacag bixinta 2019
      • 2019 W-2
    • Taariiqda markii koowaad aad shaqo la’aan noqotay sabab la xiriirto COVID-19
    • Inta aad heshay inta lagu jiro isbuuc walboo la soo dhaafay oo aad u raadineysid faa’idooyin
  4. Ma dalban karaa dheefaha dib-udhigitaan ahaan? Si kale haddaan u dhigo, kaddib toddobaadka aan rabo dheefaha?

    Haa, waxaa kale oo aad u codsan kartaa dheefaha dib-udhigitaan ahaan, oo macnaheedu yahay waqti kasta kaddib toddobaadka koowaad ee aad bilowdo waayitaanka kasbashooyinka. Tani way cusub tahay, sharci ku meelgaar ah inta lagu jiro safmarka.

    Caawinaada Shaqo la’aanta Safmarka (PUA), waxaad xaraysan kartaa dalab bilow ah ilaa iyo Febraayo 2, 2020. Habka ugu wanaagsan ee aad ku xaraysan karto waa Nidaamkayaga Dalabka Onlayn-ka ah. Si aad u heshid dheefaha toddobaadyadii hore, kaliya ku qor dalabkaaga koowaad dhammaan toddobaadyadii ay ku saamaysay, iyo qaddarka (haddii ay jirto) aad kasbatay mid kasta oo ka mid ah toddobaadyadan.

    Dheefaha caymiska shaqo la’aanta (UI) ee joogtada ah, waxaad xaraysan kartaa dalab bilow ah ilaa iyo Maarso 15, 2020. Laakiin maaddaama Nidaamka Dalabka Onlayn-ka ah kaliya oggol yahay hal toddobaad oo dibu-dhigid ah dheefaha UI ee joogtada ah, haddii aad u baahan tahay inaad xarayso dalab bilow ah oo ka badan hal toddobaad, waxaad u baahan doontaa inaad buuxiso foomkayaga Nala Soo Xiriir ama naga soo wac 1-877-File-4-U (1-877-345-3484).

CODSASHADA KADIB

  1. Sidee ayaan u xareeyaa qaansheegasho toddobaadlaha ah ee Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA)?

    Waa inaad kaliya xareysaa qaansheegashadaada toddobaadlaha ah hal jeer isbuuc kasta. Waa inaad xareysaa qaansheegashadaada toddobaadlaha ah adoo u maraya Nidaamkayaga Qaansheegashada Onlaynka. Ilaa aad u baahatid caawimaad luqadeed ama caawimaad kale, ma ahan inaad na soo wacdid si aad u xareyso qaansheegasho toddobaadle ah.

  2. Caawintee kale ayaan heli karaa iyada oo aan sugayo faa’idooyinkeyga?

    Waxay qaadaneysaa ugu yaraan afar isbuuc oo ku imaaneyso faa’idooyinkaaga shaqo la’aanta. Waad u qalmi kartaa faa’idooyin kale sidoo kale, sida:

    • Caawinta kiro bixinta ama guri helitaanka
    • Caawinta bixinta biilasha korontada
    • Caawinta helitaanka bagaashka ama cuntada kale, sida kartoomada cuntada ama qeybaha cuntada
    • Caawinta raadinta iyo bixinta daryeelka carruurta
    • Faa’idooyinka kaashka
    • Caawinta degdega ah oo dadka ku jiro xaalada rabshada qoyska
    • Warbixinta guud ee ku saabsan COVID-19
    • Caawinta gaadiidka
    • Illaha socdaalka iyo bulshooyinka aan sharciyeysneyn
    • Illaha kale ee laga heli karo bulshadaada

    Booqo: 211info.org

    Soo wac: 2-1-1 ama 1-866-698-6155 (turjubaanada luuqada bilaashka ah ee lagu heli karo taleefon ahaan)

    TTY: garaac 711 iyo soo wac 1-866-698-6155

    Fariin qoraalka: furahaaga zip-ka ee ku 898211 (TXT211) (Ingiriis iyo Isbaanish)

    I-meelka: help@211info.org (Ingiriis iyo Isbaanish)


    Iyo haddii aad lumisay ama aadan laheyn caymis, waad u qalmi kartaa qorshaha caafimaadka bilaashka ama hooseeyo.

    Booqo: healthcare.oregon.gov

    Soo wac: 1-855-268-3767

  3. Sidee ayaan ku helaa PIN?

    Waxaad dooraneysaa Lambarka Aqoonsiga Shaqsiga (PIN) markii aad kowdii xareysid arjigaaga shaqo la'aanta koowaad, haddii aad ku xareysid onleenka ama taleefon ahaan. Waxaad u isticmaaleysaa isku PIN inta lagu jiro sheegashadaada. Waxaad u baahaneysaa marwalba oo aad galeysid Nidaamka Sheegashada Onleenka/Codso adiga oo buuxinayo sheegashadaada hore oo aad sheegatid faa’idooyinka isbuuclaha ha ahaato onleenka ama taleefon ahaan. Shaqaalaha wakaalada ma garanayaan PIN kaaga. Haddii aad ilowdid, waa inaad na weydiisaa inaan saxno si markaas aad u dooratid PIN cusub. Adiga ayaa masuul ka ah amniga PIN-kaaga. Qofna hala wadaagin oo ha u ogolaan inay dadka kale isticmaalaan.

  4. Lambarka PIN keyga markale ma shaqeynayo. Sidee ayaan u saxaa?

    Haddii qof ku sameynayo shaqo sheegashadaada, nidaamka si toos ah ayuu u tirayaa PIN kaaga iyo shaqaalaha OED waxay qaadayaan tallaabo dheeraad ah oo lagu saxo. Haddii tallaabadaan ay si u dhaafto, waa inaad ku saxdaa PIN kaaga Nidaamka Sheegashada Onleenka/Codso adiga oo buuxinayo sheegashadaada hore haddii aad isticmaashay waqtiga la soo dhaafay oo aad xasuusatid su’aalahaaga amniga. Haddii kale waxaad u baahaneysaa inaad nala soo xiriirtid.

  5. Waa maxay Lambarka Aqoonsiga Macmiilkeyga (CID)?

    CID gaaga waa 11-lambar gaar kuu ah adiga. Waxaad ka heli kartaa lambarkaan dokumintigaaga aan kuu soo dirnay. Haddii aadan garaneyn lambarkaaga, waxaad ku heli kartaa adiga oo soo wacayo Xarunta Xiriirka Caymiska Shaqo la’aanta ama Xafiiska deegaanka ee WorkSource Oregon. U diyaar ahow inaad sheegtid Lambarkaaga Amniga Bulshada, taariiqda dhalashada, iyo warbixin kaloo xaqiijineyso oo la codsado.​

  6. Waa la iga xanibay xisaabtaydii bangiga. Maxaan samaynayaa?

    Waxa aanu la soconaa in hay'adaha maaliyada qaar ay ka xanibaan dadka xisaabaadkooda bangiga kadib marka cida ay u shaqeeyaan usoo dhigaan mushaharka. Bangiyada qaar waxay leeyihiin xisaab, talaabo amaan ah oo ay kaga ilaalinayaan xatooyada macaamiishooda marka ay hawsha ka shakiyaan. Ma jirto wax OED (Oregon Employment Department) samayn karto oo lagu dhaafayo nidaamka amaanka bangiga. Waxa aanu ku talinaynaa inaad la xidhiidho bangigaaga oo aad raacdo talooyinka furitaanka xisaabtaada. Hadii aad weli u baahan tahay kaalmo helitaanka lacagtaada ah, waxa aad isticmaashaa foomka Nalasoo Xidhiidh, dooro, "lacagtayda todobaadkii ama lacagta iga maqan (My weekly payment or missing payment)," oo waxa aad noogu sharaxdaa xaalada sanduuqa faalada.

Hubi Sheegashadeyda

  1. Sidee ayaan ku hubiyaa xaalada sheegashadeyda?

    Si aad u hubisid xaalada sheegashadaada, gal Nidaamkeena Sheegashada Onleenka ah/Codso adiga oo buuxinayo sheegashadaada hore. Booqo qeybta “Xaalada Sheegashadaada iyo Wargelinada Isbuuclaha”. Waxay ku tusineysaa isbuucyadee ayaad sheegatay iyo haddii faa’idooyinka la bixiyay.

  2. Maanan helin faa’idooyinkeyga weli. Maxaa ah inaan sameeyo?

    Hadeer, waqtiga u dhaxeeyo codsashada iyo helida baaritaankaaga ugu horeeyo waa ugu badnaan afar isbuuc. Caadi ahaan, dowlada faderaalka waxay tixgelisaa sadex isbuuc “oo waqtigeeda ah.” Waxay nagu qaadaneysaa waqti dheer sabab la xiriirto COVID-19. Dad badan ayaa codsanayo faa’idooyinka shaqo la’aanta badelkii weligeed ka hor.

    Haddii ay ka yareyd afar isbuuc tan iyo markii aad codsatay faa’idooyinka shaqo la'aanta adiga oo xareynayo sheegashadaada koowaad, fadlan hanala soo xiriirin weli. Waan ka baaran dageynaa arjigaaga. Nala soo xiriirida xili hore kadib kuguma caawineyso inaad faa’idooyinkaaga si dhaqso ah ku heshid. Waxay dhabtii gaabisaa kartideena looga baaran dago sheegashooyinka qof walba.

    Haddii ay aheyd afar isbuuc ama ka badan tan iyo intii aad gudbisay sheegashadaada hore oo aadan waxba naga maqlin, fadlan naga soo wac 1-877-FILE4UI (1-877-345-3484) wixii sheegashooyin joogta ah, ama 1-877-345-3484 oo sheegashooyinka PUA.

  3. Waxay aheyd wax ka badan 4 ta isbuuc ee ugu yar tan iyo markii aan codsaday, oo maanan helin faa’idooyinkeyga weli. Goorma ayaan filan karaa?

    Waxay nagu qaadatay afar isbuuc oo looga baaran dago sheego fudud. Haddii aadan ku helin jeegaaga afar isbuuc kadib, waxaad badanaa haysataa sheegasho adag.

    Halkaan waa sababaha qaar ee caadiga ah oo waqtiga sugitaanka oo ka dheer afar isbuucyo:

    • Waxaa ku dhaafay isbuuc (ama ka badan) oo buuxinta sheegashadaada isbuuclaha. Tani waa sababta ugu caadisan oo daahitaanka faa’idooyin helida ah. Waa inaad xareysaa sheegashada isbuuclaha isbuuc walba haddii aad rabtid inaad sii joogteysid inaad faa’idooyin heshid. Haddii ay ku dhaafto isbuuc, booqo Nidaamkeena Sheegashada Onleenka/Codso adiga oo buuxinayo sheegashadaada hore oo dib u bilowdid sheegashadaada. Haddii aysan kuu suurtogaleyn inaad dib ugu bilowdid sheegashadaada onleenka, waxaad u baahaneysaa inaad soo wacdid oo aad la hadashid shaqaale si kuu caawiyo.
    • Maadan soo wargelin daqliyadaada oo sheegashadaada isbuuclaha ah.
    • Waxaad daqli ka heshay milatariga, dopwlada faderaalka, ama laga helay gobol kale. Waxay nagu qaadataa waqti inaan dib uga maqalno nidaamyadooda.
    • Dacwadaada waxay u baahantahay dabagal dheeraad ah. Taqasusyada sheegashooyinkeena waa inay kula hadlaan, badroonigaaga, iyo/dadka kale sababtoo ah:
      • Kuuma suurtogaleyso inaad shaqeysid
      • Si firfircoon uma raadineysid shaqo
      • Waad joojisay
      • Waa lagu ceyriyay
      • Waxaad leedahay noocyo gaar ah oo daqli ah waxaan u baahannahay inaan xaqiiq gelino, sida lacag bixinada qaar ee howlgabka)
    • Waxaa laguu balamiyay inaad ku soo laabataid shaqada. Tani waxay si toos ah u joojisaa sheegashadaada sababtoo ah waxaan u maleynay inaad ka shaqeyneysid oo aadan u baahneyn faa’idooyin markale. Waxaad u baahantahay inaad nasoo ogeysiisid haddii aadan ku soo laaban shaqada iyo sababta. Ama haddii aad sameysay, waxa daqliyadaada ay ahaayeen.

    Haddii kuwa ka mid ah kuwaan adiga ku quseeyaan, waxaad filan kartaa inaad sugtid waqti ka dheer afar isbuuc oo faa’idooyinkaaga ah. Sheegashadaada waxay u baahantahay dib u eegid gacan ah oo liiska saxitaanka sheegashooyinka. Taqasuska sheegashada ayaa kula soo xiriirayo, marka fadlan ka jawaab taleefonkaaga.

  4. Maxay la micna tahay fariin xaalada sheegashadeyda? Maxaa ah inaan sameeyo?

    Halkaan waa fariimaha xaalada sheegashooyinka caadiga ah ee qaar, waxa loola jeedo, iyo waxa aad sameyn kartid:

    Fariinta: Sheegashadaada oo isbuuca dhammaanayo <Saturday's date> waxaa loo soo fulliyay lacag bixinta oo <date claim processed>. Sababtoo ah waqtiga ay qaadatay ka baaran dagida iyo dirista, fadlan u ogolow afar maalmood ka bilow maalinta aad sheegatay isbuuca ka hor weydiinta wax ku saabsan lacag bixinta faa’idada daahday.

    Waxa loola jeedo: Sheegashadaada waa laga baaran dagay oo waan kuu soo dirnay lacagtaada. Waxaad ku heleysaa jeegaaga afar maalmood gudahood ama ka yar.

    Waxa aad sameyn kartid: Ma jiraan baahi tallaabo lagu qaado.

    Fariinta: Sheegashadaada oo isbuuca dhammaanayo <Saturday's date> waa la helay laakin lama bixin sababtoo ah dhibaatada. Warbixinta iyo tilmaamaha waa laguu soo diray.

    Waxa loola jeedo: Waxaan u baahannahay warbixin badan ee adiga kaa imaaneyso si markaas loo ogaado haddii aad u qalantay faa’idooyinka isbuucaan.

    Waxa aad sameyn kartid: Na soo wac.

    Wixii sheegashooyinka shaqo la’aanta joogtada ah:

    1-877-File-4-UI (1-877-345-3484)

    Wixii barnaamijka Caawinta Shaqo la’aanta Cudurka safmarka (PUA):

    Taleefon bilaash ah: 1-877-345-3484

    Fariinta: Sheegashadaada oo isbuuca dhammaanayo <Saturday's date> waxaa loogu shubay sida isbuuca la sugayo oo <date claim processed>.

    Waxa loola jeedo: Ka hor COVID-19, sharciga Oregon wuxuu u baahnaa inaad sugtid hal sitimaan oo shaqo la’aan ah ka hor inta aadan bilaabin helitaanka faa’idooyinka wax shaqo la’aan ah. Tani waxaa loo yaqaan isbuuca sugitaanka’. Weli waa inaad xareysaa sheegashada isbuucaas. Fariintaan waxay kuu sheegeysaa in sheegashadaada ay aheyd isbuuca sugitaanka.

    Sharciyada dhawaan la badelay iyo gobolada hadeer way ka dhaafi karaan isbuuca sugitaanka si markaas dadka u heli karaan faa’idooyin hal isbuuc dhaqsi ah. Waan ka shaqeyneynaa inaan ku cusbooneysiino aqbaartaan nidaamkeena kumbuyuutarka. Nasiib daro, waxaan filaneynaa inay qaadato dhoor isbuuc. Markii aan sameyno aqbaarta, waxaan kuu soo direynaa faa’idooyinka aan nagu leedahay isbuucaas koowaad. Waan soo dhigeynaa aqbaar halkaan sida ugu dhaqsiha badan oo suurtogalka ah oo aan mid helno.

    Waxa aad sameyn kartid: Fadlan ha soo wicin ama i-meel hanoo soo dirin oo ku saabsan isbuuca sugitaanka. Horaan ayaan u sameyneynaa wixii aan awoodno. Soo wacitaanka ama i-meel soo dirida ku saabsan midaan waxaa kaliya oo ay daahisaa kartiyadeena looga baaran dago faa’idada qof walba.

    Fariinta: Waxaan helnay wargelintaada oo isbuuca dhammaanayo <Saturday's date>. Si kastaba, kumbuyuutarka makuu heli karo sheegasho adiga. Haddii aad tahay sheegte cusub, waxaad u baahantahay inaad u ogolaatid shan maalmood shaqo oo feelkaaga loogu darayo nidaamka. Haddii aadan aheyn sheegte cusub, waxaad u baahantahay inaad soo wacdid Xaruntaada Caymiska Shaqo la'aanta. Sheegashooyinka caymiska shaqo la’aanta markale laguma bixiyo dhinaca xafiisyadeena Shaqada deegaanka.

    Waxa aad sameyn kartid: Haddii aad xareysay sheegashadaada koowaad wax ka yar shan maalmood shaqo ka hor, maysan jirin baahida lagu qaadayo tallaabo walba. Haddii aad xareysid sheegashadaada koowaad oo ka badan shan maalmood shaqo ka hor, naga soo wac.

    Wixii sheegashooyinka shaqo la’aanta joogtada ah:

    1-877-File-4-UI (1-877-345-3484)

    Fariinta: Wargelintaada oo isbuuca dhammaanayo <Saturday's date> waa la helay laakin lama bixin sababtoo ah kuuma heli karno sheegasho cusub adiga. Haddii aad horaan u xareysay sheegasho cusub si aad u go'aansatid u qalmida faa’idadaada, weli waxaa ka baarandagayo xafiiskaaga Caymiska Shaqo la'aanta. Uma baahdnin inaad markale la soo xiriirtid iyaga. Kadib markii sheegashadaada cusub laga baaran dago, isbuuca aad hadeer sheegatay waxaa looga baaran dagayaa si toos ah. Haddii aadan xareyn sheegasho cusub oo faa’idooyinka aad u baahantahay inaad sidaas ku sameysid adiga oo soo wacayo Xaruntaada Caymiska Shaqo la'aanta. Sheegashooyinka caymiska shaqo la’aanta markale laguma bixiyo dhinaca xafiisyadeena Shaqada deegaanka.

    Waxa loola jeedo: Maadan xareyn sheegasho koowaad oo faa’idooyinka, ama haddii aad sameysay, weli lagama baaran dagin. Si aad u heshid faa’idooyin, waa inaad xareysaa labadaba sheegasho koowaad si aad u go’aansatid haddii aad u qalantid faa’idooyinka caymiska shaqo la’aanta, iyo sheegashada isbuuclaha oo isbuuc walba ee aad rabtid inaad heshid faa’idooyin. Fariintaan waxaa loola jeedaa inaad xareysid sheegashada isbuuclaha, laakin arjigaaga koowaad oo faa’idooyinka midkood lama xareyn, ama weli lagama baaran dagin.

    Waxa aad sameyn kartid: Haddii aadan horaan u xareyn sheegashada koowaad oo faa’idooyinka, sidaas samey. Haddii aad xareysay, oo ay gaartay wax ka badan shan maalmood ganacsi tan iyo markii aad xareysay oo aad weli arkeysid fariintaan, naga soo wac 1-877-File-4-U (1-877-345-3484).

    Fariinta: Waxaan helnay wargelintaada oo isbuuca dhammaanayo <Saturday's date>. Warbixinta lacag bixinta ee isbuucaan waxaa laga helayaa <date>. Sababtoo ah waqtiga ay qaadatay ka baaran dagida iyo dirista, fadlan u ogolow afar maalmood ka bilow maalinta aad sheegatay isbuuca ka hor weydiinta wax ku saabsan lacag bixinta faa’idada daahday.

    Waxa loola jeedo: Waan helnay oo waan ka baarandageynaa sheegashadaada.

    Waxa aad sameyn kartid: Ma jiro tallaabo muhiim ah. Kaliya sug illaa maalinta ay dhaheyso warbixinta lacag bixinta waa la helayaa. Taasi waa markii aan cusbooneysiineyno xaaladaada sheegashada.

    Fariinta: Weli maadan aasaasin sheegashada isbuuca dhammaanayo <Saturday's date> ee nidaamkeena. Fadlan ku soo celi dalabka oo xulo: "Sheego faa’idooyinka Isbuuca"

    Waxa loola jeedo: Weli maadan xareyn sheegashadaada isbuucalaha isbuucaan.

    Waxa aad sameyn kartid: Xarey sheegashadaada isbuuclaha. Si loo bilaabo helitaanka faa’idooyinka shaqo la'aanta, waxaad u baahantahay inaad xareysid sheegashada isbuuclaha. Tani way ka duwantahay sheegashada koowaad (arjigaaga). Waa inaad xareysaa labadaba si aad faa’idooyinkaaga u heshid. Sheegashada isbuuclaha waa sida aan u ogaano inta lacagta ah laguu soo dirayo isbuucaas. Isbuuca waa Axad illaa Sabtida. Ma soo gudbin kartid sheegashada isbuuclaha illaa isbuuca uu dhammaado. Si aad u joogteysid helitaanka faa’idooyinka, waxaad u baahantahay inaad xareysid sheegashada isbuucle cusub isbuuc kasta. Xarey sheegashada isbuuclaha xittaa haddii aad shaqeysay isbuucaas. Haddii kale, waxaa laga yaabaa inaad soo bilowdid hadhowdii--waxaad xareyn kartaa sheegashada koowaad ee cusub, oo sug in markale la ansixiyo.

    Fariinta: Nidaamka si ku meelgaar ah ayuusan u shaqeyneyn. Fadlan isku day markale hadhow.

    Waxa loola jeedo: Kumbuyuutarkeena hadeer ma shaqeynayo sabab la xiriirto dayactir jadwaleysan. Kumbuyuutarkeena ma shaqeynayo ka bilow 12:30am illaa 2:00am habeen walba oo dayactirka qalabka ah. Waxaan sidoo kale jadwaleynay waqtiga gabal dhaca ka bilow 6:00pm - 8:00pm ee Axada labaad ee bil walba.

    Buuxinta Sheegashooyinka Cusub lama heli karo maalmaha isbuuca ka bilow 10:00pm illaa 2:00am, Sabtida ka bilow 8:00pm illaa Axada saacada 2:00am, iyo ka bilow Axada saacada 8:30pm illaa Isniinta saacada 5:00am.

    Kumbuyuutarkeena sidoo kale mararka qaar wuxuu u baahanyahay in lagu tilmaamaa nidaamka dowlada faderaalka, oo ma awooda markii ay leeyihiin waqtiga gabal dhaca.

    Waxa aad sameyn kartid: Fadlan isku day markale hadhow.

  5. Waxaan helay warqad dhaheyso codsigeyga waa la diiday. Laakin kadib waxaan helay warqad kale oo dhaheyso waxaan helayaa faa’idooyin. Miyaan helayaa faa’idooyin?

    Tani waxay dhacdaa markii dad ay codsadaan labo barnaamijyo oo aysan u qalmin midna, laakin u qalma midka kale. Waxaa jiro labo barnaamijyo guud oo faa’idooyinka shaqo la’aanta oo aad codsan kartid: caymiska shaqo la’aanta joogtada ah (UI), iyo barnaamijka Caawinta Shaqo la’aanta Cudurka safmarka (PUA). Uma qalmi kartid labadaba isku waqti.

    Marka haddii aad heshid hal warqad diidmo iyo hal warqad ansixin, waraaqaha waxay ku saabsanyihiin labo barnaamijyo kala duwan. Waxaad heleysaa faa’idooyin oo barnaamijka aad u heshay ansixin. Hubi inaad xareysid sheegashooyinkaaga isbuuclaha si aad u heshid faa’idooyinkaaga isbuuc walba.

  6. Haddii aan isku dayayo inaan xareeyo sheegasho laakin aanan ku heli karin dhinaca taleefonka isbuucaan, miyaan soo wargelin karaa isbuuca xiggo oo weli helayaa faa’idooyinka isbuucaan?

    Sheyga ugu wanaagsan ee la sameeyo waa aadista onleenka si aad u xareysid sheegasho cusub ama dib u bilowdid sheegashadaada jirtay. Xaalada hadeer leemanka taleefonkeena way ka mashaquulsanyihiin sida caadiga ah, marka waan hubineynaa xaaladaada oo dib ugu laabaneynaa isbuuca hore markii ay ku haboontahay.

  7. Waxaan helay warqad dhaheyso waxaan u baahanahaya inaan kugula soo xiriiro gudaha dhoor maalmood qaarkood ama halis geoliyo luminta faa’diooyinkooda, laakin kama bixi karo. Maxaa ah inaan sameeyo?

    Haddii aad heshay warqad ama aad naga heshay wacitaan adiga oo dhahayo waxaan u baahannahay warbixin isla markaas (sida gudaha 7 maalmood), waxaan rabnaa warbixin sida ugu dhaqsiyada badan oo suurtogalka ah. Haddii aysan kuu suurtogaleyn inaad noo heshid warbixin inaga sababtoo ah masoo geli kartid leemankeena taleefonka, waxaan ogolaaneynaa warbixin dheeraad ah. Haddii tallaabo laga qaado sheegashadaada sababtoo ah maanan helin warbixinta markii la codsaday, dib uguma laaban karno oo ma sameyn karno saxitaano.

    Waxaan ku dareynaa leemanka taleefono badan, oo waxaan kireysaneynay oo aan tababareynay dad badan oo ka jawaabo wacitaanada oo wacitaano sameeyo. Waqtiyada sugitaanka hoos ayay aaday, laakin waan aqoonsannahay inay weli aad u dheertahay. Si toos ah ayaan dadka ugu yeereynaa si ay u sheegaan kuwa badan oo xaaladahaan ah.

  8. Garsoore aniga ila soo xiriiray sababtoo ah waxaa jiray dhibaato sheegashadeyda la jirto. Maxaan u baahannahay inaan sameeyo?

    Haddii aad isgaarsiin naga heshid inaga oo dhaheyso waxaan u baahannahay warbixin isla markaas (sida gudaha todoba maalmood, tusaale ahaan), waxaan rabnaa warbixin sida ugu dhaqsiyada badan oo suurtogalka ah. Haddii aysan kuu suurtogaleyn inaad noo heshid warbixin inaga sababtoo ah masoo geli kartid leemankeena taleefonka, waxaan ogolaaneynaa warbixin dheeraad ah. Haddii tallaabo laga qaado sheegashadaada sababtoo ah maanan helin warbixinta markii la codsaday, dib uguma laaban karno oo ma sameyn karno saxitaano.

    Iyada oo ay la jirto korodhka sheegashooyinka, waxaan qiyaaseynaa inay qaadaneyso qiyaastii 10 isbuucyo oo garsooraha go’aan uga gaaro sheegashadaada.

  9. (English) I got a notice that my claim needs to be (or has been) assigned to an adjudicator. What is adjudication and how long will this take? Is there anything I can do to get benefits while I wait?

    If an issue arises that requires additional review by an adjudicator, this may result in a significant delay of 12 to 14 weeks (as of 7/8/2020) from when we identify that issue. This is due to the sheer volume of claims requiring review and the federal laws requiring us to ensure people are eligible for benefits.

    Some common issues that require adjudication:

    • If somebody quits their job, determining if the circumstances disqualify them from getting benefits
    • If somebody is fired, finding out if the circumstances disqualify them from getting benefits
    • If somebody does not accept work that is offered to them, finding out if the circumstances disqualify them from getting benefits
    • For people who work for educational institutions, every break between school years or terms, we must adjudicate whether they are likely to be doing the same type of work after the break as they did before to determine if they can receive benefits during the break
    • If somebody is not available for work

    The Department’s temporary rules, adopted early in the pandemic, have greatly reduced the number of issues that have to be adjudicated. Even with this, the huge number of people seeking benefits means we are facing a record number of issues needing to be adjudicated.

    The most important thing we can do to speed this process up is hire more adjudicators, which we are doing.

    Update 7/31/20:
    We have found a way to pay benefits to people waiting for their claim to be reviewed by an adjudicator to determine whether they are eligible for regular unemployment or the Pandemic Unemployment Assistance (PUA) program. We’re calling this “Benefits While You Wait.”

    We will contact you if you may be able to receive “Benefits While You Wait.” You may be eligible if you:

    1. Applied for regular unemployment insurance (UI) benefits;
    2. Had your claim flagged for adjudication because the Employment Department has to determine if you meet the legal requirements to get regular unemployment benefits;
    3. Are out of work due to a COVID-19 qualifying reason; AND
    4. Are likely eligible for PUA if you cannot receive regular unemployment benefits.

    To get "Benefits While You Wait," apply for Pandemic Unemployment Assistance (PUA) and let us know in your application: 1) the COVID-19 reason you are out of work, and 2) the date you were first impacted by that reason. After you apply for PUA, keep filing weekly regular unemployment insurance (UI) claims for each week you want benefits. Do not file weekly PUA claims.

    We will review your PUA application to see if you qualify. If you do, we will know you qualify for at least one program, which means we can start paying you benefits. We will pay you your regular UI benefits until your UI claim is adjudicated. If, at the end of the adjudication process, it turns out that you qualified for regular UI benefits, nothing will change. You will keep getting UI benefits as long as you file your weekly claims and you are eligible. If it turns out you didn’t qualify for regular UI, then we will move your claims into the PUA program. If your PUA weekly benefit amount is higher, we will also send you the increase for all the past weeks you got the regular UI amount. You may get several payments at once.

    We are required to let you know that there is a chance this could result in overpayment that you would have to pay back. If you prefer to wait for benefits, no action is necessary.

  10. Waxaan buuxiyay codsigayga PUA anigoo adeegsanaya foomka onlaynka ah. Ma heli doonaa iimayl xaqiijin ah?

    Haa. Waxaad ku heli doontaa iimayl xaqiijin ah maalin gudaheeda kadib gudbinta codsigaaga. Waxaan ka shaqeyneynaa inaan soo raacino lambar xaqiijin ah iimaylka kaasoo xaqiijinaya helitaanka codsigaaga.

  11. Illaa intee kadib markii sheegashadeyda laga baaran dagay ma inaan jeeg helaa? Ka waran haddii aanan jeeg helin?

    Arkida i sheegashadaada laga baaran dagay si muhiim ah ulama micna ahan inaad u qalantid faa’idooyin. Waxaa jirayo arimo celinayo lacag bixinta. Qaabka ugu wanaagsan ee lagu hubinayo sheegashadaada waa laga baaran dagay ama haddii lacag bixinadaada loo diray inay booqato Nidaamka Sheegashada Onleenka OED ee Employment.Oregon.Gov/OCS. Haddii aadan arki karin in sheegashadaada laga baaraan dagay, fiiri maalin xigta si aad u aragtid haddii lacag bixinada la diray. La hor inta aadan la xiriirin OED, sug ogeysiinta ka imaaneyso OED oo dhaheyso warbixin badan ayaa loo baahanyahay.

  12. Faa’idooyinkeyga waa la diiday, la yareeyay ama la joojiyay. Maxaa?

    Faa’diooyinka waxaa la bixin karaa kaliya haddii aad u qalantid. Arimaha caadiga ah oo kaa dhigo inaadan u qalmin waxaa ku jiro:

    • Joojinta shaqadaada;
    • In lagaa ceyriyo ama lagaa joojiyo shaqada;
    • Dhaaftay fursada shaqada inta lagu jiro isbuuca sheegashada;
    • Diidmada shaqada;
    • Iska diidida ama aadan la xiriireyn badrooniga markii ay kuu gudbiyaan xafiiska WorkSource Oregon;
    • Dhaaftay kulanka jaheynta balansan ee xafiiska WorkSource Oregon;
    • Jirooyinka ama dhaawaca;
    • Ku guuldareysiga shaqo raadinta;
    • Ka qeybgalka dugsiga;
    • Ka maqnaanshaha aaga illaa aad raadineysid shaqo;
    • Aadan rabin ama aadan diyaar u aheyn inaad shaqada qaadid;
    • Helitaanka lacag bixinta howlgabka, lacag bixinta fasaxa, ama lacag bixinta fasaxa holidheyda;
    • U goynta isbuuc iyada oo aan jirin dib u bilaabida sheegashadaad; iyo
    • Ka jawaabida su’aasha sheegashada isbuuclaha oo qaab sheegto arin.

    Haddii ay dhibaato jiraan, waxaan kaala soo xiriireynaa midkood taleefon ama boosto ahaan. Waan sharaxeynaa dhibaatada iyo sida ay u saameyn karto sheegashadaada. Waxaan ku weydiineynaa sharaxaado ku saabsan xaalada. Fadlan si dhaqso ah u jawaab haddii aad heshid foom la dhameystiro, warqad weydiineyso warbixin, ama fariin taleefon. Faa’idooyinkaaga waa la daahin karaa illaa aad ka jawaabtid. Haddii aadan ka jawaabin gabi ahaanba, waan diidi karnaa faa’idooyinka. Sii wad inaad ku sameysid sheegashooyinkaaga isbuuclaha midkood onleenka ama Qadka Sheegashada Isbuuclaha iyada oo aan baareyno sheegashadaada.

    Waxaan gaareynaa go’aan oo ku saleysan warbixinta adiga kaa timid, badroonigaaga ama illaha kale. Haddii go’aanka kuu ogolaado faa’idooyinka oo aad buuxisid dhammaan sharuudaha u qalmida, waan bixinaa faa’idooyin walba ee kuu imaaneyso, oo ay ku jiraan isbuucyada la soo dhaafay. Waqti walba oo aan diidno faa’idooyin, waxaan kuu soo dirnaa go’aanka sharaxayo sababta aan u diidnay faa’idooyinka, muddadee waqtiga, sida dib loogu qalmo, iyo sida looga racfaan qaato haddii aad ku diido.

  13. Waxaan helay ogeysiin oo aan ugu baahannahay inaan dib ugu bilaabo sheegashadeyda. Maxaa? Sidee ayaan midaas u sameeyaa?

    Waaxda Shaqada waxay si toos ah u joojisaa sheegashadaada haddii aad:

    • Ka bood isbuuc (ama ka badan) oo buuxinta sheegashadaada isbuuclaha
    • Hel cadadka faa’idada isbuuclahaaga ama ka badan
    • Waqtiga shaqada buuxdo
    • Aadan soo wargelin daqli isbuuc kadib ee aad wargelisay daqliyo

    Haddii sheegashadaada loo joojiyo hal sababo ee kore, waa inaad dib u bilowdaa sheegashadaada. Waad joojin kartaa oo aad dib u bilaabi kartaa sheegashadaada inta jeer ee aad u baahantahay inta lagu jiro sannadka faa’idadaada. Dib u bilow sheegashadaada inta lagu jiro isbuuca aad rabtid inaad ka faa’idid.

    Haddii sheegashadaada la joojiyay sababtoo ah waad shaqeysay, dib ayaad u bilaabi kartaa sheegashadaada adiga oo isticmaalayo Nidaamka Sheegashada Onleenka/Codso adiga oo buuxinayo sheegashadaada hore oo xulo dooqa “Dib u bilow sheegashadaada.”

    Haddii aadan shaqeyn tan iyo xareyntii ugu dambeysay ee faa’idooyinkaaga isbuuclaha, waxaad isticmaali kartaa Nidaamka Sheegashada Onleenka/Codso adiga oo buuxinayo sheegashadaada hore si aad dib ugu bilowdid sheegashadaada.

    Haddii aad shaqeysay tan iyo markii kugu dambeysay ee aad xareysay faa’idooyinka isbuuclaha, waxaad u baahantahay inaad nasoo wacdid inaga. Warbixintaada badrooniga diyaar ma tahay markii aad soo wacdid. Tani waxaa ku jiro taariiqaha aad shaqeysay; magacyada, lambarada taleefonka iyo ciwaanada badroonigaaga (badrooniyadaada); iyo daqliyadaada guud ee ka imaaneyso badrooniyadaas. Markii aad dib u bilowdid sheegashadaada, waxaad weli u baahantahay inaad xareysid faa’idooyinka isbuuclaha

  14. Waxaan helay ogeysiinta in sheegashadeyda ay qalad tahay. Maxay taasi la micna tahay? Maxaan sameyn karaa?

    Sheegashadaada ma shaqeyneyso haddii aadan buuxin sharuudaha u qalmida lagu qeexay Su'aasha 1. Caadi ahaan waxaa loola jeedaa inaadan helin lacag kugu fillan ama aad shaqeysay saacado kugu fillan oo loogu qalmo faa’idooyinka shaqo la’aanta joogtada ah. Haddii sheegashadaada faa’idooyinka shaqo la’aanta joogtada ah aysan shaqeyneyn, waad u qalmi kartaa barnaamijka Caawinta Shaqo la’aanta Cudurka safmarka (PUA). Qaado Su’aalaheena gaaban ee U qalmida, ama ka codso PUA halkaan/Codso adiga oo buuxinayo sheegashadaada hore.

  15. Waxaan ogeysiin ka helay inaan u qalmo faa’idooyinka shaqo la'aanta, laakin in Waaxda Shaqada ay celineyso sababtoo ah lacag bixinta dheeraadka ah ama qiyaanada. Goorma ayaan helayaa faa’idooyinkeyga?

    Lacag bixinta dheeraadka ah. Haddii lagu siiyay faa’idooyin aadan u qalmin, midaas waxay abuurtaa lacag bixin dheeraad ah. Haddii lacag xad dhaaf ah lagu siiyay, waxaad heleysaa ogeysiin ay la jiraan warbixinta lacag celinta iyo xaquuqaha racfaanka. Ogeysiintaada waxay wadaneysaa go’aanka maamulka, kaas oo qora sababta lacag bixinta dheeraadka ah. Lacag bixinta dheeraadka ah waxaa sababi karo:

    • In si qalad ah loo wargeliyo daqliyo markii aad xareyneysid faa’idooyinka isbuuclaha
    • Si qalad ah loo wargeliyo lacag bixinta howlgabka
    • Helida faa’idooyinka, laakin go’aanka dhahayo waad u qalmeysaa ayaa hadhowdi dib loogu badelaa racfaanka
    • Lacag bixinta la sameeyay ka hor inta aan wax ka ogaan arinta sheegashadaada
    • Faa’idadaada isbuuclaha waa la yareeyay sababtoo ah saxitaanka heerka joornaatiyada sannadka
    • Ka haynta warbixinta oo lagu helayo faa’idooyin aadan u qalmin

    Haddii lagu siiyo lacag dheeraad ah, waa inaad dib ugu bixisaa tirada buuxdo. Ha daahin lacag celinta. Aruurinta qaababka waxaa ku jiri karo:

    • Kala wareegida joornaatiga
    • Damaanada hantida
    • Ka hortaga lacag celinta canshuurta gobolka iyo daqliga faderaalka
    • Joogteynta lacag bixinada shaqo la’aanta isbuuclaha

    Ha joojin xareynta faa’idooyinka isbuuclaha sababtoo ah waxaad haysataa lacag bixin dheeraad ah. Markii lacag bixinta dheeraadka ah dib loo bixiyo, waxaan bilaabeynaa bixinta faa’idooyinkaaga. Qaar ka mid ah howlaha aruurinta lacag bixinta dheeraadka ah waa la yareeyay ama la joojiyay inta lagu jiray cudurkaan safmarka.

    Qiyaanada. Qiyaanada waa wargelinta qaladka ah ee ula kaca ah ama ka haynta warbixin si markaas loo helo faa’idooyin. Haddii aad si lama filaan ah u qariso ama u soo wargeliso warbixin qalad ah, waa qiyaano. QIYAANADA WAA DAMBIEoo waxay sababi kartaa ciqaabooyin oo illaa ay ku jiraan xukumid. Tusaalooyinka qaar ee qiyaanada noqon karo:

    • Aadan soo wargelin shaqo ku dhaaftay ama shaqo aad iska diiday
    • Sheegida warbixin been ah ama ka celinta warbixin lagu helayo faa’idooyin
    • Ku guuldareysiga soo wargelinta dhammaan daqliyadaada markii la xareynayo faa’idooyinka isbuuclaha
    • Aan la soo wargelineyn u kala gooniyeynta shaqada si sax ah (fiiri Kala gooniyeynada wargelinta shaqada)
    • Xareynta faa’idooyinka isbuuclaha inta aad ku jirtay xabsiga

    Si ula kac ah sida waafaqsan wargelinta ama aadan soo wargelin daqliyada markii aad xareyneysid faa’idooyinka isbuuclaha waa qiyaano. Qiyaanada ma sababi karto kaliya lacag bixinada dheeraadka ah, laakin waxay sidoo kale kuu hogaamin kartaa inaad heshid ‘ciqaabta isbuuclaha’ oo ay kaa joojiso inaad heshid faa’idooyinka mustaqbalka.

  16. Waxaan helay ogeysiin dhaheyso inaanan heleyn faa’idooyinkeyga shaqo la’aanta illaa isbuucyadeyda ciqaabta la sameeyo. Waa maxay ciqaabta isbuucyada? Maxaan sameyn karaa?

    Haddii lagu siiyo faa’idooyinka aadan u qalmin, waa inaad dib noogu celisaa lacagtaas. Hal qaab waxaan ku aruurineynaa isticmaalida lacag bixinada faa’idada mustaqbalka si loo joojiyo lacag bixinta dheeraadka ah illaa dhammaan dib loo bixiyo. Haddii lacag bixinta dheeraadka ah dhacdo sababtoo ah waxaad sameysay qiyaano, waxaan sidoo kale u xilsaari karnaa isbuucyada ciqaabta. Kuwaan waxay bilowdaan kaliya kadib lacag bixintaada dheeraadka ah markii dib loo bixiyo. Isbuucyada ciqaabta waa isbuucyada aadan heleynin faa’idooyinka caymiska shaqo la’aanta xittaa inkastoo aad u qalantid iyaga.

    Sababtoo ah uma qalantid faa’idooyinka shaqo la’aanta joogtada ah inta lagu jiro isbuucyadaada ciqaabta, sida badan waa u qalmeysaa barnaamijka Caawinta Shaqo la’aanta Cudurka safmarka (PUA). Waa inaad codsataa PUA oo xareeyaa sheegashada PUA ee isbuuclaha oo sitimaan walba oo isbuucyada ciqaabtaada. Faa’idooyinka isbuuclaha ugu yar PUA waa $205, iyo haddii aad heshid PUA waxaad sidoo kale heleysaa dheeraad $600/isbuucii (dhammaadaa Luuliyo 25). Isbuucyada aad heshid faa’idooyinka PUA laguma xisaabiyo dhinaca ka saarida isbuucyadaada ciqaabta.

    Tusaale ahaan, haddii lacag dheeraad ah lagu siiyay oo $302 waqtigii la soo dhaafay, lacag bixintaada faa’idada isbuuclaha hadeer waa $151, oo waxaad heshay ciqaabo labo isbuuc ah, kadib:

    • Isbuuca 1: waxaan haynaa faa’idadaada isbuuclaha oo ah $151. Lacag bixintaada dheeraadka ah bar ayaa la bixiyaa.
    • Isbuuca 2: waxaan haynaa faa’idadaada isbuuclaha oo ah $151. Lacag bixintaada dheeraadka ah si dhameystiran ayaa loo bixiyay.
    • Isbuuc 3: Waxaad heli kartaa midkood $0 oo midaan qanciso ciqaabta isbuucaaga koowaad, ama waxaad u qalmi kartaa PUA, oo ay ku jiraan dheeraadka $600/isbuucii (dhammaataa Luuliyo 25). Haddii aad rabtid faa’idooyinka PUA, waxaad u baahantahay inaad xareysid arjiga PUA ee gooniga ah iyo foomka sheegashada isbuuclaha.
    • Isbuuc 4: Waxaad heli kartaa midkood $0 oo midaan qanciso ciqaabta isbuucaaga labaad, ama waxaad u qalmi kartaa PUA, oo ay ku jiraan dheeraadka $600/isbuucii (dhammaataa Luuliyo 25). Waxaad u baahaneysaa inaad xareysid sheegashada isbuuclaha PUA.
    • Isbuuc 5: Haddii aadan helin faa’idooyinka ka hor isbuucyada sababtoo waxaad fullineysay isbuucyadaada ciqaabta, waxaad hadeer bilaabi kartaa inaad heshid $151 gaaga oo faa’idooyinka joogtada ah iyo dheeraadka $600/isbuucii (dhammaato Luuliyo 25). Haddii aadan ku qancin isbuucyadaada ciqaabta, waad sii wadi kartaa sheegashada faa’idooyinkaaga PUA.
  17. Waxaan helay warqad dhaheyso sheegashadeyda waa la diiday. Miyaan sameyn karaa racfaan?

    Dadka qaar waxaa loogu diiday sababtoo ah waxay dhaheen maysan ka raadineyn shaqo badrooniyada kale. Waxaan sameynay hagaajin toos ah oo midaas. Sheegashooyinkaas waa laga baaran dagayaa oo waa inaad sii wadaa xareynta sheegashooyinkaaga isbuuclaha. Haddii laguu diido faa’idooyinka shaqo la’aanta joogtada ah sababtoo ah waxaa tahay qof iskiisa u shaqeysto, codso barnaamijka Caawinta Shaqo la’aanta Cudurka safmarka (PUA).

    Waqti walba ee Waaxda Shaqada yareyso ama diido faa’idooyinkaaga, waxaan kuu soo direynaa ogeysiin, loo yaqaano go’aanka maamulka. Haddii aadan ku raacin go’aanka, waxaad xaq u leedahay inaad ka racfaan qaadatid adiga oo codsanayo dhageysi. Ogeysiinta waxaa ku jiro foomka aad u isticmaali kartid codsiga dhageysiga, iyo tilmaamaha lagu xareynayo racfaanka.

    Inta badan go’aamada maamulka wuxuu noqdaa 20 ka maalin ee ugu dambeyso kadib markii aan soo dirno, marka ha sugin inaad xareysid racfaan haddii aad rabtid dhageysi. Haddii aadan ku xareyn racfaan 20 maalmood gudahood, waad lumineysaa fursadaada aad ku badeshid go’aanka. Haddii aad ka racfaan qaadatid go’aanka maamulka, joogtey xareynta faa’idooyinka isbuuc walba. Haddii aadan sheegan isbuuc walba adiga oo racfaankaaga la sugayo, laga yaabo inaan lagu siin sibuucyadaas haddii racfaanka lagu go’aansado dhinacaaga.

    Dhageysiga waxaa lagu qabtaa taleefon ahaan oo waxaa sameeyo Garsooraha Sharciga Maamulka oo madaxbanaan (ALJ). ALJ ayaa dib u eegayo dacwadaada oo gaarayo go’aan ku saleysan warbixinta la heli karo. Ku soo dhawow inaad u soo bandhigtid cadeyntaada ALJ. Wax badan ka baro Buug-yaraha Sheegashada Caymiska Shaqo la’aanta.

KU LAABASHADA SHAQADA

  1. Badroonigeyga wuxuu rabaa inaan aniga ku soo laabto shaqada laakin waxaan u maleynayaa inaysan badbaado aheyn. Miyaan weli u qalmaa faa’idooyinka shaqo la’aanta?

    Weli waad u qalmi kartaa faa’idooyinka shaqo la’aanta. Kuuma diideyno faa’idooyinkaaga haddii aadan dib ugu laaban shaqada sababtoo ah xaaladaha ayaa ku xadgudbo amarada gobolka ee ku saabsan badbaadada goobta shaqada si loo xadeeyo faafifa fayraska corona. Ma diideyno faa’idooyin haddii uu qof "diido shaqo" sababtoo ah shaqada kuma "haboona." Tani waxaa loola jeedaa halista caafimaad, badbaadada, iyo xaqiiqaha kale dib ayaa loo eegayaa. Fadlan ogow in go’aansashada midaan u baahantahay dib u eegida shaqsi ahaan, dacwada-gaarka ah oo waxay qaadan kartaa waqti. Markii aad xareyneysid sheegashadaada isbuuclaha, ku dar sanduuqa sheekada sida badan ee suurtogalka ah marxaalada. Naga filo inaan soo wacno adiga iyo badroonigaaga.

    Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan fiirino waa:

    • Miyay tahay shaqada lagu weydiiyay inaad sameysid “shaqo kugu haboon”? Haddii shaqada aan ku habooneyn, kadib inaadan shaqada sameynin waa inaysan kaa horjoogsan inaad heshid faa’idooyinka UI.
    • Ma heshay “sabab wanaagsan” oo aadan ku sameynin shaqada ama aad ku joojisid shaqadaada? In badroonigaaga ku weydiiyay inaad sameysid wax ku xadgudbo sharciga waxaa loo xisaabiyaa sida “sabab wanaagsan,”gaar ahaan haddii aad u sheegtay badroonigaaga walaacyadaada oo badroonigaaga uusan sheegin iyaga. Sidoo kale, haddii dhaqtar kuu sheego inaadan sameyn karin shaqada oo aad la sahmisay badelo macquul ah badroonigaaga oo kaa celin karto inaad sameysid shaqada, laakin badrooniga uusan sameyn karin ama uusan sameyn iyaga, taasi sidoo kale waxaa caadi ahaan loo xisaabiyaa sida “sabab wanaagsan.”

    Hadeer la joogo waxaan sidoo kale leenahay sharcigeena ku meelgaarka ah oo dhahayo inaadan u qalmin inaad heshid faa’idooyinka UI haddii aad diidid inaad shaqeysid “ku xadgudubka karantiilka qasabka ah ama jaheynta Gofanatooraha ee la xiriirto xadeynta howlaha si loo xadeeyo faafida cudurka fayraska corona.” Haddii goobtaada shaqada aysan raaceynin hagida dib u furida (qalabka illaalada gaarka ah (PPE), ka fogaanshaha bulshada, wax walboo quseeyo) kadib laguuma diidayo haddii aad diidid inaad ku shaqeysid xaaladahaas.

    Waaxda Shaqada waxay ku tiirsantahay taqasusyada caafimaadka bulshada ee ku saabsan arimaha badbaadada goobta shaqada. Marka, haddii ganacsiga uu furo oo raacayo heerarka badbaadada ee ay dajiyeen saraakiisha caafimaadka bulshada, kadib guud ahaan, dadka waa inay shaqada ku laabtaan. Dadka waa inaysan ku laaban shaqada oo ku xadgudbeyso heerarkaas.

    Tusaale ahaan, haddii heerarka nooca gaarka ah ee ganacsiga u baahanyahay in shaqaalaha la siiyo noocyada qaar ee PPE, iyo ganacsiga uusan bixineyn iyaga, kadib shaqaalaha looma diidayo helitaanka faa’idooyinka UI haddii ay diidaan inay shaqada ku laabtaan. Haddii ganacsiga uu furanyahay and oo raacayo dhammaan heerarka quseeyo, kadib guud ahaan, diidmada loogu laabto shaqada waxay la mid ahaaneysaa in shaqaalaha uusan heli karin faa’idooyin.

    Waxaa jiro ka dhaafido badan ee midaan ah, inkastoo. Haddii xaaladaha la xiriirto COVID-19 ee sharciyadeena ku meelgaarka ah (fiiri Su'aasha 3) adiga ku quseeyo, kadib waxaad weli joogteyn kartaa helitaanka UI joogto ah. Tusaale ahaan, haddii bixiyaha daryeelka caafimaad kugula taliyo inaadan ku laaban shaqada.

    Haddii aad heleysid faa’idooyinka PUA iyo mid walba oo sababaha Xeerka CARES (fiiri CARES) adiga ku quseyso, kadib waad joogteyn kartaa helitaanka faa’idooyinka PUA.

    Waaxda Shaqada looma baahno inay sugaan go’aanka badbaadada ee ka imaanayo Badbaadada Shaqada iyo Maamulka Deegaanka (OSHA) si u go’aansatid haddii aad u qalantid UI. Waxaan ku go’aansanaa sida waafaqsan warbixinta aan hayno.

  2. Ima suurtogelin inaan shaqada ku laabto taariiqda aan ku qoray arjigeyga. Maxaa ah inaan sameeyo?

    Waqtiyada aan cudurka safmarka aheyn, markii aad noo sheegtid inaad qorsheyneysid inaad ku laabatid shaqada taariiq qaar, nidaamkeena si toos ah ayuu u hakiyaa lacag bixinada bilaabaneyso maalintaas sababtoo ah wuxuu u moodaan inaadan shaqeyneyn oo aadan u baahneyn faa’idooyinka shaqo la'aanta markale. Midaan waxay si wanaagsan u shaqeysaa waqtiyada caadiga ah, laakin dhibaato abuurtay hadeer. Waxaan sameynay badelo qalabkeena si uga jopojiyo sheegashooyinka qaar hakinta. Kuwa badan oo sheegashooyinkaan ah waxay u baahanyihiin dib u eegid gacan ah ee shaqaalaheena, iyo mararka qaar shaqaalaheena waa inay sameeyaan dabagalka wacitaanka taleefonka si ay uga saaraan hakinta.

    Haddii sheegashadaada la hakiyo--haddii aadan dib ugu laaban shaqada oo lacag bixintaada joogsato--noo soo wac inaan dib u bilowno sheegashadaad. Ha xareynin sheegashada koowaad ee cusub.

  3. Markii gobolka uu ku jiro Wajiga 1 ee dib u furitaanka, miyay faa’idooyinka shaqo la’aanta u dhammaataa qof walba ee ka shaqeynayo shaqada lagu daray Wajiga 1?

    Markii gobolkaaga loo ansixiyo inay dib u furaan sida waafaqsan hagida Wajiga 1, ma jiraan wax qasab ah ee booskaaga shaqada inay dib u furaan haddii aysan u suurtogaleyn inay u hogaansamaan hagida Wajiga 1. Ama haddii ay u baahanyihiin waqti badan oo loogu hogaansamo sharuudaha caafimaadka bulshada.

    Haddii booskaaga shaqada uusan dib u furin, weli waad u qalantaa faa’idooyinka shaqo la’aanta.

    Haddii booskaaga shaqo la'aanta aysan dib u furin oo aadan ku qanacsaneyn ku laabashada shaqada sababtoo ah ma raacayaan hagida caafimaadka bulshada, kadib weli waad u qalmi kartaa faa’idooyinka. Fiiri Su'aasha 39.

  4. Waxaan u baahannahay caawin lagu raadiyo shaqo. Sidee ayaasd u caawin kartaa?

    Xarumaha gobolka oo dhan ee WorkSource Oregon sheeg heer balaaran oo adeegyada oo kugu cawiyo shaqo ku laabashadaada. Liistada shaqada badrooniga, illaha siifii qorida, aaladaha sahminta shaqada, iyo warbixinta suuqa shaqada waxay ka mid yihiin adeegyada la bixiyay. Shaqaalaha waxay diyaar u yihiin inay kugu caawiyaan oo ku baraan adeegyada aad uga faa’ideysid raadintaada. Waxaad sidoo kale booqan kartaa websaydka Waaxda Shaqada Oregon.

Sida Dib Loogu Bilaabo Qaansheegashadaada Shaqa-la'aanta

  1. Waa maxay sababta qaansheegashada qofka ay u joojiso Waaxda Shaqada ee Oregon?

    Waxaa jira 4 sababood oo qaansheegashada qofka loo joojiyo: Inaad:

    • Ka booday toddobaad ama ka badan oo xareynta qaansheegashadaada toddobaadlaha ah
    • Kasbatay caddada macaashkaaga toddobaadlaha ah ama in ka badan
    • Shaqayso waqti-buuxa
    • Soo gudbinin wax dakhli ah toddobaad kadib marka aad soo sheegtay dakhliga ku soo gala
  2. Ma jiraa toddobaad sugitaan haddii aan dib u bilaabo qaansheegashadayda?

    Maya, haddii aad horay u gudatay toddobaadka sugitaankaaga markaa ma jiri doono toddobaad sugitaan marka aad dib u bilowdo qaansheegashadaada.

  3. Sidee ku ogaan karaa in aan u baahanahay inaan dib u bilaabo qaansheegashadayda?

    Waxaan kugu ogeysiinaynaa Nidaamka Qaansheegasho ee Onlaynka ah ama warqad haddii aad u baahan tahay inaad dib u bilowdo qaansheegashadaada.

  4. Macluumaad ceynkee ah ayaa la iiga baahan yahay si aan dib ugu bilaabo qaansheegashadayda?

    Diyaarso macluumaadka batroonigaaga markaad na soo wacayso. Kuwaani waxaa ka mid ah taariikhaha aad shaqeysay, magacyada, lambarrada telefoonka iyo cinwaannada batrooni-ga(-yada); iyo dakhliga guud ee kaa soo gala batrooniyadaas. Mar alla markii aad dib u bilowdo qaansheegashadaada, waa inaad weli xareysaa macaashka toddobaad kasta.

  5. Haddii mar labaad shaqada lagaa joojiyay oo aad u baahan tahay inaad dib u bilowdo Caymiskaaga Shaqa-la'aanta ee Joogtada ah (UI), Magdhowga Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PEUC) ama Macaashka La Muddo Kordhiyay (EB) :.

    Fadlan booqo Nidaamkayaga Qaansheegasho ee Onlaynka ah haddii aad:

    • Ma seegtay toddobaad ama in ka badan xareynta qaansheegashooyinka toddobaadlaha ah. AMA-
    • Ma tahay imminka shaqa-la'aan kadib markaad muddo shaqaysay.

    Nidaamkayaga Qaansheegasho ee Onlaynka ah waxaa laga hoos helaa xiriiriyeyaasha barta https:/unemployment.Oregon.gov.
    Guji ikhtiyaarka #8 si aad dib uga bilowdo qaansheegashadaada Nidaamka Qaansheegasho ee Onlaynka ah.

    Weli dhibaatooyin ma qabtaa? Buuxi Contact Us form[AB1] si aad u hesho caawimaad dheeraad ah. Guji ikhtiyaarka 'Contact[AB2] ' ee ku yaal geeska sare ee midig ee unemployment.orgon.gov. Hubso inaad dooratid oo aad buuxisid ikhtiyaarka 'Restarting my claim[AB3] ' oo ku hoos yaala qeybta 'How Can We Help[AB4] ?'

    OGEYSIIN MUHIIM AH: Barnaamijka PEUC wuxuu dhammaanayaa 26-da Diseembar, 2020. Haddii aad hesho lacagta PEUC markaa, waxaan si toos ah kuugu wareejin doonnaa Macaashka La Muddo Kordhiyay haddii aad u-qalanto. Haddii aadan u-qalmin EB, waxaan kuu soo diri doonnaa warqad. Waqti xaadirkan, EB waxay kordhineysaa macaashka mudddo 20 toddobaad oo dheeraad ah.

    [AB1]foomka Nala Soo Xiriir

    [AB2]Xiriirka

    [AB3]Dib u bilaabida qaansheegashadayda

    [AB4]Sidee Kuu Caawin Karnaa

  6. Haddii mar labaad shaqada lagaa joojiyay oo aad qaadanaysay Macaashka Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA)

    waxaad u baahan doontaa inaad dib u bilowdo macaashkaaga. Fadlan isticmaal Contact Us Form ama naga soo wac 1-877-345-3484 haddii aad:

    • Ma seegtay toddobaad ama in ka badan xareynta qaansheegashooyinka toddobaadlaha ah. AMA-
    • Ma tahay imminka shaqa-la'aan kadib markaad muddo shaqaysay.

    Nidaamkayaga Qaansheegasho ee Onlaynka ah waxaa laga helaa hoosta Xiriiriyeyaasha Degdega ah ee Unemployment.Oregon.gov.
    Guji ikhtiyaarka #8 si aad dib uga bilowdo macaashkaaga Nidaamkayaga Qaansheegasho ee Onlaynka ah.

    Weli dhibaatooyin ma qabtaa? Buuxi Contact Us form si aad u hesho caawimaad dheeraad ah. Guji ikhtiyaarka 'Contact' ee ku yaal geeska sare ee midig ee unemployment.orgon.gov. Hubso inaad dooratid oo aad buuxisid ikhtiyaarka 'Restarting my claim' ee ku hoos yaala qeybta 'How Can We Help?'

    Foomkayaga Nala Soo Xiriir

  7. Waxaan ku laabtay shaqada kahor inta aanan u baahan inaan codsado PEUC. Qaansheegashadaydu waa haraa $0 ah. Maxaan sameeyaa imminka?

    Waxaad u baahan doontaa inaad ka buuxiso codsiga onlaynka ah ee loogu talagalay barnaamijka PEUC Nidaamkayaga Qaansheegasho ee Onlaynka ah. Guji ikhtiyaarka #4 si aad u xareyso qaansheegashadaada hore ee PEUC. Waxaan haynaa tilmaamo iyo tixraacyo fiidiyow ah oo kaa caawinaya geedi-socodkan.

SU’AALAHA BADANAA LA IS WAYDIIYO EE BIXINTA DHEERAADKA AH

  1. Waa maxay bixinta dheeraadka ah? Maxay yihiin sababaha kala duwan ee bixinta dheeraadka ah?

    Bixinta dheeraadka ahi waxay dhacdaa markii lagu siiyo dheefo aadan uqalmin. Bixinaha dheeraadka ah qaarkood waxay dhacdaa markay dadku na siiyaan macluumaad aan sax ahayn ama qayb ahaan ah. Kuwa kale waxaa sababa khalad hay'adda ah, oo kuwa kalena waxaa sababi kara markii go'aanka aan gaarnay lagu beddelay racfaan kadib markii aan helnay macluumaad cusub.

    Bixinta dheeraadka ah waxay u dhici kartaa sababo badan awgood, oo ay ka mid tahay maxaa yeelay Waaxdu waxay ka heshay arrin dalabkaaga ah. Waa kuwan qaar ka mid ah sababaha ugu badan ee Bixinta dheeraadka ah:

    • Dakhliga si khaldan looga warbixiyay dalab toddobaadle ah
    • Mushaharka hawlgabka oo aan la soo sheegin ama si khaldan loo soo sheegin
    • Go’aan maamul oo kuu oggolaanaya dheefaha oo lagaga noqday racfaan
    • Lacag bixinta la bixiyay kahor intaanan baran wax ku saabsan dalabkaaga
    • Waxaad sameysay been abuur ama macluumaad hakin ah si aad u hesho dheefo aanad u qalmin.
    • Qadarka Dheefahaaga oo isbeddela iyadoo ay ugu wacantahay sixitaan lagu sameeyay mushaharadaada sannadka
    • Waxaan ku sameynay qalad maamul oo ku saabsan dalabkaaga
    • Qalad aad sameysay markii aad xareyneysay
  2. Waa maxay nidaamka dib u bixinta dheefuhu?

    Marka ay jiraan bixin dheeraad ah, waxan leenahay waajib sharci in aan isku dayno in aan dib u soo ceshanno. Haddii aadan sababin bixinta dheeraadka ah, waxaan caadi ahaan 'dejineynaa' deyntaas annaga oo ka goyneyna qaddarka lacagta ee lagu leeyahay dheefaha mustaqbalka ee aad u-qalanto.

    Haddii aad rabto inaad bixiso deynta si buuxda, raac tilmaamaha ku yaal bayaanka biilka si aad u samayso lacag-bixinta. Haddii aad su'aalo qabtid ama aad u baahan tahay inaad dejiso qorshe lacag-bixin ah, waa inaad wacdo lambarka taleefanka ee ku qoran bayaanka biilka si aad ugala hadasho xulashooyinkaaga.

    Cudurka faafa dartii, waxaan si aad ah u yareyneynaa aruurintayada bixinta dheeraadka ah. Waaxda Shaqaalaha ee Maraykanu hadda waxay noo oggolaatay inaa ka dhaafno wax kamida bixinta dheeraadka ah haddii bixinta dheeraadka ah aanay ahayn qaladkaaga oo dibu-bixinteeduna ay si aan macquulahayn kuugu adagtahay.

  3. Sidee ayaan ku ogaanayaa haddii aan qabo bixin dheeraad ah?

    Waxan boosta kuugu soo diri doontaa go’aanka maamulka. Waxay sheegaysaa sababta bixinta dheeraadka ah iyo qadarka wadarta lagugu leeyahay. Intaas ka dib, waxaan kuu soo diri doonnaa bayaan biil ah. Qoraalka biilku wuxuu kuu sheegi doonaa inaad ku bixiso taariikh cayiman ama uruurinta firfircoon ayaa bilaabmi doonta. Bayaanka ayaa laga yaabaa inuu u muuqdo mid digniin ah, laakiin wuxuu ku siin doonaa xulashooyin ku saabsan sida looga jawaabo ogeysiiska deynta.

    • Haddii adigu AADAN sababin bixinta dheeraadka ah, oo aad ku heshay dheefaha barnaamij u qalma, waxaad codsan kartaa ka-dhaafitaan inaad deynta dib u bixiso. Waad codsan kartaa ka-dhaafid adiga oo dhammaystiraya oo soo gudbinaya foomka ka-dhaafidda ee lagu soo daray go'aankaaga bixinta dheeraadka ah. Haddii aanad helin foomka ka dhaafidda, waxad foomka ka dhammaystiri kartaa online-ka.
    • Haddii bixinta dheeraadka ah aad adigu sababtay, oo aad rabto inaad bixiso deynta si buuxda, raac tillmaamaha ku yaal bayaanka si aad u samayso lacag-bixinta. Haddii aad su'aalo qabtid ama aad u baahan tahay inaad dejiso qorshe lacag-bixin ah, wac lambarka taleefanka ee ku qoran qoraalka biilka si aad ugala hadasho xulashooyinkaaga.
  4. Maxay tahay sababta aan u helay go'aan odhanaya waxa la isiiyay dheefo dheeraad ah markii aan dibu-bixiyay deynta ama waxan codsanayaa ka dhaafid?

    Waxaan leenahay waajibaad sharci ah inaan ku siino go'aan aan kugula socodsiino bixinta dheeraadka ah iyo inaan kaala talinno xuquuqdaada racfaanka. Mararka qaarkood dadku waxay dib u bixiyaan bixintooda dheeriga ah kahor intaanay helin ogeysiiska. Haddii aad hesho go'aan bixin dheeraad ah laakiin aad horay u bixisay deynta, nala soo xiriir adigoo isticmaalaya lambarka telefoonka ee ku qoran go'aanka si loo xaqiijiyo inaad si buuxda dibugu bxisay bixinta dheeraadka ah.

  5. Waxaan helay go’aan oraneya in ladiiday dheefaha kadib markaan horeyba uhelay dheefaha. Maxaan sameeyaa haddii aanan ku raacsanayn go'aanka?

    Waxaad codsan kartaa dhageysi, ama 'racfaan' go'aanka Wasaaradda ee kusaabsan diidmadaada haddii aadan ku raacsaneyn go'aanka. Go’aanka aad heshay waxa la socda tilmaamo sida loo codsado dhageysi. Haddii aadan hubin inaad ogolaatay iyo inkale, waxaad wici kartaa 1-877-345-3484 si aad ula hadasho qof bixin kara faahfaahin dheeraad ah oo sharxi kara tallaabooyinka xiga.

    Waa inaad soo gudbisaa racfaankaaga waqtiga kama dambaysta ah ee ku xusan go'aanka. Haddii aad seegto waqtiga kama dambaysta ah ee rafcaanka, waxa laga yaabaa inaad lumiso xuquuqaada racfaanka ee go’aanka in la diido dheefahaaga.

    Waxaan boosta kuugu soo diri doonaa go'aan gooni ah oo aan kugu ogeysiineyno inaad leedahay bixin dheeraad ah. Go’aanka bixinta dheeraadka ah waxaa kujira tilmaamo sida loo codsado dhageysi. Haddii aad codsato dhageysi ku saabsan go'aanka bixinta dheeriga ah, arrimaha kaliya ee aad loollami kartaa waxay noqon doonaan haddii aad lacagta heshay ama haddii aan si sax ah u xisaabnay bixinta dheeraadka ah.

  6. Miyaan wali u baahanahay inaan dib u bixiyo lacagtaydii dheeraadka ahayd haddii qaladka ay sababtay Waaxda Shaqadu?

    Waaxda Shaqaalaha ee Mareykanka ayaa hadda noo ogolaaneysa inay ku siiso adiga fursad aad ku codsato ka-dhaafid wixii bixin dheeraad ah ee dheefaha federaalka ah haddii aan go'aansanno INAADAN khalad ku ahayn bixinta dheeriga ah OO inad dib noo siiso bixintu ay kugu sababi doonto dhibaato dhaqaale. Ka dhaafiddani waxay khuseysaa oo keliya barnaamijyada soo socda:

    • Magdhawga Shaqo La'aanta Degdega ah ee Cudurka Faafa (PEUC)
    • Magdhowga Shaqo La'aanta CudurkaFaafa ee Federaalka (FPUC)
    • Caawinta Shaqo La'aanta Cudurka Faafa (PUA)
    • Lost Wages Assistance (LWA)

    Waad codsan kartaa in lagaa dhaafo oo laga yaabo inaad ka fogaato bixinta deynta adoo soo gudbinaya foomka Ka dhaafida.

  7. Kawaran haddii aan sabab u ahaa bixinta lacagta oo aanan awoodin inaan dib u bixiyo?

    Waxaan fahansanahay inaadan awoodin inaad dhaqso noogu soo celiso bixinta. Waan ognahay in dad badan oo reer Oregon ah ay ku jiraan xaalad adag, waxa ugu dambeeya ee aan dooneyno inaan sameyno waa inaan kaa codsano inaad dib u bixiso waxtarradii aad aamintay inaad u-qalantay.

    Hadda ma soo saarayno wax mushahar ah ama magdhaw bangi ah. Waxaan la soo saari doonnaa qorshe lacag-bixin ah shaqsi kasta oo ku saleysan duruufaha iyo nooca lacag-bixinta dheeraadka ah. Waxaan ka faa'iideysaneynaa dhammaan xulashooyinka dabacsanaanta waxaanna si aad ah u yareynaynaa howlaheenna aruurinta ee lacag-bixinta badan inta lagu jiro cudurkan faafa.

    Haddii aad sabab u ahayd bixinta dheeraadka ah, khalad ama ukasid been-abuur ah awgeed, waxaan adeegsan doonnaa aaladaha ururinta oo ay ku jiraan kuwa soo socda:

    • Iyaga oo u baahan in dib loo bixiyo bixinta dheeraadka ahayd.
    • Dhexgalka lacag celinta canshuuraha ee gobolka ee dhammaan lacagaha dheeraadka ah ee ay keeneen sheegashada ama been abuur ula kac ah.
    • Dhexgalka dibu maalginta canshuuraha federaalka ee bixinta ldheeraadka ah ee sheegashada-sababihii loogu talagalay bixinta dheeraadka ah si khaldan loohelay iyo dhamaan lacagaha been-abuurka ah ee ujeedka been-abuurka ah.

    Fiiro: Haddii aan oggolaano ka-dhaafitaankaaga ka dib markii aan horey u yareynay qayb ka mid ah dheefahaaga si aan dib ugu soo celino lacagta aad nagu leedahay, dib ayaan u bixin doonnaa dheefahaaga usbuucaas, illaa iyo inta aysan jirin bixinno kale oo dheeraad ah oo taagan. Haddii heerkaaga sheegashadaada uusan muujinayn in dheefahaaga dib laguu siiyo ilaa shan maalmood kadib marka aad hesho ogeysiiska in ka dhaafitaankaaga la ogolaaday, fadlan wac 503-947-1995 ama isticmaal foomka t Nala Xiriir si aad noogu soo sheegto. Ku qor "Bixinta dheeraadka ah" "Sanduuqa Sharaxaadda" arrinta foomka.

Toddobaadka Sugitaanka

  1. Maxaa loola jeedaa ka dhaafida ‘toddobaadka sugitaanka’?

    ‘Toddobaadka sugitaanka’ waa isbuuca ugu horreeya ee qaansheegashadaada marka aad buuxiso dhammaan shuruudaha u-qalmitaanka. Waa inaad sheegataa toddobaadka, balse wax lacag ah kuma aadan heleyn. Iyadoo ugu wacan yahay safmareenka COVID-19, waxaan kaa dhaafi doonnaa toddobaadka sugitaanka, taasoo macnaheedu yahay in lacag lagu siin doono isbuucan koowaad. Kuma soo kordhinayo macaash dheeraad ah baqiga qaasheegashadaada (lacagta ugu badan ee macaashkaaga). Weli waxaad heli doontaa 26 toddobaad oo macaashka Caymiska Shaqa-la'aanta (UI) ee caadiga ah.

  2. Muddo intee le'eg ayaa la dhaafay 'toddobaadka sugitaanka'?

    Toddobaadka sugitaanka ayaa laga dhaafay qaansheegashooyinka bilawga ah ee Caymiska Shaqa-la'aanta ee Caadiga ah (UI) ee la xareeyay Maarso 8, 2020, ilaa Maarso 13, 2021. Qaansheegashooyinka bilowga ah ee u-qalma Caymiska Shaqo-la'aanta (UI) ee caadiga ah ee la xareeyay tan iyo Maarso 13, 2021, waxay heli doonaan lacag-bixinta toddobaadka sugitaanka.

  3. Sidee ayaan ku ogaan karaa inaan maray ‘toddobaadka sugitaanka?’

    Waxaad dib uga eegi kartaa toddobaadyada aad sheegatay iyo kuwa lagu siiyay lacagtooda Nidaamka Qaansheegasho ee Onlaynka ah. Ka eeg xaaladda qaansheegashadaada Nidaamka Qaansheegasho ee Onlaynka ah oo xulo ‘Aaway jeegayga?’

  4. Ka waran haddii aan sheegto ‘toddobaadka sugitaankayga’ kahor Maarso 8, 2020?

    Toddobaadka sugitaanka waxaa kaliya la dhaafaa muddada Maarso 8, 2020, ilaa Maarso 13, 2021. Haddii aad horay sii sheegatay toddobaadka sugitaankaaga markaa, ma heli doontid lacag-bixinta toddobaadka sugitaankaaga.

  5. Haddii aan xareeyay qaansheegasho shaqa-la'aan markii ugu horreysay inta u dhexeysa Thanksgiving 2020 iyo Maarso 13, 2021, ma inaan u maraa ‘toddobaadka sugitaanka’?

    Haddii mar dhow shaqada lagaa joojiyay, toddobaadka sugitaanka si toos ah ayaa lagaaga dhaafi doonnaa. Haddii aad xareyneysid qaansheegashada bilawga ah kahor inta aanan ka baaraandegin bixinta lacagta (kahor Thanksgiving), waxaad filan kartaa inaad aragto lacagtaada dhammaadka bishan. Intaas kadib, toddobaadka sugitaanka si toos ah ayaa loo bixin doonnaa haddii la xareeyay kahor Maarso 13. Haddii aad xareyso qaansheegashadaada kadib Maarso 13, ma heli doontid lacag-bixinta toddobaadka sugitaankaaga.’

  6. Maxay tahay inaan sameeyo si aan u helo lacagta ‘toddobaadka sugitaanka?

    Lagaagama baahno inaad wax sameyso. Waaxda Shaqaaleynta ayaa si toos ah uga baaraandegeysa bixinta lacagta toddobaadyada sugitaan ee u-qalma inta lagu gudajiro muddada la dhaafay.

  7. Goorma ayaan filan karaa in lacag la i siiyo ‘toddobaadka sugitaankayga?’

  8. Immisa lacag ah ayaan ka helayaa ‘toddobaadka sugitaanka?’

    Waxaad heli doontaa qaddar toddobaadle ah oo la mid ah qaddartaada macaashka shaqa-la'aanta ee caadiga ah. Si kastaba ha noqotee, ma heli kartid wax ka badan qaddarta ugu badan ee macaashka qaansheegashadaada. Qaansheegashooyinka badankooda, qaddarta ugu badan ee macaashkaaga waa 26 jeer qaddartaada macaashka toddobaadlaha ah.

  9. Miyaan la heli doonnaa lacag-bixinta dheeraadka ah ee Magdhawga Shaqa-la'aanta ee Safmareenka ee Dawladda (FPUC) macaashkayga ‘toddobaadka sugitaanka?’

    Ilaa iyo inta ‘toddobaadka sugitaankaaga’ uu dhaco inta u dhexeysa Maarso 29, 2020, iyo Luulyo 25, 2020, oo aad xaq u leedahay macaashka, waxaad sidoo kale heli doontaa $600 oo lacagta FPUC ee dheeraadka ah. Haddii aad isticmaashay dhammaan 26 toddobaad ee macaashka, inkastoo toddobaadkii ugu horreeyay ee shaqa-la'aanta ku jiro waqtigan go'an, waxaad heli doontaa keliya $600 oo lacagta FPUC ee dheeraadka ah.

  10. Miyaan heli doonnaa lacagta LWA ee dheeraadka ah ‘toddobaadka sugitaankayga?’

    Haddii ‘toddobaadka sugitaanka’ uu dhaco inta u dhexeysa Luulyo 26, 2020, iyo Sitembar 5, 2020, oo aad caddeysay inaad saameyn kugu yeeshay COVID, waxaad sidoo kale heli doontaa $300 oo dheeraad ah ilaa iyo inta aad uga qalanto macaashka

  11. Miyaan wali heli doonnaa lacagta ‘toddobaadka sugitaankayga’ haddii qaansheegashadaydu mar hore dhammaatay (yahay baaqi $0 ah)?

    Haddii aad xaq u leedahay inaad macaash ka hesho Magdhawga Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PEUC) iyo Macaashka La Muddo Kordhiyay (EB), waan iswaafajin doonnaa macaashkaaga. Lagaagama baahno inaad wax sameyso. Macaashkaaga si toos ah ayaa loo bixin doonnaa.

    Haddii aad dhamaysay dhammaan macaashkaaga kahor intaan la sii deynin lacagta ‘toddobaadka sugitaanka’ oo wax lacag aysan ka harin qaansheegashooyinkaaga si loo bixiyo, ma heli doontid wax lacago dheeraad ah.

    Tusaale ahaan, Caymiska Shaqa-la'aanta ee joogtada ah (UI), waxaad ka heli doontaa macaash 26 toddobaad ah. Ka dhaafitaanka ‘toddobaadka sugitaanka’ kuma siineyso isbuuc dheeraad ah oo macaash, waxay si fudud u bixineysaa toddobaadkaasi koowaad. Haddii aad horay u heshay macaashkaaga Caymiska Shaqa-la'aanta 9UI) ee 26-da toddobaad ah, wax toddobaadyo dheeraad ah kuuma harin. Sidoo kale waa la mid tahay PEUC -- haddii aad horay u heshay macaashkaaga 13-ka toddobaad ah, ma kuu harin wax toddobaadyo dheeraad ah Iyadoo ku xiran tahay goorta aad xareysay qaansheegashadaada, waxaad heli kartaa $600 oo lacagta FPUC ee dheeraadka ah ama $300 oo ah macaashka LWA.

  12. Miyaa la i siin lacagta ‘toddobaadka sugitaanka’ haddii aan haysto qaansheegashada Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA)?

    Maya, barnaamijyadaan malaha ‘toddobaad sugitaan’. Horay ayaa lagaa siiyay lacagta toddobaadka koowaad ee aad u-qalanto.

  13. Miyaa la canshuuraa ‘toddobaadka sugitaanka’?

    Haa, haddii aan ku siino macaashka ‘toddobaadka sugitaanka’, waa la canshuuri karaa sida uu qabo sharciga dawladda iyo gobolka sida macaashka kale ee shaqa-la'aanta ee aad hesho. Haddii cashuur dhigaalin lagu sameeyo macaashkaaga, sidoo kale waa laga goyn ‘toddobaadka sugitaanka.’

  14. Haddii aan sugayo in go'aan laga soo saaro qaansheegashadayda, miyaa la i siin doonnaa ‘toddobaadka sugitaanka?’

    Haddii go'aan la sugayo muddada toddobaadka sugitaankaaga, waxay noqon doontaa inaad sugto inta go'aanka la soo saarayo. Go'aankan ayaa gaari doonna in lagu siin doono lacagta ‘toddobaadka sugitaankaaga.’

  15. Haddii aan haysto diidmo qaadanayso toddobaadka sugitaanka, ma la i siin doonnaa lacagta?

    Maya, haddii laguu diido toddobaadka sugitaankaaga, ma heli doontid lacag dheeraad ah.

  16. Ma heli doonnaa toddobaadka sugitaanka haddii ay jiraan toddobaadyo ganaaxeed oo ii haray inaan maro?

    Maya, haddii ay jiraan toddobaadyo ganaaxeed, waxaad u baahan doontaa inaad toddobaadyadaas marto.

  17. Haddii ay iga soo gashay lacag xad-dhaaf ah qaansheegasho oo ay lacag igu leeyihiin Waaxda Shaqaaleynta ee Oregon, weli ma heli doonnaa lacagta toddobaadka sugitaanka?

    Waxaan ku dabaqi doonnaa lacagaha toddobaadka sugitaanka lacagtaada xad-dhaafka ah iyadoo la adeegsanayo sicirka ugu habboon.

  18. Miyaa masruufka ilmaha laga canshuur dhigaalin doonnaa ‘toddobaadka sugitaanka’ iyo FPUC

    Haa, haddii lagaa canshuur dhigaaliyo masruufka ilmaha, sidoo kale waa lagaa dhigaalinayaa ‘toddobaadka sugitaanka.’

    Waaxda Shaqaaleynta ee Oregon waxay bilawday bixinta lacagta ‘toddobaadka sugitaanka’ ee loogu talagalay dadka reer Oregon ee u-qalma kuwaasoo helayay macaashka shaqa-la'aanta ee joogtada ah tan iyo bilawgii safmareenka COVID-19. Ka hel macluumaad dheeraad ah, oo ay ku jiraan inta ay lae'eg tahay lacagta aad filan karto inaad heshohalkan

Sharciga Caawinta Sii Socda

  1. Waa maxay Xeerka CARES iyo sida ay ii caawin karto?

    Sharciga 'DARYEELKA' waa sharci cusub oo federaal ah, oo la saxeexday Maarso 27, 2020. Waxay ka dhigeysaa in dad badani ay heli karaan dheefaha shaqo la'aanta sidii hore. Gaar ahaan dadka ay saameysay COVID-19. Sharcigan cusub wuxuu qabtay saddex waxyaalood oo waaweyn:

    1. Caawinta Shaqo la’aanta Cudurka safmarka (PUA). Dadka iskood u shaqeysta iyo kuwa kale ee aan u qalmin dheefaha shaqo la'aanta caadiga ah — oo shaqo la'aan darteed COVID-19 darteed-waxay hadda heli karaan PUA, oo ah barnaamij waxtarrada shaqo la'aanta cusub (waxay dhammaanaysaa Maarso 13, 2021).
    2. Magdhowga Shaqo la’aanta cudurka Safmarka Faderaalka (FPUC). Qof kasta oo qaata nooc kasta oo faa'iidooyinka shaqo la'aanta ah wuxuu helayaa $ 300 dheeraad ah usbuucii (usbuuc kasta oo xaq u leh laga bilaabo Diseembar 27, 2020 illaa Maarso 13, 2021).
    3. Magdhowga Shaqo la’aanta Xaalada degdega cudurka Safmarka (PEUC). HHaddii waxtarradaada shaqo la'aanta ee joogtada ahi kaa dhammaadaan, waxaad heli kartaa dheefo dheeri ah illaa 13 toddobaadyo dheeraad ah (dhammaanaya Maarso 13, 2021).

Barnaamijka Caawinta Shaqo la'aanta Cudurka safmarka (PUA)

  1. Waa maxay Kaalmada Shaqala'aanta ee Safmareenka (PUA)?

    Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) waa barnaamijka macaashka shaqa-la'aanta ee dawladda oo loo sameeyay ka jawaab-celinta safmareenka COVID-19. Waxaa loogu talagalay shaqsiyaadka iskood u shaqeysta, shaqaalaha qandaraaska ku shaqeeya, iyo shaqaalaha kale ee aan u-qalmin macaashyada caadiga ah.

    Sida uu dhigayo Sharciga Caawinta Socota (CAA) ee dhowaan la ansixiyay, macaashyada Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) waxaa la heli karaa laga bilaabo Diseembar 27, 2020, ilaa isbuuca dhammaanaya Maarso 13, 2021. CAA waxay bixisaa ilaa 11 toddobaad oo dheeraad ah macaashyada Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) ilaa wadar dhan 50 toddobaad.

    Iyadoo lala kaashanayo CAA, barnaamij cusub oo marxalado ka bixitaan leh ayaa la sameeyay. Haddii aad hesho lacag-bixinta Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) ee isbuuca dhammaanaya Maarso 13, 2021, OO weli ay toddobaadyo kaaga harsan tahay qaansheegashadaada, waxaad u-qalmi kartaa inaad kaqeybqaadato muddada marxaladaha ka bixitaanka. Taasi waxay ka dhigan tahay inaad sii wadi karto xareynta qaansheegashooyinka toddobaadlaha ah iyo helitaanka Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) ilaa isbuuca dhammaanaya Abriil 10, 2021.

    Marka loo eego Xeerka CARES, macaashyada Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) waxaa la heli karaa laga bilaabo isbuuca Febraayo 2 waxayna dhammaanayaan isbuuca Diseembar 26, 2020.

    Xaree qaansheegasho.

    12/29/20 WARGELIN: Waxaan si dhakhso ah ugu dhaqaaqeynaa inaan sameyno isbedello iyadoo lagu saleynayo Xeerka Kaalmada Socota (CAA) ee 2020 ee dhowaan la ansixiyay, kaasoo kordhiyay qoddobo ka mid ah Xeerka CARES laga bilaabo Diseembar 27, 2020, ilaa isbuuca dhammaanaya Maarso 13, 2021. Maadaama aan wali sugeyno inaan ka helno tilmaamo iyo sharciyo qoran Waaxda Shaqada ee Mareykanka, waxaan ognahay in AADAN lumin doonin toddobaad la qaato macaashyada PUA, PEUC, ama FPUC. Waxaa laga yaabaa inaad la kulanto dib u dhac ku yimaada helitaanka lacag-bixinada, hase yeeshe, balse dib ayaad ka heli doontaa macaashyadaada. Sii wad inaad xareyso toddobaad kasta.

  2. Yaa u-qalma Adeegyada PUA?

    Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) waxay siisaa macaashyada shaqa-la'aanta shaqaalaha aan waligood hore ugu qalmin macaashyada. Si aad ugu qalanto, waa inaad:

    • Shaqa-la'aan u tahay COVID-19 awgiis, oo
    • Aad u-qalmin macaashyada kale ee shaqa-la'aanta. Waxaa ka mid ah:
    • Dadka iskood u shaqeysta
    • Qandaraasleyaasha madaxa bannaan
    • Qaar ka mid ah shaqaalaha mashruucyada yaryar (mashruucleyaasha adeeg oo batroonigoodu aan looga baahneyn inuu bixiyo canshuuraha mushaarkooda)
    • Shaqaalaha aan mushaarkooda loo soo sheegin caymiska shaqa-la'aanta, sida qaar ka mid ah shaqaalaha beeraha
    • Shaqaalaha aan kasban mushaar ku filan ama shaqeeyey saacado ku filan macaashka shaqa-la'aanta ee caadiga ah
    • Shaqaalaha ay ka dhammaadeen macaashyada shaqa-la'aanta ee caadiga ah, oo aan u-qalmin in loo kordhiyo mar kale
    • Dadka bilaabi rabay shaqo balse bilaabi waayay, iyadoo ugu wacan tahay xaaladda COVID-19

    Guji halkan si aad u xareyso qaansheegashada PUA.

  3. Maxay "Shaqa-la'aan u ah COVID-19 awgiis" ka dhigan tahay?

    Xeerka dawladda ayaa wuxuu kaaga baahan yahay si aad u hesho macaashyada Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) isbuuc kasta, inaad shaqa-la'aan u tahay mid ka mid ah sababahaan awgood:

    • In lagaa helay COVID-19. Ama, aad qabto astaamaha COVID-19 aadna raadsanayso baaritaan caafimaad.
    • In xubin qoyskaaga ka tirsan laga helay COVID-19.
    • Inaad daryeelayso xubin qoyska ka tirsan ama xubin ka mid ah qoyskaaga oo laga helay COVID-19.
    • In ilmahaagu uusan aadi karin dugsiga ama xanaanada ilmaha iyadoo ugu wacan tahay xarunta oo u xiran sabab toos ah oo ka dhalatay xaaladda caafimaad ee degdega ah ee COVID-19, oo aad rabto ilmahaagu inuu joogo dugsiga ama xanaanada ilmaha si aad u shaqeyso.
    • In qof ka tirsan qoyskaaga oo kaa saaran tahay mas'uuliyada koowaad ee daryeelka uusan daryeel u tagi karin xarun iyadoo ugu wacan tahay xarunta oo u xiran sabab toos ah oo ka dhalatay xaaladda caafimaad ee degdega ah ee COVID-19, oo aad inuu xarunta daryeelka joogo si aad u shaqeyso.
    • Inaadan awoodin inaad tagto goobtaada shaqo iyadoo ugu wacan tahay karantiilka loo soo rogay sabab toos ah oo ka dhalatay xaaladda caafimaad ee degdega ah ee COVID-19?
    • In aadan tagi karin goobtaada shaqada maxaa yeelay daryeel-bixiye caafimaad ayaa kugula taliyay inaad isku karantiisho sababo la xiriira walaacyada COVID-19.
    • Inaad rabtay inaad bilowdo shaqo balse aadan bilaabi karin ama aadan tagi karin iyadoo si toos ah ugu wacan xaaladda degdega ah ee caafimaadka bulshada ee COVID-19.
    • Inaad noqotay qofka masruufa qoyskaaga ama iyadoo ugu wacan inuu madaxa qoyskaaga u dhintay sabab toos ula xiriirto COVID-19?
    • Inaad ku qasbanaatay inaad ka tagto shaqadaada iyadoo si toos ula xiriirto COVID-19?
    • In goobtaada shaqada xiran tahay iyadoo si toos ah ula xiriirto xaaladda degdega ah ee caafimaadka bulshada ee COVID-19?
  4. Sidee ayaan u codsadaa Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA)? Sidee ayaan u gudbiyaa qaansheegashada Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA)?

    Waxaa jira dhowr qaab oo aad u codsan karto PUA oo aad u soo gudbin karto qaansheegashadaada toddobaadlaha ah:

    Onlaynka adoo adeegsanaya foomka onlaynka ah. Habka ugu wanaagsan ee loo codsado waa in la xareeyo qaansheegashada koowaad ee Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) iyadoo loo marayo Nidaamkayaga Qaansheegashada Onlaynkaadoo adeesanayo foomka onlaynka ah. Tani waa sida ugu dhakhsaha badan ee aad ku heli karto macaashyadaada.

    Telefoonka. Haddii aadan ka codsan karin onlaynka, waxaad ka codsan kartaa telefoonka. Turjumaad lacag la'aan ah ayaa la bixiyaa.
    Khadka telefanka ee lacag la'aanta ah ee PUA: 1-877-345-3484

    Boostada. Waxaad ugu diri kartaa codsigaaga PUA iyo warbixinnada aaansheegashada toddobaadlaha ah Waaxda Shaqada ee Oregon PO Box 14165, Salem, OR 97311. Xusuusin: ma heli doontid xaqiijin haddii aad ku dirto boosto.

    Fakiska. Waxaad fakis ugu diri kartaa codsigaaga Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) iyo warbixinnada qaansheegashada toddobaadlaha ah 503-371-2893. Xusuusin: ma heli doontid xaqiijin haddii aad ku dirto fakis.

  5. Sidee ayaan u xareeyaa qaansheegasho toddobaadlaha ah ee Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA)?

    Waa inaad kaliya xareysaa qaansheegashadaada toddobaadlaha ah hal jeer isbuuc kasta. Waa inaad xareysaa qaansheegashadaada toddobaadlaha ah adoo u maraya Nidaamkayaga Qaansheegashada Onlaynka. Ilaa aad u baahatid caawimaad luqadeed ama caawimaad kale, ma ahan inaad na soo wacdid si aad u xareyso qaansheegasho toddobaadle ah.

  6. Maxaa dhaca kadib marka la gudbiyo qaansheegashadayda toddobaadlaha ah ee PUA?

    Qaansheegashooyinka toddobaadlaha ah badankood si toos ah ayaa wax looga qaban doonaa. Haddii ay jiraan macluumaad kor u qaadaya arrin suurtagal ah, waa la calaamadeyn doonaa si shaqaalahayaga dib ugu eegaan. Iyadoo ku xiran waxa arrin suurtagal ah tahay, waan xalin karnaa kadib markaan dib u eegno xaaladda qaansheegashada ama waxaa laga yaabaa inaan u baahano inaan kula soo xiriirno si aan u helno macluumaad dheeraad ah.

    Fadlan sii wad qaansheegashada toddobaad kasta, xitaa haddii aad aragto farriin oranaysa weli wax kama aanan qaban qaansheegashadaada. Mar alla marka codsigaaga koowaad wax laga qabto, sheegashooyinkaaga toddobaadlaha ahi waa inay bilaabaan bixinta.


  7. Maxay caddada macaashkayga toddobaadlaha ah isku beddashay?

    Rubuc sannadeed kasta, waxaa nalaga rabaa inaan dib u eegno qaansheegashadaada Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) si aan u ogaano inaad u-qalanto macaashyada caymiska shaqa-la'aanta (UI) ee caadiga ah. Haddii aad u-qalanto macaashyada UI ee caadiga ah, waxaan wareejin doonaa qaansheegashadaada oo caddada macaashkaaga toddobaadlaha ah waxaa lagu salayn doonaa qaansheegashadaas. Mararka qaarkood caddada macaashkaaga toddobaadlaha ah ayaa hoos u dhici doonta.


    Sannadkan, taariikhaha dib-u-eegista rubuc sannadeedka waa Abriil 3, Luulyo 3, Oktoobar 2, iyo Janaayo 1, 2022.

  8. Intee in le'eg ayuu PUA socon doonnaa?

    Marka loo eego Xeerka CARES, macaashyada Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) ayaa loo heli karaa dadka shaqa-la'aanta la ahaa sababo la xiriira safmareenka COVID-19. Barnaamijku wuxuu siiyay ilaa 39 toddobaad macaashyo ah dadka u-qalma ee Reer Oregon, intii u dhaxeysay Febraayo 2 iyo Diseembar 26, 2020.

    Markii ay Oregon gashay muddada shaqa-la'aanta sareysa bishii Luulyo 2020, xeerka dawladda wuxuu noo oggolaaday inaan ku darno 7 isbuuc qaansheegashooyinka, wadar ahaan ilaa 46 toddobaad ee Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA). Muddadan shaqa-la'aanta sareysa jirtay waxay dhammaatay Diseembar 12, 2020, oo sharciga dawladda wuxuu na faray inaan hoos ugu dhigno dhammaan qaansheegashooyinka Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) 39 toddobaad.

    Iyadoo lala kaashanayo CAA, ilaa 11toddobaad oo dheeraad ah oo macaashyada PUA ayaa la diyaariyay si loo helo, wadar dhan 50 toddobaad ee Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA).Toddobaadyadaan dheeraadka ah waxay diyaar yihiin laga bilaabo Diseembar 27, 2020

    MUHIIM AH: Ma heli kartid wax ka badan wadar dhan 50 toddobaad ee macaashyada Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA). Waa tan sida xaddidaadaas saameyn ugu yeelan karto qaansheegashadaada Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA):

    • Waxaad heshay 39 toddobaad oo PUA ah (marka la eego Xeerka CARES).
    • Waxaad heshay 7 toddobaad oo dheeraad ah oo Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) ah maxaa yeelay Oregon waxay ku jirtay muddada shaqa-la'aanta sareysa.
    • Taasi waxay dhan tahay 46 toddobaad oo Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) ah 2020. Inkastoo CAA ay bixiso ilaa 11 toddobaad oo dheeraad ah oo Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) ah, cidna ma dhaafi karo xaddidaada 50-ka toddobaad.
    • Haddii qaansheegashadaada Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) ay dhacday dhammaadka 2020, waxaad heli kartaa oo keliya 4 toddobaad oo kale oo ah macaashyada PUA.

    ● Hagis ka socota Waaxda Shaqada ee Mareykanka ayaa muujineysa in marka la eego CAA, haddii aad heshay caymiska shaqa-la'aanta (UI) ee caadiga ah iyo toddobaadyada kordhinta oo aad hadda qaadato Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA), caymiska shaqa-la'aanta (UI) ee caadiga ah iyo toddobaadyada kordhinta ayaa lagu xisaabin doonaa wadarta guud ee toddobaadyada 50-ka ah ee PUA.

  9. Oo ilaa goorma ayaan dib u heli karaa macaashyada Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA)?

    Macaashyada waa kuwo dib laga bixiyo. Taasi waxay ka dhigan tahay haddii aad weli sugayso in lagu siiyo, waxaad heli doontaa macaashyada ama “dib u bixinta” dhammaan toddobaadyadii la soo dhaafay ee aad u-qalantay, mar alla markii qaansheegashadaada wax laga qabto.

    Haddii aad xareysay Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) uga dambeyn Diseembar 26, 2020, waxaad heli kartaa macaashyo ilaa iyo isbuucii ugu horreeyay ee aad shaqa-la'aanta noqotay (balse aan dib u dhaafsaneyn Febraayo 2, 2020), xitaa haddii aadan codsan PUA ilaa goor dambe.

    Haddii aad xareysay Dec. 27 ama kadib, markaa waxaan kaliya dib uga dhigi karnaa qaansheegashadaada ilaa isbuuca dhammaanaya Diseembar 12, 2020. Si kastaba ha noqotee, haddii laguu diido Caymiska Shaqa-la'aanta (UI) ee caadiga ah, xeerka dawladda ayaa noo oggolaanayaa inaan dib ugu dhigno taariikhda qaansheegashadaada PUA ilaa taariikhda aad xareysay qaansheegashadaada koowaad haddii ay sidoo kale tahay taariikhda COVID-19 ku saameeyay.

    Si aad macaashyo u hesho toddobaadyadii la soo dhaafay, ku qor kaliya qaansheegashadaada koowaad dhammaan toddobaadyaduu ku saameeyay, iyo inta (haddii ay jirraan) aad kasbatay mid kasta oo toddobaadyadaas ah. Markaan wax ka qabano codsigaaga PUA, waxaad heli doontaa macaashyada dhammaan toddobaadyada aad u-qalanto.

    Xeerka Kaalmada Socota (CAA) waxaa ka mid ah bixinta lacagta FPUC oo ah $300 toddobaad kasta aad u-qalanto PUA inta u dhexeysa Diseembar 27, 2020 iyo Maarso 13, 2021. Waxa laga yaabaa inaad dhawr lacagood mar wada hesho.

    12/29/20 WARGELIN: Waxaan si dhakhso ah ugu dhaqaaqeynaa inaan sameyno isbedello iyadoo lagu saleynayo Xeerka Kaalmada Socota (CAA) ee 2020 ee dhowaan la ansixiyay, kaasoo kordhiyay qoddobo ka mid ah Xeerka CARES laga bilaabo Diseembar 27, 2020, ilaa isbuuca dhammaanaya Maarso 13, 2021. Maadaama aan wali sugeyno inaan ka helno tilmaamo iyo sharciyo qoran Waaxda Shaqada ee Mareykanka, waxaan ognahay in AADAN lumin doonin toddobaad la qaato macaashyada PUA, PEUC, ama FPUC. Waxaa laga yaabaa inaad la kulanto dib u dhac ku yimaada helitaanka lacag-bixinada, hase yeeshe, balse dib ayaad ka heli doontaa macaashyadaada. Sii wad inaad xareyso toddobaad kasta.

  10. Immisa ayaan ka helayaa macaashka PUA? Sidee ayaad u go'aanmisaan inta aan helayo?

    Macaashka ugu yar ee PUA waa $205 toddobaad kasta. Waxaad heli doontaa ugu yaraan intaas in ka badan haddii aad u-qalanto. Macaashka ugu badan waa $648 toddobaad kasta. Caddada macaashkaaga toddobaadlaha ah waa 1.25 boqolkiiba dakhliga ku soo galay 12-kii bilood ee la soo dhaafay. Waa dakhliga saafiga ah (dakhliga oo laga jaray kharashaadka) ee shaqaalaha iskood u shaqeysta, balse kasbashada guud (wadarta la kasbado) ee shaqaalaha kale.

    Si aad u hesho wax ka badan $205 toddobaad kasta, waa inaad kasbatay wax ka badan $16,480 sannadka canshuureedka 2020. Waa inaad keentaa caddeynta dakhliga ee sannad cashuureedkaaga ugu dambeeyay (2019 dadka badankooda). Eeg Tilmaamaha Dukumiintiyada Dakhliga PUA si aad wax badan uga ogaato dukumintiyada la aqbali karo.

    Waxaad sidoo kale isticmaali kartaa Xisaabiyaha Macaashka Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (sidoo kale loo yaqaanofoomka 196PUA) si aad u qiyaasto inta aad u qalanto inaad hesho.

  11. Miyaad xisaabisaan macaashkayga PUA iyadoo lagu saleynayo dakhliga guud ama dakhliga saafiga ah?

    PUA waxaa lagu saleeyaa dakhliga guud. Waxaan ku qeexnaa “dakhliga guud” caddada wadarta dakhliga la kasbaday ee la helay inta lagu jiray toddobaadka (wadarta guud ee ganacsigu soo galay) laga jaray 25% kharashyadii bishii ka horreeysay. (Ka akhri ogeysiiska halkan.) Kharashaadka waxaa ka mid ah waxyaabaha sida kirada, korontada, biyaha, iyo gaaska, agabka baddeecadaha, iyo tas'hiilaadyada xafiiska.

    Tusaale ahaan, wadarta dakhliga aad kasbatay toddobaadka waa $1,000. Kharashaadkii bishii hore waxay ahaayeen $4,000. Iyo 25% lagu dhuftay $4,000 = $1,000. Dakhligaaga guud ee toddobaadkaas wuxuu noqon doonaa $0 ($1,000 wadarta dakhliga la kasbado - $1,000 25% ee kharashaadka bishii hore = $0). Marka waxaad ku soo sheegi doontaa $0 “dakhligaaga guud” foomka macaashkaaga toddobaadlaha ah ee PUA. Waxaad heli doontaa caddada ugu badan ee macaashkaaga toddobaadlaha ah (tan iyo inta ganacsigaagu weli saamayn ku reebayso sabab COVID-19), xitaa $1,000 haddii aad wadar ahaan kasbatid.

    Caddada macaashkaaga hoos ayay u dhici kartaa ama mararka qaarkood waxay noqon kartaa eber, iyadoo ku xiran dakhligaaga guud wuxuu ahaa toddobaadkaas. Haddii dakhligaaga guud yahay tiro taban, waa inaad soo sheegtaa eber. Ha qorin lambar taban.

    Haddii aad iskaa u shaqeysato oo aad rabto inaad codsato macaash toddobaadle ah oo sarreeya, waxaad soo sheegi kartaa ilaa 20 toddobaad oo dakhliga guud ee la cusbooneysiiyey adoo isticmaalaya foomka Dakhliga Guud La Cusbooneysiiyay ee PUA . Waxay nagu qaadan doontaa ilaa lix toddobaad inaan dhammaystirno dib-u-eegista dakhliga guud, waxaana ku soo wargelin doonaa iimayl ahaan marka dib-u-eegistaadu dhammaato. Haddii aad u-qalanto in wax-ka-beddelo la sameeyo, waa inaad ku heshaa lacagtaada hal toddobaad gudahiisa marka dib-u-eegista la dhammeeyo.

    Helitaanka lacagaha macaashyada toddobaadlaha ah ee PUA waxay ku khuseeyaan adiga oo keliya haddii:

    • Aad iskaa u shaqeysato (aadan helin foomamka canshuurta ee W-2),
    • Aad u-qalanto PUA?
    • Dakhligaaga guud ee la cusboonaysiiyay ayaa ka hooseeya caddada macaashkaaga (oo aan ku jirin $300 macaashyada FPUC).
  12. Miyaan sidoo kale u-qalmaa $300 ee dheeraadka ah toddobaad kasta inta aan kujiro PUA?

    Haddii aad u-qalanto PUA, waxaad sidoo kale u-qalantaa $300 oo dheeraadka ah toddobaad kasta sida uu qabo Xeerka Kaalmada Socota (CAA). Magdhawga Shaqa-la'aanta Safmareenka ee Dawladda (FPUC) waa kabis lacageed oo dheeraad ah toddobaad kasta oo aad sheegato macaashyada shaqa-la'aanta. Marka la eego CAA, waxaad heli doontaa $300 oo dheeraad ah toddobaad kasta oo ka baxsan caddada macaashkaaga caadiga ah. Macaashyada FPUC waxay soconayaan laga bilaabo Diseembar 27 ilaa isbuuca dhammaanaya Maarso 13, 2021.

    Uma baahnid inaad wax tallaabo ah qaadid si aad u hesho. Haddii aad u-qalanto PUA toddobaadka la xusay, waxaan si toos ah kuugu soo diri doonnaa $300 oo dheeraad ah usbuucaas, sidoo kale. Haddii aadan u-qalmin PUA toddobaadka la xusay, ma heli doontid lacagta $300 toddobaadkaas.

    Markii ugu horreysay ee Xeerka CARES la soo saaray, FPUC waxay bixisay $600 oo dheeraad ah toddobaad kasta oo kabis taasoo keliya la heli karay inta u dhexeysay Maarso 29, 2020, ilaa Luulyo 25, 2020.

    12/29/20 WARGELIN: Waxaan si dhakhso ah ugu dhaqaaqeynaa inaan sameyno isbedello iyadoo lagu saleynayo Xeerka Kaalmada Socota (CAA) ee 2020 ee dhowaan la ansixiyay, kaasoo kordhiyay qoddobo ka mid ah Xeerka CARES laga bilaabo Diseembar 27, 2020, ilaa Maarso 13, 2021. Maadaama aan wali sugeyno inaan ka helno hagis qoran Waaxda Shaqada ee Mareykanka, waxaan ognahay in AADAN lumin doonin toddobaad la qaato macaashyada PUA, PEUC, ama FPUC. Waxaa laga yaabaa inaad la kulanto dib u dhac ku yimaada helitaanka lacag-bixinada, hase yeeshe, balse dib ayaad ka heli doontaa macaashyadaada. Sii wad inaad xareyso toddobaad kasta.

  13. Dukumiintiyo noocee ah ayaan u baahanahay si aan u caddeeyo dakhligaygii hore?

    Haddii aad u-qalanto PUA, waxaad heli doontaa lacagta ugu hooseysa ee $205 toddobaad kasta, xitaa adigoo aan caddeynin dakhliga ku soo gala.

    Haddii aadan soo gudbinin caddeynta dakhliga markii aad codsaneysay PUA, CAA waxay kaaga baahan tahay inaad ku soo gudbiso caddeynta shaqaaleynta ama iskaa u shaqeysiga 90 maalmood gudahooda. Waxaan warqad kuugu soo diri doonaa cinwaanka noo qoran, oo aan kugu ogeysiinayno goorta muddadaas 90-ka maalmood ah bilaabmayso iyo dhammaanayso. Haddii aadan dirin dukumiintiyada loo baahan yahay kahor inta aysan 90-ka maalmood ka dhammaan, qaansheegashadaada waa la diidi doonaa. Waxaad markaa heli doontaa lacag xad-dhaaf ah waana inaad dib u bixisaa wixii macaashyo ah ee lagu siiyo tan iyo toddobaadka dhammaanaya Janaayo 2, 2021.

    Haddii aad codsatay PUA markay ahayd Janaayo 31, 2021, ama kadib, waxaad heli doontaa 21 maalmood si aad u keento caddeynta dakhligaaga. Tirinta 21-da maalmood waxay ka bilaabataa hadba mida dambeysa; taariikhda aad codsatay ama taariikhda aan kaa codsanay dukumiintiyada.

    Haddii aad rabto in ka badan $205 toddobaad walba, waxaad u baahan doontaa inaad noo soo dirto caddeynta dakhligaaga (eeg Tilmaamaha Dukumiintiyada Dakhliga PUA) ee sannad canshuureedkaagii ugu dambeeyay ee aad buuxisay, sida:

    • Foomka 1065 IYO K-1 ama W-2
    • Foomka 1040 ama 1040-RS, iyo Jadwalka C
    • Foomka 1120-S Jadwalka E ama W-2

    Si loo go'aamiyo caddada macaashkaaga, waxaan u baahanahay inaan ogaano wadarta dakhliga ku soo galay 12-kii bilood ee la soo dhaafay. Waxaan xisaabinaa dakhliga kaa soo gala shaqada iyo iskaa u shaqeysiga. Si aan u sameyno tirinadaasi, waa inaad keentaa caddeynta dakhligaaga saafiga ah ee kaa soo galay iskaa u shaqeysiga sannad cashuureedkaagii ugu dambeeyay.

    Qaansheegashooyinka PUA waxaa lagu sameeyaa xisaabin, oo ay ku jiraan xisaabin aan kala sooc lahayn. Inta lagu jiro xisaabinadaasi, waxaan codsan karnaa caddeynta dakhliga ka soo gala shaqada ama iskaa u shaqeysiga. Waan aqbali doonaa noocyada kala duwan ee caddeynta ah inta hawshan socoto. Waxaa sidoo kale laga yaabaa inaan aqbalno caddaynta xaaladdaada u-qalmasho.

    Ka gaabinta bixinta dukumiinti sax ah waxay keeni doontaa diidmada macaashyada jira iyo kuwa mustaqbalka ee PUA. Waxaa lagaa rabi doonaa inaad dib u bixiso wixii macaashyo ah ee lagu siiyay, waxaadna wajihi kartaa dacwad ciqaabeed dawladeed.

  14. Waa maxay farqiga u dhexeeya barnaamijka Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka iyo macaashyada shaqa-la'aanta ee caadiga ah?

    Farqiga ayaa ah cidda u-qalanta iyo sida barnaamijyada loo maalgeliyo. PUA waxaa maalgeliya dowladda federaalka. Macaashka shaqala'aanta ee caadiga ah waxaa lagu maalgeliyaa canshuuraha mushahar bixinta ee loo shaqeeyeyaashu bixiyaan. Iyadoo ugu wacan tahay shaqa-la'aanta baahsan ee ka dhalatay COVID-19, dadka iskood u shaqeysta, shaqaalaha qandaraasleyaasha ah, qaar ka mid ah shaqaalaha mashruucyada yarayar, iyo kuwa kale ayaan helin wax macaashyo ah. Dawlada federaalka ayaa sameysay PUA si ay uga caawiso shaqaalahaan inay helaan macaashyo xilliga safmareenka.

  15. Haddii aanan u-qalmin macaashyada Caymiska Shaqa-la'aanta (UI) ee caadiga ah, balse aan u maleeyo inaan u-qalmo Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA), miyay OED si toos ah ugu wareejin doontaa codsigeyga PUA mise waxaan u baahanahay inaan xaree

    OED ayaa si toos ah qaansheegashada koowaad ee Caymiska Shaqa-la'aanta u wareejin doonta Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka. Sharciga dawladda wuxuu kaaga baahanyahay inaad codsato macaashyada PUA, markaa waxaad u baahan doontaa inaad xareyso qaansheegashada PUA oo gooni ah adoo u maraya Nidaamkayaga Qaansheegashada Onlaynka ah.


  16. Waxa iga dhammaadeen macaashyada Caymiska Shaqa-la'aanta (UI) ee qaansheegashadayda caadiga ah. Ma u-qalmaa PUA?

    Haa, waad u-qalmi kartaa. Haddii ay kaa dhammaadeen macaashka Caymiska Shaqa-la'aanta (UI) ee caadiga ah iyo kordhinada kale ee macaashyada kale labaduba sida PEUC ama Macaashyada Dheeraadka ah (EB), waad u-qalmi kartaa PUA Toddobaadyadaas la qaato macaashka waxay khuseeyaan ugu badnaan 50-toddobaad ee loo oggolyahay ee hoos yimaada PUA.


  17. Haddii aan mushaar ka qaato gobol kale, miyaan ku sii jiri karaa PUA laga bixiyo Oregon halkii aan ka xereyn lahaa qaansheegasho gobol kale

    Maya. PUA waxaa la heli karaa oo keliya haddii aadan haysan qaansheegashooyin kale oo suurtagal ah oo macaashyada shaqa-la'aanta ee caadiga ah ee gobol kale ama Kanada.

  18. Waxaan haystaa macaashka caadiga ah, balse waxaan marayaa toddobaadyo ciqaab ah. Ma u-qalmaa PUA?

    Haa, haddii aad sidoo kale shaqo la'aan u tahay COVID-19 awgiis. Waad u-qalmi kartaa PUA haddii:

    • Aad awoodin inaad ku heshid macaashyada qaansheegashooyinkaaga caadiga ah iyadoo ugu wacan tahay u-qalmid la'aan horjoogsata bixinta lacagta (sida toddobaadyada ciqaabta), iyo
    • Aad shaqa-la'aan tahay ama aadan awoodin ama aanad shaqo diyaar ugu ahayn mid ka mid ah sababaha la xiriira COVID-19.

    Waa inaad codsataa PUA, waana hubin doonaa haddii inaad u-qalanto iyo in kale. Toddobaad kasta oo aad qaadatid macaashyada PUA looma xisaabin doono inaad ku martay mid ka mid ah toddobaadyada ciqaabta ee macaashyadaada caadiga ah. Toddobaad kasta, waxaad dooran kartaa inaad hesho macaashyada PUA ama waxaad dooran kartaa inaad dib ugu soo celiso macaashyada caadiga ah ee toddobaadkaaga ciqaabta. Haddii aad qaadatid PUA, weli waxaa lagugu lahaan doonaa toddobaadyada ciqaabta ee macaashyadaada caadiga ah goor dambe.

  19. Ma dooran karaa inaan ku sii jiro PUA haddii aan u-qalmo qaansheegasho cusub balse caddada macaashka toddobaadlaha ah ay ka yar tahay?

    Maya. Uma qalantid PUA haddii aad macaashyada caadiga ah aad heli karto iyadoo la eegin caddada macaashka toddobaadlaha ah.

  20. Waxaan ahaa qof iskiis u shaqeysta waxaana u joojiyay shaqadeyda safmareenka COVID-19 awgiis. Ma u-qalmaa PUA?

    Waxaad u-qalmi kartaa PUA haddii aad tahay shaqo la'aan iyadoo si toos ah ugu wacan tahay xaaladda degdega ah ee caafimaadka dadweynaha ee COVID-19, iyo:

    • Aad u-qalmin qaansheegashada shaqa-la'aanta caadiga ah, iyo
    • Aad u-qalmin, ama kaa dhammaaday Magdhowga Shaqa-la'aanta Safmareenka ee Degdega ah (PEUC) ama kordhin kale oo hadda la heli karo

  21. Waxaan ahay iskiis u shaqeyste oo wali waan shaqeynayaa, balse ganacsigeygu si aad ah ayuu hoos ugu dhacday COVID-19 dartiis. Ma u-qalmaa PUA?

    Waad u-qalmi kartaa PUA haddii:. Haddii aad lacag caymis ku helayso ganacsigaaga, ama ganacsigaagu lacag ka soo gasho shaqo la qabtay toddobaadyo kale, fadlan ku sheeg kuwaasi qaansheegashooyinkaaga toddobaadlaha ah. Inkastoo aad wali u-qalmi karto, dakhli kasta oo ganacsi wuxuu saameyn ku yeelan karaa inta aaad u-qalanto si aad ugu gudubto PUA.


  22. Waan ka tagay ama waa la iga cayriyay shaqadayda iyadoo si toos ah ugu wacan yahay COVID-19. Ma u-qalmaa PUA?

    Waad u-qalmi kartaa haddii aad shaqa-la'aan u tahay COVID-19 awgiis oo aadan u-qalmin macaashyada kale ee caymiska shaqa-la'aanta. Samee Layliskayaga U-qalmida si loo ogaado barnaamijka macaashka shaqa-la'aanta ee aad u-qalanto.


  23. Weligay horay uma soo shaqeynin. Ma u-qalmaa PUA?

    PUA guud ahaan lama siiyo dadka aan horay u shaqeynin. Si kastaba ha noqotee, waad u-qalmi kartaa haddii laguu qorsheeyay inaad bilowdo shaqo cusub oo aysan bilaaban ama aanad hadda kadib u iman karin iyadoo si toos ah ugu wacan tahay xaaladda degdega ah ee caafimaadka bulshada ee COVID-19.


  24. Waxaan ahay mashruucle adeeg. Ma u-qalmaa PUA?

    Haddii aad tahay mashruucle adeeg oo batroonigiisu laga doonayo inuu bixiyo canshuuraha mushaarkiisa, markaa dhab ahaantii waxaad tahay shaqaale waana inaad codsataa macaashyada shaqa-la'aanta ee caadiga ah.

    Haddii aad iskaa u shaqeysato, qandaraasle madax-bannaan, ama mashruucle adeeg tahay oo batroonigaaga aan looga baahnayn inuu bixiyo canshuuraha mushaarkaaga, codso PUA.

    Haddii aad codsatid Caymiska Shaqa-la'aanta (UI) ee caadiga ah oo aad runtii u-qalanto PUA, waan kula soo socodsiin doonaa oo waxaad u baahan doontaa inaad soo gudbiso qaansheegasho kale oo PUA. Oo haddii aad dalbatid PUA balse aad runtii u-qalanto Caymiska Shaqa-la'aanta (UI) ee caadiga ah, waan ku wareejin karnaa codsigaaga.

  25. Waan shaqeeyaa oo waxaan sameeyaa mashruucyo yaryar ama shaqo qandaraas ah dhinaca kale. Waan waayay mashruucyadaydii/qandaraaskeygii iyadoo ugu wacan yahay COVID-19, balse waan shaqeeyaa. Miyaan ku heli karaa macaashyada PUA mashruucyada yaryar ee aan waayay?

    Haddii aad wali haysatid shaqadaadii koowaad oo aad si buuxda u shaqeysid, uma qalantid macaashyada shaqa-la'aanta nooc kasta ha noqdaane, oo ay ku jiraan PUA.

  26. Darawaliinta Uber iyo Lyft ma u-qalmaan PUA?

    Nasiibdarro, la inoo ma oggola inaan wadaagno macluumaad ku saabsan batrooniyo ama ganacsiyo gaar ah. Guud ahaan, shaqaaluhu way u-qalmi karaan macaashyada shaqa-la'aanta ee caadiga ah, qandaraasleyaasha madaxbannaana waxay u-qalmi karaan PUA. Waxaa la nooga baahan yahay inaan go'aan ka gaarno in qofku shaqaale ama qandaraasle madax-bannaan ahaa sida uu qabo sharciga gobolka.

    Haddii aad tahay mashruucle adeeg oo batroonigiisa laga doonayo inuu bixiyo canshuuraha mushaarkiisa, markaa dhab ahaantii waxaad tahay shaqaale waana inaad codsataa macaashyada shaqa-la'aanta ee caadiga ah. Haddii aad iskaa u shaqeysato, qandaraasle madax-bannaan, ama mashruucle adeeg tahay oo batroonigaaga aan looga baahnayn inuu bixiyo canshuuraha mushaarkaaga, codso PUA.

    Samee Layliskayaga U-qalmida si aad u ogaato barnaamijka aad codsan karto.

    Wargelin:

    Waxaan helnay su'aalo badan oo ku saabsan in qof sameeya "mashruuc yar" codsan karo caymiska shaqa-la'aanta ee caadiga ah ama barnaamijka cusub ee Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA). Waxay ku xiran tahay dhowr arrimood waxaana jira sharciyo qarsoodi oo adag oo kahortagga in Waaxda Shaqada ay ka hadasho qaansheegashooyinka shaqsiyeed ama ganacsiyeed. Waan ognahay inay tani ku abuureyso walaac badan dadka ayna adkeyneyso inaan dadka u helno macaashyadooda sida ugu dhaqsaha badan. Kiiska qof kasta waa in si gaar ah loo baaraa. Haddii aad codsato barnaamij aadan u-qalmin, waan kula shaqeyn doonaa si aan u gasho barnaamijka saxda ah.

    Mashruuca adeeg marka la adeegsanayo barnaamijka Lyft.

    Shirkadda Lyft waxay qabtaa inaysan shaqaaleynin darawalada adeegsada barnaamijkeeda. Taas beddelkeeda, darawalada waxay u shaqeeyaan sidii qandaraasleyaal madaxbannaan oo iskood u shaqeysta oo adeegsada tiknoolajiyadeeda. Si kastaba ha noqotee, si looga caawiyo darawalada inay helaan kaalmada shaqa-la'aanta sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, OED waxay ku faraysaa darawalada inay ka codsadaan kaalmada shaqa-la'aanta halkan. Waxaan rabnaa inaan caddeyno in Shirkadda Lyft ay khilaafsan faristan, balse ujeedka kaliya ee macluumaadkan waa in gacan laga geysto ku hagida codsadeyaasha si dhaqso leh barnaamijka ay u badan tahay inay rabaan inay soo gudbiyaan si ay ugu hoggaansamaan codsiga OED. Inkastoo ay khilaafsan yihiin habkan, haddana waan u mahadnaqaynaa Lyft oo noo oggolaatay inaan wadaagno macluumaadkan si dadka isticmaala mareegta ay si dhakhso leh ugu helaan kaalmo.

  27. Waxaan haystaa laba shaqo – mid waa shaqada mushaarka leh ee W-2 iyo iskiis u shaqeysiga 1099 dhinaca kale. Labadaba shaqaba waan lumiyay xirnaanshaha COVID-19 awgiis. Macaashyadee ayaan dalbadaa? Ma dooran karaa PUA maadaama ay leedahay macaashka toddobaadlaha ah ee sare ugu yar ama $205?

    Macaashyada ay tahay inaad codsato waxay ku xiran tahay taariikhdaada shaqo. Haddii aad kasbatay wax ku filan shaqadaada W-2 si aad u hesho macaashyada Caymiska Shaqa-la'aanta (UI) ee caadiga ah, waa inaad codsataa Caymiska Shaqa-la'aanta (UI) ee caadiga ah. Haddii aad xaq u leedahay macaashka shaqa-la'aanta ee caadiga ah, markaas sharciga dawladda wuxuu dhigayaa inaad u-qalmin PUA. Nasiibdarrose, kama dooran kartid PUA midka caadiga ah ee Caymiska Shaqa-la'aanta (UI). Waad heli kartaa PUA keliya haddii aadan u-qalmin macaashyada shaqa-la'aanta ee caadiga ah. Samee Layliskayaga U-qalmida si lagaaga caawiyo inaad ogaato macaashyada aad codsan karto.

    Oregon waxay hirgelin doontaa macaashka Magdhowga Shaqa-la'aanta Kasbadaha ee Isku-dhafan (MEUC) oo loogu talagalay shaqaalaha isku dhafan.’ Si kastaba ha noqotee, kani waa barnaamij cusub oo leh sharciyo badan oo aanaan wali haysan, waxaana filaynaa inay si weyn u adag tahay in la hirgeliyo. Waxaan rajeyneynaa in macaashkan la bilaabi doono in la bixiyo bisha Maarso. Macaashyadaani waxay noqon doonaan kuwo dib loo bixiyo. Waan wadaagi doonaa macluumaad dheeraad ah marka la helo.

  28. Waxaan shaqeeyaa saacado la dhimay. Ma u-qalmaa PUA?

    Haddii saacadahaaga la jaray, waad u-qalmi kartaa PUA haddii:

    • Aad u-qalmin qaansheegashada shaqa-la'aanta caadiga ah (oo uu ku jiro magdhowga Work Share), ama
    • Aad u-qalmin, ama kaa dhammaaday Magdhowga Shaqa-la'aanta Safmareenka ee Degdega ah (PEUC) ama kordhino kasta oo macaashyo oo kale,
    • Oo aad shaqeyso wax ka yar 40 saacadood oo aad kasbato wax kayar caddada macaashkaaga toddobaadlaha ah.

    Haddii saacadahaaga la jaray, waxaad u-qalmi kartaa magdhowga Work Share haddii batroonigaagu ka qaybqaato barnaamijkaas. Work Work waa barnaamijka macaashka shaqa-la'aanta ee qayb ahaan bixinaya magdhowga dakhligaaga ee saacadaha lagaa jaray. Weydii batroonigaagu inay ka qaybqaataan Work Share, ama ay tixgelin doonaan inay codsadaan. Batrooniyadu waxay ka ogaan karaan wax ku saabsan Work Share halkan.

    Wixii Work Share ah, batroonigaaga ayaa buuxinaya inta badan waraaqaha. Waxaad keliya u baahan doontaa inaad buuxiso laba bog oo foomka qaansheegashada koowaad. Kuma qasbanid inaad shaqo raadsato ama aad xareyso qaansheegashooyinka toddobaadle ah si aad u hesho macaashyada Work Share. Haddii aad shaqo kale haysato, waa inaad soo sheegtaa wixii dakhli ah ee kaa soo gala shaqadaas.

  29. Waxaan helayaa noocyo kale oo lacag ah ama kaalmo dhaqaale ah. Ma u-qalmaa PUA?

    Way kala duwan tahay. Waa inaad soo sheegtaa qaansheegashadaada toddobaadlaha ah haddii:

    • Batrooni mushaar ku siinayo
    • Aad u heleyso lacagaha caymiska ganacsigaaga
    • Aad uga hesho lacag ganacsigaaga shaqo la qabtay toddobaadyo kale

    Inkastoo aad wali u-qalmi karto, dakhliyada ama lacagaha noocan waxay saameyn ku yeelan karaan inta aaad u-qalanto inaad ka hesho PUA.

  30. Waan awoodaa inaan guriga ku shaqeeyo. Ma qadan karaa macaashyada hoos imaanaya PUA?

    PUA guud ahaan lama siiyo dadka guriga ku shaqeyn kara oo lacag lagu siiyo isla saacadaha ay shaqeyn lahaayeen haddii aysan guriga ku shaqeyn laheyn.

  31. Batroonigayga ganacsigiisu wuu xiran yahay wuuna i siiyaa mushaar inta aan ku jiro shaqo ka fadhiisinta. Ma u-qalmaa PUA?

    PUA guud ahaan lama siiyo dadka hela mushaar fasaxa jirrada ama macaashyada kale fasax ee la bixiyo.

  32. Batroonigaagu ganacsigiisu wuu sii furnaa maxaa yeelay waa lama huraan, ama waxaa dib loogu furay tilmaamaha caafimaadka dadweynaha. Ma buko, ma daryeelo qof jirran, oo igu lama talinin bixiye caafimaad inaan is-karantiilo, balse waxaan ka baqayaa inaan shaqada ka qaado korona fayras. Waan ka tagay shaqadeyda waxaana xareeyay shaqa-la'aan. Ma heli karaa macaashyada PUA?

    Maya. Waxaad u-qalmi kartaa macaashyada keliya haddii aad la buuxiso mid ka mid ah sababaha aad uga maqantahay shaqada ee ku qoran su'aasha seddexaad , balse midkoodna kuma jiro waxa aad hada sharraxday. Nasiibdarrose, u joojinta shaqada cabsi laga qabo qaadista COVID-19 ayaa loo tiriyaa inay tahay shaqo joojin ikhtiyaari ah, ma ahan shaqo ka tagid. Kaliya dadka shaqada ka tago ayaa heli kara macaashyada.

  33. Haddii aan helo deynta Barnaamijka Badbaadinta Mushaarka (PPP), miyaan u baahanahay inaan u soo sheego dakhli ahaan?

    Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan soo sheegida dakhliyada Barnaamijka Badbaadinta Mushaarka (PPP), akhri Su'aalaha Aalaaba La Iska Weydiiyo (FAQs) Barnaamijka Badbaadinta Mushaarka (PPP).


  34. Maxay “dib-u-bilaabashada qaansheegashada” ka dhigan tahay?

    Waxay inta badan ka dhigan tahay inaad seegtay toddobaad qaansheegashada macaashyada ah. Si aad u sii wadato helitaanka kaalmada, waa inaad xareyso qaansheegasho toddobaadle ah oo cusub isbuuc kasta. Xareyso qaansheegasho toddobaadle ah xitaa haddii aad shaqeysay isbuucaas. Haysashada waxoogaa dakhli ah kaagama baahna codsiga cusub ee koowaad ee macaashyada PUA. Kaliya waxaad ku soo sheegi dakhligaas qaansheegashadaada toddobaadlaha ah.

    Mararka qaarkood, waxaad dib uga bilaabi kartaa qaansheegashadaada onlaynka. Mararka kale, waxaad u baahan doontaa inaad la hadasho mid ka mid ah takhasusleyaashayada qaansheegashooyinka.



    Haddii aad codsatay barnaamijka PUA, hadda dib uma bilaabi kartid codsigaaga adoo adeegsanaya Nidaamka Qaansheegashada Onlaynka ah. Si aad dib ugu bilowdo qaansheegashadaada, noo soo dir farriin adoo isticmaalaya foomka Nala Soo Xiriir—dooro ikhtiyaarka “Dib-u-bilaabida qaansheegashadayda”. Ama wac khadkayaga PUA 1-877-345-3484. Fadlan la soco in iyadoo ugu wacan tahay tirada wicitaanada aan helayno, ay jiraan waqtiyo sugitaan oo dheeraad ah.


  35. Lacagaha PUA way joogsadeen. Maxaa dhacay?

    Hal sabab oo laga yaabo in lacagahaaga PUA ay u joogsadaan ayaa ah haddii aad ka jawaabtay su'aal ku saabsan qaansheegashadaada toddobaadlaha ah taasoo sababtay in qaansheegashadaada la hakiyo. Sabab guud oo sheegashada loo hakin karo ayaa ah haddii qofku yiraahdo ma awoodo inaan shaqeeyo maxaa yeelay waxaan daryeelaa ilmo dugsigiisu xiran yahay. Haddii dugsiyadu xirnan yihiin xilliga fasaxa (xagaaga, qaboobaha, gu'ga), sharciga dawladda wuxuu sheegayaa tani inaysan marnaba ku filneyn inay kaa dhigto mid u-qalma macaashyada PUA ee toddobaadka. Balse haddii aadan u shaqeyn karin inaad daryeesho ilmo xaruntiisa duurbaxiisa xagaaga ama xannaanada maalinta ay xiran tahay, taasi wali waa sabab macquul ah.

    Qaansheegasho la hakiyay waxay u baahan tahay takhasusle qaansheegashooyin inuu kaala hadlo kahor inta aan qaansheegashadaada wax laga qaban.

  36. Waxaan helay warqad sheegaysa inay ka jirto cillad qaansheegashadayda. Ma aysan sheegin waxa cilladu ahayd, ama maxaan sameeyaa. Maxaan samayn karaa?

    Ogeysiisyadaan waxaa la geliyay nidaamkayaga kombuyuutareed ee dhexe, beddelistooduna waxay qaadan doonaa boqollaal saacadood oo qorista baaq sireedyo. Waqti xaadirkan, kooxdayada Macluumaadka Tiknoolajiyadda (IT) waxay diiradda saareen hubinta in nidaamkayagu u heli karo macaashyada qof kasta oo u-qalma. Waa inaan sugno si aan u beddelno ogeysiisyada.

    Haddii aad heshay warqad sheegaysa inay cillad ka jirto codsigaaga, ka wac khadka telefoonka ee PUA:

    Wicitaanka lacag la'aanta ah: 1-877-345-3484

  37. Waxaan helay warqad sheegaysa inaan u-qalmo PUA. Balse toddobaad kasta sidoo kale waxaan helaa warqad sheegeysa inaan wax lacag ah la i siinin iyadoo ugu wacan tahay su'aal ku saabsan shaqadeyda iskaa u shaqeysiga ah. Sabab?

    Waxaa la nooga baahan yahay inaan hubino inay dadku u-qalmaan macaashyada, iyo barnaamijka ay u-qalmaan. Mararka qaarkood tani waxay ka dhigan tahay su'aalo dabagal ah. Dadka si toos ah ayaan u wacaynaa si ay ula socdaan arrimaha qaansheegashooyinkooda PUA.

    Sidoo kale, dad badan ayaa codsaday macaashyada hoos imaadaan UI iyo PUA, oo helaan waraaqo la xiriira labada qaansheegashooyin, taasoo dhalin karta wareer. Markaan oo kale, su'aalaha iskaa u shaqeysiga ayaa laga yaabaa inay la xiriiraan qaansheegashada Caymiska Shaqa-la'aanta (UI) ee caadiga ah, oo ma ahan codsigaaga PUA.

  38. Ma la iiga baahanahay inaan sameeyo akoon cusub si aan u isticmaalo foomka onlaynka ah ee PUA?

    Haddii aad horay u haysatay LAMBAR SIREEDKA Nidaamka Qaansheegashada Onlaynka ah, isticmaal isla waxa aad ku gasho si aad u hesho foomka onlaynka ah ee PUA.

  39. Miyaan gudbiyaa mar kale codsigayga koowaad anigoo adeegsanaya foomka onlaynka ah ee PUA haddii aan weli lacag la i siinin?

    Maya. Qaansheegashadaada koowaad (codsigaaga) waxaa dib u eegi doonaan takhasusleyaashayada PUA iyadoo aan loo eegin sida loo xareeyay. Dib u soo gudbinta codsigaaga koowaad adoo adeegsanaya foomka onlaynka ah ee cusub ma dedejin doonto geedi-socodka.

  40. Sideen u galaa foomka onlaynka ah ee PUA?

    GudahaNidaamka Qaansheegashada Onlaynka ah, guji “Kaalmada Shaqo-la'aanta ee Safmareenka” oo dooro “Haa” marka lagu weydiiyo inaad jeclaan lahayd inaad isticmaasho nidaamka onlaynka ah ee PUA ee cusub (foomka). Haddii aad horay u heysatay aqoonsi aad ku gasho Nidaamka Qaansheegashada Onlaynka ah, isticmaal isla aqoonsiyada gelitaanka. Adeegso xiriiriyaha Isdiiwaangeli kaliya haddii aadan horay u isticmaalin Nidaamka Qaansheegashada Onlaynka ah.

  41. Waxaan buuxiyay codsigayga PUA anigoo adeegsanaya foomka onlaynka ah. Ma heli doonaa iimayl xaqiijin ah?

    Haa. Waxaad ku heli doontaa iimayl xaqiijin ah maalin gudaheeda kadib gudbinta codsigaaga. Waxaan ka shaqeyneynaa inaan soo raacino lambar xaqiijin ah iimaylka kaasoo xaqiijinaya helitaanka codsigaaga.

  42. Markaan isku dayo inaan galo waxaan helaa soo waa gelid aan sax ahayn. Miyaan sameystaa akoon cusub?

    Haa, waa inaad isku daydaa inaad sameysato akoon cusub. Haddii aad horay uga sameysatay akoom nidaamka cusub oo aad hadda helayso farriinta waa gelitaan aan sax ahayn, booqo Nidaamkayaga Qaansheegashada Onlaynka ah. Dooro “Xaaladda Qaansheegashadaada iyo Warbixinadaada Toddobaadlaha ah.”

    Waxaa lagaa codsan karaa inaad sameysato LAMBAR SIREED cusub. Kadib sameysashada LAMBAR SIREED cusub, sug ugu yaraan hal saac kahor intaadan nidaamka cusub ku qorin Lambarkaaga Sugnaanta Bulshada (SSN) iyo nambarka cusub ee aad sameysatay.

    Kaliya macaamiisha sameystay su'aalahooda sugnaan ayaa dib uga cusbooneysiin karaan LAMBAR SIREEDKOODA onlaynka. Inta badan macaamiisha PUA ma aysan sameynin tani sidaas darteed waa inay nala soo xiriiraan. Haddii aadan codsan inaad sameysato LAMBAR SIREED cusub oo aadan geli karin, fadlan la xiriir xafiiskayaga WorkSource, lambarka Xarunta Xiriirka PUA 1-877-345-3484, isticmaal foomka cusub ee onlaynka ah ee Nala Soo Xiriir, ama isticmaal Nidaamka Qaansheegashada Onlaynka ah si aad dib ugu saxdo LAMBAR SIREEDKAAGA.

    Ka hel tilmaamaha dib sixida LAMBAR SIREEDKAAGA tilmaamahayaga tallaabo tallaabada ah .

  43. Waxaan ii soo baxay shaashada galitaan aan sax ahayn waxaana sameystay akoon cusub. Sidee taasi saameyn ugu yeelan doontaa qaansheegashadayda?

    Sameysashada akoon cusub saameyn kuma yeelan doonto qaansheegashadaada PUA ee jirta ama ansixinta sugeyso. Dhammaan macluumaadka la galiyay waxaa loo wareejin doonaa nidaamka cusub waxaana lagu lifaaqi doonaa qaansheegashadaada PUA.

  44. Foomka onlaynka ah ayaa ii sheegaya in la iga doonayo inaan dib u saxo LAMBAr SIREEDKAYGA. Maxaan sameeyaa?

    Marka shaqaalahayagu ay ka qaadaan tallaabooyin gaar ah qaansheegashada PUA, waxay sababi doontaa LAMBAR SIREEDKA inuu dib isa saxo. Mararkan oo kale, waxaa lagaa rabaa inaad booqato Nidaamkayaga Qaansheegashada Onlaynka ah oo doorato “Qaansheegashadaada iyo Warbixinadaada Toddobaadlaha ah.” Waxay u badan tahay in lagaa codsado inaad sameysato LAMBAR SIREED cusub. Sug ugu yaraan hal saac kadib sameysashada LAMBAR SIREEDKA cusub kahor intaadan galin nidaamka cusub adoo adeegsanaya Lambarkaaga Sugnaanta Bulshada (SSN) iyo LAMBAR SIREEDKA la sameeyay.

    Ka hel tilmaamaha dib sixida LAMBAR SIREEDKAAGA gudaha boggayaga tilmaamaha tallaabo tallaabada ah bogga.

    Kaliya macaamiisha sameystay su'aalahooda sugnaan ayaa dib uga cusbooneysiin karaan LAMBAR SIREEDKOODA onlaynka. Inta badan macaamiisha PUA ma aysan sameynin tani sidaas darteed waa inay nala soo xiriiraan. Haddii aadan dib onlaynka uga sixi karin LAMBAR SIREEDKAAGA xafiiska WorkSource, lambarka Xarunta Xiriirka PUA 1-877-345-3484, isticmaal foomkayaga cusb ee Nala Soo Xiriir si aad dib ugu saxdo LAMBaR SIREEDKAAGA.

  45. Waan gudbiyay codsigayga PUA anigoo adeegsanaya foomka onlaynka markay ahayd jimcaha, walina kama muuqdo Nidaamka Qheegashada Onlaynka ah. Goormaan filan karaa inaan halkaas ku arko?

    Codsigaaga koowaad ee PUA kama muuqan doono nidaamkayaga ilaa aan wax ka qabanayno. Ka wax qabashadu wxay dhacdaa habeenimo waxayna qaadataa hal maalin oo shaqo jirto. Haddii aad soo gudbiso codsiga koowaad markay tahay Jimcaha, wuxuu muuqan doonaa Sabtida ama Talaadada, iyadoo ku xiran tahay waqtiga maalinta aad gudbisay.

  46. Goorma ayaan lacagta ka arki doonaa ReliaCard-kayga®?

    Haddii aad xareysato qaansheegashadaada toddobaadlaha ah ee PUA markay tahay Axadda, qaansheegashadaada waxaa waxaa wax laga qaban doonaa habeenka Isniinta, lacag ayaa la gelin doonaa markay tahay Talaadada, waxayna ka muuqan doontaa kaarkaaga markay tahay Arbacada.

    Caadi ahaan waxay qaadataa 2 maalmood oo shaqo, marka laga reebo fasaxyada, si lacagtaadu uga soo muuqato ReliaCard-kaaga®

$300 oo dheeraad ah/todobaad (FPUC)

  1. Waa maxay Magdhawga Shaqala'aanta Safmareenka ee Dawladda (FPUC)?

    Magdhawga Shaqa-la'aanta Safmareenka ee Dawladda (FPUC) waa kabis lacageed oo dheeraad ah oo loogu talagalay toddobaad kasta oo aad sheegato macaashyada shaqa-la'aanta. Sida ku cad Qorshaha Samatabixinta Mareykanka (ARP), waxaad heli doontaa $300 ee dheeraadka ah toddobaad kasta oo ka baxsan lacagtaada caadiga ah ee loogu talagalay toddobaadyada aad hesho macaashyada shaqa-la'aanta.

    Macaashyada FPUC waxay soconayaan laga bilaabo Diseembar 27 ilaa Sitembar 4, 2021. Tani macnaheedu ma ahan inaad si toos ah u heli doonto $300 ee dheeraadka ah toddobaad kasta. Waxaad heli doontaa oo keliya toddobaadyada aad sidoo kale ugu yaraan $1 ka heleyso noocyada kale ee macaashyada shaqa-la'aanta.

  2. Maxaan la iga rabaa inaan sameeyo si aan u helo $300 ee dheeraadka ah toddobaad kasta?

    Waa inaad codsato macaashyada shaqa-la'aanta marka hore, macaashyada caadiga ah ama barnaamijka Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA) midkood. Samee Layliskayaga U-qalmida si aad u ogaato midka aad codsan karto. Waxaad heli doontaa $300 ee dheeraadka ah toddobaadyada aad u-qalanto nooc ka mid ah macaashyada kale ee shaqa-la'aanta. Tani waxaa ka mid ah manfacyada shaqo la'aanta joogtada ah, Kaallmada Shaqala'aanta ee Safmareenka (PUA), Magdhawga Shaqala'aanta Degdega ah ee Safmareenka (PEUC), Work Share, Kaalmada Iskaa u Shaqeysiga, Macaashyada La Muddo Kordhiyay Dheeraadka ah, iyo kuwa kale.

    Haddii aad xareysay qaansheegashadaada toddobaadlaha ah ee macaashyada shaqa-la'aanta oo aad xaq u leedahay macaashyada toddobaadkaas, uma baahnid inaad wax kale qabato. Waxaan si toos ah kuugu soo diri doonaa $300 ee dheeraadka ah toddobaad kasta oo aad u-qalanto.

  3. Waxaan sugayaa inaan helo macaashyadayda toddobaadlaha ah. Goorma ayaan filan karaa inay soo gasho $300 ee dheeraadka ah koontadayda?

    Waxay qaadan kartaa ugu yaraan afar toddobaad inaan ka shaqeyno macaashkaaga shaqa-la'aanta. Ilaa iyo inta aad xareynayso toddobaad walba oo laguu arkayo inaad u-qalanto, waxaad heli doontaa macaashyada dhammaan toddobaadyadii aad u-qalantay. Tani waxaa ku jira $300 ee dheeraadka ah toddobaad kasta ee macaashyada FPUC.


    Toddobaadyo kasta oo aad u-qalanto nooc kasta oo ka mid ah macaashyada shaqa-la'aanta (UI-ga caadiga ah, PUA, ama PEUC), waxaad heli doontaa macaashyada marka alla oo qaansheegashadaada laga hawlgalo. Haddii aad u-qalanto inaad hesho macaashyada inta u dhexeysa Diseembar 27, 2020, ilaa toddobaadka dhammaanaya Sitembar 4, 2021, waxaad heli doontaa $300 ee dheeraadka ah toddobaad walba oo loogu talagalay toddobaadyadaas marka alla oo qaansheegashadaada laga hawlgalo.

  4. Ma heli karaa $300 ee dheeraadka ah toddobaad walba haddii aan ahay iskiis u shaqeyste, shaqaale qandaraasle ah, ama shaqaale onlayn?

    Haa, haddii aad u-qalanto, waxaad heli kartaa Kaalmada Shaqala'aanta ee Safmareenka (PUA).. Toddobaad kasta waxaad heleysaa macaashyada PUA inta u dhexeysa Diseembar 27 iyo Sitembar 4, 2021, waxaan sidoo kale si toos ah kuugu soo diri doonaa $300 ee dheeraadka ah.

  5. Maxaan u heli la'ahay $300 buuxda ee Magdhawga Shaqala'aanta Safmareenka ee Dawladda (FPUC)?

    Lacagta $300 ah ee dheeraadka ah ee Magdhawga Shaqala'aanta Safmareenka ee Dawladda (FPUC) waa dakhli canshuur laga qaadi karo. Haddii aad dooratid in laga joojiyo canshuuraha gobolka iyo/ama dawladda macaashyadaada shaqa-la'aanta, canshuurahaas waxaa lagaa goyn doonaa $300 inta aanan kuu soo dirin. Intaas waxaa sii dheer, hadduu waajibaad kaa saaran yahay masruufka ilmaha, lacagahaas waa in sidoo kale laga gooyaa $300 ee dheeraadka ah ee FPUC inta aanan kuu soo dirin.

    Tusaale:

    1) Inaad canshuur hayn goboleed iyo dawladeed hayso ee macaashyadaada shaqa-la'aanta. Canshuur haynta Oregon waa 6% halka canshuur haynta dowladda ay tahay 10%. Waxaad filan kartaa in lacagtaada $300 ah ee FPUC in laga jaro wadar dhan 16%, taasoo kaaga ka dhigi doonta $252.
    2) Aad qabto kaliya canshuur hayn gobol oo ka socota macaashyadaada shaqa-la'aanta. Lacagta $300 ah ee FPUC waxaa laga jari doonaa 6%, waxaana kuu hari doona $282.
    3) Aad qabto kaliya canshuur hayn dawladda ee ka socota macaashkaaga shaqa-la'aanta. Lacagta $300 ah ee FPUC waxaa laga jari doonaa 10%, waxaana kuu hari doona $270.

  6. Maxaan u heli waayay lacagtayda buuxda ee macaashka?

    Haddii lacag aad ka qabto Waaxda Shaqada ee Oregon iyadoo ugu wacan in lagu siiyay lacag dheeraad ah oo macaash, macaashkaaga jira waa la dhimi doonaa si loo bixiyo lacagtii lagugu lahaa.. Tani waxaa ka mid ah 100% macaaashkaaga toddobaadlaha ah iyo ilaa 50% ee $300 ee toddobaadlaha ah ee Magdhawga Shaqala'aanta Safmareenka ee Dawladda (FPUC). Marka haraagaaga lacag-bixinta dheeraadka ah ay eber noqoto, waxaad mar labaad heli doontaa macaashkaaga oo buuxa.


    Tusaale: Waxaad qabtaa lacag-bixin dheeraad ah oo ah $1,000. Qaddarka macaashkaaga toddobaadlaha ah (WBA) waa $200 waxaadna heleysaa $300 ee Magdhawga Shaqala'aanta Safmareenka ee Dawladda (FPUC).


    Markaad sheegato toddobaadkaaga macaashyada, dhammaan $200 ee WBA iyo $150 lacagtaada FPUC ayaa la isticmaali doonaa si dib loogu bixiyo lacagta lagugu leeyahay. Ugu badnaan waxa aad heli lahayd toddobaadkaas waxay noqon doontaa $150. Macaashyadaada waa la dhimi doonaa toddobaad kasta ilaa iyo inta haraaga lacag-bixinta dheeraadka ah eber ka noqonayso. Intaas kadib, waxaad heli doontaa macaashkaaga toddobaadlaha oo buuxa.

Su'aalaha Badanaa La Weydiiyo ee Dakhliga Magdhawga Shaqo La'aanta (MEUC)

  1. Waa Maxay Dhakhliga isku jirka ee Magdhowga Shaqo La'aanta Shaqada (Mixed Earner Unemployment Compensation, MEUC)?

    Dhakhliga Siku jirka ee Magdhawga Shaqo La'aanta Shaqo (MEUC) waa barnaamij federaal cusub oo loogu talagalay 'shaqaalaha isku dhafan' ama dadka qaata mushaharka W-2 iyo dadka qaata dakhliga iskii-ushaqaysiga ah. MEUC waxay bixisaa $100 dheeraad ah usbuucii haddii aad kasbatay dakhli saafi ah ugu yaraan $5,000 ee shaqo iska u shaqaysi ah oo lagu daro mushaharka W-2.

  2. Yaa u qalma MEUC?

    Waxaa jira shuruudo gaar ah oo loogu qalmo MEUC. Waa inaad buuxisaa dhamaan shuruudaha soo socda si aad u hesho MEUC:

    1. Waxaad heshay ugu yaraan $5,000 oo ah dakhliga saafi aj ee iskaa u shaqaysiga ah iyo Mushaharka W-2 sannadka ugu dambeeya ee la canshuurayo kahor codsigaaga dheefaha joogtada ah ee UI.

    ...iyo

    1. Waxaad heshay gunno UI-ga joogtada ah ama Pandemic Emergency Compensation (dheefaha Musiibada Degdegga ah ee Faafa, PEUC) ee usbuuca la codsaday.

    ...iyo

    1. Waxaad si guul leh ku soo gudbisay dukumiinti muujinaya cadeymahaaga u qalmida dakhliga saafiga ah ee iskaa u shaqeysta.
  3. Waa imisa dheefta MEUC?

    MEUC waxay bixisaa fdheef dheeri ah oo ah $100 asbuucii marka lagu daro bixintaada dheefta Joodtada ah ee UI iyo $300 oo dheeri ah Federal Pandemic Unemployment Compensation (Magdhowga Shaqo La'aanta Musiibada, FPUC).

  4. Waa maxay muddada u qalmitaanka?

    MEUC waxaa la bixin karaa usbuucyo laga bilaabo Diisambar 27, 2020, ilaa usbuuca dhamaanaya Sebeteembar 4, 2021 Haddii aad u qalanto, waxaad heli doontaa $100 asbuucii oo taas oo dib loo soo celin doono usbuuca Diseembar 27, 2020, ka dibna dhammaan toddobaadyada u-qalmitaanka hore u socda. Xusuusnow, u-qalmitaanku wuxuu ku saleysan yahay toddobaad ilaa toddobaad, markaa waxaad u baahan doontaa inaad soo gudbiso dalab toddobaad kasta si aad ugu qalanto

  5. Sideen u codsadaa MEUC?

    loo marayo Online Claim System (Nidaamka Sheegashada khadka tooska ah, OCS). Waad soo gudbin kartaa caddeyntaada u-qalmitaanka dakhligaaga iskaa-u-shaqeysiga (oo ay u badan tahay canshuur celintaada ugu dambaysay) markii aad codsatid OCS.

    Haddii aadan ka codsan karin khadka tooska ah, wac Qeybta Canshuuraha Oregon Employment Department si aad u hesho caawimaad 503-947-1488.

  6. Maxaan ubaahanahay inaan soo gudbiyo si aan u muujiyo cadeynta dakhliga u qalmida?

    Waa inaad tustaa inaad heshayt dakhli saafi ah ugu yaraan $5,000 shaqo iskaa u shaqeysiin ah sanad cashuureedka kahor sanadka aad xareysay dalabkaaga UI ee joogtada ah Tusaale ahaan, haddii aad xaraysay dalabkaagii ugu horreeyay sannadka 2020, markaa waa inaad soo gudbisaa caddeynta dakhligaaga iskaa u shaqaysiga ee sannadka 2019.

    Dakhliga saafida ah, ama dakhliga, iskii u shaqaysiga waxaa lagu qeexaa "dakhliga guud ee shaqsiyan ka soo xaroodo ganacsi kasta ama beecshara kasta oo uu qabto shaqsigaas, waa ka yar tahay ka-goynta uu u oggol yahay cinwaankan oo loo aanayn karo ganacsigan ama beecshara…." Dakhligaaga saafiga ah waa dakhligaaga guud laga jaray kaharashaadkaaga.

    Waa inaad bixisaa nuqul ka mid ah canshuur celintaada dakhliga sanadka canshuurta ee khuseeya ( sanadka ka horeeya sanadka aad xareysay dalabka) hadii la heli karo. Waxaad gudbin kartaa mid kamid ah ee dukumiintiyada kale ee soo socda haddii aan la heli karin canshuur celintaada.

    1. Form 1065

    2. K-1 ama Schedule E

    3. Form 1040 ama 1040-RS

    4. Schedule C

    5. Form 1120-S

    Haddii aadan haysan nuqulada dukumintiyada kor lagu soo sheegay, waxaad soo gudbin kartaa dukumiintiyo kale sida faa iidooyinka & qasaaraha, jeegagga mushaarka, rasiidhada bangiga, diiwaanka ganacsiga, buugaagta, qandaraasyada, qaansheegadka, ama warbixinnada biilka.

  7. Maxaan filan karaa ka dib marka aan gudbiyo caddeynta dakhliga soo gala?

    Kadib markaad gudbiso cadeyntaada dakhliga u qalmida, waxaad heli doontaa go'aan qoraal ah oo lagusoo ogeysiinayo inaad u qalantay iyo inkale. Uma baahnid inaad dib u soo gudbiso dukumiintiyadaada. Haddii aad u qalanto, $100 waxaa si otomaatig ah loo bixin doonaa toddobaadyadii u qalmitaanka ee la dalbaday toddobaadyadii la soo dhaafayna waxaa loo bixin doonaa lacag lasoo celin doono.

  8. Miyuu shaqeeyaa dhaqaalaha suuqa furan inuu u qalmo dakhli iskaa u shaqaysi ah?

    Haddii aad qabatay shaqo dhaqaale suuqa furan, waxaan u baahan karnaa inaan kula soo xiriirno si aan u helno macluumaad dheeri ah si aan u xaqiijino haddii shaqada la qabtay ay ahayd shaqo joogto ah ama iskii u shaqaysi.

  9. Maxay ka dhigan tahay inaan u qalmo ugu yaraan $1 ee dheefaha joogtada ah ee usbuuca la codsaday?

    Waad u qalmi kartaa MEUC haddii aad hesho Caymiska Shaqo La'aanta ee joogtada ah (UI), Magdhowga Shaqo La'aanta Musiibada Faafta (PEUC), Extended Benefits (Dheefaha Dheeraadka ah, EB), ama Disaster Unemployment Assistance (Gargaarka Shaqo La'aanta Musiibo awgeed, DUA).

    UMA qalmi doontid MEUC toddobaad kasta oo aad qaadatid dheefaha Pandemic Unemployment Assistance (Caawinta Shaqo la'aanta Aafada, PUA).

  10.   MEUC miyaa lacanshuuraa miyay saameyn ku yeelan doontaa xaq u yeelashadayda barnaamij kales?

    Haa, MEUC waa dakhli la canshuurayo oo ku xiran jarista iyo ka jarista masruufka carruurta si dib loogu bixiyo lacag-bixinta dheeraadka ah iyo ganaaxyada khiyaanada. La soco inaad u qalanto barnaamijyada Medicaid iyo Children’s Health Insurance Program (Barnaamijka Caymiska Caafimaadka Carruurta, CHIP) ay sidoo kale saameyn ku yeelan karto dheefta MEUC.

  11. Sideen u codsadaa MEUC haddii aan ku jiro barnaamijka Work Share oo aanan haysan lambar sir ah si aan uga dalbado khadka tooska ah.

    Haddii aad ku jirto barnaamijka Shaqo Wadaagga oo aadan haysan lambar Sir ah oo aad kaga dalban karto khadka tooska ah, markaa waxaad u baahan doontaa inaad ku soo gudbiso caddeyntaada u-qalmitaanka dakhligaaga iskaa u shaqaysiga boostada ama fakiska. Fadlan isticmaal Lambarkaaga Bulshada ama Customer Identification Number (Lambarka Aqoonsiga Macaamiisha, CID) oo cadee in aad soo gudbineyso caddeynta dakhligaaga si aad u dalbato MEUC.

    Waxaad waraaqahaaga ugu diri kartaa Ujeedada: Waaxda Canshuuraha, Waaxda Shaqada ee Oregon, 875 Union St. NE Salem, OR, 97311-0800 or fax to 1-503-947-1832. Ogsoonow inaadan helin xaqiijin haddii aad dukumintiyadaada ku soo dirto boostada ama fakiska.

    Haddii aad ku dirto boosto ama aad fakis macluumaadkaaga, hubi inaad sheegto in POE-gaagu yahay barnaamijka MEUC.

Magdhowga Shaqo la’aanta Xaalada degdega cudurka Safmarka (PEUC)

  1. Waa maxay Kaalmada Shaqa-la'aanta Degdega ah ee Safmareenka (PEUC)?

    Magdhowga Shaqa-la'aanta Degdega ah ee Safmareenka (PEUC) waa barnaamijka muddo kordhinta macaashka ee loogu talagalay dadka ay ka dhammaadeen macaashyada caymiska shaqa-la'aanta ee caadiga ah (UI). Waxaa ugu horreyn lagu abuuray Xeerka CARES.

    Qorshaha Samatabixinta Mareykanka (ARP) wuxuu qofka u oggolaanayaa inuu helo wadar dhan 53 toddobaad oo macaashyada PEUC ah ama ilaa toddobaadka dhammaanaya Sitembar 4, 2021.

  2. Ma u-qalmaa PEUC?

    Haddii qaansheegashadaada hadda leedahay haraa $0 ah ama aad leedahay qaansheegasho dhacday, waxaad u-qalmi kartaa PEUC. Waxaa jira laba qaab oo aad ugu qalanto:

      • Ikhtiyaarka 1:
        • Haraaga qaansheegashadaada joogtada ah waa $0,
        • Qaansheegashadaada wali ma dhicin (ma aysan gaarin hal sanno), iyo
        • Ma jiro qaansheegasho joogto ah oo laga heli karo gobol kale, Kanada, ama barnaamij kale oo dawladeed.
      • Ikhtiyaarka 2:
        • Qaansheegashadaadii ugu dambeysay ayaa dhacday. Taasi waxay ka dhigan tahay inay gaartay halka sanno, iyo
        • Waxaad xaraysay codsi cusub si aad u hesho macaashyo. Haddii AADAN xareyn qaansheegasho cusub, macaashkaagu wuu joogsan doonaa. Iyadoo lagu saleysanayo sharciyada u-qalmida PEUC, waxaan bixin doonaa qaansheegashadaada cusub ama qaansheeshadaada PEUC. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay ayaa ah inaad xareyso qaansheegasho cusub inta kalena waan sameyn doonaa.
        • Ma ku lihid qaansheegasho joogto ah Oregon, Kanada, ama barnaamij kale oo dawladeed.
  3. Sidee iyo goorma ayaan codsadaa PEUC?

    Ma aqbali karno codsigaaga loogu talagalay PEUC ilaa iyo inta ay kaa dhammaanayaan macaashyada shaqa-la'aanta caadiga ah ama haddii qaansheegashadaadu dhammaatay mooyee. Waxaa jira dhowr qaab oo loo codsado PEUC:

    • Nidaamka Qaansheegashada Onlaynka ah haddii:
      • Ay kaa dhammaadeen macaashyadaada shaqa-la'aanta ee caadiga ah.
      • Qaansheegashadaadu leedahay haraa eber ah balse sannad buuxa uusan kuu dhammaan.
      • Aad toddobaad walba ka xareysaa Nidaamkayaga Qaansheegashada Onlaynka ah.


  4. Illaa intee ayay PEUC jireysaa?

    Waad u sii wadan kartaa qaansheegashadaada toddobaadlaha ah sidii caadiga ahayd. Waxaad arki doontaa ikhtiyaar aad ku codsan karto PEUC markaad gudbinayso qaansheegashadaada toddobaadlaha ah oo haraagaagu yahay $0. Haddii aad doorato xulashadan, waxaad si toos ah u gelaysaa barnaamijka PEUC. Hubso inaad sii wado xareynta qaansheegashada macaashka toddobaad kasta

    • Gelin Sugan. Haddii qaangashadaada macaashyada shaqa-la'aanta ee caadiga ah ay mar hore dhaceen oo aad u-qalanto PEUC, waxaan kuu soo diri doonaa warqad. Warqadda ayaa ku ogeysiin doonta sida loo buuxiyo codsiga PUEC iyo sida dib loogu bilaabo codsigaaga. Waad codsan kartaa adoo buuxinaya codsiga PDF-ka iyo adoo adeegsanaya dejinta sugan si aad u gudbiso. Uma baahnid inaad sugto si aad u hesho warqaddeenna si aad u codsato. Codsiga toddobaadlaha ah ee PEUC ee PDF-ka ah ayaa laga heli karaa halkan .
    • Boostada. Haddii aad u-qalanto PEUC balse aadan geli karin nidaamyadayada onlaynka ah, boosto ayaad ku diri kartaa codsigaaga. Codsiga waxaa laga heli karaa Nidaamkayaga Qaansheegashada Onlaynka ah ama iyadoo la wacayo 503-947-1563 oo loo dhaafayo farriin weydiinaysa codsiga. Codsiga oo dhameystiran waxaa fakis loogu diri karaa 866-345-1878. Ogow inaad heli doonin xaqiijinta inaan helnay codsigaaga – waxaad heli doontaa oo keliya xaqiijinta in fakiskaaga si guul leh loo gudbiyay.
    • Wac 1-877-FILE-4-UI (1-877-345-3484) oo qof ayaa kaa caawin kara inaad ku xareyso luuad kasta. U diyaargarow wakhti sugid oo dheer.


  5. Intee in le'eg ayuu PEUC socon doonnaa?

    Qofka u-qalma wuxuu heli karaa ilaa wadar dhan 53 toddobaad dheefaha PEUC ama ilaa toddobaadka dhamaanaya Sitembar 4, 2021, marka muddo kordhinta PEUC dhammaato. Kala dhidhigida tirada toddobaadyada PEUC ee la oggolyahay sida ku cad kasta waa sida soo socota:

    • Sida loo eego ARP, waxaad heli kartaa ilaa 18 toddobaad oo dheefaha PEUC ah inta u dhexeysa Maarso 14 iyo Sitembar 4, 2021.
    • Marka loo eego CAA, waxaad heli kartaa ilaa 11 toddobaad oo dheeraad ah oo macaashyada PEUC inta u dhexeysa Diseembar 27, 2020, iyo Maarso 13, 2021.
    • Marka loo eego Xeerka CARES, waxaad heli kartaa ilaa 13 toddobaad oo macaashyada PEUC ah inta u dhexeysa Maarso 29 iyo Diseembar 26, 2020.


    Weli waa inaad xareysaa qaansheegasho toddobaadle ah si aad u hesho macaashyada toddobaad kasta, sida aad u xareyn lahayd UI-ga caadiga ah.


  6. Immisa ayaan ka helayaa macaashka PEUC?

    Macaashyada PEUC waa qaddarka toddobaadlaha ah ee la midka ah qaddartaada macaashka s ee caadiga ah.


    Haddii qaansheegashadaadu gaarto hal sanno, way dhacaysaa. Waa inaad xaraysaa codsi cusub si aad u sii wado helitaanka macaashyada. Shaqaalahayaga waxay dib-u-eegi ku sameyn doonaan codsigaaga cusub iyo, iyagoo raacaya hagista dawladda, waxay ka bixinayaan macaashyada codsigan cusub ama waxay kugu celin doonaan PEUC.

    Waxaad sidoo kale heli doontaa $300 ee macaashyada dheeraadka ee FPUC ee dhammaan toddobaadyada aad u-qalanto inta u dhexeysa Diseembar 27, 2020 iyo Sitembar 4, 2021, ilaa iyo inta aad ka heleyso ugu yaraan $1 oo macaashyada toddobaadkaas.

  7. Waxaa la ii sheegay inay qaansheegashadaydu dhacday. Maxaan sameeyaa hadda?

    Waa INAAD xaraysaa qaansheegashada cusub ee macaashyadaada. Haddii aadan xareyn qaansheegasho cusub, MA heli doontid wax macaashyo dheeraad ah. Waxaa la nooga baahan yahay inaan dib-u-eegis ku sameyno codsigaaga cusub ee UI-ga ee joogtada ah oo haddii qaddarka macaashkaaga CUSUB ee todobaadlaha ah (WBA) uu ugu yaraan $25 hooseeyo marka lala barbardhigo WBA-da hore, waxaad ku sii jiri doontaa PEUC hadda. Haddii WBA-gaaga cusub uu ka yar yahay $24, waxaan ku bixin doonaa codsigaaga cusub.

  8. Waxaan helayaa macaashyada shaqa-la'aanta ee joogtada ah. Miyaan sidoo kale heli karaa PEUC?

    Maya, PEUC waxaa heli kara oo keliya kuwa ay ka dhammaadeen macaashyada Caymiska Shaqa-la'aanta ee joogtada ah (UI).

  9. Ma heli karaa macaashyada PEUC ee toddobaadyada hore ee i dhaafay?

    Waxaa laguu oggol yahay inaad dib u dhigto taariikhda qaansheegashadaada PEUC hal toddobaad. Haddii aad rabto inaad dib u dhigto taariikhda codsigaaga, waad buuxin kartaa foomka Nala Soo Xiriir waadna sharrixi kartaa sababta aad u awoodi weyday inaad ku codsato qaansheegashadaada toddobaadlaha ah waqtigeeda.

    Haddii aad ku xareysay qaansheegashadaada toddobaadlaha ah waqtigeeda, balse qaansheegashada aan loo bixinin sababo ka baxsan awooddada, waa lagu siin doonaa dhammaan toddobaadyada tagay ee aad u-qalanto. Haddii aadan xareynin qaansheegashooyinka toddobaadlaha ah inta lagu jiro waqtigan, fadlan soo raaci codsigaaga PEUC. Si aad u xareyso toddobaadyadii la soo dhaafay, buuxi foomka Nala Soo Xiriir ama wac 1-877-345-3484.

  10. Miyaan sidoo kale u-qalmaa $300 ee dheeraadka ah toddobaad kasta haddii aan qaato PEUC?

    Haddii aad u-qalanto PEUC, waxaad sidoo kale heli doontaa $300 ee dheeraadka ah oo toddobaadlaha ah, oo loo yaqaano magaca buuxa ee Magdhawga Shaqa-la'aanta Safmareenka ee Dawladda (FPUC).

    $300 ee dheeraadka ah ee toddobaad kasta ayaa kaliya la heli karaa muddada u dhexeysa Diisambar 27, 2020, iyo toddobaadka dhammaanaya Sitembar 4, 2021. Kuma qasbanid inaad sameyso wax dheeraad ah si aad u hesho macaashka FPUC. Haddii aad qaadatid macaashyada PEUC toddobaad gudihiisa inta lagu jiro waqtigan, waxaan sidoo kale kuu soo diri doonaa $300 toddobaadkaas.

  11. Ka waran haddii ay lacago iiga dhiman yihiin qaansheegashadayda PEUC kahor Diseembar 27, 2020?

    Haddii ay lacag kaaga harsaneyd qaansheegashadaada PEUC, sii wad xareynta toddobaad kasta. Waxaa laga yaabaa inaad arki karin farqiga macaashyada oo 29-ka toddobaad ee dheeraadka ah ayaa si toos ah loogu dari doonaa codsigaaga markaan hirgelino muddo kordhinta PEUC.

  12. Kawaran haddii la ii wareejiyo Macaashyada La Muddo Kordhiyay kahor Diseembar 27, 2020? Miyaan weli helayaa 11-ka toddobaad ee dheeraadka ah ee macaashyada PEUC?

    Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Mareykanka ayaa ku ekaysay Macaashyada La Muddo Kordhiyay ilaa Febraayo 20, 2021. Haddii aad heshay lacagta EB ee toddobaadka dhammaanaya Diseembar 26, 2020, waxaa kuu socon doona in lagu siiyo EB ilaa aad ka dhameysato macaashyadaas ama ilaa Febraayo 20. Waxaad markaa si toos ah u bilaabi laheyd inaad hesho 11-ka toddobaad ee dheeraadka ah ee PEUC. Markaad dhameysato macaashyadaas, waxaad heli doontaa 29-ka toddobaad ee dheeraadka ah ee PEUC.

  13. Ka waran haddii qaddarka macaashkayga toddobaadlaha ah ee PUA uu ka badan yahay qaddarka macaashkayga toddobaadlaha ah ee PEUC, ma inaan dib u bixiyaa farqiga u dhexeeya markaan ku laabto PEUC?

    Maya, ma ahan inaad dib u bixiso farqiga u dhexeeya balse waxaad lagaa rabi doonaa inaad dib ugu laabato PEUC leh qaddarka ugu yar ee macaashka toddobaadlaha.

  14. Ka waran haddii aan dhameeystay PEUC iyo EB labadaba, oo aan hadda sheeganayo PUA? Miyaan wali u-qalmaa inaan helo 11-ka toddobaad ee dheeraadka ah ee macaashyada PEUC?

    Haa, haddii aad dhammaysatay dhammaan macaashyadaada joogtada ah iyo macaashyada la muddo kordhiyay oo aad hadda codsanayso PUA, waxaan dib kuugu celin doonaa PEUC toddobaadka dhammaanaya Janaayo 23, 2021, si aad u codsato 29-ka toddobaad ee dheeraadka ah ee macaashyada la muddo kordhiyay.

  15. Ka waran haddii aan dhameystay dhammaan macaashyadayda jira?

    Haddii aad daamaysatay dhammaan macaashyadaada jira (loola jeedo qaasheegashadaadu leedahay eber eber ah), weli waad u-qalmi doontaa 29-ka toddobaad ee dheeraadka ah ee macaashyada PEUC ee laga helo ARP. Si kastaba ha noqotee, waxaad awoodi doontaa inaad dib u dhigto taariikhda macaashkaaga hal toddobaad marka hubi inaad codsatid macaashyada toddobaad kasta.

  16. Ma dooran karaa inaan ku sii jiro PEUC haddii aan u-qalmo qaansheegasho cusub, balse caddada macaashkayga toddobaadlaha ah ee cusub uu hooseeyo?

    Haddii codsigaagu dhacayo kadib Diseembar 27, 2020, oo aad u-qalanto codsi cusub oo shaqala'aan, BALSE caddada macaashkaaga toddobaadlaha ah ee cusub (WBA) uu ugu yaraan $25 ka yar qaansheegashadaada PEUC, markaa waxaad awood u yeelan kartaa inaad ku sii jirto qaansheegashadaada PEUC ilaa iyo inta macaashyadaas ka dhammaanayaan. Tani ma ahan wax la kala doorto balse waa wax la nooga baahan yahay inaan sameyno.

    • TUSAALAHA 1: Haddii caddada macaashkaaga toddobaadlaha ah ee PEUC ay tahay $225 oo qaansheegashadaada cusub ee macaashka toddobaadlaha ah yahay $175, markaa waad ku sii jiri doontaa PEUC ilaa iyo inta lacagahaasi ka dhammaanayaan.
    • TUSAALAHA 2: Haddii caddada macaashkaaga toddobaadlaha uu yahay $225 oo qaansheegashadaada cusub ee macaashka toddobaadlaha ah yahay $201, markaa waxaa lagu siin doonaa WBA-da cusub.

    Kadib markaad xareyso qaansheegashadaada toddobaadlaha ah ee cusub, waxa kaliya ee aad u baahan tahay inaad sameyso ayaa ah inaad sii wado xareynta toddobaad kasta. Waxaan u qoondeyn doonaa macaashyadaada toddobaadlaha ah hadba sida ku habboon xaaladdaada.

  17. Haddii aan mushaar ka qaato gobol kale, miyaan ka heli karaa kordhinta PUA gudaha Oregon halkii aan ka xereyn lahaa qaansheegashada gobol kale?

    1. PEUC waxaa la heli karaa oo keliya haddii aadan ugu qalmin macaashyada UI ee caadiga ah Oregon ama gobol kale. Haddii aad dhamaysay codsigaaga UI ee ee Oregon oo aadna uga qalanto qaansheegashada UI ee caadiga ah gobol kale, uma qalantid PEUC. Waa inaad ka xareysaa qaansheegasho gobol kale.
  18. Waxaan ahay iskiis u shaqeyste umana qalmo macaashyada shaqala'aanta ee caadiga ah. Miyaan u-qalmaa PEUC?

    Haddii aadan u-qalmin macaashyada shaqa-la'aanta ee caadiga ah, sidoo kale uma qalantid PEUC. Haddii aad tahay iskiis u shaqeysate, shaqaale qandaraasle ah, qof ka shaqeeya onlaynka, ama shaqaale kale oo aan u-qalmin macaashyada s ee caadiga ah, waxaad u-qalmi kartaa Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka .

  19. Batroonigayga dib ayuu iigu yeeray si aan u shaqeeyo, balse waan diiday sababo la xiriira COVID-19. Ma u-qalmaa PEUC?

    Suurtagal. Waad u-qalmi kartaa PEUC haddii aad diido soojeedin shaqo iyadoo ugu wacan tahay mid ka mid ah sababaha la xiriira COVID-19 .

  20. Batroonigaga adib iigu yeearay inaan shaqeeyo, balse waan diiday waayo lacag badan ayaan ka helaa s. Weli ma heli karaa macaashyada PEUC?

    Maya, xaq uma lihid PEUC haddii aad diido soojeedinta shaqada kugu habboon maxaa yeelay waxaa laga kasbadaa lacag badan shaqada.

  21. Codsigaygu kum ajiraan 26-da toddobaad ee macaashyada. Imisa toddobaad ayaan heli doonaa PEUC?

    Waxaad heli kartaa ilaa 53 toddobaad ee PEUC ama ilaa mudoo kordhinta ka dhammaato toddobaadka dhammaanaya Sitembar 4, 2021.

    ARP waxay ku dartay 18 toddobaadyada macaashka ah oo dheerad ah 11 toddobaad ay bixiso CAA. Oo xeerka CARES ayaa markii hore bixiyay 13 toddobaad oo PEUC.
  22. Maxaa dhacaya hadduu iga dhamaado PEUC?

    Hadduu kaa dhamaado PEUC oo aadan u-qalmin qaansheegashada caadiga ah ama ama muddo kordhinnada kale, waxaad u-qalmi kartaa Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka.

  23. Ma dooran karaa muddo kordhinta ama barnaamijka aan rabo inaan isticmaalo marka koowaad?

    Maya, macaashyada joogtada ah waa in marka hore la bixiyaa kahor PEUC. PEUC waa in la bixiyaa ka hor inta aan la sameyn muddo kordhinta.

    Dahacdada kaliya ee arrintu sidan si ka beddelan noqon karto waa haddii lagugu daro macaashyada La Muddo Kordhiyay (EB) kahor Diseembar 26, 2020. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan dhacdadan, guji halkan .

  24. Miyaan la iga siin karaa toddobaad cusub oo sugitaanka PEUC?

    Maya. PEUC ma lahan toddoobaad sugitaan.

  25. Ma jiraan shuruudo gaar ah oo loogu talagalay PEUC?

    Maya. Dhammaan xeerarka iyo sharciyada Oregon ee hadda jira iyo u-qalmitaanka caymiska shaqa-la'aanta ayaa si isku mid ah loogu dabaqi karaa PEUC sida loogu dabaqo macaashyada caadiga ah.
  26. Miyaan sii wadaa inaan gudbiyo qaansheegashooyinka shaqalla'aanta ee toddobaadle ah?

    Haddii aad hadda ku jirto macaashyada shaqa-la'aanta ee joogtada ah, sii wad inaad gudbiso qaansheegashooyinka shaqa-la'aantaee toddobaadle ah isbuuc kasta oo aad shaqa-la'aan tahay. Haddii aan go'aansano inaad u-qalanto macaashyada, kuwa caadiga ah ama la mudoo kordhiyay, waxaa suuragal ah inaan ku dabaqno u-qalmida macaashka toddobaadyada aad horay u sheegatay.

  27. Waan helay codsiga PEUC ka qayb ahaan qaansheegashadayda toddobaadlaha ah, wuxuna dhigayay in la iga rabo inaan gudbiyo codsi anoo isticmaalaya. Sabab?

    Haddii aad soo sheegto inaad ka shaqeysay meel ka baxsan gobolka, ama u shaqeysay dawladda federaalka ama ciidanka, waxaan rabnaa inaan dib-u-eegis ku sameyno codsigaaga kahor inta aan la xareyn codsigaaga PEUC. Sii wad xareynta qaansheegashadaada toddobaadlaha ah ilaa aan ka ogaan karno inaad u-qalanto PEUC.

  28. Maxaa ku dhacay muddadii wejiyada?

    ARP waxay gaarsiisay PEUC ilaa iyo 53 toddobaad oo macaashyo waxayna mesha ka saartay muddadii wejiyada.

Faa’idooyinka La dheereeyay (EB)

  1. Waa maxay Dheefaha La kordhiyay(EB)?

    Faa’idooyinka La dheereeyay (EB) waa barnaamij dheereeyaa faa’idooyinka Caymiska Shaqo la’aanta(UI) ee joogtada ah markii gobolka ay ka jirto shaqo la’aan sareyso. Heerka isku celceliska shaqo la’aanta waxaa la eegaa muddo 3-bilood ee lagu go'aansado haddii degmada kordhiso. Marka heerka uu yahay 8% ama ka saraysa, waxaanu gaadhnay HEB, iyo ilaa 20 todobaad ood heeraad ah oo dheefo ah la bixiyay. Haddii ay ka hooseyso boqolkiiba 8% laakin ka sareyso 6.5%, kadib waxaan ku jirnaa EB, taas oo bixiso illaa 13 isbuucyo oo faa’idooyin dheeraad ah.

  2. Intee in leegaa ayay EB gaadhaa?

    Dheefaha La kordhiyay (EB) waxaa la heli karaa inaa Oregon ay gaadho 3-bilood wadarta celceliska sheerka shaqo la’aanta ee ka hoosaysa 6.5%. Shakhsiyaadka helaya EB waxaa qoraal ahaan lagu wargelin doonaa marka Oregon EB ay dhammaato.


    Waaxda Maraykanka ee Shaqada waxay nagu wargelisay in iyaddoo ay sababtu tahay heerka shaqada, EB in la xidhi doono. Muddo dhaaf saddex todobaad ah ayaa la bixiyaa, markaas todobaadka u dambeeya ee la codsanayo EB waa todobaadka dhammaanaya Febraayo 20, 2021.

  3. Maxaan sameeyaa marka Dheefaha La kordhiyay (EB) ay dhaqaaqdo?

    Markay saddex todobaad muddo dhaafto ee Dheefaha La kordhiyay wakhtigoodu waxa uu dhacayaa Febraayo 20, si ay u sii wadaan inay soo xareeyaan si todobaadle ah. Dib ayaa laguugu celin doonaa barnaamikka PEUC oo waxaa dheli doonaa 11 todobaad oo dheefa dheeraad aah sida waafaqsan Xeerka Caafimaada Joogta ah (CAA)


  4. Haddii heerka shaqo la’aantu sare u kacdo, miyay Dheefaha La kordhiyay (EB) soo noqonayaan?

    Haa, sababtoo ah Governor Brown authorized suspending the 13-week waiting period ka hor EB inta aanu dib u kicin. Joojinta sharcigan waxa uu ka caawiyaa hubinta in dadka degen Oregon aanay waayi doonin dheefaha ay ku tiirsan yihiin

  5. Maxaan sameeyaa haddii EB dib u kaco?

    Haddii EB uu dib kaco ka dib Febraayo 20, waxaad u baahan doontaa inaad dhammayso dheefahaaga PEUC ka hor inta aanad ku noqon Dheefaha La kordhiyay. Dheefahaaga waxay dhammaadaan marka aad leedahay hadhaaga eberka ah ee shaagashadaada. Marka dib loogu noqdo EB, dheefahaagu way kordhaan marka laga tago oo waxaad sii wadi doonaa todobaadyada adiga kuu hadhay ee EB marka ay korodhay. Waxay bilaabantaa 13 todobaad.

  6. Ma jirtaa qaab fudud oo lagu ogaado inta todobaad ee Dheefaha La kordhiyay (EB) ka hadhay?

    Waxaad ku arki kartaa waxa uu yahay todobaadka aad ku jirto EB addoo dib uga eegaya heerka sheegashada Online Claim System. Waxaanu boostada kuugu soo diri doonaa warqad ku ogaysiinaysa in dheeftaada EB ay dhammanayso.

  7. Waxaan ku helay warqad boostada sheegaysa tirada Dheefahayga La kordhiyay (EB) in la yareeyay. Waayo?

    Guud ahaan, EB waxay bixisaa miduun ilaa 13 ama 20 todobaad oo dheefo ah, iyaddoo ku xidhan heerka shaqo la’aanta marka kordhintu la heli karo. Heerka shaqo la’aanta Oregon way horumartay, iyaddoo naga qaaday Dheefaha La kordhiyay ee Sare (HEB) ilaa Dheefaha La kordhiyay (EB) Diisambar 12, 2020. Tani waxaa loola jeedaa tirada isbuucyada ee faa’idooyinka la dheereeyay ee la heli karo way ka yaraatay qof walba.

  8. Haddii aan helayay PUA, miyaan heli karaa EB

    Maya. Markii aan guud ahaan u hadlo, EB waxaa loo heli karaa kaliya dadka helaa faa’idooyinka Caymiska Shaqo la’aanta (UI) joogtada ah, inkastoo dadka qaar ee ku jiro UI joogtada ah aysan u qalmi karin.

  9. Sidee ayaan u codsadaa Dheefaha La kordhiyay

    Si loo codsado, u joogtey xareynta isbuuclaha sida caadiga ah. Si toos ah ayaa lagaaga diiwaangelinayaa haddii aad u qalantid. Sidoo kale waan kula soo xiriiri karnaa, marka fadlan dami muuqaalada wacitaanka baloog gareynayo ee mobeelkaaga sababtoo ah lambarkeena mobeelka ma tusinayo wacitaanka sida inuu ka imaanayo Waaxda Shaqo la'aanta. Fariin ayaan kuu reebi karnaa haddii aanan kula soo xiriirin. Hubi in fariin codeedkaaga saxanyahay oo leeyahay boos aad ku heshid fariimo cusub. Haddii ay jiraan hakad lacag bixinta ah, fadlan nasoo ogeysii adiga oo isticmaalayo websaydkeena foomkaNala soo Xiriir

  10. Hadhaagayga PEUC waa eber, laakiin maan awoodin inaan kala hadlo qof kasta weli waxa ku saabsan dheefaha la kordhiyay (EB). Miyaan sugaa inaan ka xareeyo isbuuc kale oo dheefaha ah illaa aan codsan karo EB?

    Haddii aan ku noqono EB, waxaad soo xarayn doontaa sheegashooyinka todobaadlaha ah marka aanay shaqayn ama qayb ahaan shaqayso. Haddii aad u qalantid, waxaan si toos ah dib kaaga diiwaangelineynaa isbuuca markii barnaamijka hore dhamaaday (haraaga waa $0).

    Waaxda Maraykanka ee Shaqada waxay nagu wargelisay in iyadodo ay sababtu tahay heerka shaqada, EB in la xidhi doono. Muddo dhaaf saddex todobaad ah ayaa la bixiyaa, markaas todobaadka u dambeeya ee la codsanayo EB waa todobaadka dhammaanaya Febraayo 20, 2021.

  11. Sidee loo go’aamiyaa inta ay tahay Dheefta La kordhiyay (EB)?

    EB waxaa lagu bixiyaa isla heerka lacag bixinta adiga oo joogto u sheeganayo. Cadadka faa’idada isbuuclahaaga waa 1.25% ee daqliyada guud ee wadarta aasaaskaaga sannadka. Sida waafaqsan sharciga Oregon, kama yaraaneyso cadadka ugu yaran ama ugu badan ee aad heli kartid.​ Hadeer, isbuuclaha ugu yar waa $157 iyo isbuuclaha ugu badan waa $673.


    Aasaaska sannadka waa muddo 12-bilood ee laga sameeyay afarta ugu horeyso ee shanta ugu dambeysay ee la dhameystiray sadexdii bilood. Waxay ku saleysantahay taariiqda aad xareysay codsiga sheegashooyinkaaga, ma ahan taariiqda aad noqotay shaqo la’aan. Haddii aadan u qalmin sheegasho adiga oo isticmaalayo aasaaska sannadka joogtada ah si toos ah ayaan u eegeynaa sheegashadaada si aan u aragno haddii aad u qalantid heerka aasaaska sannadka.
    Rubaca kaleendarka waa muddo 3-bilood ah oo dhammaanyo Maarso 31, Juun 30, Sebteembar 30, ama Diseembar 31.

  12. WQaan u qalmaa sheegashada joogtada ah ee cusub, laakin sheegashadeyda hore way ka yara sareysaa Cadadka Faa’idada Isbuuclaha. Ma ku soo xarayn karaa Dheefaha La kordhiyay (EB) sheegashadayduu hore?

    Maya, EB waxaa keliya oo laga soo xarayn karaa sheegashadiiu dambaysay ee ansaxa ahayd haddii aanad lahayn u qalmid kale gudaha Oregon ama gobol kasta oo kale

  13. Miyaan kala dooran karaa Dheefaha La kordhiyay (EB) iyo caawimada Safmarka Shaqo la’aanta (PUA)?

    Maya, PUA waxaa la heli karaa kaliya haddii aadan u qalmin caymiska shaqo la'aanta joogtada ah ama kordhin kale. PUA wakhtigeedu waxa uu dhacayaa Maarso 13, 2021.

  14. Ma haystaa todobaad cusub oo sugida ah Dheefaha La kordhiyay ?

    Maya, EB ma laha todobaadka sugida oo gooni ah.

  15. Maxaa dhacaya haddii ay iga dhammaanto Dheefaha La kordhiyay (EB) dheefaha oo aanan weli helin shaqo?

    Haddii ay dhammaato EB oo aadan u qalmin sheegasho cusub ee gudaha Oregon ama gobol kale, waxaad u qalmi kartaa Caawinta Shaqo la’aanta Cudurka safmarka (PUA). In kastoo Barnaamijka PUA ay muddadiisu dhici doonto si degdeg ah, maaliyada waxaa la heli karaa todobaadka dhexdiisa dhammaanaya Maarso 13, 2021.

    Waxaad ka codsan kartaa barnaamkijkan PUA Codsigayaga. PUA waxay leedahay sababo gaar ah oo la xiriiro COVID-19 ee ah inaad buuxisid. Waa inaad shaqada ugua maqnaataa sabab la xiriirto COVID-19 oo aadan u qalmin faa’idooyinka shaqo la’aanta kale ee walba.

  16. Waa maxay shuruudahayaga raadinta shaqada marka aad helayso Dheefaha La kordhiyay (EB)?

    EB ma lahan sharuudaha gaarka ah ee shaqo raadinta, si kastabada, waad sii wadi kartaa sida xigta hagida ay bixiyeen waaxda iyo sharciyadeena ku meelgaarka ah ee COVID-19. Waan ku soo ogeysiineynaa sharuudaha raadinta shaqada markii sharciyada ku meelgaarka COVID-19 uu dhaco ama uusan markale shaqeyneyn.


  17. Miyay jiraan wax shuruudo gaar u ah Dheefaha La kordiyay (EB

    Haa. Shakhsiyaadka heliaya EB waa inay diyaar u ahaadaan inay aqbalaan shaqada ay kari karaan ama qaban karaan ee bixisa ugu yaraan mushaharka gobolka ugu yara ama qadarka ka badan dheefahaaga todobaadlaha ah. Haddii aad diido shaqada lagu siiyay duruufahan hoostood, waxaa laguu diidi doonaa dheefaha ilaa aad shaqayso afar (4) todobaad oo aad shaqaysato afar wakhti qadarkaaga dheefta todobaadlaha ah. Ka shaqeynta iskaa u shaqeysiga ma qancineyso sharuudaan.

  18. Waxaan ku noolahay Oregon oo ku lahaa sheegasho halkaan sannadka tagay, laakin sheegashooyinkeyga ugu dambeysay ee ansaxa ah waxaa lagu xareeyay Idaho. Halkeen ku soo xareeyaa Dheefaha La kordhiyay (EB)?

    Waxaad ku xareyneysaa EB gobolka halka aad ku aasaastay sheegashadaada ugu dambeysay ee ansaxa ah. Xaaladaan, waxaad kala xiriireysaa Idaho si aad u xareysid EB.

  19. Waxaan haystaa sheegasho Oregin ah, laakiin waxaan ku noolahay gobol aan laga heli karin Dheefaha La kordhiyay (EB). Miyaan weli heli karaa dheeftan

    Shaqsiyaadka ku nool gobolka ee aan la daarin EB waxaa kaliya oo ay u qalmaan inay helaan labo isbuuc EB ah. Waad u qalmi kartaa inaad heshid faa’idooyinka EB ee dheeraadka ah haddii gobolkaaga kadib bilowdo kordhinta.

  20. Sidee ayaan ula socon karaa macluumaadka shaqo la'aanta iyo isbadelada dheefta

    Ku biir warbixinaha cusub ee iimaylkayaga laga soo diro https://www.unemployment.oregon.gov

CAAWINTA MUSHAARADA QASAARAY (LWA)

  1. Waa maxay barnaamijka Kaalmada Mushahar La Waayay (LWA)

    Barnaamijka Kaalmada Mushahar La Waayay (LWA) waxaa weeye barnaamij xaalada degdeg ah oo siiya $300 oo dheeraad ah todobaadkii dadka shaqada ku waayay safmarka COVID-19 ee qaata gunada bilaa shaqada. LWA waxa lagu ansixiyay Agoosto 8, 2020 Wareegto Madaxweyne.

  2. Lacag intee le'eg ayaad heli karaa todobaad kaste?

    Dadka u qalma LWA waxay heli doonaan $300 oo dheeraad ah marka laga tago gunadii bilaa shaqada.

  3. Imisa todobaad ayaa lagu qaadan doonaa barnaamijkan?

    Barnaamijka LWA waxa uu isticmaalaa ilaa $44 bilyan oo deeqda kafaale qaadka masiibada ah. Barnaamijka waxaa la qaadan doonaa mudada Julaay 26, 2020, ilaa Sebteember 5, 2020. Oregon waxaa loo ansixiyay inay bixiso lix todobaad $300 oo lacag ah oo ay la socoto gunooyinkii reer Oregon ay qaadan jireen ee gunooyinka bilaa shaqada inta u dhaxaysa Julaay 26 ilaa Sebteember 5.

  4. Yaa u qalma LWA?

    Qof kasta oo xareeyay gunada bilaa shaqada ahi uma qalmo lacagtan. Si aad ugu qalanto barnaamijkan, waa inaad:

    Miyaad qaadatay wax gunooyinka bilaa camalka ah wax kamid ah todobaadada mudada u dhaxaysa Julaay 26, 2020, ilaa Sebteember 5, 2020, iyo

    Ma cadaysay inaad bilaa shaqo tahay ama inaad wakhti kooban uun shaqayso khalkhalka COVID-19 dartiis. Tani waxay u baahan tahay talaabo cusub oo dadka qaata ah wakhtigan gunooyinka bilaa shaqada caadiga ah, Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdeg ee Safmarka (Pandemic Emergency Unemployment Compensation, PEUC), iyo Gunooyinka La Balaadhiyay (Extended Benefits, EB). Dadka qaata Kaalmada Bilaa Shaqada Safmarka (Pandemic Unemployment Assistance, PUA) loogama baahna inay xaqiijiyaan maadaama oo hore loo xaqiijiyay markii kowaad ee ay dalbadeen gunooyinka PUA.

  5. Miyaa dadka looga baahan yahay inay dalbadaan LWA

    Maya. Waxaa jira arji gaar ah oo barnaamijka LWA ah. Dadka buuxiya shuruudaha is cadaynta waxa ay u qalmi doonaan gunooyinka LWA ee dheeraadka ah. Shakhsiyaadka qaadanaya gunooyinka waxay u baahan doonaan is cadayn inayna shaqaynin, inay wakhti kooban shaqeeyaan, inayna shaqayn karin, ama inay waayeen shaqo khalkhalka uu keeney COVID-19 dartiis. Waxay tani uga baahan doontaa talaabo cusub dadka iminka qaata gunooyinka bilaa shaqada caadiga ah, PEUC, iyo EB.

  6. Maxay ka dhigan tahay is cadaynta?

    Shakhsiyaadku waa inay is cadeeyaan hal mar inayna shaqaynin, inay mudo kooban shaqeeyaan, ama inayna awoodin ama ay waayeen shaqo khalkhalka COVID-19 dartiis.


    Dadka loo ogolaado PUA hore ayaa loo xaqiiyay marka ay dalbanayaan. Dadka qaata PUA waxay sidoo kale ka jawaabayaan su'aalo todobaadle ah oo ku saabsan u qalankooda si shakhsiyaadkan ay hore ugu buuxiyeen shuruudaha is xaqiijinta LWA.

    MUHIIM: Waa inaad is xaqiijisaa ugu danbayn Diseember 27 si aad u qaadan karto lacagta LWA!

  7. Halkee ayaan u qabanayaa LWA?

    Si aad isku xaqiijiso, qabo Nidaamka Sheegashada Onleynka ah (Online Claim System, OCS) oo waxa aad riixdaa badhanka ay ku qoran tahay "Kaalmada Mushaharka La Waayay (Lost Wage Assistance).” Xasuusnaw, weli waa inaad gudbisaa dalabka todobaad kasta ee gunooyinka kadib marka aad is cadayso. Tilmaamaheena talaabo-talaabada ah ee LWA ayaa ku tusaya sida aad onleyn ahaan isku xaqiijinayso.

    MUHIIM: Waa inaad is xaqiijisaa ugu danbayn Diseember 27 si aad u qaadan karto lacagta LWA.

  8. Sidee ayay wax noqonaysaa hadii aanan lahayn PIN ama aanan xaraynin gunooyinka caymiska bilaa shaqada?

    Hadii aanad lahayn PIN waxay taasi u badan tahay inay ka dhigan tahay in aanad weli gudbin dalabka. Waa inaad xaraysaa dalabka hore. Ka xaree dalabka halkan ama la hadal 877-345-3484.

  9. Waxa aan ku jiraa Work Share oo ma lihi PIN. Sidee ayaan isku cadeeyaa?

    Hadii aad ku jirto Work Share oo aad u qalanto LWA, lagaagama baahna inaad is cadayso. Cida aad u shaqayso ayaa ku cadayn doonta.


    Cida loo shaqeeyo ee ku jirta Work Share waxaa looga baahan yahay inay iimeel u diraan OED_workshare@oregon.gov si ay u xaqiijiyaan in laga yareeyay saacadaha shaqada taas oo uu keeney COVID-19.

  10. Sidee ayay wax noqonaysaa hadii aanan xaraynin gunooyinka caymiska bilaa shaqada? Mudo intee le'eg ayay tahay inaan xareeyo gunooyinkan?

    Waa inaad xaraysaa caymiska bilaa shaqada oo aad dalbataa gunooyinka wixii ka danbeeya Julaay 26, 2020, si aad u cadayso inaad bilaa shaqo ahayd ama inaad mudo kooban shaqayn jirtay COVID-19 dartiis. Xaree dalabka onleynka ah ama la hadal 877-345-3484.

  11. Maxaa la iiga baahan yahay in aan sameeyo si aan u qaato lacagta LWA?

    Waxa aad buuxisaa dalabkaaga todobaadkii sidii hore aad u buuxin jirtay. Waxaa lagu waydiin doonaa hadii aad bilaa shaqo tahay, aad mudo kooban shaqayso, aanad awoodin ama aad wayday shaqo khalkhalka COVID-19 dartiis.

  12. Mudo intee le'eg kadib marka aan is cadeeyo ayaan qaadan doonaa lacagta?

    Hadii aad is cadaysay ugu danbayn Diseember 27, 2020 waxaa aad qaadan doontaa gunooyinka LWA marka aanu sidaa u go'aamino hadii aad buuxiso shuruudaha barnaamijka IYO hadii la heli karo lacagta.

  13. LWA ma isla barnaamijka bixiya $600 ee todobaadkiibaa ee hoos yimaada Kaalmada, Sama Falka, iyo Sugida Dhaqaale ee Coronavirus (Coronavirus Aid, Relief, and Economic Security, CARES) Act?

    Maya. $600 ee todobaadkii ee lagu qaato CARES Act waxay ku eekeyd Julaay. LWA waxay leedahay shuruudo kale oo u qalan oo lacagta la hayaana way kooban tahay ee goboladu wadaagayaan ee la dalbaday ee la ansixiyay.

    Si aad ugu qalanto gunooyinka federalka todobaadkii ee dheeraadka ah, Hay'ada Maamusha Xaalada Degdeg ah ee Federalka (Federal Emergency Management Agency, FEMA) iyo Waaxda Maraykanka ee Shaqaaluhu (U.S. Department of Labor) waxay shardi ka dhigtay in la cadeeyo ugu danbayn Diseember 27, 2020.

  14. Ma jirtaa xadi gunooyin ugu yar ah oo todobaadkii oo ay tahay in aan qaato si aan u helo LWA?

    Barnaamijka LWA waxa uu u baahan yahay inaad qaadato ugu yaraan $100 oo gunooyinka todobaadkii ah. Maadaama oo xadiga gunada todobaadkii ee Oregon ee ugu yar ay ka badan tahay $100 inta LWA loogu baahan yahay, tani maaha wax khuseeyo dadka reer Oregon ee dalbaday.


    Waxaa jira dadka qaata wax ka yar $100 todobaadkii gunada caymiska bilaa shaqada, PUA, PEUC, ama EB maadaama oo gunooyinkoodu loo yareeyay maadaama oo laga jaro lacagta taageerada ilmaha, cashuurta, ama dakhliga. Waxay weli u qalmi doonaan $300 oo dhan ilaa inta ay u qalmaan inay helaan ugu yaraan $1 guno ah kadib marka laga jaro.

  15. LWA miyaa la cashuurayaa?

    Haa. Lacagaha LWA waa la cashuuraa sida uu dhigayo sharcida federalku, sida gunooyinka caadiga ah ee Caymiska Bilaa Shaqada (Unemployment insurance, UI) ama PUA. Hadii lagugu leeyahay gunooyin kale, markaa waxaa sidoo kale lagaaga jarayaa gunooyinka LWA.

  16. Hadii hore aan u qaatay gunooyinkayga laga bilaabo Julaay 26, 2020, ilaa Sebteember 5, 2020, miyaan qaadan doonaa gunada dheeraada ah ee LWA?

    Haa. Gunada dib loo bilaabay ee LWA waxaa dadka qaadanayaa u qalmaan lacag bilaabo todobaadka Julaay 26, 2020. Laakiin, hadii aad shaqada ka tagto wixii ka danbeeya todobaadka Julaay 26, 2020, waxa aad kaliya qaadan kartaa LWA todobaadka aad u qalantay gunooyinka bilaa shaqada ee aad buuxiso shuruudaha u qalanka LWA.

  17. Hadii Waaxda Shaqada ay go'aamiso in aan u qalmo todobaadka ka horeeya bilaa shaqada kadib marka uu dhamaado barnaamijka LWA, miyaa la i siin doonaa gunada todobaadkaa ee LWA?

    Waaxda Shaqaalaha waxay siin kartaa gunooyinkan qof kasta oo la xaqiijiyay kahor Diseember 27, 2020 ilaa inta la heli karo lacag ama ilaa Maarso 27, 2021.

  18. Waxaa iminka isoo gaadhay wargelin sheegeysa in la iiga baahan yahay in aan isku cadeeyo Kaalmada Mushaharka La Waayay. Miyaa qof kasta loosoo diraa tan?

    Maya. Macaamiisha PUA ayaa loo soo dira wargelintan maadaama oo ay xaqiijiyeen in COVID-19 uu sameeyay markii ay dalbanayeen todobaad kasta gunooyinka.

  19. Waxaa iminka isoo gaadhay wargelin sheegeysa in la iiga baahan yahay in aan isku cadeeyo Kaalmada Mushaharka La Waayay. Hore ayaan u sameeyay, miyaa la iiga baahan yahay in aan mar kale is cadeeyo?

    Maya. Kaliya waxa aad is cadaynaysaa mar kaliya. Waxaa wargelintan loo diraa dhamaan dadka dalbanaya ee reer Oregon ee aan is cadaynin weli. Waxaa macquul ah in aad is cadaysay inta u dhaxaysay mudada lasoo diray wargelinta iyo marka ay kusoo gaadhay.

  20. Sidee ayay wax noqonayaan hadii aan qaadatay gunooyinka LWA laakiin markii danbe natiijadu noqotay in aanan u qalmin?

    Hadii aad qaadatay Kaalmada Mushaharka La Waayay (LWA) oo aanad u qalmin, waxaa lagaaga baahan yahay inaad u gudo gunooyinkan Waaxda Shaqaalaha Oregon.


    Waxa aad dib ugu gudi kartaa adiga oo dooranaya ikhtiyaarka Bixi Lacag (Make a Payment) ee Nidaamka Sheegashada Onleynka ahama jeeg ahaan. Fadlan waxa aad ku qortaa jeegaaga LWA-Oregon Employment Department, waxaa aanad ku dartaa lambarkaaga aqoonsiga macmiilka (customer identification number. CID) oo waxa aad ku qortaa LWA aaga macluumaadka ee jeegaaga. Waxa aad boosta ugu soo dirtaa heegaaga shakhsi ahaaneed:

    LWA – Oregon Employment Department
    PO BOX 5307
    Portland, OR 97228-5307


    Hadii aad gunooyin ka heshey LWA oo laguugu soo diray jeeg warqad ah oo aad weli hayso jeegaas aanu sida khaldan kuugu soo qornay, waxa aad jeegaas dib noogu doo diri kartaa boosta:

    Oregon Employment Department

    PO BOX 14130

    Salem OR 97309

  21. Sidee ayay wax noqonayaan hadii aanan isku cadaynin LWA?

    FEMA ama Waaxda Maraykanka ee Shaqaalaha waxay ku waajibisay in qof kastaa uu isku cadeeyo LWA ugu danbayn Diseember 27, 2020 si uu u heli karo gunooyinka dheeraadka ah ee federalka todobaadkii. Hadii AANAD is cadaynin laakiin aad qaadato gunooyinka Caymiska Bilaa Shaqada inta u dhaxaysa Julaay 26, 2020 iyo Sebteember 5, 2020 uma qalmi doontid lacagta dheeraadka ah ee $300.

BWYW

  1. Waxa aan maqlay inay jiraan wax ka badal lagu sameeyay barnaamijka Benefits While You Wait (BWYW) Maxaa dhacay?

    Waaxda Shaqada Maraykanka (U.S Department of Labor) ayaa sheegtey in Waaxda Shaqaalaha Oregon in aanaan u wadi karin BWYW si sidii hore u balaadhan.

  2. Weli maan helin wax guno ah laakiin waxaa ay ii sheegtey Waaxda Shaqada Oregon in aan u qalmo BWYW.

    Waan ka xumahay in laguu sheego in aad u qalabto barnaamijkan. In kasta oo macluumaadka wakhtigaas lagu siiyay uu run ahaa, Oktoobar 13, Waaxda Shaqaalaha Maraykanku waxay sheegtey inay barnaamijkaas joojisay. Nasiib daro kama shaqayn karno dalabkaagii BWYW.

  3. Miyay soo nqoon doontaa BWYW dib?

    Maya. U malayn mayno in Waaxda Shaqaalaha Maraykanu ay badali doonto tilmaamahan.

  4. Hadii aan iminka qaado BWYW miyay gunooyinkaas joogsan doonaan marka ay tilmaamaha Waaxda Shaqaalaha Maraykanka?

    Maya. Hadii aanu hore kuu siino gunooyinkan, waanu sii wadi doonaa. Si kale marka loo dhigo, tilmaamaha cusub waxa ay xadidayaan sida guud ee aanu u isticmaali karno BWYW ee aanu dadku ugu bilaabo karno in gunooyinka aanu siino wixii ka danbeeya Oktoobar 13. Saamayn kuma laha dadka hore u qaada gunooyinka BWYW.

  5. Yaa iminka qaadan kara BWYW tilmaamaha cusub ee Waaxda Shaqaalaha Maraykanka?

    Waxa aad qaadan kartaa BWYW hadii aad ku jirto xaalada "sii wadida dalabka". Taasi waxay ka dhigan tahay in aanu ku siino gunooyinka laakiin dalabkaaga waa la joojiyay maadaama oo aanu su'aal ka qabno. Waxa aanu bilawnay in aan naqdino xaalada "sii socodka dalabka" oo waanu kula soo xidhiidhi doonaa hadii aanu u baahano macluumaad dheeraad ah.

  6. Sidee ayay noqonaysaa hadii aad ogaataan in aanan u qalmin BWYW oo aanad lacagta i siisaan?

    Hadii la ogaado in aanan u qalmin Caymiska Bilaa Shaqada (Unemployment Insurance, UI) ama barnaamij guno kale, oo aad ka hesho gunada BWYW, waxay noqonaysaa lacag aanad halayn oo lagu siiyay. Waxa sharciyan nagu waajib ah in aan dalbano in nooloo gudo lacagtaas.

SU'AALAHA CAYMISKA SHAQO LA'AANTA GUUD (UI)

  1. Sidee ayaa u heli karaa faa’idooyinka shaqo la’aanta?

    Ka hor COVID-19, waxaad heli kartay 26 isbuuc sannadkii oo faa’idooyinka sahqo la’aanta joogtada ah. Hadeer, sababtoo ah Xeerka CARES, waxaad heli kartaa 13 isbuucyo oo faa’idooyin badan ee PEUC. Sababtoo ah qiimaha shaqo la'aanta aad ayuu u sareeyaa, waxaa sidoo kale jiro kordhinada faa’dooyin kale ee la heli karo, marka dad badan ayaa u suurtogeli karto illaa 59 isbuucyo guud ahaan haddii ay u qalmaan isbuuc walba.

  2. Intee lacag ah ayaan ku helayaa faa’idooyinka shaqo la’aanta isbuuclaha?

    Faa’idooyinka shaqo ka’aanta isbuuclaha caadi ahaan waa 1.25% ee daqliyada shaqaalaha ee dhaafsan muddadad 12-bilood. Tusaale ahaan, shaqaalaha helaa $12.50 saacadii, oo shaqeynayay 40 saacadood isbuucii oo sannadkii la soo dhaafay wuxuu helayaa $325 isbuucii oo faa’idooyinka shaqo la;aanta. Lacag bixinta faa’idooyinka shaqo la’aanta joogtada ah ee ugu yar wa $151 isbuucii. Ugu badnaan waa $648 isbuuciiba. Wixii sheegashooyinka koowaad ee cusub ee la xareeyay Juun 28 ama ka dambe, ugu badnaan waa $157 iyo ugu badnaan waa $673.

    Cadadka faa’idada isbuuclaha PUA waxaa lagu xisaabiyaa isla qaabka sida faa’idooyinka shaqo la'aanta joogtada ah, laakin PUA qabaan ugu yaraan lacag bixinta ugu sareyso. Faa’idooyinka PUA ee ugu yar waa $205 isbuuciiba. Ugu badnaan waa $648 isbuuciiba.

    Iyo Xeerka CARES, qof walba wuxuu helayaa faa’idooyinka shaqo la’aanta oo isbuuca la siiyay sidoo kale waxay helaan dheeraadka $600 ee isbuucaas. Tani waxay quseysaa kaliya muddada waqtiga Maarso 29, 2020 illaa Luuliyo 25, 2020.

  3. Waxaan helay ogeysiin ku saabsan faa’idooyinka shaqo la’aanta oo aanan xareynin. Waxaan u maleynayaa in qof xaday aqoonsigeyga oo ku codsaday faa’idooyinka shaqo la’aanta. Maxaan sameeyaa?

    Dadka matalayo qiyaanada waxay ka faa’ideysanayaan cudurka safmarka fayraska corona inay ku xareeyaan sheegashooyinka faa’idooyinka shaqo la’aanta iyada oo la isticmaalayo magacyo iyo warbixinta shaqsiga ee dadka aanan xareysan sheegashooyin. Dadka reer Oregon waxay wax ka barteen qiyaanada markii ay helaan ogeysiinta ka imaaneyso xafiiska faa’idooyinka shaqo la’aanta gobolka ama badroonigooda wax ku saabsan arjigooda la matalay.

    Haddii midaan ay kugu dhacdo, waxay la micna tahay in qof si qalad ah u isticmaalayo warbixinta shaqsiga, oo ay ku jiraan inta ugu badan labadaba lambarkaaga Amniga Bulshada iyo taariiqda dhalashada. Muhiim ayay kuu tahay inaad dhaqso ka falcelisid. Waxaa jiro afar tallaabo aad qaadi kartid si ay kaaga caawiso illaalada dhaqaalahaaga iyo deyntaada:

    1. Ku soo wargeli qiyaanada Waaxda Shaqada onleenka ee www.workinginoregon.org.
    2. Ku soo wargeli qiyaanada badroonigaaga.
    3. Booqo www.IdentityTheft.gov si aad ugu wargelisid qiyaanada FTC oo aad caawin uga heshid tallaabooyinka xiggo muhiimka ah ee soo kabsiga. Kuwaan waxaa ku jiro saarida digniinta qiyaanada bilaashka ah, oo hal sanno ee deyntaada, helida wargelinada deyntaada bilaashka ah, iyo xiritaanka akoono walboo qiyaano ah ee lagu furay magacaaga. IdentityTheft.gov sidoo kale waxay kaa caawinayaan inaad ku dartid digniinta qiyaanada la kordhiyay ama hakinta deynta ee wargelintaada deynta. Kuwaan waxay aad u adkeeyaan in tuuga aqoonsiga ku furto akoono cusub magacaaga.
    4. Dib u eeg wargelinadaada deynta inta badan. Wixii sannadka xiggo, waxaad ka fiirin kartaa wargelintaada qaladaad isbuuc walba oo si bilaash ah www.AnnualCreditReport.com.

    Waxaad u baahantahay inaad ka ogaatid dhoor waxyaabo muhiim ah oo kale:

    Haddii qiyaanoolaaha ku guuleysto inuu helo lacag bixinada shaqo la’aanta, waxaa caadi ahaan lagu shubaa akoonada maamulo matalaha. Laakin mararka qaar lacag bixinada waxaa loo diraa akoonka qofka dhabta ah badelkii. Haddii midaan kugu dhacdo, qiyaanoolayaasha way soo wici karaan, fariin soo diraan, ama i-meel si ay isugu dayaan inaad u soo dirtid lacagta iyaga. Waxay iska dhigi karaan Waaxda Shaqada Oregon oo dhahayaan in lacagta si qalad ah lagu soo diray. Tani waxay tustaa sida “qiyaanada lacag wareejinta.”

    Haddii aad heshid faa’idooyin marnaba aadan codsan, ku soo wargeli Waaxda Shaqada Oregon. Haka jawaabin wacitaanada, i-meelada, fariimo qoraalka, ama fariimaha warbaahinta bulshada oo kuu sheegeyso in lacagta fiilada, soo dir caash, ama geli lacagta kaararka hadiyada. Waaxda Shaqada Oregon marnaba kuma weydiineyso inaad dib ugu soo celiso lacag qaabkaas, oo marnaba kuma weydiinayaan warbixinta aqoonsigaaga shaqsiga oo dhinaca warbaahinta bulshada. Qof walba oo kuu sheego inaad sameysid waxyaabahaas waa qiyaanoole. Waqti walba.

    Wixii warbixin ah ee qiyaanada iyo qiyaanooyinka la xiriiro masiibooyinka COVID-19, fiiri www.oregonconsumer.gov/COVID-19.

  4. Waxaan ku helay jeega UI ee qof kale boostada oo halkaan kuma noola markale. Maxaan ku sameeyaa jeeguada?

    Fadlan dib noogu soo celi (waxaad u baahaneysaa inaad bixisid istaambada) ee PO Box 14135, Salem, OR 97309-5068. Ama waxaad ku dajin kartaa xarunta deegaanka WorkSource. Goobaha xarunta WorkSource waxaa laga heli karaa halkaan: worksourceoregon.org/Centers.html

  5. Waxaan maqlay in dowlada faderaalka ama Gofanatoore Brown inay ka dhaafeen isbuuca sugitaanka. Maxay midaan iila micna tahay aniga?

    Ka hor COVID-19, sharciga gobolka wuxuu u baahnaa inaad sugtid hal sitimaan oo shaqo la’aan ah ka hor inta aadan bilaabin helitaanka faa’idooyinka wax shaqo la’aan ah. Tani waxaa loo yaqaan isbuuca sugitaanka’. Weli waa inaad xareysaa sheegashada isbuucaas.

    Sharciyada dhawaan la badelay iyo gobolada hadeer way ka dhaafi karaan isbuuca sugitaanka si markaas dadka u heli karaan faa’idooyin hal isbuuc dhaqsi ah. Waan ka shaqeyneynaa inaan ku cusbooneysiino aqbaartaan nidaamkeena kumbuyuutarka. Nasiib daro, waxaan filaneynaa inay qaadato dhoor isbuuc. Markii aan sameyno aqbaarta, waxaan kuu soo direynaa faa’idooyinka aan nagu leedahay isbuucaas koowaad. Waan soo dhigeynaa aqbaar halkaan sida ugu dhaqsiha badan oo suurtogalka ah oo aan mid helno.

  6. Su’aasheyda maysan ka helin jawaab halkaan. Maxaan sameyn karaa?

    Isku day boggeena Illaha. Haddii aadan arkin waxa aad ka raadineysid halkaas, fadlan ka weydii su’aalahaaga ee boggeena Facebook. Waxaan si dhow u kormeereynaa warbaahinta bulshada, iyo ku darista inta ugu badan su’aalaha ugu caadisan oo aan halkaas ugu aragno boggaan.

  7. (English) I was told I am not eligible for unemployment due to my retirement annuities (e.g., IRA accounts, PERS, FERS, etc.) Does receiving a retirement annuity make me ineligible?

    Federal and state laws require that weekly benefits (UI and PUA) be reduced by the amount of retirement benefits someone receives (other than Social Security) if the benefits are from a program that is paid into by an employer the person worked for in their base year. So it is not categorical and requires a case by case review.

    For example, if someone is getting PERS benefits, and works for any employer that contributes to PERS during their base year, then the retirement amount does reduce, and in many cases eliminate, their weekly benefits. If they are getting PERS retirement benefits but did not work during their base year for any employer that contributes to PERS, then the retirement income does not impact their weekly benefit eligibility.

    You can find more information at https://www.oregon.gov/employ/... under the “How does retirement pay affect by benefits” question.

  8. (English) I got a letter saying I need to submit proof of authorization to work. How do I do that?

    If you got a letter from us asking for proof of authorization to work, the quickest way for us to process that is if you submit it through our Contact Us form. Pick the "Worker authorization documentation" option and upload your document(s).

Mulkiilayaasha Ganacsiyada

  1. Waa maxay Qorshaha Ilaalinta Lacag Bixinta (PPP)?

    Barnaamijka Ilaalinta Jeegga Mushaarka (PPP) waxaa ansixiyay Kongareeska ka qayb ahaan Xeerka Gargaarka, Caawimadda, iyo Sugnaanta Dhaqaalaha ee Korona Fayraska (CARES Act). Marka laga hadlayo PPP iyo macaashyada caymiska shaqa-la'aanta ee batrooniyada ama shaqaalaha, ma jirto jawaab ku habboon wax walba. Su'aalaha Aalaaba La Isweydiiyo (FAQs) ee hoos ku qoran waa hagid kaa caawineysa inaad fahanto goorta ay tahay inaad u soo sheegto lacagaha PPP dakhli ahaan.

  2. Haddii aan helay amaahda PPP, miyaan sidoo kale heli karaa caymiska shaqa-la'aanta?

    Way kala duwan tahay. Amaahda PPP waa sida amaahyada kale. Qaadashada amaahda kaama hor istaageyso inaad hesho macaashyada Caymiska Shaqa-la'aanta (UI) ama Kaalmada Shaqa-la'aanta ee Safmareenka (PUA). Haddii aad u isticmaasho lacagaha amaahda PPP inaad adigu qaadato, markaa lacagta aad adigu qaadato waxaa loo arkayaa dhakhli ahaan, sida iyadoo aan lacagaha PPP la isticmaalin.

    Haddii aad u isticmaasho amaahda PPP inaad ku bixiso kharashaad ganacsi (sida kirada goobtaada ganacsi, qalabka xafiisyada, agabyada ama xayeysiinta ganacsigaaga, iwm), taasi kama dhigno inaad adigu qaadanayso. Haddii aad u isticmaasho amaahda PPP inaad ku bixiso kharashaad aan ganacsi ku bixin , sida bixinta kharashka gaarigaaga gaarka ah, raashiinka ama kharashaadka la midka ah, kuwaas waxaa loo tixgeliyaa inay yihiin lacago aad qaadatay waana la soo sheegi karaa.

    Haddii aad u isticmaaleyso lacagahaaga amaahda PPP inaad ku bixiso kharashaad shaqsiyeed, jawaabtu waa ‘haa’ u-qalanto inaad heli karto macaashyada caymiska shaqa-la'aanta. Waa ‘haa’ ilaa iyo inta aanad kasbaneyn ka badan caddada macaashkaaga toddobaadlaha ah. Tusaale ahaan, haddii caddada macaashkaaga toddobaadlaha yahay $300 oo aad kasbatid $301 hal toddobaad, ma heli doontid macaash toddobaadkaas.

  3. Waxaan ahay iskiis u shaqeyste waxaana qataa qaansheegashada PUA. Ma inaan ku soo sheegaa lacagaha aan ka helay amaahdayda PPP qaansheegashadayda toddobaadlaha ah?

    Way kala duwan tahay. Haddii aad u isticmaashay lacagaha Barnaamijka Ilaalinta Jeegga Mushaarka (PPP) keliya inaad ku bixiso kharashaadka ganacsi markaa uma baahnid inaad ku soo sheegto qaansheegashadaada toddobaadlaha ah.

    Haddii lacagaha PPP loogu talagalay isticmaal shaqsiyeed, ama inaad adiga qaadato, markaa waxaa lagaa doonayaa inaad u soo sheegto dakhli ahaan toddobaadka aad isticmaashay. Tusaalooyinka isticmaalka shakhsiyeed waxaa ka mid ah balse kuma xaddidna cuntada, kirada ama amaahda guryaha, lacagaha gaariga, iyo korontada iyo biyaha.

  4. Miyay tahay inaad soo sheegto dakhliyada PPP muddo toddobaadyo/bilo ah ama hal mar?

    Taasi waxay ku xiran tahay marka aad isticmaasho lacagahaaga PPP. Lacagta waa la soo sheegi karaa marka aad u isticmaasho inaad qaadato ama aad ku bixiso deyn aan ganacsi ku bixin. Tusaale ahaan, haddii aad u qaadato hal mar gunno mushaar ahaan, waad soo sheegi doontaa dhammaan wadarta duuduubka ah toddobaadka aad adigu qaadatay. Haddii aad adigu u qaadato mushaar bille ah ahaan adigoo isticmaalayo lacagaha PPP, soo sheeg mushaarka aad adigu qaadato toddobaad kasta oo lagu siiyo. Haddii aad u dirto koontadaada shaqsiyeed waxoogaa lacagaha PPP toddobaad kasta, markaa waxaa lagaaga baahan doonaa inaad soo sheegto lacagahaas la diray toddobaad kasta marka aad sheegato macaashyo.

  5. Ma aanan ugu soo sheegin amaahdayda Barnaamijka Ilaalinta Jeegga Mushaarka (PPP) dakhli ahaan qaansheegashadayda toddobaadlaha ah inkastoo aan anigu qaatay, ama aan si khaldan u soo sheegay. Maxaan sameeyaa?

    Waxaad u baahan tahay inaad saxdo qaansheegashooyinka toddobaadlaha ah marka aad qaadato ama aad u isticmaasho lacagaha PPP si shaqsiyeed. Ku soo gudbi wax-ka-beddel qaansheegashadaada toddobaadlaha ah adigoo adeegsanaya Foomka Dakhliga Guud ee La Cusbooneysiiyay barta unemployment.oregon.gov. Haddii aad sidaas awgeeda xaq u leedahay macaashyo yar, waxaan kuu soo sheegi doonaa lacagaha xad-dhaafka ah. Waxaad u baahan doontaa inaad dib u bixiso haddii ay jirto lacag xad-dhaaf ah. Haddii aad sidaas awgeeda xaq u leedahay macaashyo badan, waxaan ku siin doonaa macaashyadaas xad-dhaafka ah. .

  6. Lacag xad-dhaaf ah ayaan ka helay macaashyada PUA, balse waxaan dhib ku qabaa sidii aan ganacsigayga u sii wadi lahaa. Muddo intee le'eg ayaan ku bixinayaa lacagta xad-dhaafka ah ee macaashyada?

    Inta lagu gudajiro safmareenkan, waxaan ka faa'iideysaneynaa xulashooyinka dabacsan waxaana si aad ah u yareynaynaa ururinada lacagaha xad-dhaafka ah. Marka ay jiraan lacago xad-dhaaf ah, waxaa waajib sharci ah naga saaran inaan isku dayno inaan dib u hantino. Haddii lacagta xad-dhaafka ah adigu aadan sababin, waxaan caadi ahaan ‘dheelitirnaa’ deyntaas annagoo kugu soo celinayna lacagta xad-dhaafka ah innagoo ka goynayna lacagta aad nagu leedahay ee macaashka mustaqbalka. Noocyada kale ee lacagaha xad-dhaafka ah, qaabab kale oo uruurin ayaa noo bannaan. Waxaan sida caadiga ah dejinaa qorshooyin lacag-bixin oo u leh saameynta dhaqaale ugu yar dadka qaata macaashyada. Waxaan gelinay Su'aalaha Aalaaba La Iska Weydiiyo (FAQs) lacagta xad-dhaafka ah mareegtayada.

  7. Haddii batroonigu i siiyo lacagaha PPP, weli ma heli karaa macaashyada shaqa-la'aanta ee toddobaadkaas?

    Way kala duwan tahay. Mushaarkaaga waxaa loo arkaa mid sidiisa ah haddii batroonigu isticmaalo lacagaha PPP, ama il kale oo lacageed, si uu mushaar kuu siiyo. Haddii lagu siiyo macaash ka badan caddada macaashkaaga toddobaadlaha ah (tusaale ahaan, caddada macaashkaaga yahay $300 oo bartoonigaagu ku siiyo $301), jawaabtu waa maya. Haddii batroonigaagu ku siiyo $200 oo lacagta macaashkaagu ay tahay $300, waxaad heli doontaa macaashyada shaqa-la'aanta ee toddobaadkan, inkastoo dakhligaaga mararka qaarkood yareyn karo caddada macaashka ee aad helayso toddobaadkaas.

  8. Waxaan qaataa qaansheegashada UI ama PUA midkood oo ma ihi iskiis u shaqeyste. Waxaan lacag ka helay batroonigayga iyadoo u marayo amaahda Barnaamijkooda Ilaalinta Jeegga Mushaarka ee toddobaadyo aan horay u sheegtay. Miyaan u baahanahay inaan beddelo qiraaladeyda toddobaadlaha ah oo ma u sheegaa lacag-ta(aha) dakhli ahaan?

    Maya. Tani waa dib u bixin mana u baahnid inaad soo sheegto toddobaadyada horey loo sheegtay.

  9. Waxaan qaataa qaansheegashada UI ama PUA midkood oo ma ihi iskiis u shaqeyste. Waxaan lacag ka helay batroonigayga iyadoo u marayo amaahda Barnaamijkooda Ilaalinta Jeegga Mushaarka ee toddobaadykan. Maadaama aanan weli qaansheegan toddobaadka macaashkayga ma waxaa la iiga baahan yahay inaan u soo sheego dakhli ahaan?

    Haa. Tani waxaa loo baahan yahay in loo soo sheego dakhli ahaan marka aad qaansheegato toddobaadka.

BADROONIYADA

Dib u furida ganacsigaaga

  1. Ka waran haddii ay tahay inaan ka saaro shaqada ama si ku meelgaar ah u xiro ganacsigeyga sababtoo ah arimaha la xiriiro COVID-19?

    Shaqaalahaas waxaa u suurtogeli karto inuu helo faa’idooyinka Caymiska Shaqo la'aanta. Faa’idooyinka UI waxaa loo heli karaa kuwa ku jiro shaqo ka saarida ku meelgaarka ah. Faa’idooyinkaan waxay ka dhacaan sheegtayaasha ee badroonigooda joojiyay howlgalka muddo waqti gaaban, sida nadiifinta oo xigtay gaarista fayraska corona, ama sharuuda dowlada. Shaqaalaha way heli karaan faa’idooyinka UI, oo uma baahno inay ka raadiyaan shaqo badrooniyada kale. Waa inay u suurtogashaa inay shaqeeyaan, joogteeyaan xiriirkaaga sida badroonigooda, oo u suurtogaleyso inay shaqeeyaan markii aad dib ugu yeertay shaqada.

  2. Waxaan rabaa inaan siiyo sako shaqaalaheyga. Taasi ma si xun miyay u saameyneysaa faa’idooyinkooda Caymiska Shaqo la’aanta?

    Maya. Lacag bixinta sakada looma tixgelin daqli. Looma baahno in lagu wargeliyo sheegashada isbuuclaha oo faa’idooyinka ah.

  3. Ma heli karaa faa’idooyin haddii aan iskeyga u shaqeyso, qandaraasle, ama qandaraasle madaxbanaan?

    Haa. Xeerka CARES wuxuu u aasaasay barnaamijka daa’idada Caawinta Shaqo la’aanta Cudurka safmarka cusub (PUA) dadka aanan heli karin faa’idooyinka shaqo la’aanta joogtada ah, sida iskaa u shaqeysiga, qandaraaslaha, iyo qandaraaslaha madaxabanaan qaar. Waad xareyn kartaa sheegashooyinkaaga kowoaad iyo isbuuclaha, oo aad heshid alaabaha barnaamijka iyo machadyada halkaan PUA

  4. Sidee ayuu Xeerka CARES u caawiyaa hay’adaha aan faa’ido doonka aheyn, qabiilada, iyo dowladaha hoose?

    Xeerka CARES wuxuu siiyaa maalgelinta faderaalka inay ku daboolaan bar ka mid ah qarashaadka faa’idooyinka la celin karo. Shaqaalaha shirkadahaan way u qalmaan $600 ee isbuuclaha Magdhowga Shaqo la’aanta Cudurka safmarka Faderaalka.

  5. Waxaan ka helay deyn dhinaca Barnaamijka Illaalada Paycheck (PPP) laakin waxaan dhibaato ku qabaa helida inay dhammaan shaqaalaheyga ku soo laabtaan shaqada. Maxaan sameeyaa?

    Waaxda Shaqada uma suurtogaleyso inay kala taliso dadka wax ku saabsan Barnaamijka Illaalada Paycheck. Fadlan la xiriir Maamulka Ganacsiga Yar oo hagida sba.gov.

    Barnaamijka PPP ma saameeyo u qalmida qofka ee faa’idooyinka shaqo la’aanta. Xaqiiqaha saameeyo faa’idooyinka shaqo la’aanta waxaa ku jiro haddii ganacsiga u suurtogaleyso ku shaqeynta sida waafaqsan xukumida ama hagida badbaadada bulshada, cadadka daqliyada ay haystaan markii ku soo laabanayaan shaqada, iyo xaaladaha imaan karo ee la xiriirto COVID-19 oo ka celin karto shaqo ku soo laabashada.

  6. Miyay canshuurteyda kordheysaa haddii dadka badan oo reer Oregon ah u qalmaan oo helaan faa’idooyinka shaqo la’aanta?

    Qiimooyinka canshuurta Caymiska Shaqo la’aanta waxaa la dajiyaa sannadlaha. Go’aaminta xigta waxay dhacdaa Nofeembar ee sannadkaan oo sannadka kaleendarka 2021. Qiimooyinka casnhuurta Caymiska Shaqo la’aanta Oregon waxaa lagu dajiyaa mid ka mid ah sideed qiimo (ama jadwalo) oo ku saleysan heerka lacagaha sanduuqa deeqda si markaas lacagta ugu harto mid ku fillan oo ay sii wado siinta faa’idooyinka kuwa aan shaqeyn oo dhinaca qalad la’aanta iqtiyaarkooda ah.

    Qaabdhismeedkaan canshuurta waxay diyaarsaneyd tobaneeyo sanno, oo waxay ugu adeegtay si wanaagsan shaqaalaha Oregon, ganacsiyada, iyo bulshooyinka oo xaalad walboo dhaqaalaha tan iyo markaas waxay bixineysay labadaba faa’idooyin iyo xasilooni. Iyada oo ay jiraan xaqiiqo badan oo kala duwan ee ku lugleh qiimeynta faa’idada baabuurta ee go’aansato qiimooyinka canshuurta badrooniga UI, bartaan Waaxda Shaqada ma filato isbadelka lama filaanka ahama jadwalka Canshuurta weyn.

  7. Waxaan helay warqad ii sheegeyso in laygu dalacayo. Ma biilbaa? Badrooniyada waxay soo sheegeen helida ogeysiimaha shaqo la’aanta ee shaqaalahooda oo u eg biilasha.

    Aqbaar wanaagsan, ma ahan biil. Waxaan u siinaa warbixintaan badrooniyada sababtoo ah waxaa na looka baahanyahay. Ogeysiinta Eedeymaha Imaan karo waxay ogeysiisaa badrooniyada waxa saameynta ugu badan ku yeelaneyso mustaqbalkeeda “qiimeynta waaya aragnimada” (hal xaqiiq ee loo isticmaalay in lagu go’aansado mustaqbalka qiimaha canshuurta joornaatiga UI) haddii qofka raadinayo faa’idooyinka helo dhammaan faa’idooyinka ay u qalmaan. Qiimeynada waaya aragnimada badrooniga waxaa la xisaabiyaa sannadlaha, oo fiiri muddada waqtiga ee Luuliyo 1 – Juun 30. Sababtoo ah waqtiyeynta fayrsaska corona, saameynta midaan waxay u dhowdahay inay ku faafto sannooyinka canshuurta badan oo dhan, oo yareyneyso isbadelo walboo lama filaan oo balaaran.

Work Share

  1. Waa maxay Barnaamijka Work Share?

    Barnaamijka wuxuu siiyaa badrooniyada badelka aad ka saareysid shaqaalahaaga. Waxay kuu ogolaataa inaad haysatid shaqaale xirfadeysan inta lagu jiro waqtiyada tartiibka ah iyada oo la yareynayo saacadaha shaqada. Shaqaalaha u qalmo ee saacadahooda la yereeyay waxay helaan qeyb faa’idooyinkooda caymiska shaqo la'aanta si loo soo celiyo mushaarada lumay.

    Ka hel warbixin badan ee ku saabsan Barnaamijkeena Work Share. Fiiri xaanshideena xaqiiqda Work Share iyo Work Share FAQs. Barnaamijka Work Share waxay ku hayaan warbixin onleenka oo waxaan kula talineynaa inaad halkaas ka bilowdid www.oregonworkshare.com iyo warbixinta arjiga. Barnaamijkaan wuu kordhiyay badnaanshaha oo waa shaqada-degdega oo nooca sheegashada.

    Sharci dajinta faderaalka waxay bixineysaa lacag celinta faderaalka buuxo oo faa’idooyinka Work Share oo dabayaaqada Maarso illaa Diseembar 2020. Waxaan ku dareynaa shaqaalaha inay buuxiyaan dalabka weyn ee barnaamijkaan ah. Warbixinta xiriirka Work Share:

    1. I-meelka: OED_WorkShare@oregon.gov​
    2. Taleefonka: (503)-947-1800
    3. Taleefon Bilaash ah: (800)-436-6191

    Caadi ahaan, faa’idooyinka lagu bixiyay sida waafaqsan qorshaha Work Share waxay saameyneysaa qiimaha canshuurta UI mustaqbalka badrooniga isku midka la ah sida faa’idooyinka caymiska shaqo la’aanta dhaqanka waxay. Waafaqsanaaneysaa sharci dajinta faderaalka hadeer, si kastaba, waxaa jiro faa’ido dheeraad ah ee badrooniyada lagu isticmaalayo Work Share. Faa’idooyinka Work Share oo Maarso 29 illaa Diseembar 26, 2020 waxaa u lacag celiyay dowlada faderaalka, taas micnaheeda waxay tahay ma saameyneyso qiimaha canshuurta badrooniga.

  2. Intee ayay shaqaalaha ka helayaan dhinaca barnaamijka Work Share?

    Cadadka faa’idada isbuuclaha waxay ku xirantahay daqliga shaqaalaha iyo tirada saacadaha la yereeyay. Haddii saacadaha shaqaalaha waxaa lagu yareeyay boqolkiiba 20%, waxay helayaan 20% oo faa’idooyinka caymiska shaqo la’aanta ay heli lahaayeen haddii ay la kulmaan shaqo ka ceyrin. TUSAALE AHAAN: Haddii Jim caadi ahaan shaqeysid shan maalmood isbuucii oo helay $500, wuxuu hadeer shaqeynayaa afar maalmood isbuucii oo aad ka heshid $400 badroonigiisa. Haddii Jim u qalmo $275 isbuucii oo faa’idooyinka caymiska shaqo la’aanta, wuxuu hadeer helayaa labadaba $400 oo mushaarada ka imaanayo badrooniga iyo $55 ee faa’idooyinka Work Share oo isticmaalka (20% ee $275 oo faa’idooyinkiisa isbuuclaha), oo guud ahaan $455. Shaqaalahaaga wuxuu isticmaali karaa qiyaasaha faa’idada onleenka si aad u ogaatid inta ay u qalmaan inay ka helaan dhinaca Work Share.

  3. Sidee Work Share loo maalgeliyaa iyo miyay saameyneysaa qiimaha canshuurteyda?

    Work Share waxaa caadi ahaan lagu maalgeliyaa isla qaabka caymiska shaqo la’aanta dhaqan ahaan uu yahay, oo dhinaca canshuuraha joornaatiga ee ay bixiyaan badrooniyada. Ka reebida waa badrooniyada qaar ee dowlada, qabiilka, iyo aan faa’ido doonka aheyn taas oo “u lacag celineyso badrooniyada.” Waxay dib u bixiyaan Sanduuqa Deeqda Caymiska Shaqo la’aanta oo faa’ido walba ee lagu bixiyay badelkii canshuurtas.

    Inta u dhaceyso Maarso 29, 2020 iyo Diseembar 26, 2020, dhammaan faa’idooyinka Work Share faderaal ahaan ayaa loo maalgelinayaa. Tani waxay ku jirtaa lacag bixinada dheeraad ah ee lagu helay Magdhowga Shaqo la’aanta Xaalada degdega cudurka Safmarka (PEUC) ama Magdhowga Shaqo la’aanta Xaalada degdega cudurka Safmarka (FPUC). Faa’idooyin walba ee lagu bixiyay dhinaca barnaamijyadaan laguma soo dalacayo badrooniyada canshuur bixinta. Looma soo dirayo badrooniyada lacag celinta.

  4. Miyay shaqaalaha Work Share u qalmaan dheeraad $600 ee usbuuca?

    Haa. Haddii shaqsiga u qalmo Work Share, waxay helayaan lacag bixinta isbuuclaha gooniga ah ee $600 sida waafaqsan barnaamijka Caawinta Shaqo la’aanta Cudurka safmarka Faderaalka (FPUC) (la bixin karo Maarso 29 illaa Luuliyo 25, 2020).

  5. Maxay shaqaalaha sameynayaan inta aad joogtid barnaamijka Work Share?

    Shaqaalaha waxay dhameystiraan labo bog oo fudud codsiga sheegashada hore. Loogama baahno inay raadiyaan shaqo ama gudbi shahaadooyinka isbuuclaha inta aad ku jirtid barnaamijka. Haddii aad haysatid shaqo kale, sheegtaha waa inuu soo wargeliyaa mushaaro walboo dheeraad ah ama daqliga ka imaanayo shaqadaas.

  6. Miyay shaqaalaheyga u suurtogaleysaa inaan isticmaalo fasaxa shaqada la bixiyay sida fasaxa jirada ama fasax qaadashada haddii ay banaanka jiraan ama rabaan inay maalin fasax qaataan si ay u aadaan magaalada?

    Waa inay weli kuu suurtogashaa inaad shaqeysid oo diyaar u ahaatid inaad ka shaqeysid tayada Work Share. Haddii aad u haysid shaqo la heli karo shaqaalahaaga iyo waxay doorteen inaysan ka shaqeynin sabab walba, uma qalmayaan Work Share isbuucaas.

    Markii laga reebo: Haddii shaqaalahaaga dhaafto shaqada sabab la xiriirto COVID-19, fadlan nasoo ogeysii. Waan ogolaaneynaa sheegashadooda isbuuclaha laakin waxay u baahaneysaa in dib loo eego sida waafaqsan jaheynada joogtada ah ee UI, oo ma quseeyo Work Share. Daqliyada qofka waxay sidoo kale saameyn kartaa u qalmidaada ee isbuuca.

    Cusboonaysiinta: Laga bilaabo Agoosto 2, 2020 illaa Diseembar 26, 2020, shaqaalaha wuxuu isticmaali karaa fasax la oggolaaday, oo la isku daray sida saacadaha shaqada ee isbuuca, sida fasax loo qaatay sababo kale, oo ay ka mid tahay in shaqaalaha jiran yahay, daryeelayo qof kale oo buka, wuxuu ku jiraa waajibaadka xeerbeegtida, ama sababo la xiriira COVID-19. Tani ma khusayso fasax loo qaatay ujeedooyin fasax ah.

    TUSAALE: Haddii shaqaale loo qoondeeyay inuu shaqeeyo 40 saacadood isbuucii laakiin uu u baahan yahay inuu banaanka uga maqnaado isbuuca oo dhan sababo la xiriira jirro ama daryeele qof jiran, waa inay adeegsadaan inta u dhexeysa 24-32 saacadood oo ah lacag uruuris si ay ula kulmaan Work Share dhimista saacadaha. Haddii ay qaataan wax ka badan 32 saacadood ama ka yar 24 saacadood, la kulmi maayaan dhimista saacadaha ah 20-40%.

Dib u furida Ganacsiga

  1. Ganacsigeyga dib ayuu u furmayaa. Maxaan u baahannahay inaan sameeyo?

    Gobolka wuxuu qaaday tallaabooyinka degdega ee lagu yareynayo faafida COVID-19, oo sababayo xiritaanka ganacsiga ku meelgaarka ah. Sida howlgalada badan ee ganacsiga wuxuu bilaabay inay caadi ku soo laabato Oregon, xaaladaha waxay ka dhici karaan halka shaqaalaha midkood aysan awoodin ama ku soo laaban shaqada, ama la weydiiyo inay ugu soo laabtaan shaqada oo ay la jirto jadwal la badelay ama tirada saacadaha. Haddii aad diyaar u tahay inaad furtid, laakin aadan soo wada celin karin dhammaan shaqaalahaaga hal jeer, barnaamijka Work Share ayaa u suurtogeli karto inay kugu caawiyaan inay shaqaalaha dib ugu soo celiyaan waqtiga barkii.

  2. Dib ayaan ugu yeeray shaqaalheyga shaqada, si kastaba, qaarkood waxay dooranayaan inaysan soo laaban sababtoo ah dhaqaalo ahaan way wanaagsanyihiin helitaanka faa’idooyinka shaqo la’aanta. Maxaan sameeyaa?

    Haddii shaqaalahaaga uusan ku soo laaban shaqada, oo aysan aheyn sababta kor ku qoran, fadlan nasoo ogeysii. Badrooniyada ma gaari karaan go’aamada u qalmida faa’idada shaqo la’aanta oo shaqaalaha.

  3. Waxaan ugu yeeray shaqaalaha inay ku soo laabtaan shaqada laakin qaarkood waxay dooranayaan inaysan soo laaban sababtoo ah waxay ka cabsanayaan inay gaareyso COVID-19 xittaa inkastoo aaga shaqada raacaan jaheynada dowlada hadeer iyo caafimaadka bulshada. Maxaan sameeyaa?

    Haddiiba aaga shaqada buuxiso jaheynada dowlada iyo caafimaadka bulshada, iyo xaalada halka shaqaalaha sii wadi karo sheegashada faa’idooyinka ma quseyso, shaqaalaha waxaa loo tixgeliyay inay u suurtogaleyso inay shaqeeyaan oo markale aysan u qalmin faa’idooyinka.

  4. Waa maxay xaaladaha halka shaqaalaha sii wadi karaan sheegashada faa’idooyinka shaqo la’aanta haddii aysan ku soo laaban markii dib loogu yeero shaqada?

    Shaqaalaha weli way u qalmi karaan faa’idooyinka shaqo la’aanta haddii ay iska diidaan shaqo ku haboon sabab la xiriirto sababataha COVID-19 sida lagu qeexay sharciyadeena ku meelgaarka. Weli way u qalmi karaan faa’idooyinka shaqo la’aanta haddii ay yihiin:

    • La jiran COVID-19.
    • Si la fillaan ah u gaartay COVID-19 iyo sida quseyso muddada karantiilka qasabka ah.
    • Guri joogida lagu daryeelayo xubinta qoyska, ama dadka kale ee ay la noolyihiin ama ay siiyaan daryeel, kaas oo la dhibaatoonayo COVID-19 ama sida quseyso karantiilka qasabka ah.
    • Aan usuurtogaleynin in uu shaqeeyo sababtoo ah waa inay joogaan guriga si loo daryeelo canuga sabab la xiriirto xiritaanka dugsiyada, bixiyayaasha daryeelka carruurta, ama xarumaha la midka ah sabab la xiriirto COVID-19.
    • La weydiiyay inuu shaqeeyo markii ay u baahaneyso inay iyaga uga falceliyaan rabshad ahaan karantiilka qasabka ah ama jaheynta dowlada.
    • Aan usuurtogaleynin in uu shaqeeyo sababtoo ah waxaa kala taliyay bixiyaha daryeelka caafimaadkooda ama tallada ay soo saareen saraakiisha caafimaadka bulshada oo is karantiilka sabab la xiriirto halista gaarista ama faafinta COVID-19.

    Waan ognahay in dadka qaar inay u suurtogeli karto inay wax badan ku helaan faa’idooyinka isbuuclaha iyada oo lacag bixinada dheeraadka $600 lagu heli karo badelkii ay ku heli lahaayeen iyaga oo shaqeynayo. Si kastaab, kuma laabanayo shaqada sababtoo ah midaas, waxay ka dhigeysaa qofka inuusan u qalmin faa’idooyinka oo waxaa la marsiin karaa lacago dheeraad ah iyo ciqaabo kale. Foomkaan onleenka ahhttps://secure.emp.state.or.us/public/FraudIntake/ waxaa loo heli karaa inuu soo wargeliyo markii shaqaale uusan ku soo laaban shaqada markii la weydiiyay oo AYSAN sabab u aheyn mid ka mid ah asababahaas COVID-19.

  5. Dib ayaan shaqaalaheyga shaqada ugu yeeray laakiin qaarkood way diidayaan sababtoo ah aaga shaqada ma raaci karaan ka fogaanshaha bulsho ahaanta jaheynada ay soo saareen saraakiisha dowlada ama bulshada. Miyay sii wadi karaan helitaanka faa’idooyinka shaqo la’aanta?

    Haddii aaga shaqada aysan raaceynin jaheynada ka fogaanshaha jir ahaanta ee ay soo saareen saraakiisha dowlada iyo bulshada, shaqaalaha wuu sii wadi karaa sheegashada faa’idooyinka isbuuc walba. Heerarka ay soo saareen Dowlada ma ahan qaab ka mid ah noocyada ganacsiyada oo dhan. Oo ay la jiraan amaradeeda, jaheynta heerarka ay ku jiraan ee ay soo saareen Maamulka Caafimaadka Oregon.

  6. Waxaan shaqaalaheyga dib ugu yeeray shaqada laakin qaarkood waxay dooranayaa inaysan ku soo laaban sababtoo ah way cabsanayaan. Maxaa ah inaan sameeyo?

    Sharciyada degdega dabacsanaanta lagu daray ee sida waaxda shaqada u qeexdo helitaanka shaqada, howsha shaqo raadinta, oo u suurtogaleyso shaqeynta. Iyo sharaxaadaha waxay si dhuuqsan ugu xirantahay sababaha la xiriiro Covid-19 (kor ku qoran). Si kastaba, aad isugu dhawaanshaha bulshada ma ahan sababta la xiriirto COVID-19.

    Haddiiba goobtaada shaqo ay raaci karaan jaheynada ka fogaanshaha jir ahaanta ee ay soo saareen saraakiisha dowlada ama bulshada, iyo qofka uusan haynin sababta la xiriirto COVID-19 oo ku soo laabashada shaqada ah, waxaa loo tixgeliyaa inay shaqeyn karaan. Xulashada inaadan ku soo laaban shaqada waxay saameyneysaa u qalmidooda faa’idada shaqo la’aanta. Illaha aan u tixraaceyno jaheynada ay soo saareen saraakiisha dowlada ee caafimaadka bulshada waa Illaha Gofanatooraha COVID-19 ee loogu tallogalay websaydka Hay'ada https://govstatus.egov.com/or-covid-19

Trust Fund Caymiska Bilaa Shaqada iyo Cashuurta Mushaharka

  1. Yaa qaadanaya gunooyinka bilaa shaqada iminka oo aan marka hore qaadan jirin?

    Dadka iskood u shaqaysta, shaqaalaha qandaraaslayaasha ah, iyo dadka aan qaadan mushahar ku filan ama shaqo wanaagsan kuwaas oo hore guud ahaan aan u qalmin gunooyinka UI, laakiin waxay ugu qalmaan Sharciga CARES iyo barnaamijyada safmarka la xidhiidha. Dadka kale ee aan hore u heli jirin gunooyinka laakiin ayaa iminka qaata, tusaale ahaan, dadka shaqo lasiiyay ee lagala noqday COVID-19 dartiis oo ay kamid ahaayeen shaqaalihii la dhimay ama maadaama oo la xidhay meesha.

  2. Miyay cida loo shaqeeyo ee reer Oregon bixinayaan gunooyinka bilaa camalka shaqaale ee aan hore u jirin?

    Maya. Markii uu Baarlamaanku ansixiyay Sharciga CARES, wax uu abuuray oo uu si buuxda u maalgeliyay Barnaamijka Kaalmada Bilaa Shaqada Safmarka (Pandemic Unemployment Assistance, PUA) dadka iskood u shaqaysta, shaqaalaha qandaraaska ku shaqeeya, iyo dadka aan haysan mushahar ku filan ama shaqo wanaagsan taariikhiyan. Barnaamijyada kale ee Sharciga CARES iyo kuwa safmarka la xidhiidha ee ay samaysay oo ay bixisona kharashkooda dawlada federalku waxaa kamid ah:

    • ● Gunada Bilaa Camalka Xaalada Degdeg ah ee Safmarka (Pandemic Emergency Unemployment Compensation, PEUC): Barnaamijkan waxaa weeye gunooyinka UI oo la kordhiyay ilaa 13 todobaad oo waxaanu dhacayaa Diseember 26, 2020.
    • ● Gunooyinka La Kordhiyay (Extended Benefits, EB): Barnaamijkan waxaa weeye gunooyin la kordhiyay 13-20 todobaad mudada bilaa camalku ugu badan yahay. EB waxa si buuxda ay dawlada federalku u maalgelisaa inta u Maarso 19-Diseember 26, 2020 sida uu dhigayo Sharciga CARES. Hadii kale, 50% gunooyinka EB waxaa laga maalgelinayaa UI trust fund.
    • ● Gunada Bilaa Camalka Xaalada Federalka (Federal Pandemic Unemployment Compensation, FPUC): Barnaamijkan wakhtigiisu dhamaaday waxa uu bixinayaa $600 oo dheeraad oo guno todobaadkii ah oo uu siinayaa dadka qaata gunooyinka bilaa camalka laga bilaabo Maarso 29 - Julaay 25, 2020.
    • Waadaagida Shaqada (Guno Mudo Gaaban ah): Barnaamijkan waxaa lasiiyaa ganacsiyada taas oo ka baajinaya inay shaqaalaha fadhiisiiyaan. Waxa uu isticmaalaa qayb kamid ah kaabista UI ee mushaharka laga waayay cida loo shaqeeyo taas oo saacadihii ay shaqaynaysay loo yareeyay maadaama oo suuqu uu ka xumaaday ama waxyaabo kale oo ganacsi ay oo kahor yimid. Laga bilaabo Maarso 19- Diseember 26, 2020, dawlada federalku waxay dib ugu guday gobolada dhamaan gunooyinkii ay bixisay Work Share (Wadaagista Shaqadu) Hadii kale, gunooyinka Work Share waxaa laga maalgelin doonaa UI trust fund.
    • Kaalmada Mushahar La Waayay (Lost Wages Assistance, LWA): Barnaamijkan wakhtigiisu dhamaaday waxa uu bixiyaa $300 oo dheer todobaadkii oo guno ah oo uu siiyaa dadka aan shaqaynin ama shaqada uga tagay COVID-19 Julaay 26-Sebteember 5.
  3. Maxaa ku dhacay lacagtii cida loo shaqeeyo ee Oregon ee cashuurta mushaharka?

    CashuurtaSUTA ee mushaharka ee cida loo shaqeeya waxaa lagu wareejiyay UI Trust Fund ee Oregon ee Wasaarada Maaliyada Maraykanka. Lacagahan waxaa kaliya loo isticmaali karaa gunooyinka UI. Sharciga Oregon waxaa loo sameeyay nidaamka cashuurta UI si markaa Trust Fund ay u heli karo waxay ku shaqayso 18 bilood iyada oo bixinaysa gunooyinka UI wakhtigan dhaqaale burburka.

  4. Sidee ayuu nidaamka cashuuraadka maalgeliya UI Trust Fund u shaqeeyaa?

    Qaabka cashuuraha Oregon waxa weeye mid is dheelitira oo waxaanu leeyahay laba qaybood oo waawayn. Qaybta kowaad waxaa weeye dhaqaaqa u dhaxeeya sideed jadwalka oo cashuuro ah. Marka jadwalka cashuurtu ay is badasho, dhamaan cida loo shaqeeyaa waxay u wareegtaa jadwalkaas cashuurta ah.

    Qaybta labaad waxaa lagu ogaadaa inta cida loo shaqeeyaa lagu qoray xadiga cashuurta ee jadwalka. Xadiga cashuurta cida loo shaqeeyo oo shakhsi ahaaneed waxay ku xidhan tahay 'xadiga kharashka' ama xadiga gunooyinka, kaas oo cabira xadiga ay shaqaalahoodu ay ku helayaan gunooyinka UI.

    Marka la eegayo xadiga cashuurta 2021, mudada la isticmaalay waxaa weeye Julaay 1, 2017 ilaa Juun 30, 2020. Mudada la bixiyay waxa uu safmarka COVID-19 ka yahay kaliya 8% wakhtigan. Badanaa gunooyinka lagu bixiyay Oregon intii lagu jiray dhaqaale burburka waxaa maalgalisay dawlada federalka mana aha xadiga kharashka cida loo shaqeeyo lagu leeyahay.

  5. Miyay cid kasta oo loo shaqeeyaa bixisaa xadi cashuur ah oo isku mid ah?

    Maya. Xadiga cashuurta cida loo shaqeeyo ee gaarka ahi waxay ku xidhan tahay 'xadiga kharashka' cida loo shaqeeyo ama xadiga gunada.

    Xadiga gunada waxaa lagu ogaadaa iyada oo loo qaybinayo kharashka gunada UI ee cida loo shaqeeyo cashuurta mushaharka cida loo shaqeeyo.

    Cida loo shaqeeyo ee shaqaalaheedu qaadato xadi sare boqolkiiba ee UI marka loo eego cida loo shaqeeyo cashuurteeda mushaharka UI waxa dhici karta in cashuurtu ay ka badato.

    Waxaa taasi ay ku jirtaa qaacidada xaalada ee in sharciga Oregon uu uga baahan yahay Waaxda Shaqaalaha inay u isticmaasho ogaanshaha xadiga cashuurta mushaharka ee cida loo shaqeeyo sanadka soo socta. Sharciga federalka waxa uu uga baahan yahay dhamaan gobolada in ugu yaraan cida loo shaqeeyaa ay bixiso 5.4% cashuurta UI sanadkii. Oregon waxa ay kaliya leedahay boqolkiiba wax yar oo cida loo shaqeeyaa ay bixiso in intaas le'eg oo cida loo shaqeeyo ee Oregon ma bixiso wax ka badan 5.4%. 40 gobol ee kale, cida loo shaqeeyaa waxay bixisaa 5.4% wax ka badan waxaana uu bixiyaa hal gobol xadiga ugu badan oo ah 18.55%.

  6. Waxa aanu shaqada ka fadhiisiinay dad badan COVID-19 dartiis. Miyuu jiri doonaa korodh badan oo cashuurtaayada shaqaalaha ah dhaqaale burburka la xidhiidha COVID-19 dartiis?

    Dhaqaale burburkan waxa uu keeney in shaqaale badan laga fadhiisiiyo ganacsiyo badan oo dadka qaar loo shaqeeyaa waxay ka walaacsan yihiin inay arki doonaan korodh badan oo cashuurta mushaharka ah iyada oo aan awoodin. In kasta oo ay jirto shaqo la'aanta ugu badan ee abid soo marta Oregon, waxa aanu saadaalinaynaa in Oregon ay kaliya u wareegi doonto jadwalka cashuurta dhexe ee UI - jadwalka 4 - ee 2021. Waxa ay taasi ka timid qaacidada UI Trust Fund taas oo ay Oregon isticmaalaysay 45 sano ee lasoo dhaafay. Waxay ka saacidaysaa in Oregon ay sii shaqayso, oo waxay ka yarayn doontaa kharashka dheeradka ah cida loo shaqeeyo ee Oregon, inta lagu jiro Dhaqaale Burburka wayn oo waxayna ku socotaa dhabada inay shaqayso dhaqaale burburka wakhtigan.

    In kasta oo dhaqaale burburku uu saamayn way ku yeeshay dadka loo shaqeeyo wakhtigan, waxaa jira laba sababood oo aanu u saadaalinayno inay timaado korodh dhexe oo jadwalka cashuurta mushaharka Oregon ah. Ka kowaad, barnaamijyada gunada deeqda federalka lagama jarayo xisaabaadka cida loo shaqeeyo. Ta labaad, si loo ogaado xadiga cashuurta shaqaalaha, Waaxda Shaqaalaha ayaa ku samayn doonaa qiimayn sadex sano ah gunooyinka UI. Tani waxay ka dhigan tahay in dhaqaale burburkan kaliya uu noqon doono boqolkiiba sideed isugaynta wakhtiga loo isticmaalo in lagu ogaado xadiga cashuurta shaqaalaha 2021.

    Laga bilaabo Oktoobar 22, 2020, 21 gobol ayaa hore u amaahday wadarta $38.4 bilyan. Xadiga kharashka amaahdooda waxaa loo gudbiyay cida loo shaqeeyo oo waxaana la filanayaa inay mudo sii korodho. Xaaladu sidaas maaha Oregon. In kasta oo cida loo shaqeeyo ee ku nool gobolada kale ay arki doonto cashuurta UI oo dheeraad ah iyo kharashaad kale, cida loo shaqeeyo ee Oregon waxay badbaadsatay $685 milyan oo cashuurta mushaharka ah toban sano wax ka badan ribada ay heshey UI Trust Fund.

    OGGOW: Xadiyadan cashuurtu waa hordhac. Waaxda Shaqaalaha waxay u diri doontaa cida kasta oo loo shaqeeyo xadiga cashuurta, iyo sida loo xaraynayo ambiilka hadii ayna ku qancin xadiga, marka la joogo Noofember 13. Cida loo shaqeeyaa waa INAYNA noola soo xidhiidhin xadiga cashuurta shakhsi ahaaneed.

  7. Dadka loo shaqeeyaa waxay hore ula tacaalayaan saamaynta safmarka. Maxaanu dib ugu dhigi waynay kordhinta cashuurta shaqaalaha sanadka soo socda?

    Oregon waxay doonaysaa inay xaqiijiso in UI Trust Fund ay ku filnaato in lagu bixiyo gunooyinka UI hadii ay daahdo kasoo kabashada dhaqaale burburku. Waxaa kordhaya dib u dhaca is dheelitirka jadwalka cashuurta ama xadiga cashuurta cida loo shaqeeyo ee jadwalka dhaxdiisa, xataa hadii ay kaliya tahay hal sano, waxay:

    • Kordhinaysaa khatarta sii socodka UI Trust Fund
    • Kordhinaysaa khatarta cashuurta mushaharka federalka FUTA oo sareysa.

    Waxay tani horseedi kartaa jadwal cashuur sare oo sanadaha soo socda ah. Sababta kowaad ee UI Trust Fund ay usii shaqaynaysaa sanadba sanadka ka danbeeyaa waxaa weeye in aanaan raajin maalgelinta oo aanu qorshaha ku socono, qaacidada dheelitirka nafta ee sharciga ah.

  8. Maxaan uga baahanahay in aanu kayd u samaysano? Maxaan lacag usoo amaahan waynay sida gobolada kale?

    Hadii aanu usoo amaahano lacag si aanu ugu bixino gunooyinka UI, cida loo shaqeeyo waxaa ku kordhi kara kharashka amaahda marka laga tago cashuurta mushaharka. Dawlada federalku waxay yaraysay daynta cashuurta shaqaalaha Sharciga Cashuurta Bilaa Shaqada Federalka (Federal Unemployment Tax Act, FUTA) ee gobolada u baahan daynta si ay ugu bixiyaan gunooyinkooda. Yaraynta daynta cashuurta mushaharka ayaa korodho sanad kasta oo aan la biixn lacagta la amaahday iyada oo dhan. Tusaale ahaan, gobolada qaar iyo deegaanada qaar waxay weli bixinayaan dayntooda federalka ee ay qaateen Dhaqaale Burburkii Waynaa oo waxay qarka u saaran yihiin hoos u dhac daynta FUTA oo ah 3.7% 2020.

    Sidoo kale, marka Oregon UI Trust Fund ay kasoo kabato, waxa aan ka heleynaa ribo lacagahaas. 10 sano ee lasoo dhaafay, Trust Fund waxay doonaysay inay ku darto $685 milyan. Taas oo ka dhigan 20% korodh ah oo baaqiga UI Trust Fund 10 sano ee lasoo dhaafay oo laga heley ribada laga heley Trust Fund— oo aan ahayn cashuurta shaqaale ee cida loo shaqeeyo. Nidaamka cashuurta mushaharka Oregon, cida loo shaqeeyaa kaliya waxay bixiyaa 80 senti doolarkii gunada ee la bixinayo. Baaqiga u yaala Oregon dartiis ee nidaamka, waxaa kordhaysa ribada aanu heleyno, oo waxay horseedaysaa in la yareeyo cashuurta la doonayay in la qaado.

    Oregon waxay leedahay kayd wanaagsan, markaa Oregon cida ay u shaqeeyaan waxay bixin doonaan kaliya 80 senti doolarkii gunada loo bixinayo. Gobolada soo amaahda waxay ku danbeeyaan inay bixiyaan wax ka badan $1 doolar kasta oo guno ah oo la bixiyo.

  9. Waxa aan maqlay in kaydka gobolo badan ayna iskaga bixin karin. Miyay taasi ka dhacaysaa Oregon?

    UI Trust Fund ee Oregon waxay ka gudubtay Dhaqaale Burburkii Waynaa iyada oo aan kaydku gaadhin eber wax ka yar, in kasta oo ay bixisay gunooyinka UI ee ugu badan taariikhda gobolka. Isla wakhtigaas, 36 gobol ayaa dawlada federalka uga soo amaahday lacag gunooyinka UI si ay ugu bixiyaan. Goboladaasi waxaa la saaray ribo oo daynta federalkana waa laga yareeyay, taas oo keentay cashuur mushaharka oo sare iyo lacag dheeraad ah oo la saaro cida loo shaqeeyo.

    Maarso 2020, kahor intii aanu bilaabmin dhaqaale burburka COVID-19, UI Trust Fund ee Oregon waxa ay baaqigeedu ahaa $5.1 bilyan. Laga bilaabo Oktoobar 21, kaydkeenu waxa uu ahaa $4.1 bilyan. Kaydkaas wanaagsan waxa aanu haysanay iyada oo 21 gobol iyo deegaan ay ka amaahdeen $38.1 bilyan dawlada federalka si ay ugu bixiso gunooyinka UI*. Oregon may soo amaahan wax lacag ah oo mana filanayso inay soo amaahato.

  10. Waa maxay waxay Oregon UI Trust Fund si wanaagsan u qabatay ee ayna gobolada kale ayna u qaban?

    In kasta oo ay jiraan shuruudo federal ah oo gobolka oo dhan ah oo ay tahay in la raaco UI Trust Fund, gobolada waxay leeyihiin dabacsanan yar oo sida ay u qaabaynayaan ah cashuurahooda. UI Trust Fund-teedu waxay u wanaagsanaatay nidaamka loo isticmaalay deeqdeena. 1975, Sharci Dejinta Gobolka Oregon waxay kala shaqeeyaan ganacsiyada iyo kooxaha shaqaalaha sidii ay ugu samayn lahaayeen wax ka badal wayn oo nidaamka cashuuraha Qaabkan waxa uu ku salaysnaa nidaamka maanta la isticmaalo.

    Intii lagu jiray wakhtiyada dhaqaalaha adag, jadwalka cashuurta ayaa kordhay si markaa aanu u kordhin karno UI Trust Fund. Markii aanu gaadhnay heer adag, jadwalka cashuurta ayaa bilaabay inuu hoos u dhaco. Sidoo kale, xadiga cashuurta cid kasta oo loo shaqeeyaa ayaa la habeeyay taas oo ku salaysan xadiga cida loo shaqeeyo ee funada UI ee la heley.

  11. Sidee ayay gunooyinka UI wax ugu taraan bulshada?

    Marka laga tago siinta taageerada dhaqaale ee shaqaalaha shaqada laga fadhiisiiyay, lacagtu waxay ka caawisaa bulshada iyada oo xaqiijinaysa in lacagtu socoto dhaqaalaha bulshada inta lagu jiro mudada dhaqaaluhu hoos u dhaco. Inta lagu jiro dhaqaale burburka, UI Trust Fund Oregon waxa ay bixisay $1.7 bilyan oo gunooyinka UI ah laga bilaabo Abriil-Sebteember 2020. Tani waxa ay laba jeer ka badan tahay gunooyina caadiga ah ee UI ee la bixiyay lix bilood oo Dhaqaale Burburkii Waynaa ahaa.

    Xadiga cashuurta wakhtigan waxaa laga heli karaa halkan.​